Yashuuca 13 ~ ﻳﺸﻮﻉ 13

picture

1 Y ashuuca waa da' weynaa, gaboowna wuu la dhacay, oo kolkaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Adigu waad da' weyn tahay oo gaboowna waad la dhacday, laakiinse weliba waxaa hadhay dal badan in la hantiyo.

وَكَبِرَ يَشُوعُ فِي السِّنِّ، فَقالَ اللهُ لَهُ: «قَدْ صِرْتَ كَبِيراً جِدّاً فِي السِّنِّ، وَما تَزالُ هُناكَ أرْضٌ كَبِيرَةٌ لِلامتِلاكِ.

2 O o dalka weli hadhay waxa weeye kan: gobollada reer Falastiin oo dhan iyo reer Geshuur oo dhan,

هَذِهِ هِيَ الأرْضُ الَّتِي بَقِيَتْ: جَمِيعُ مَناطِقِ الفِلِسطِيِّينَ وَمَناطِقِ الجَشُورِيِّينَ،

3 t an iyo Shiixoorta ku taal Masar horteeda, iyo xataa tan iyo soohdinta Ceqroon ee xagga woqooyi, ee loo tiriyo reer Kancaan, iyo shanta amiir ee reer Falastiin oo u taliya reer Gaasa, iyo reer Ashdood, iyo reer Ashqeloon, iyo reer Gad, iyo reer Ceqroon,

مِنْ نَهْرِ شِيحُورَ شَرقِيَّ مِصْرَ إلَى حُدُودِ عَقْرُونَ فِي الشَّمالِ. وَهَذِهِ تُعْتَبَرُ أرْضَ الكَنْعانِيِّينَ، وَأرْضَ حُكّامِ الفِلِسْطِيِّينَ الخَمسَةِ الَّذِينَ فِي غَزَّةَ وَأشْدُودَ وَأشْقَلُونَ وَجَتَّ وَعَقْرُونَ. وَكَذَلِكَ مِنْطَقَةِ العَوِّيِّينَ،

4 i yo xataa reer Caw oo xagga koonfureed xiga, iyo dalka reer Kancaan oo dhan, iyo Mecaaraah tan ay reer Siidoon leeyihiin, iyo ilaa Afeeq, iyo tan iyo soohdinta reer Amor,

فِي الجَنُوبِ، وَأرْضَ الكَنعانِيِّينَ وَمُغارَةَ الَّتِي لِلصَّيدُونِيِّينَ حَتَّى أفِيقَ، إلَى حُدُودِ الأمُورِيِّينَ،

5 i yo dalka reer Gebal iyo Lubnaan oo dhan, xagga qorrax ka soo baxa, inta laga bilaabo Bacal Gaad tan ku taal Buur Xermoon hoosteeda, iyo tan iyo meesha laga galo Xamaad.

وَأرْضَ الجِبلِيِّينَ، وَكُلَّ لُبنانَ نَحْوَ الشَّرقِ مِنْ بَعلِ جادَ أسفَلَ جَبَلِ حَرْمُونَ إلَى لِيبُو حَماةَ.

6 D adka deggan dalka buuraha leh oo dhan, tan iyo Lubnaan iyo ilaa Misrefood Mayim, iyo xataa reer Siidoon oo dhan kulligood waxaan ka eryi doonaa reer binu Israa'iil hortooda; laakiinse waa inaad dhaxal ahaan ugu qori riddaa reer binu Israa'iil sidaan kugu amray.

«أمَّا الصَّيدُونِيُّونَ السّاكِنُونَ فِي المِنطَقَةِ الجَبَلِيَّةِ مِنْ لُبْنانَ إلَى مِسْرَفُوتَ مايِمَ، فَإنِّي سَأطرُدُهُمْ مِنْ أمامِ بَنِي إسْرائِيلَ. لَكِنْ عَلَيكَ أنْ تُقَسِّمَ الأرْضَ لِبَنِي إسْرائِيلَ مُلكاً لَهُمْ كَما أمَرْتُكَ.

7 H addaba dalkan dhaxal ahaan ugu qaybi sagaalka qabiil iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, Kala Qaybintii Dhulka Xagga Bariga Ee Webi Urdun

وَالآنَ، قَسِّمْ هَذِهِ الأرْضَ مُلْكاً بَينَ القَبائِلِ التِّسعِ وَنِصْفِ قَبِيلَةِ مَنَسَّى.» تَقسِيمُ الأرْض

8 K uwaasoo ay reer Ruubeen iyo reer Gaadba la heleen dhaxalkoodii uu Muuse ka siiyey xagga bari oo Webi Urdun ka shishaysa, xataa sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa uu u siiyey iyaga,

نالَ نِصْفُ قَبِيلَةِ مَنَسَّى وَالرَأُوبَيْنِيُّونَ وَالجادِيُّونَ مِيراثَهُمُ الَّذِي أعطاهُ مُوسَى لَهُمْ عَلَى الجِهَةِ الشَّرقِيَّةِ مِنْ نَهرِ الأُردُنِّ، كَما أعطاهُمْ مُوسَى خادِمُ اللهِ.

9 t an iyo Carooceer oo ku taal dooxadii Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo banka Meedebaa oo dhan iyo xataa tan iyo Diibon,

مِنْ عَرُوعِيرَ الَّتِي عَلَى حافَّةِ وادِي أرنُونَ، وَالمَدِينَةِ الَّتِي فِي وَسَطِ الوادِي وَكُلِّ هَضَبَةِ مِيدَبا إلَى دِيبُونَ،

10 i yo dhammaan magaalooyinkii Siixon oo boqor u ahaa reer Amor uu ku xukumi jiray Xeshboon, tan iyo soohdinta reer Cammoon,

وَكُلِّ مُدُنِ سِيحُونَ مَلِكِ الأمُورِيِّينَ الَّذِي حَكَمَ فِي حَشْبُونَ إلَى حُدُودِ أرْضِ العَمُّونِيِّينَ،

11 i yo Gilecaad, iyo soohdinta reer Geshuur, iyo reer Macakaad, iyo Buur Xermoon oo dhan, iyo Baashaan oo dhan iyo ilaa Salkaah,

وَجِلعادَ وَأرْضِ الجَشُورِيِّينَ وَالمَعْكِيِّينَ، وَكُلِّ جَبَلِ حَرْمُونَ وَكُلِّ باشانَ إلَى سَلْخَةَ،

12 i yo boqortooyadii Baashaan ku tiil oo dhan oo Coog ka xukumi jiray Cashtarod iyo Edrecii (Isagu wuxuu ka hadhay reer Rafaa), waayo, kuwaas waxaa laayay Muuse, wuuna eryay.

أي كُلِّ مَملَكَةِ عُوجَ فِي باشانَ الَّذِي حَكَمَ فِي عَشْتارُوثَ وَإذْرِعِي، وَهوَ مِنْ آخِرِ مَنْ بَقِيَ مِنَ الرَّفائِيِّينَ. فَقَدْ هَزَمَهُمْ مُوسَى وَأخَذَ أرْضَهُمْ.

13 H abase yeeshee reer binu Israa'iil ma ay eryin reer Geshuur iyo reer Macakaad toona; laakiinse reer Geshuur iyo reer Macakaad waxay dhex deggan yihiin reer binu Israa'iil ilaa maantadan la joogo.

وَلَكِنَّ بَنِي إسْرائِيلَ لَمْ يَطرُدُوا الجَشُورِيِّينَ وَالمَعْكِيِّينَ، فِسَكَنَ الجَشُورِيُّونَ وَالمَعْكِيُّونَ فِي وَسَطِ إسْرائِيلَ إلَى هَذا اليَومِ.

14 O o waxaanu dhaxal siin qabiilkii reer Laawi oo keliya. Sidii Rabbigu kula hadlay isaga, waxaa dhaxal u ahaa qurbaannada loo bixiyo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

لَكِنْ لَمْ يُعطِ مُوسَى مِيراثاً لِعَشِيرَةِ لاوِي، فَتَقدِماتُ اللهِ ، إلَهِ إسْرائِيلَ، هِيَ مِيراثُهُمْ كَما وَعَدَهُمْ.

15 O o Muuse wuxuu reer Ruubeen qabiilkoodii wax u siiyey sidii reerahoodu ahaayeen.

وَأعطَى مُوسَى الأرْضَ لِعَشِيرَةِ الرَأُوبَيْنِيِّينَ بِحَسَبِ عَشائِرِهِمْ

16 O o xuduudkoodu wuxuu ka bilaaban jiray Carooceer taas oo ku taal dooxada Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo kulli banka Meedebaa u dhow oo dhan,

وَكانَتْ أرْضُهُمْ مِنْ عَرُوعِيرَ الَّتِي عَلَى حافَّةِ وادِي أرنُونَ، وَالمَدِينَةِ الَّتِي فِي وَسَطِ الوادِي، وَكُلِّ هَضَبَةِ مِيدَبا،

17 i yo Xeshboon, iyo kulli magaalooyinkeeda banka ku yaal oo dhan, kuwaasoo ah, Diibon iyo Baamood Bacal, iyo Beyd Bacal Mecoon,

مَعَ حَشْبُونَ وَكُلِّ قُراها الَّتِي عَلَى الهَضَبَةِ وَدِيبُونَ وَبامُوتَ بَعلٍ وَبَيتَ بَعلِ مَعُونَ،

18 i yo Yahas, iyo Qedemood, iyo Mefacad,

وَياهَصَ وَقَدِيمُوتَ وَمَيفَعَةَ،

19 i yo Qiryatayim, iyo Sibmaah, iyo Sered Shahar oo ku taal buurta dooxada,

وَقَرْيَتايِمَ وَسِبْمَةَ وَصارَثَ شَحْرَ عَلَى تَلَّةِ الوادِي،

20 i yo Beytfecoor, iyo dhaadhacyadii Fisgaah, iyo Beytyeshimood,

وَبَيتِ فَغُورَ وَمُنحَدَراتِ الفِسْجَةِ وَبَيتِ يَشِيمُوتَ.

21 i yo kulli magaalooyinkii banka oo dhan, iyo boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa boqortooyadiisii oo dhan, kaas oo xukumi jiray Xeshboon, oo Muuse la dilay madaxdii reer Midyaan, kuwaasoo ahaa Ewii, iyo Reqem, iyo Suur, iyo Xuur, iyo Rebac, oo ahaa amiirradii Siixon oo dalkaas degganaa.

أي كُلِّ مُدُنِ الهَضَبَةِ وَمَملَكَةِ المَلِكِ سِيحُونَ مَلِكِ الأمُورِيَّينَ الَّذِي حَكَمَ فِي حَشْبُونَ، الَّذِي هَزَمَهُ مُوسَى مَعَ قادَةِ مِدْيانَ: أُوِي وَراقَمَ وَصُورَ وَحُورَ وَرابِعَ، رُؤَساءِ سِيحُونَ الَّذِينَ سَكَنُوا فِي تِلكَ الأرْضِ.

22 W eliba faaliyaha Balcaam oo ahaa ina Becoor ayay reer binu Israa'iil seef kula dileen dadkii kaloo ay laayeen.

وَمِنْ بَينْ الَّذِينَ قَتَلَهُمْ بَنُو إسْرائِيلَ، العَرّافُ بَلعامَ بْنُ بَعُورَ.

23 R eer Ruubeen dalkooduna wuxuu ahaa Urdun, iyo inta soohdintiisa ah oo dhan. Kanu waa dhaxalkii reer Ruubeen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodiiba.

وَكانَ نَهْرُ الأُردُنِّ وَضِفافُهُ حَدَّ أرْضِ الرَأُوبَيْنِيِّينَ الغَرْبِيَّ. هَذا هوَ مِيراثُ الرَأُوبَيْنِيِّينَ بِحَسَبِ عَشائِرِهِمْ، المُدُنُ وَقُراها.

24 O o Muuse wax buu siiyey qabiilkii reer Gaad, oo wuxuu wax u siiyey reer Gaad sidii reerahoodu ahaayeen.

وَأعطَى مُوسَى الأرْضَ لِلجادِيِّينَ أيضاً بِحَسَبِ عَشائِرِهِمْ.

25 O o xuduudkooduna wuxuu ka koobnaa Yacser, iyo magaalooyinkii Gilecaad oo dhan, iyo dalkii reer Cammoon badhkiis, iyo tan iyo Carooceer oo ku hor taal Rabbaah,

وَكانَتْ أرْضُهُمْ يَعْزِيرَ وَكُلَّ مُدُنِ جِلْعادَ وَنِصْفَ أرْضِ العَمُّونِيِّينَ إلَى عَرُوعِيرَ الواقِعَةِ إلَى الشَّرقِ مِنْ رِبَّةَ،

26 i yo ilaa Xeshboon iyo tan iyo Raamad-misfaah, iyo Betoniim, iyo tan iyo Maxanayim iyo ilaa soohdinta Debiir,

وَمِنْ حَشْبُونَ إلَى رامَةِ المِصْفاةِ وَبُطُونِيمَ، وَمِنْ مَحَنايِمَ إلَى حَدِّ دَبِيرَ.

27 i yo kuwii dooxadii ku dhex yiil oo ahaa Beytaaraam, iyo Beytnimraah, iyo Sukod, iyo Saafoon oo ahaa boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa boqortooyadiisii intii ka hadhay, iyo Urdun iyo soohdintiisii, iyo meesha ugu fog badda Kinnered ee ka shishaysa Webi Urdun ee xagga bari ka xigta.

وَفِي الوادِي بَيتَ هارامَ وَبَيتَ نِمْرَةَ وَسُكُّوتَ وَصافُونَ، أي بَقِيَّةَ مَملَكَةِ سِيحُونَ مَلِكِ حَشْبُونَ، الِّتِي يَحُدُّها نَهْرُ الأُردُنِّ وَضِفافُهُ إلَى حافَّةِ بُحَيرَةِ الجَلِيلِ، شَرقِيَّ نَهْرِ الأُردُنِّ.

28 K anu waa dhaxalkii ay reer Gaad u heleen sidii reerahoodu ahaayeen iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodii.

هَذا هوَ مِيراثُ الجادِيِّينَ بِعَشائِرِهِمْ وَمُدُنِهِمْ وَقُراهُمِ.

29 O o Muusena wuxuu dhaxal siiyey qabiilkii reer Manaseh badhkiis. Wuxuu u ahaa qabiilkii reer Manaseh badhkiis sidii reerahoodu ahaayeen.

وَأعطَى مُوسَى الأرْضَ لِنِصْفِ قَبِيلَةِ مَنَسَّى، فَوُزِّعَتِ الحِصَصُ بِحَسَبِ عَشائِرِهِمْ.

30 O o xuduudkoodu wuxuu ka koobnaa Maxanayim, iyo Baashaan oo dhan, iyo boqorkii Baashaan oo Coog ahaa boqortooyadiisii oo dhan, iyo magaalooyinkii Yaa'iir oo Baashaan ku yiil oo dhan, kuwaasoo ahaa lixdan magaalo;

وَكانَتْ أرْضُهُمْ تَمْتَدُّ مِنْ مَحَنايِمَ، وَتَشْمَلُ كُلَّ مَملَكَةِ المَلِكِ عُوجَ مَلِكِ باشانَ وَكُلَّ مَساكِنِ يائِيرَ فِي باشانَ، وَعَدَدُها سِتُّونَ مَدِينَةً.

31 i yo Gilecaad badhkeed, iyo Cashtarod, iyo Edrecii, kuwaas oo ahaa magaalooyinkii boqortooyadii Coog oo Baashaan ku yiil, waxaa la siiyey reer Maakiir kaasoo ahaa ina Manaseh, oo waxaa loo siiyey reer Maakiir badhkood sidii reerahoodu ahaayeen.

وَكَذَلِكَ نِصْفَ جِلعادَ وَعَشْتارُوثَ وَإذْرَعِي مُدُنَ مَملَكَةِ عُوجَ فِي باشانَ. أعطيت كُلُّ هَذِهِ الأرْضُ لِنِصْفِ قَبِيلَةِ مَنَسَّى، لِبَنِي ماكِيرَ بْنِ مَنَسَّى بِحَسَبِ عَشائِرِهِمْ.

32 K uwanu waa dhaxalkii Muuse ku qaybiyey banaankii Moo'aab, oo ka shisheeya Webi Urdun, meel u dhow Yerixoo, oo xagga bari ka xigta.

هَذِهِ هِيَ الأرْضُ، الَّتِي أعطاها مُوسَى مُلكاً، فِي سُهُولِ مُوآبَ إلَى الشَّرقِ مِنْ نَهْرِ الأُردُنِّ مُقابِلَ أرِيحا.

33 L aakiinse qabiilkii reer Laawi Muuse dhaxal ma uu siin. Waxaa dhaxal u ah Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu kula hadlay iyaga.

لَكِنَّ مُوسَى لَمْ يُعطِ مِيراثاً لِعَشِيرَةِ لاوِي، فَاللهُ ، إلَهُ إسْرائِيلَ، هوَ مِيراثُهُمْ كَما وَعَدَهُمْ.