1 O o haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid oo wuxuu igu yidhi,
وَكَلَّمَنِي اللهُ بِهَذِهِ الرِّسالَةِ:
2 N aag ha guursan, oo wiilal iyo gabdho toona meeshan ha ku yeelan.
«لا تَتَزَوَّجْ، وَلا يَكُنْ لَكَ أولادٌ وَبَناتٌ فِي هَذا المَكانِ.»
3 W aayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay wiilasha iyo gabdhaha meeshan ku dhalan doona, iyo hooyooyinka iyaga dhali doona, iyo aabbayaasha iyaga dalkan ku dhex dhali doonaba,
لأنَّ هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ اللهُ عَنِ الأولادِ وَالبَناتِ الَّذِينَ يُولَدُونَ فِي هَذا المَكانِ، وَعَنْ أُمَّهاتِهِمِ اللَّواتِي يَحمِلْنَهُمْ فِي بُطُونِهِنَّ، وَعَنْ آبائِهِمِ الَّذِينَ يَلِدُونَهُمْ فِي هَذِهِ الأرْضِ:
4 W axay u dhiman doonaan dhimasho xun, oo looma barooran doono, lamana xabaali doono, laakiinse sidii digo dhulka daadsan oo kale ayay noqon doonaan, oo waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo baqtigooduna cunto buu u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulkaba.
«سَيَمُوتُونَ بِأمراضٍ كَثِيرَةٍ. وَلَنْ يَنُوحَ عَلَيهِمْ أوْ يَدفِنَهُمْ أحَدٌ. سَيَصِيرُونَ كَالرَّوثِ عَلَى سَطحِ الأرْضِ، وَسَيَمُوتُونَ فِي الحَربِ وَالمَجاعَةِ. سَتَكُونُ أجسادُهُمْ طَعاماً لِطُيُورِ السَّماءِ، وَللحَيواناتِ البَرِّيَةِ.»
5 W aayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Gurigii tacsiyu taal ha gelin, iyaga ha u barooran, hana u tacsiyayn, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan nabaddaydii waan ka fogeeyey iyo xataa raxmad iyo naxariisba.
لأنَّ هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ اللهُ: «لا تَدخُلْ بَيتَ الجَنازَةِ، وَلا تَذهَبْ إلَى بَيتِ النَّوحِ. لا تَحزَنْ لأجلِهِمْ، لأنِّي نَزَعتُ سَلامِي وَمَحَبَّتِي وَرَحمَتِي مِنْ هَذا الشَّعبِ،» يَقُولُ اللهُ.
6 O o kuwa waaweyn iyo kuwa yaryaruba dalkanay ku dhex dhiman doonaan. Lama xabaali doono, loomana barooran doono, laysumana googooyn doono, oo iyaga aawadoodna laysuma xiiri doono.
«سَيَمُوتُ العُظَماءُ وَالصِّغارُ فِي هَذِهِ الأرْضِ. لَنْ يُدفَنُوا وَلَنْ يَنُوحَ أحَدٌ عَلَيهِمْ. لَنْ يُجَرِّحَ أحَدٌ نَفسَهُ أوْ يَحلِقَ شَعرَهُ حُزْناً عَلَيهِمْ.
7 O o ciduna iyaga uma jejebin doonto kibistii axanka inay uga tacsiyeeyaan kii dhintay, oo ciduna iyaga ma siin doonto koobkii tacsida inay aabbahood ama hooyadood u cabbaan.
لَنْ يُشارِكَ النّاسُ الطَّعامَ مَعَهُمْ فِي حُزنِهِمْ لِلتَّعاطُفِ مَعَهُمْ عَلَى مَنْ ماتَ، وَلَنْ يُقَدِّمَ النّاسُ لَهُمْ ماءً لِيُعَزُّوهُمْ عَنْ مَوتِ أبِيهِمْ وَأُمِّهِمْ.
8 O o weliba waa inaadan innaba u gelin gurigii diyaafadu taal inaad iyaga la fadhiisatid oo aad wax la cuntid, waxna la cabtid.
«لا تَدخُلْ يا إرْمِيا إلَى مَكانِ الاحتِفالِ لِتَجلِسَ مَعَ الَّذِينَ هُناكَ لِتَأكُلَ وَتَشرَبَ مَعَهُمْ.
9 W aayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, indhahaaga hortooda iyo wakhtiga aad nooshahay qudhiisa waxaan meeshan ka joojin doonaa codka rayraynta iyo codka farxadda, iyo codka arooska iyo codka aroosaddaba.
لأنَّ هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ اللهُ القَدِيرُ، إلَهُ إسْرائِيلَ: فِي فَترَةِ حَياتِكُمْ، سَأُزِيلُ مِنْ هَذا المَكانِ صَوتَ الغِناءِ وَصَوتَ الاحتِفالاتِ وَصَوتَ الفَرَحِ فِي الأعْراسِ.
10 O o markaad dadkan u sheegtid erayadan oo dhan oo ay kugu yidhaahdaan, Bal maxaa Rabbigu noogaga hadlay masiibadan weyn? Amase waa maxay xumaantayadu? Amase waa maxay dembigii aannu Rabbiga Ilaahayaga ah ku samaynay?
«وَعِندَما تُخبِرُ هَذا الشَّعبَ بِهَذِهِ الكَلِماتِ سَيَقُولُونَ لَكَ: ‹لِماذا أعلَنَ اللهُ أنَّ هَذا الشَّرَّ العَظيمَ سَيُصيبَنا؟ ما هُوَ إثمُنا؟ وَما هِيَ الخَطِيَّةُ الَّتِي ارتَكَبْناها تُجاهَ إلَهِنا ؟›
11 m arkaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin way iga tageen, oo waxay daba galeen ilaahyo kale, wayna u adeegeen oo caabudeen, oo anigana way iga tageen, oo sharcigaygiina ma ay dhawrin,
تَقُولُ لَهُمْ: ‹لأنَّ آباءَكُمْ تَرَكُونِي، يَقُولُ اللهُ. سارُوا وَراءَ آلِهَةٍ أُخْرَى، خَدَمُوها وَعَبَدُوها، وَتَرَكُونِي، وَلَمْ يَحفَظُوا شَرِيعَتِي.
12 o o idinkuna waxaad samayseen shar ka sii daran kii ay awowayaashiin sameeyeen, waayo, bal eega, midkiin kastaaba wuxuu daba socdaa caasinimada qalbigiisa sharka ah, anigana ma aydaan maqlin.
وَأنتُمْ عَمِلتُمْ شَرّاً أكثَرَ مِنْ آبائِكُمْ، وَكُلُّ واحِدٍ مِنكُمْ يَتبَعُ قَلبَهُ الشِّرِّيرَ بِعِنادٍ بَدَلاً مِنَ الاستِماعِ لِي.
13 O o sidaas daraaddeed dalkan waan idinka xoori doonaa oo waxaan idinku dhex tuuri doonaa dal aydaan aqoonin idinka iyo awowayaashiin toona, oo halkaasaad ilaahyo kale ugu adeegi doontaan habeen iyo maalinba, oo aniguna innaba raalli idinkama ahaan doono.
لِذَلِكَ سَأرمِيكُمْ خارِجَ هَذِهِ الأرْضِ إلَى أرْضٍ غَريبَةٍ عَلَيكُمْ وَعَلَى آبائِكُمْ. وَسَتَخدِمُونَ آلِهَةً أُخْرَى هُناكَ لَيلاً وَنَهاراً، لأنِّي لَنْ أرحَمَكُمْ.›»
14 S idaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa soo socda wakhti aan mar dambe la odhan doonin, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bixiyey,
«لِذَلِكَ سَتَأتِي أيّامٌ، يَقُولُ اللهُ ، حِينَ لا يَعُودُ النّاسُ يَقُولُونَ: ‹أُقسِمُ بِاللهِ الحَيِّ الَّذِي أصعَدَ إسْرائِيلَ مِنْ أرْضِ مِصرَ.›
15 l aakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii woqooyi iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan. Oo aniguna waxaan iyaga mar kale ku soo celin doonaa dalkoodii aan awowayaashood siiyey.
بَلْ سَيَقُولُونَ: ‹أُقسِمُ بِاللهِ الحَيِّ الَّذِي أخرَجَ إسْرائِيلَ مِنْ أرْضِ الشَّمالِ، مِنْ كُلِّ الأماكِنِ الَّتِي طَرَدَهُمْ إلَيها.› وَسَأُعِيدُهُمْ إلَى الأرْضِ الَّتِي أعطَيتُها لآبائِهِمْ.»
16 R abbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga u soo diri doonaa kalluumaystayaal badan oo iyana way soo qabsan doonaan, oo haddana waxaan u soo diri doonaa ugaadhsadayaal badan, oo iyana way ka ugaadhsan doonaan buur kasta, iyo kur kasta, iyo boholaha dhagaxyada oo dhan.
يَقُولُ اللهُ: «سَأُرسِلُ صَيّادِينَ كَثِيرِينَ، فَسَيَصطادُونَهُمْ. وَبَعدَ ذَلِكَ سَأُرسِلُ قانِصِينَ كَثِيرِينَ وَسَيَصطادُونَكُمْ عَلَى كُلِّ تَلَّةٍ وَفِي كُلِّ شَقٍّ فِي الصُّخُورِ،
17 W aayo, jidadkooda oo dhan indhahaan ku hayaa, oo igamana ay qarsoona, xumaantooduna kama ay daboolna indhahayga.
لأنِّي أُراقِبُ لأرَى كَيفَ يَتَصَرَّفُونَ. طُرُقُهُمْ لَيسَتْ مَستُورَةً عَنِّي، وَإثمُهُمْ لَيسَ مَخفِيّاً عَنْ عَينَيَّ.
18 M arka ugu horraysa waxaan laba jibbaar uga abaalmarin doonaa xumaantoodii iyo dembigoodii, maxaa yeelay, dalkaygii waxay ku nijaaseeyeen bakhtiyada sanamyadoodii la nacay, oo dhaxalkaygiina waxay ka buuxiyeen karaahiyadooda.
سَأُعاقِبُهُمْ عَلَى إثمِهِمْ وَخَطِيَّتِهِمْ عِقاباً مُضاعَفاً. فقَدْ نَجَّسُوا أرْضِي بِأصنامِهِمِ القَذِرَةِ، وَمَلأُوا مِيراثِي بِمَفاسِدِهِم.»
19 R abbiyow, xooggaygii, iyo qalcaddaydii, iyo magangalkaygii aan maalinta dhibaatada magangalow, quruumuhu way kaaga iman doonaan dhulka darafyadiisa ugu shisheeya, oo waxay odhan doonaan, Sida xaqiiqada ah awowayaashayo waxba ma dhaxlin been, iyo wax aan waxtar lahayn, iyo waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn mooyaane.
يا اللهُ ، قُوَّتِي وَحِصنِي، وَمَلْجَأِي فِي وَقتِ الضِّيقِ. سَتَأتِي الأُمَمُ إلَيكَ مِنْ أقاصِي الأرْضِ، وَيَقُولُونَ: «آباؤُنا وَرَثُوا هَذِهِ الأوَثانِ التّافِهَةَ وَغَيرَ النّافِعَةِ.»
20 B al nin miyuu samaysan karaa ilaahyo aan Ilaah ahayn?
هَلْ يَصنَعُ الإنسانُ آلِهَةً لِنَفسِهِ، وَلَكِنَّها لَيسَتْ آلِهَةٌ؟
21 S idaas daraaddeed bal ogaada, waxaan iyaga ogeysiin doonaa gacantayda iyo xooggayga, markan keliya ayaan ogeysiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan in magacaygu Rabbi yahay.
«لِذَلِكَ سَأُعَلِّمُهُمْ فِي ذَلِكَ الوَقتِ. وَسَأُعلِنُ لَهُمْ عَنْ قُوَّتِي وَقُدرَتِي، وَسَيَعرِفُونَ أنَّ اسْمِي هُوَ يهوه.»