Bilowgii 24 ~ ﺗﻜﻮﻳﻦ 24

picture

1 I braahimna waa da' weynaa, gabow buuna la dhacay. Rabbiguna Ibraahim buu ku barakeeyey wax walba.

وَشاخَ إبْراهِيمُ، وَتَقَدَّمَ بِهِ العُمرُ. وَبارَكَهُ اللهُ فِي كُلِّ شَيْءٍ.

2 O o Ibraahim, wuxuu ku yidhi addoonkiisii oo dadka gurigiisa ugu weynaa, oo u talin jiray wixii uu lahaa oo dhan, Waan ku baryayaaye gacantaada bowdadayda hoos dhig.

وَقالَ إبْراهِيمُ لِكَبيرِ خَدَمِ بَيتِهِ، المُشرِفِ عَلَى كُلِّ أملاكِهِ: «ضَعْ يَدَكَ تَحْتَ فَخْذِي.

3 O o waxaan kugu dhaarin doonaa Rabbiga ah Ilaaha samada iyo Ilaaha dhulka inaadan wiilkayga naag uga guurinayn gabdhaha reer Kancaanka aan dhex degganahay:

احلِفْ لِي بِإلَهِ السَّماءِ وَالأرْضِ، أنَّكَ لَنْ تَأْخُذَ لابْنِي زَوْجَةً مِنْ بَناتِ الكَنْعانِيِّينَ الَّذِينَ أسْكُنُ بَينَهُمْ.

4 l aakiin waxaad u kacdaa dalkaygii iyo xigaalkaygii, oo waxaad naag uga keentaa wiilkayga Isxaaq.

عِدْنِي بِأنَّكَ سَتَذْهَبُ إلَى أرْضِي وَأقرِبائِي، وَأنَّكَ سَتَأْخُذُ مِنْ هُناكَ زَوْجَةً لابْنِي إسْحاقَ.»

5 A ddoonkiina wuxuu ku yidhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu oggolaan inay ii soo raacdo dalkan; ma inaan wiilkaaga ku celiyo dalkii aad ka timid baa?

فَقالَ لَهُ الخادِمُ: «فَماذا إذا لَمْ تَرْضَ المَرْأةُ بِأنْ تَأْتِيَ مَعِي إلَى هَذِهِ الأرْضِ؟ فَهَلْ آخُذُ ابْنَكَ إلَى الأرْضِ الَّتِي تَرَكْتَها؟»

6 I braahimna wuxuu ku yidhi isagii, Iska jir oo wiilkayga meeshaas ha ku celin.

فَقالَ لَهُ إبْراهِيمُ: «إيّاكَ أنْ تُعِيدَ ابْنِي إلَى هُناكَ.

7 R abbiga Ilaaha samada ah, oo iga soo kaxeeyey gurigii aabbahay iyo dalkaygii aan ku dhashay, oo ila hadlay, iiguna dhaartay, isagoo leh, Farcankaaga ayaan dalkan siinayaa, ayaa malaa'igtiisa kaa sii hor diri doona, wiilkaygana naag baad halkaas uga soo guurin doontaa.

فَإلَهُ السَّماءِ، أخرَجَنِي مِنْ بَيتِ أبِي وَأرْضِ أقْرِبائِي. وَقَدْ كَلَّمَنِي وَقَطَعَ لِي عَهْداً فَقالَ: ‹سَأُعطِي هَذِهِ الأرْضَ لِنَسلِكَ.› وَهُوَ الَّذِي سَيُرْسِلُ مَلاكَهُ أمامَكَ لِيُعِينَكَ عَلَى أنْ تَأْخُذَ زَوْجَةً لابْنِي مِنْ هُناكَ.

8 H addii naagtu aanay oggolaan inay ku soo raacdo, markaas dhaartaydan waxba kaa ma saarna, laakiin wiilkayga halkaas ha ku celin.

أمّا إذا لَمْ تَرْضَ المَرأةُ بِأنْ تَأْتِيَ مَعَكَ، فَأنْتَ فِي حِلٍّ مِنْ وَعْدِكَ هَذا لِي. لَكِنْ إيّاكَ أنْ تُعِيدَ ابْنِيَ إلَى هُناكَ.»

9 A ddoonkii wuxuu gacantiisii hoos dhigay bowdadii sayidkiisii Ibraahim, wuxuuna ugu dhaartay wax arrintan ku saabsan.

فَوَضَعَ الخادِمُ يَدَهُ تَحْتَ فَخذِ إبْراهِيمَ وَحَلَفَ لَهُ فِي هَذا الأمْرِ.

10 A ddoonkiina wuxuu kaxeeyey toban awr, oo ka mid ah awrtii sayidkiisa, wuuna tegey, isagoo gacantiisa ku haya waxyaalihii sayidkiisa oo wanaagsanaa oo dhan, oo intuu kacay ayuu tegey Mesobotamiya, xagga magaalada Naaxoor.

ثُمَّ أخَذَ الخادِمُ عَشْرَةً مِنْ جِمالِ سَيِّدِهِ، وَغادَرَ المَكانَ مُحَمَّلاً بِكُلِّ أنواعِ الهَدايا مِنْ سَيِّدِهِ. ثُمَّ سارَ إلَى أراضِي ما بَينَ النَّهْرَينِ، إلَى مَدِينَةِ ناحُورَ.

11 A wrtiina wuxuu tu'iyey meel magaalada dibaddeeda ah oo ceelka biyaha agtiisa ah kolkay galabtii ahayd, marka dumarku biyo dhaansiga u soo baxaan.

وَأناخَ الجِمالَ خارِجَ المَدِينَةِ عِنْدَ النَّبْعِ. وَكانَ الوَقْتُ مَساءً عِنْدَما خَرَجَتِ النِّساءُ لِيَسْتَقِينَ ماءً.

12 O o wuxuu yidhi, Rabbiyow, sayidkayga Ibraahim Ilaahiisow, waan ku baryayaaye, maanta i liibaani, sayidkayga Ibraahimna u roonow.

فَقالَ الخادِمُ: «يا إلَهَ سَيِّدِي إبْراهِيمَ، وَفِّقْنِي اليَوْمَ فِي مَسْعايَ. وَأَظْهِرْ لُطْفَكَ لِسَيِّدِي إبْراهِيمَ.

13 B al eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabdhaha dadka magaaladuna waxay u soo baxayaan inay biyo dhaansadaan.

ها أنا واقِفٌ عِنْدَ عَينِ الماءِ. وَها فَتَياتُ أهلِ البَلدَةِ خارِجاتٌ لِيَسْتَقِينَ ماءً.

14 G abadhii aan ku odhan doono, Ashuunkaaga deji, waan ku baryayaaye, aan ka cabbee, oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa, taasu ha noqoto tii aad u dooratay addoonkaaga Isxaaq, oo taas baan ku ogaan doonaa inaad sayidkayga u roonaatay.

فَأعطِنِي هَذِهِ العَلامَةَ: إنْ قُلْتُ لِفَتاةٍ: ‹هاتِ جَرَّتَكِ لِأشْرَبَ،› فَأجابَتْ: ‹اشْرَبْ، وَسَأسْقِي جِمالَكَ أيضاً!› أعلَمُ أنَّها هِيَ الَّتِي اختَرْتَها أنتَ زَوْجَةً لِخادِمِكَ إسْحاقَ. وَبِهَذا أعرِفُ أنَّكَ أظهَرْتَ لُطفَكَ لِسَيِّدِي.» رِفْقَةُ ابْنةُ بَتُوئِيل

15 I ntuusan hadalkii dhammayn, waxaa soo baxday, iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, Rebeqah oo u dhalatay Betuu'el wiilkii Milkah, oo ahayd naagtii Naaxoorkii ahaa Ibraahim walaalkiis.

وَقَبلَ أنْ يُنهِيَ الخادِمُ صَلاتَهُ، إذا بِرِفْقَةَ تُقبِلُ وَجَرَّتُها عَلَى كَتِفِها. وَهِيَ ابْنَةُ بَتُوئِيلَ ابْنِ مِلْكَةَ، زَوْجَةِ ناحُورَ، أخِي إبْراهِيمَ.

16 G abadhuna waa suurad quruxsanayd, waxayna ahayd bikrad aan ninna u tegin. Waxay tagtay ishii biyaha ahayd xaggeeda, oo intay ashuunkeedii soo buuxsatay, ayay soo baxday.

كانَتْ رِفْقَةُ جَمِيلَةً جِدّاً، وَعَذْراءَ لَمْ يَمَسَّها رَجُلٌ. فَنَزَلَتْ إلَى النَّبْعِ وَمَلأتْ جَرَّتَها، ثُمَّ صَعِدَتْ ثانِيَةً.

17 M arkaasuu addoonkii ku orday inuu ka hor tago oo wuxuu ku yidhi, Ashuunkaaga iga waraabi in yar oo biyo ah, waan ku baryayaaye.

فَرَكَضَ الخادِمُ لِمُلاقاتِها وَقالَ لَها: «اسْقِينِي قَلِيلاً مِنَ الماءِ مِنْ جَرَّتِكِ.»

18 M arkaasay tidhi, Cab, sayidkaygiiyow. Oo intay dhaqsatay ayay ashuunkeedii dejisay oo gacanta ku qabatay, wayna waraabisay.

فَقالَتْ رِفْقَةُ: «اشْرَبْ يا سَيِّدِي.» وَأسْرَعَتْ فَأنزَلَتِ الجَرَّةَ عَنْ يَدِها وَسَقَتْهُ.

19 O o markii ay waraabisay ka dib ayay ku tidhi, Awrtaadana waan u dhaamin doonaa, ilaa ay wabxaan.

وَبَعدَ أنْ سَقَتْهُ قالَتْ: «سأسْتَقِي لِجِمالِكَ أيضاً حَتَّى تَرْتَوَيَ جَمِيعاً.»

20 O o intay dhaqsatay ayay biyihii ashuunkeedii ku shubtay berkeddii, oo mar kalay ceelkii ku orodday inay soo dhaamiso, wayna u dhaamisay awrtiisii oo dhan.

وَأسْرَعَتْ رِفْقَةُ فَأفْرَغَتْ جَرَّتَها فِي الحَوْضِ. وَرَكَضَتْ ثانِيَةً إلَى النَّبْعِ وَاسْتَقَتِ المَزِيدَ مِنَ الماءِ. فَأحضَرَتْ ماءً لِكُلِّ جِمالِهِ.

21 N inkiina aad buu u fiiriyey iyada, isagoo aamusan, inuu ogaado in Rabbigu ku liibaaniyey sodcaalkiisii iyo in kale.

وَكانَ الرَّجُلُ يُراقِبُها بِصَمْتٍ لِيَعْرِفَ إنْ كانَ اللهُ قَدْ أنجَحَ مَسْعاهُ أمْ لا.

22 M arkii awrtii cabtay ka dib ayaa ninkii soo qaaday sangelis dahab ah oo miisaankiisu yahay nus sheqel, gacmaheedana wuxuu u soo qaaday laba dugaagadood oo dahab ah oo miisaankoodu yahay toban sheqel.

فَبَعْدَ أنْ شَرِبَتِ الجِمالُ، أخرَجَ الرَّجُلُ حَلَقاً مِنَ الذَّهَبِ لِأنْفِها يَزِنُ نِصْفَ مِثْقالٍ، وَسِوارَينِ مِنَ الذَّهَبِ لِيَدَيها يَزِنانِ عَشْرَةَ مَثاقِيلَ.

23 O o wuxuu ku yidhi, Ina ayaad tahay? Waan ku baryayaaye, ii sheeg. Guriga aabbahaa meel aannu ku hoyanno ma leeyahay?

وَقالَ لَها: «أرجُو أنْ تُخبِرِينِي ابْنَةَ مَنْ تَكُونِينَ. وَهَلْ لَنا مُتَّسَعٌ فِي بَيتِ أبِيكِ لِلمَبِيتِ؟»

24 O o waxay ku tidhi isagii, Anigu waxaan ahay ina Betuu'el, wiilkii Milkah ay Naaxoor u dhashay.

فَقالَتْ لَهُ رِفْقَةُ: «أنا ابْنَةُ بَتُوئِيلَ بْنِ مِلْكَةَ وَناحُورَ.»

25 O o weliba waxa kale oo ay ku tidhi, Caws iyo cunto badanba waannu haysannaa, iyo meel lagu hoydo.

ثُمَّ قالَتْ: «لَدَينا تِبْنٌ وَعَلَفٌ كَثِيرٌ، وَيُوجَدُ لَكُمْ مُتَّسَعٌ لِلمَبِيتِ.»

26 M arkaasaa ninkii madaxa foororiyey oo Rabbiga caabuday.

ثُمَّ حَنَى الرَّجُلُ رَأْسَهُ وَحَمَدَ اللهَ.

27 M arkaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo aan naxariistiisa iyo runtiisa ka joojin sayidkayga. Anigana Rabbigu jidkuu igu soo hoggaamiyey, oo wuxuu i keenay gurigii sayidkayga walaalihiis.

قالَ: «تَبارَكَ إلَهُ سَيِّدِي إبْراهِيمَ. إذْ أظهَرَ وَفاءَهُ وَإخلاصَهُ لِسَيِّدِي. فَقَدْ قادَنِي اللهُ فِي طَرِيقِي إلَى بَيتِ أقارِبِ سَيِّدِي.»

28 G abadhiina intay orodday ayay waxyaalahan dadkii guriga hooyadeed uga warrantay.

فَرَكَضَتِ الفَتاةُ وَأخبَرَتْ بَيتَ أُمِّها بِهَذِهِ الأُمُورِ.

29 R ebeqahna waxay lahayd walaal magiciisa la yidhaahdo Laabaan. Markaasaa Laabaan dibadda u baxay oo wuxuu ku orday ninkii isha joogay.

وَكانَ لِرِفْقَةَ أخٌ اسْمُهُ لابانُ. فَخَرَجَ لابانُ إلَى النَّبْعِ بِاتِّجاهِ الرَّجُلِ.

30 M arkuu arkay sangeliskii, iyo dugaagadihii gacmihii walaashiis ku jiray, oo uu maqlay hadalkii walaashiis Rebeqah, iyadoo leh, Sidan buu ninkii iila hadlay, ayuu u yimid ninkii oo bal eeg, wuxuu ag istaagay awrtii isha joogtay.

فَرَأى الحَلَقَ، وَرَأى السِّوارَينِ حَولَ مِعصَمَيِّ أُختِهِ. فَلَّما رَوَتْ لَهُ أُختُهُ رِفْقَةُ ما قالَهُ لَها الرَّجُلُ، جَاءَ لابانُ إلَى الرَّجُلِ حَيثُ كانَ واقِفاً مَعَ الجِمالِ عِنْدَ النَّبْعِ.

31 O o wuxuu ku yidhi, Kaaga Rabbigu barakeeyeyow, soo gal, maxaad dibadda u taagan tahay? Gurigii waan soo hagaajiyey, awrtana meel baan u diyaariyey.

فَقالَ لَهُ: «ادخُلْ إلَى بَيتِنا يا مَنْ بارَكَكَ اللهُ. لِماذا تَقِفُ خارِجاً؟ هَا البَيتُ مُعَدٌّ لاسْتِقبالِكَ، وَسَنُعِدُّ مَكاناً لِلجِمالِ.»

32 N inkiina gurigii buu soo galay, awrtiina wuu furay, wuxuuna isaga awrtii ugu dhiibay caws iyo cunto, biyona wuu siiyey inay ku cago maydhaan isaga iyo raggii la socdayba.

ثُمَّ أنزَلَ لابانُ حُمُولَةَ الجِمالِ وَقَدَّمَ لَها تِبْناً وَعَلَفاً. وَأعطَى ماءً لِلرَّجُلِ وَلِلرِّجالِ الَّذِينَ مَعَهُ لِيَغسِلُوا أقْدامَهُمْ.

33 C untona waa la hor dhigay inuu cuno: laakiinse wuxuu yidhi, Cuni maayo ilaa aan sheego farriintayda. Kolkaasuu yidhi, Sheeg.

ثُمَّ وُضِعَ الطَّعامُ أمامَ خادِمِ إبْراهِيمَ لِيَأْكُلَ. لَكِنَّهُ قالَ: «لَنْ آكُلَ قَبلَ أنْ أقُولَ ما لَدَيَّ.» فَقالَ لَهُ لابانُ: «فَقُلْ ما عِنْدَكَ.» الخادمُ يخطبُ رِفْقَةَ لإسْحاق

34 M arkaasuu yidhi, Waxaan ahay Ibraahim addoonkiisa.

فَقالَ: «أنا خادِمُ إبْراهِيمَ.

35 R abbigu aad iyo aad buu u barakeeyey sayidkayga, wuuna weynaaday: wuxuuna siiyey adhi iyo lo', iyo lacag iyo dahab, iyo rag addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo geel iyo dameerro.

وَقَدْ بارَكَ اللهُ سَيِّدِي كَثِيراً فَصارَ غَنِيّاً جِدّاً. إذْ أعطاهُ اللهُ غَنَماً وَبَقَراً وَفِضَّةً وَذَهَباً وَخَدَماً وَخادِماتٍ وَجِمالاً وَحَمِيراً.

36 S aarah oo ahayd sayidkayga naagtiisii ayaa wiil u dhashay sayidkayga markay gabowday, oo wuxuu isaga siiyey wuxuu leeyahay oo dhan.

وَأنجَبَتْ سارَةُ، زَوْجَةُ سَيِّدِي، لَهُ ابْناً فِي شَيخُوخَتِهِ. وَأعطَى إبْراهِيمُ ابْنَهُ كُلَّ ما يَملِكُ.

37 S ayidkayguna wuu i dhaariyey, isagoo leh, Wiilkayga waa inaanad naag uga guurin gabdhaha reer Kancaanka aan dalkooda degganahay.

وَقَدِ اسْتَحلَفَنِي سَيِّدِي فَقالَ: ‹لا تَأْخُذْ لابْنِي زَوْجَةً مِنْ بَناتِ الكَنْعانِيِّينَ الَّذِينَ أسْكُنُ بَينَهُمْ.

38 L aakiinse waxaad u kacdaa gurigii aabbahay, iyo xigaalkaygii, oo wiilkayga naag uga keen.

بَلِ اذْهَبْ إلَى بَيتِ أبِي وَأقارِبِي، وَخُذْ مِنْ هُناكَ زَوْجَةً لابْنِي.›

39 M arkaasaan sayidkaygii ku idhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu i soo raaci doonin.

فَقُلْتُ لِسَيِّدِي: ‹رُبَّما تَرفُضُ الفَتاةُ أنْ تَأْتِيَ مَعِي.›

40 O o wuxuu igu yidhi, Rabbiga aan hortiisa ku socdo wuxuu ku raacin doonaa malaa'igtiisa, jidkaagana wuu kugu liibaanin doonaa, wiilkaygana naag baad uga guurin doontaa xigaalkaygii iyo gurigii aabbahay,

فَقالَ لِي: ‹لَقَدْ عِشْتُ فِي حَضْرَةِ اللهِ ، وَأنا أعرِفُ أنَّهُ سَيُرْسِلُ مَلاكَهُ مَعَكَ، وَسَيُوَفِّقُكَ فِي رِحلَتِكَ. وَسَتَأْخُذُ زَوْجَةً لابْنِي مِنْ بَناتِ أقارِبِي وَبَيتِ أبِي.

41 d abadeedna dhaartayda waxba kaama saarna, markaad u tagto xigaalkay; oo hadday iyada ku siin waayaan, markaas dhaartayda waxba kaama saarna.

وَعِنْدَما تَذْهَبُ إلَى أقارِبِي تَكُونُ حُرّاً مِنْ هَذا القَسَمِ. سَتَكُونُ حُرّاً مِنْهُ حَتَّى لَوْ لَمْ يُعْطُوكَ زَوْجَةً لابْنِي.›

42 M aantaan isha imid oo waxaan idhi, Rabbiyow, sayidkayga Ibraahim Ilaahiisow, haddaad haatan jidkayga aan ku socdo igu liibaanisid,

«وَعِنْدَما جِئْتُ إلَى النَّبْعِ اليَوْمَ قُلْتُ: ‹يا إلَهَ سَيِّدِي إبْراهِيمَ، أنجِحْ رِحلَتِي وَمَسْعايَ.

43 b al eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabadhii u soo baxda inay biyo dhaansato oo aan ku odhan doono, Waan ku baryayaaye, ashuunkaaga iga sii in yar oo biyo ah aan cabbee,

ها أنا واقِفٌ عِنْدَ النَّبْعِ. فَأعطِنِي عَلامَةً. إنْ قُلْتُ لِفَتاةٍ تَأْتِي لِتَسْتَقِي: أعطِنِي قَلِيلاً مِنَ الماءِ مِنْ جَرَّتِكِ لِأشْرَبَ،

44 o o igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan u dhaamin doonaa, taasu ha noqoto tii Rabbigu u doortay wiilka sayidkayga.

فَأجابَتْ: اشْرَبْ، وَسَأسْتَقِي ماءً لِجِمالِكَ أيضاً. لِتَكُنْ هِيَ الفَتاةَ الَّتِي اختارَها اللهُ لابْنِ سَيِّدِي.›

45 O o intaan hadalkii qalbigayga ka dhammaan ayaa Rebeqah soo baxday iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, markaasay ishii ku dhaadhacday, oo soo dhaansatay: anna waxaan ku idhi, Waan ku baryayaaye, i waraabi.

«وَقَبلَ أنْ أُنهِيَ صَلاتِيَ فِي قَلبِي، أتَتْ رِفْقَةُ وَجَرَّتُها عَلَى كَتِفِها. فَنَزَلَتْ إلَى النَّبْعِ وَاسْتَقَتْ ماءً. فَقُلْتُ لَها: ‹اسْقِينِي مِنْ فَضلِكِ.›

46 I yana intay dhaqsatay oo ay ashuunkeedii garabkeeda ka soo dejisay ayay tidhi, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa: sidaas daraaddeed waan cabbay, awrtiina way waraabisay.

فَأسْرَعَتْ وَأنزَلَتِ الجَرَّةَ عَنْ كَتِفِها وَقالَتْ: ‹اشْرَبْ، وَسَأسْتَقِي ماءً لِجِمالِكَ أيضاً.› فَشَرِبْتُ، وَسَقَتِ الجِمالَ أيضاً.

47 M arkaasaan weyddiiyey oo ku idhi, Ina ayaad tahay? Oo waxay tidhi, Ina Betuu'el wiilkii Naaxoor ay Milkah u dhashay isaga. Markaasaan sangeliskii sanka u sudhay; dugaagadihiina gacmaha u geliyey.

ثُمَّ سَألْتُها: ‹ابْنَةُ مَنْ تَكُونِينَ؟› فَقالَتْ: ‹أنا ابْنَةُ بَتُوئِيلَ بْنِ ناحُورَ وَمِلْكَةَ.› فَوَضَعْتُ حَلَقاً فِي أنفِها، وَسِوارَينِ حَولَ مِعْصَمَيها.

48 K olkaasaan madaxa foororiyey, oo Rabbiga caabuday, oo waxaan ammaanay Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo igu soo hoggaamiyey jidkii toosnaa, inaan gabadhii sayidkayga walaalkiis u kaxeeyo wiilkiisa.

ثُمَّ حَنَيتُ رَأْسِي وَشَكَرْتُ اللهَ، وَبارَكْتُ إلَهَ سَيِّدِي إبْراهِيمَ. فَقَدْ هَدانِي فِي طَرِيقٍ صَحِيحٍ لِآخُذَ ابْنَةَ أخِي سَيِّدِي إبْراهِيمَ زَوْجَةً لابْنِهِ.

49 H addaba haddaad sayidkayga ula macaamiloonaysaan si raxmad leh oo daacad ah, ii sheega: haddii kalese ii sheega, inaan u leexdo xagga midigta ama xagga bidixda.

وَالآنَ، إنْ كُنْتُمْ سَتَتَعامَلُونَ بِالإخلاصِ وَالوَفاءِ مَعَ سَيِّدِي، فَأخبِرُونِي. وَإلّا، فَأخبِرُونِي أيضاً، فَأعرِفَ ماذا أفْعَلُ.»

50 M arkaasay Laabaan iyo Betuu'el jawaabeen oo yidhaahdeen, Waxanu wuxuu ka soo baxay xagga Rabbiga, annana kugulama hadli karno xumaan iyo samaan toona.

فَأجابَ لابانُ وَبَتُوئِيلُ: «هَذا الأمْرُ مِنْ عِنْدِ اللهِ ، فَلَيْسَ لَنا أنْ نُغَيِّرَ ذَلِكَ.

51 B al eeg, Rebeqah waa ku hor joogtaaye, kaxee oo la tag, oo ha noqoto sayidkaaga wiilkiisii naagtiisa, sidii Rabbigu ku hadlay.

ها هِيَ رِفْقَةُ، فَخُذْها زَوْجَةً لابْنِ سَيِّدِكَ كَما قَضَى اللهُ.»

52 M arkii uu Ibraahim addoonkiisii hadalkoodii maqlay ayuu Rabbiga u sujuuday.

فَلَمّا سَمِعَ خادِمُ إبْراهِيمَ كَلامَهُما، سَجَدَ للهِ عَلَى الأرْضِ.

53 M arkaasuu addoonkii soo bixiyey jowharro lacag ah iyo jowharro dahab ah, iyo dhar, oo Rebeqah siiyey: walaalkeed iyo hooyadeedna wuxuu siiyey waxyaalo qaali ah.

ثُمَّ أخرَجَ الخادِمُ كُلَّ الفِضَّةِ وَالذَّهَبِ وَالثِّيابِ، وَأعطاها لِرِفْقَةَ. كَما قَدَّمَ هَدايا ثَمِينَةً لِأخِيها وَأُمِّها.

54 M arkaasay wax cuneen oo wax cabbeen, isaga iyo raggii la jirayba, habeenkii oo dhanna halkaasay joogeen. Aroortii bay kaceen oo wuxuu yidhi, Xagga sayidkaygii ii dira.

فَأكَلَ وَشَرِبَ مَعَ الَّذِينَ مَعَهُ، وَباتُوا هُناكَ. وَلَمّا نَهَضُوا فِي الصَّباحِ قالَ الخادِمُ: «اسمَحُوا لِي بِالذَّهابِ إلَى سَيِّدِي.»

55 W alaalkeed iyo hooyadeedna waxay yidhaahdeen, Gabadhu ha nala joogto dhawr maalmood, ugu yaraan toban beri; dabadeedna way tegi doontaa.

لَكِنَّ أخا رِفْقَةَ وَأُمَّها قالا: «لِتَبْقَ الفَتاةُ مَعَنا عَشْرَةَ أيّامٍ عَلَى الأقَلِّ، وَبَعْدَ ذَلِكَ تَذْهَبُ.»

56 M arkaasuu ku yidhi iyagii, Rabbigu waa igu liibaaniyey jidkaygii, sidaas daraaddeed ha i raajinina, ee i dira inaan sayidkaygii u tago.

لَكِنَّ الخادِمَ قالَ: «لا تُؤَخِّرانِي، فَقَدْ وَفَّقَ اللهُ رِحلَتِي وَمَسْعايَ. أطلِقُونِي فَأعُودَ إلَى سَيِّدِي.»

57 M arkaasay yidhaahdeen, Gabadha waannu u yeedhi doonnaa oo weyddiin doonnaa.

فَقالوا: «نَدعُو الفَتاةَ وَنَسألُها أمامَكَ.»

58 M arkaasay Rebeqah u yeedheen, oo waxay ku yidhaahdeen, Ninkan ma raacaysaa? Oo waxay tidhi, Haah, waan raacayaa.

فَدَعَوْا رِفْقَةَ وَسَألاها: «هَلْ تُرِيدِينَ الذَّهابَ مَعَ الرَّجُلِ الآنَ؟» فَقالَتْ رِفْقَةُ: «نَعَمْ.»

59 M arkaasay walaashood Rebeqah direen, iyada iyo midiidinteedii, iyo addoonkii Ibraahim, iyo raggiisiiba.

فَصَرَفا رِفْقَةَ وَمُرَبِّيَتَها مَعَ خادِمِ إبْراهِيمَ وَرِجالِهِ.

60 O o Rebeqah bay u duceeyeen oo ku yidhaahdeen, Walaashayoy, kumanyaal kun hooyadood noqo, farcankaaguna kuwa iyaga neceb iriddooda ha hantiyeen.

وَبارَكُوا أُختَهُمْ رِفْقَةَ وَقالُوا: «لَيتَكِ تَصِيرِينَ، يا أُختَنا، أُمّاً لِمَلايِينَ مِنَ النّاسِ. وَلَيتَ أحفادَكِ يَسْتَولُونَ عَلَى مُدُنِ أعدائِهِمْ.»

61 R ebeqahna way kacday, iyada iyo gabdhaheediiba, oo waxay fuuleen awrtii, ninkiina way raaceen: addoonkiina wuu kaxeeyey Rebeqah, wuuna tegey.

فَقامَتْ رِفْقَةُ وَخادِمَتُها وَرَكِبْنَ عَلَى الجِمالِ، وَتَبِعْنَ الرَّجُلَ. وَهَكَذا أخَذَ الخادِمُ رِفْقَةَ وَمَضَى فِي طَرِيقِهِ.

62 I sxaaqna wuxuu ka yimid xagga jidka Bi'ir Lahayroy, waayo, wuxuu degganaa dhulka Koonfureed.

وَكانَ إسْحاقُ قَدْ تَرَكَ مُخَيَّمَهُ قُرْبَ مَدْخَلِ بِئْرِ لَحْيَ رُئِي وَسَكَنَ فِي النَّقَبِ.

63 O o gabbaldhicii ayaa Isxaaq berrinka u soo baxay inuu fikiro: markaasuu indhihiisa kor u taagay, oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay awr soo socota.

فَخَرَجَ لِيَتَفَكَّرَ قَبلَ المَساءِ فِي الحَقلِ. وَرَفَعَ نَظَرَهُ، فَإذا بِهِ يَرَى جِمالاً قادِمَةً.

64 R ebeqahna indhaheedii bay kor u taagtay, oo markay Isxaaq aragtay ayay ratigii ka degtay.

وَرَفَعَتْ رِفقَةُ نَظَرَها فَرَأتْ إسْحاقَ. فَتَرَجَّلَتْ عَنِ الجَمَلِ.

65 O o waxay addoonkii ku tidhi, Waa ayo ninkaas berrinka dhex socda, oo inaga hor imanaya? Addoonkiina wuxuu yidhi, Waa sayidkaygii. Markaasay indhashareerteedii qaadatay oo hagoogatay.

ثُمَّ سَألَتِ الخادِمَ: «مَنْ هُوَ هَذا الرَّجُلُ الماشِي فِي الحَقلِ لِمُلاقاتِنا؟» فَقالَ الخادِمُ: «إنَّهُ سَيِّدِي!» فَأخَذَتْ رِفقَةُ الخِمارَ وَغَطَّتْ وَجهَها.

66 A ddoonkiina wuxuu Isxaaq u sheegay wixii uu sameeyey oo dhan.

ثُمَّ رَوَى الخادِمُ لإسْحاقَ كُلَّ ما فَعَلَهُ.

67 I sxaaqna wuxuu iyadii soo geliyey teendhadii hooyadiis Saarah, Rebeqahna wuu guursaday, oo naagtiisii bay noqotay. Wuuna jeclaaday iyada, oo Isxaaq waxaa laga qalbi qabowjiyey geeridii hooyadiis.

وَبَعْدَ ذَلِكَ أدخَلَ إسْحاقُ رِفْقَةَ إلَى خَيمَةِ أُمِّهِ سارَةَ لِيَتَزَوَّجَها. وَأحَبَّها كَثِيراً. فَتَعَزَّى إسْحاقُ بَعْدَ مَوْتِ أُمِّهِ.