Yooxanaa 8 ~ ﻳﻮﺣﻨﺎ 8

picture

1 C iisese wuxuu u baxay Buur Saytuun.

أمّا يَسُوعُ فَذَهَبَ إلَى جَبَلِ الزَّيْتُونِ.

2 A roortii hore ayuu haddana macbudka yimid, dadkii oo dhammuna way u yimaadeen, oo intuu fadhiistay, ayuu wax baray.

وَفِي الصَّباحِ الباكِرِ ذَهَبَ إلَى ساحَةِ الهَيْكَلِ ثانِيَةً حَيْثُ جاءَ إلَيْهِ الجَمِيعُ، فَجَلَسَ وَبَدَأ يُعَلِّمُهُمْ.

3 C ulimmadii iyo Farrisiintii waxay u keeneen naag sino lagu qabtay. Markaasay dhexda joojiyeen,

وَأحضَرَ مُعَلِّمُو الشَّرِيْعَةِ وَالفِرِّيْسِيُّونَ امْرأةً أُمْسِكَتْ وَهِيَ تَزْنِي. وَجَعَلُوها تَقِفُ وَسَطَ النّاسِ.

4 o o waxay isagii ku yidhaahdeen, Macallimow, naagtan waxaa lagu qabtay sino.

ثُمَّ قالُوا لِيَسُوعَ: «يا مُعَلِّمُ، أُمْسِكَتْ هَذِهِ المَرْأةُ مُتَلَبِّسَةً بِجَرِيْمَةِ الزِّنا.»

5 H adda Muuse wuxuu sharciga nagu amray in la dhagxiyo tan oo kale, adiguse maxaad ka leedahay iyada?

وَقَدْ أوْصانا مُوسَى فِي الشَّرِيْعَةِ بِأنْ نَرْجُمَ مِثلَ هَذِهِ المَرْأةِ، فَماذا تَقُولُ أنتَ؟»

6 W axay waxaas u yidhaahdeen, iyagoo jirrabaya, si ay u helaan wax ay ku ashtakeeyaan. Laakiin Ciise waa foororsaday, oo farta ayuu dhulka wax ku qoray.

قالُوا هَذا لِيَمْتَحِنُوهُ، فَيَكُونَ لَهُمْ ما يَتَّهِمُونَهُ بِهِ. لَكِنَّ يَسُوعَ انْحَنَى وَبَدَأ يَكْتُبُ عَلَى الأرْضِ بِإصْبِعِهِ.

7 L aakiin goortay sii wadeen inay weyddiiyaan, wuu istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn, isagu horta dhagax ha ku tuuro.

وَلَمّا ألَحُّوا فِي السُّؤالِ، وَقَفَ وَقالَ لَهُمْ: «حَسَناً! مَنْ كانَ مِنْكُمْ بِلا خَطِيَّةٍ، فَلْيَكُنِ البادِئَ بِرَمْيِها بِحَجَرٍ.»

8 M ar kale ayuu foororsaday, oo haddana dhulka wax ku qoray.

وَانحَنَى مَرَّةً أُخْرَى وَأخَذَ يَكْتُبُ عَلَى الأرْضِ.

9 I yagu markay waxaas maqleen, ayay iska daba baxeen midba mid, waayeelladii ka bilaabato ilaa kii u dambeeyey. Ciisena keligiis ayuu hadhay iyo naagtii dhexda joogtay.

فَلَمّا سَمِعُوا هَذا، بَدَأُوا يُغادِرُونَ المَكانَ واحِداً بَعْدَ الآخَرِ بَدْءاً بِالأكْبَرِ سِنّاً. وَبَقِيَ يَسُوعُ وَحْدَهُ مَعَ المَرْأةِ الواقِفَةِ أمامَهُ.

10 C iise ayaa istaagay oo ku yidhi iyadii, Naag yahay, xaggee bay joogaan? Ninna miyaanu ku xukumin?

فَوَقَفَ يَسُوعُ وَقالَ لَها: «أيْنَ هُمْ؟ ألَمْ يَحكُمْ عَلَيْكِ أحَدٌ؟»

11 W axay ku tidhi, Ninna, Sayidow. Ciisena wuxuu ku yidhi, Anna ku xukumi maayo. Soco, oo hadda ka dib ha dembaabin. Nuurka Dunida

قالَتْ: «لا أحَدَ يا سَيِّدُ.» فَقالَ لَها يَسُوعُ: «وَلا أنا أحكُمُ عَلَيْكِ. فَاذْهَبِي وَلا تَعُودِي إلَى الخَطِيَّةِ فِيما بَعْدُ.» يَسُوعُ هُوَ النُّور

12 H addaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha.

ثُمَّ وَاصَلَ يَسُوعُ كَلامَهُ لِلنّاسِ فَقالَ: «أنا هُوَ النُّورُ لِلعالَمِ. مَنْ يَتْبَعُنِي لا يَمْشِي أبَداً فِي الظُّلْمَةِ، بَلْ يَكُونُ مَعَهُ النُّورُ الَّذِي يَقُودُ إلَى الحَياةِ.»

13 S idaa aawadeed Farrisiintu waxay ku yidhaahdeen, Marag baad isu furaysaa, maraggaagguna run ma aha.

فَقالَ لَهُ الفِرِّيْسِيُّونَ: «أنتَ تَشْهَدُ لِنَفْسِكَ، لِذَلِكَ فَإنَّ شَهادَتَكَ غَيْرُ مَقْبُولَةٍ.»

14 C iise baa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, In kastoo aan marag isu furo, maraggaygu waa run, waayo, waxaan garanayaa meeshaan ka imid iyo meeshaan tegayo, idinkuse garan maysaan meeshaan ka imid ama meeshaan tegayo.

أجابَهُمْ يَسُوعُ: «مَعَ أنَّنِي أشْهَدُ لِنَفْسِي، فَشَهادَتِي مَقْبُولَةٌ.لِأنِّي أعْرِفُ مِنْ أيْنَ أتَيْتُ وَإلَى أيْنَ أنا ذاهِبٌ، أمّا أنتُمْ فَلا تَعْرِفُونَ مِنْ أيْنَ أتَيْتُ وَلا إلَى أيْنَ أنا ذاهِبٌ.

15 I dinku waxaad wax ka xukuntaan xagga jidhka, aniguse ninna ma xukumo.

لِذَلِكَ أنتُمْ تَحكُمُونَ حَسَبَ مَقايِيْسِ البَشَرِ، لكِنَّنِي لا أحكُمُ عَلَى أحَدٍ.

16 H addaan xukumo, xukunkaygu waa run, waayo, anigu keligay ma ihi, laakiin waa aniga iyo Aabbahaygii i soo diray.

وَحَتَّى إنْ حَكَمْتُ، فَإنَّ حُكْمِي صَحِيْحٌ. فَأنا لا أحكُمُ وَحْدِي، لَكِنَّ الآبَ الَّذِي أرْسَلَنِي هُوَ مَعِي.

17 S harcigiinna waxaa ku qoran, Laba nin maraggoodu waa run.

مَكْتُوبٌ فِي شَرِيْعَتِكُمْ إنَّ شَهادَةَ شَخْصَيْنِ مَقْبُولَةٌ.

18 A nigu waxaan ahay kii isu marag fura, oo Aabbahaygii i soo dirayna ayaa ii marag fura.

وَأنا أشْهَدُ لِنَفْسِي وَأبِي الَّذِي أرْسَلَنِي يَشْهَدُ لِيْ أيْضاً.»

19 S idaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.

فَسَألُوهُ: «وَأيْنَ أبُوكَ؟» أجابَ يَسُوعُ: «أنتُمْ لا تَعْرِفُونَنِي وَلا تَعْرِفُونَ أبِي. وَلَوْ عَرَفْتُمُونِي لَعَرَفْتُمْ أبِي أيضاً.»

20 H adalladaas ayuu kaga hadlay meeshii khasnaddu tiil intuu macbudka wax ku barayay. Oo ninna ma uu qaban isaga, waayo, saacaddiisii weli ma iman. Digidda Ku Saabsan Xukunka Imanaya

قالَ هَذا الكَلامَ وَهُوَ قُرْبَ صُنْدُوقِ التَّقْدِماتِ بَيْنَما كانَ يُعَلِّمُ فِي ساحَةِ الهَيْكَلِ. وَلَمْ يَقْبِضْ عَلَيْهِ أحَدٌ، لِأنَّ وَقْتَهُ لَمْ يَكُنْ قَدْ حانَ بَعْدُ. قادَةُ اليَهُودِ لا يَفْهَمُونَ يَسُوع

21 S idaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

وَقالَ لَهُمْ مَرَّةً أُخْرَى: «أنا سَأذْهَبُ وَسَتَبْحَثُونَ عَنِّي، لَكِنَّكُمْ سَتَمُوتُونَ وَعَلَيْكُمْ ذَنْبُ خَطاياكُمْ. وَلا تَقْدِرُونَ أنْ تَأْتُوا إلَى حَيْثُ أنا ذاهِبٌ.»

22 S idaas daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Miyuu isdilayaa? Waayo, isagaa yidhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan.

فَبَدَأ قادَةُ اليَهُودِ يَتَساءَلُونَ فِيْما بَيْنَهُمْ: «أيُعْقَلُ أنَّهُ سَيَقْتُلُ نَفْسَهُ؟ لِأنَّهُ يَقُولُ: ‹لا تَقْدِرُونَ أنْ تَأْتُوا إلَى حَيْثُ أنا ذاهِبٌ.›»

23 W uxuu ku yidhi iyaga, Idinku waxaad tihiin kuwa hoosta, aniguse waxaan ka mid ahay kuwa sare. Idinku waxaad tihiin kuwa dunidan, aniguse mid kama ihi kuwa dunidan.

فَقالَ لَهُمْ يَسُوعُ: «أنتُمْ مِنْ أسْفَلُ، وَأنا مِنْ فَوْقُ. أنتُمْ تَنتَمُونَ إلَى هَذا العالَمِ، وَأنا لا أنتَمِي إلَى هَذا العالَمِ.

24 H addaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan.

لِهَذا قُلْتُ لَكُمْ إنَّكُمْ سَتَمُوتُونَ وَعَلَيْكُمْ ذَنْبُ خَطاياكُمْ. إنْ لَمْ تُؤْمِنُوا أنِّي أنا هُوَ، فَسَتَمُوتُونَ وَعَلَيْكُمْ ذَنْبُ خَطاياكُمْ.»

25 H addaba waxay ku yidhaahdeen, Yaad tahay? Ciise wuxuu ku yidhi, Kii aan tan iyo bilowgii idinkala hadlay.

فَسَألُوهُ: «مَنْ أنتَ؟» فَقالَ لَهُمْ يَسُوعُ: «أخبَرْتُكُمْ مَنْ أنا مُنْذُ البِدايَةِ.

26 W axaan hayaa wax badan oo aan idinkala hadlo oo aan idinku xukumo, laakiin kii i soo diray waa run, aniguna waxaan ka maqlay isaga, waxaas ayaan dunida kula hadlayaa.

عِنْدِي أشْياءٌ كَثِيْرَةٌ أقُولُها عَنْكُمْ، وَأحكُمُ بِها عَلَيْكُمْ. لَكِنَّ الَّذِي أرْسَلَنِي صادِقٌ، وَأنا أُكَلِّمُ النّاسَ بِما سَمِعْتُ مِنْهُ.»

27 M a ayna garan inuu iyaga kala hadlay Aabbaha.

وَلَمْ يُدْرِكُوا أنَّ يَسُوعَ كانَ يَتَحَدَّثُ إلَيْهِمْ عَنِ الآبِ.

28 S idaas aawadeed Ciise ayaa ku yidhi, Markaad Wiilka Aadanaha kor u qaaddaan, markaasaad garan doontaan inaan isagii ahay iyo inaanan keligay waxba samaynaynin, laakiin sida Aabbuhu ii baray ayaan waxyaalahaas ugu hadlaa.

فَقالَ لَهُمْ يَسُوعُ: «عِنْدَما تَرْفَعُونَ ابْنَ الإنسانِ، سَتَعْرِفُونَ حِيْنَئِذٍ أنِّي أنا هُوَ. أنا لا أفْعَلُ شَيْئاً مِنْ نَفْسِي، لَكِنِّي أتَكَلَّمُ تَماماً كَما عَلَّمَنِي الآبُ.

29 O o kii i soo diray ayaa ila jira, keligay igama uu tegin, waayo, mar kasta waxaan sameeyaa waxa ka farxiya isaga.

وَالَّذِي أرْسَلَنِي هُوَ مَعِي. لَمْ يَتْرُكْنِي وَحْدِي، لِأنِّي أعمَلُ دائِماً ما يَسُرُّهُ.»

30 I ntuu waxyaalahaas ku hadlayay, dad badan ayaa rumaystay isaga. Ciise Wuxuu La Dooday Yuhuuddii

وَبَيْنَما كانَ يَتَكَلَّمُ بِهَذِهِ الأُمُورِ، آمَنَ بِهِ كَثِيْرُونَ. التَّحَرُّرُ مِنَ الخَطِيَّة

31 S idaas aawadeed Ciise wuxuu ku yidhi Yuhuuddii isaga rumaysatay, Haddaad ereygayga ku sii socotaan, runtii waxaad tihiin xertayda.

فَبَدَأ يَسُوعُ يَقُولُ لِليَهُودِ الَّذِيْنَ آمَنُوا بِهِ: «إنْ تَمَسَّكْتُمْ بِتَعلِيْمِي، فَأنتُمْ تَلامِيْذِي حَقّاً.

32 O o waxaad garan doontaan runta; runtiina waa idin xorayn doontaa.

وَسَتَعْرِفُونَ الحَقَّ، وَالحَقُّ سَيُحَرِّرُكُمْ.»

33 W axay ugu jawaabeen, Farcankii Ibraahim baannu nahay, oo weligayo addoommo ninna uma ahayn. Maxaad u leedahay, Waa laydin xorayn doonaa?

فَقالَ لَهُ بَعْضُهُمْ: «نَحْنُ أولادُ إبْراهِيْمَ، وَلَمْ نَكُنْ عَبِيْداً لِأحَدٍ قَطُّ! فَكَيْفَ تَقُولُ إنَّنا سَنُحَرَّرُ؟»

34 C iise ayaa ugu jawaabay, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii kasta oo dembi sameeyaa waa addoonkii dembiga.

فَأجابَهُمْ يَسُوعُ: «أقُولُ الحَقَّ لَكُمْ: كُلُّ مَنْ يَستَمِرُّ فِي عَمَلِ الخَطِيَّةِ هُوَ عَبْدٌ لِلخَطِيَّةِ.

35 O o addoonkuna guriga kuma sii jiro, wiilkuse waa ku sii jiraa weligiis.

وَالعَبْدُ لا يَبْقَى مَعَ عائِلَةٍ إلَى الأبَدِ، أمّا الابْنُ فَيَنتَمِي إلَى عائِلَتِهِ إلَى الأبَدِ.

36 S idaas aawadeed haddii Wiilku idin xoreeyo, runtii xor baad ahaan doontaan.

فَإنْ حَرَّرَكُمُ الابْنُ، تَكُونُونَ حَقّاً أحراراً.»

37 W aan garanayaa inaad farcankii Ibraahim tihiin, laakiin waxaad doonaysaan inaad i dishaan, waayo, hadalkaygu meel idinkuma haysto.

أنا أعرِفُ أنَّكُمْ مِنْ نَسلِ إبْراهِيْمَ، لَكِنَّكُمْ تَسْعَوْنَ إلَى قَتلِي لِأنَّهُ لا مَكانَ لِتَعلِيْمِي فِيْكُمْ.

38 W axaan xaggii Aabbahay ku soo arkay ayaan ka hadlaa, idinkuna waxaad samaysaan wixii aydin aabbihiin ka maqasheen.

أنا أتَحَدَّثُ بِما رَأيْتُ مِنْ أبِي، وَأنتُمْ تَفْعَلُونَ ما سَمِعْتُمُوهُ مِنْ أبِيْكُمْ.»

39 M arkaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahayo waa Ibraahim. Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad carruurtii Ibraahim tihiin, shuqullada Ibraahim waad samayn lahaydeen.

فَقالُوا لَهُ: «إبْراهِيْمُ هُوَ أبُونا!» فَقالَ لَهُمْ يَسُوعُ: «لَوْ كُنْتُمْ أولادَ إبْراهِيْمَ لَعَمِلْتُمِ الأشْياءَ الَّتِي عَمِلَها إبْراهِيْمُ.

40 L aakiin hadda waxaad doonaysaan inaad i dishaan, anoo ah ninkii idiin sheegay runtii aan xaggii Ilaah ka maqlay. Waxaas Ibraahim ma uu samayn jirin.

لَكِنَّكُمْ تَسْعَوْنَ إلَى قَتلِي، وَأنا إنسانٌ أخبَرَكُم بِالحَقِّ الَّذِي سَمِعَهُ مِنَ اللهِ. وَإبْراهِيْمُ لَمْ يَفْعَلْ شَيْئاً كَهَذا.

41 W axaad samaysaan shuqullada aabbihiin. Markaasay ku yidhaahdeen, Annagu kuma aannu dhalan sino. Aabbe keliya ayaannu leennahay oo waa Ilaah.

أمّا أنتُمْ فَتَعْمَلُونَ أعمالَ أبِيْكُمْ.» فَقالُوا لَهُ: «لَمْ نُولَدْ مِنْ زِناً! لَنا أبٌ واحِدٌ هُوَ اللهُ!»

42 C iise wuxuu ku yidhi, Haddii Ilaah aabbihiin yahay, waad i jeclaan lahaydeen, maxaa yeelay, Ilaah baan ka soo baxay oo ka imid, aniguna iskama iman, ee isagaa i soo diray.

فَقالَ لَهُمْ يَسُوعُ: «لَوْ كانَ اللهُ أباكُمْ حَقّاً لأحبَبْتُمُونِي، لِأنِّي جِئْتُ مِنَ اللهِ، وَها أنا هُنا. لَمْ آتِ مِنْ نَفْسِي، لَكِنَّهُ هُوَ الَّذِي أرْسَلَنِي.

43 M axaad hadalkayga u garan weydeen? Waayo, hadalkayga ma maqli karaysaane.

«لِماذا لا تَفْهَمُونَ ما أقُولُ؟ ذَلِكَ لِأنَّكُمْ لا تَقْدِرُونَ أنْ تَقْبَلُوا تَعلِيْمِي.

44 I dinku waxaad tihiin kuwo aabbahood Ibliiska yahay, oo waxaad doonaysaan inaad samaysaan damacyada aabbihiin. Tan iyo bilowgii wuxuu ahaa mid dhiig qaba, runtana kuma uu joogsan, waayo, runtu kuma jirto isaga. Markuu been ku hadlo, tiisuu ku hadlaa, waayo, waa beenaaleh, waana beenta aabbaheed.

أنتُمْ مِنْ أبِيْكُمْ إبلِيْسَ، وَتُرِيْدُونَ أنْ تَعْمَلُوا شَهَواتِ أبِيْكُمْ. لَقَدْ كانَ قاتِلاً مُنْذُ البِدايَةِ. لَمْ يَتَمَسَّكْ بِالحَقِّ، إذْ لا يُوجَدُ أيُّ حَقٍّ فِيْهِ. وَحِيْنَ يَكْذِبُ، فَإنَّهُ يُعَبِّرُ عَنْ طَبِيْعَتِهِ، لِأنَّهُ كَذّابُ وَأبُو الكَذِبِ.

45 L aakiin runta aan ku hadlo aawadeed waad i rumaysan weydeen.

«لَكِنَّكُمْ تَرْفُضُونَ أنْ تُصَدِّقُونِي لِأنِّي أقُولُ الصِّدْقَ.

46 M idkiinnee baa dembi igu caddaynaya? Haddaan runta sheego, maxaad ii rumaysan weydaan?

مَنْ مِنْكُمْ يَسْتَطِيْعُ أنْ يُثْبِتَ عَلَيَّ خَطِيَّةً واحِدَةً؟ فَما دُمْتُ أقُولُ الصِّدْقَ، لِماذا تَرْفُضُونَ أنْ تُصَدِّقُونِي؟

47 K ii Ilaah kuwiisa ka mid ah, erayada Ilaah ayuu maqlaa, sidaas daraaddeed idinku maqli maysaan, waayo, Ilaah kuwiisii ma ihidin.

مَنْ كانَ مِنَ اللهِ فَهَذا يُصْغِي إلَى كَلامِ اللهِ. وَأنتُمْ لا تُصْغُونَ، لِأنَّكُمْ لَسْتُمْ مِنَ اللهِ.» يَسُوعُ وَإبْراهِيْم

48 Y uhuuddu waxay ugu jawaabeen, Miyaannan run ku hadlin markaannu nidhi, Reer Samaariya baad tahay, oo jinni baad qabtaa?

فَأجابَهُ قادَةُ اليَهُودِ: «ألَسْنا مُحِقِّيْنَ فِي قَولِنا إنَّكَ سامِرِيٌّ وَفِيْكَ رُوحٌ شِرِّيْرٌ؟»

49 C iise wuxuu ugu jawaabay, Jinni ma qabo, laakiin Aabbahay baan murweeyaa, idinkuna waad i murwad jebisaan.

أجابَ يَسُوعُ: «لَيْسَ فِيَّ رُوحٌ شِرِّيْرٌ، بَلْ أنا أُمَجِّدُ أبِي وَأنتُمْ تُهِيْنُونَنِي!

50 A nigu ammaantayda ma doono, waxaase jira mid doona oo xukuma.

أنا لا أسْعَى إلَى تَمْجِيْدِ نَفْسِي، فَهُناكَ مَنْ يَطلُبُ ذَلِكَ لِيْ وَهُوَ الَّذِي سَيُحاكِمُ.

51 R untii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii qof uun ereygayga xajiyo, weligiis dhimasho ma arki doono.

أقُولُ الحَقَّ لَكُمْ: إنْ أطاعَ أحَدٌ تَعلِيْمِي فَلَنْ يَمُوتَ أبَداً.»

52 Y uhuuddu waxay ku yidhaahdeen isaga, Imminka waxaannu garanaynaa inaad jinni qabto. Ibraahim waa dhintay iyo nebiyadiiba, adiguna waxaad leedahay, Haddii qof uun hadalkayga xajiyo, weligiis dhimasho ma dhadhamin doono.

فَقالَ لَهُ قادَةُ اليَهُودِ: «الآنَ تَأكَّدْنا أنَّ فِيْكَ رُوحاً شِرِّيْراً! فَحَتَّى إبْراهِيْمُ وَالأنبِياءُ كُلُّهُمْ ماتُوا، وَأنتَ تَقُولَ: ‹إنْ أطاعَ أحَدٌ تَعلِيْمِي فَلَنْ يَمُوتَ أبَداً.›

53 M iyaad ka sii weyn tahay aabbaheen Ibraahim oo dhintay, iyo nebiyadii dhintay? Yaad iska dhigaysaa?

فَهَلْ تَزْعُمُ أنَّكَ أعظَمُ مِنْ أبِيْنا إبْراهِيْمَ؟ فَقَدْ ماتَ هُوَ، وَماتَ الأنبِياءُ أيضاً. فَمَنْ تَحسِبُ نَفْسَكَ؟»

54 C iise wuxuu ugu jawaabay, Haddaan is-ammaano, ammaantaydu waxba ma aha. Waa Aabbahay kan i ammaanaa, kaad ku sheegtaan Ilaahiinna.

أجابَ يَسُوعُ: «إنْ كُنْتُ أُمَجِّدُ نَفْسِي، فَذَلِكَ المَجدُ لا يُساوِي شَيْئاً. لَكِنَّ الَّذِي يُمَجَّدُنِي هُوَ أبِي الَّذِي تَقُولُونَ إنَّهُ إلَهُكُمْ،

55 M ana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, ereygiisana waan xajiyaa.

بَيْنَما أنتُمْ لَمْ تَعْرِفُوهُ قَطُّ، وَأنا أعرِفُهُ. وَلَوْ قُلْتُ إنِّي لا أعرِفُهُ، لَكُنْتُ كاذِباً مِثلَكُمْ. لَكِنِّي أعرِفُهُ بِالفِعلِ وَأُطِيْعُ كَلامَهُ.

56 A abbihiin Ibraahim waa ku reyreeyey inuu maalintayda arko, wuuna arkay oo ku farxay.

أبُوكُمْ إبْراهِيْمُ ابْتَهَجَ مُتَشَوِّقاً لِأنْ يَرَى يَوْمِي، وَقَدْ رَآهُ وَفَرِحَ.»

57 S idaa aawadeed Yuhuuddii waxay ku yidhaahdeen, Weli konton sannadood ma aadan gaadhin, oo Ibraahim ma aragtay?

فَقالَ لَهُ قادَةُ اليَهُودِ: «لَمْ تَبلُغِ الخَمْسِيْنَ بَعْدُ، وَقَدْ رَأيْتَ إبْراهِيْمَ؟» قالَ لَهُمْ يَسُوعُ: «أقُولُ الحَقَّ لَكُمْ: قَبلَ أنْ يَكُونَ إبْراهِيْمُ، أنا كائِنٌ.»

58 C iise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Intaan Ibraahim jirin anaa ah.

عِندَ هَذا التَقَطُوا حِجارَةً لِيَرْمُوهُ بِها،

59 M arkaasay dhagaxyo u gurteen inay ku tuuraan, laakiin Ciise waa dhuuntay, wuuna ka baxay macbudka.

لَكِنَّ يَسُوعَ تَوارَى عَنْهُمْ وَغادَرَ ساحَةَ الهَيْكَلِ.