1 W adaaddadow, tan maqla, oo dadka Israa'iilow, dhegaysta, oo reerka boqorkow, dhegta u dhiga, waayo, xukun baa idinku dhacaya, maxaa yeelay, waxaad ahaydeen dabin Misfaah ku yaal, iyo shabag Buur Taaboor ku kala fidsan.
¶ Hear ye this, O priests; and hearken, ye house of Israel; and give ear, O house of the king because the judgment is for you, for ye have been a snare in Mizpah and a net spread over Tabor.
2 O o caasiyiintii aad iyo aad bay layntii ugu dheeraadeen, aniguse kan dhammaantood canaanta baan ahay.
And in killing sacrifices ye have descended into the depths; therefore, I shall be the correction of them all.
3 A nigu waan aqaan reer Efrayim, dadka Israa'iilna igama qarsoona, waayo, haatan reer Efrayimow, waad sinaysateen, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.
I know Ephraim, and Israel is not hid from me; for now, O Ephraim, thou dost commit whoredom, and Israel is defiled.
4 F alimahoodu u oggolaan maayaan inay Ilaahoodii ku soo noqdaan, waayo, damaca sinadu waa ku dhex jiraa, oo Rabbiga ma ay yaqaaniin.
They will not think about returning unto their God; for the spirit of whoredoms is in the midst of them, and they do not know the LORD.
5 W axaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, haddaba dadka Israa'iil iyo reer Efrayimba waxay ku turunturoon doonaan xumaantooda, dadka Yahuudahna way la turunturoon doonaan iyaga.
And the pride of Israel doth testify to his face: therefore Israel and Ephraim shall fall in their iniquity; Judah shall also fall with them.
6 W axay kaxayn doonaan adhyahooda iyo ishkinkooda iyagoo Rabbiga doondoonaya, laakiinse isaga ma ay heli doonaan, waayo, wuu ka noqday iyaga.
They shall go with their flocks and with their herds seeking the LORD; but they shall not find him; he has withdrawn himself from them.
7 R abbiga khiyaano ayay kula macaamiloodeen, waayo, waxay dhaleen carruur garacyo ah, haddaba bil baa lagu baabbi'in doonaa iyaga iyo waxoodaba.
They have rebelled against the LORD; for they have begotten strange sons; now a month shall devour them with their portions.
8 W ar buunka Gibecaah ka afuufa, turumbadana Raamaah, oo Beytaawen ka dhawaaqa. Reer Benyaamiinow, waa laydin daba socdaa.
¶ Blow ye the shofar in Gibeah and the trumpet in Ramah; sound the drum in Bethaven; after thee, O Benjamin.
9 D alka reer Efrayim wuxuu ahaan doonaa meel cidlo ah maalinta canaanta. Waxaan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda ka ogeysiiyey waxa xaqiiqa ahaan u dhici doona.
Ephraim shall be made desolate in the day of chastisement; in the tribes of Israel I made known my truth.
10 A miirrada dalka Yahuudah waxay la mid yihiin kuwa durkiya calaamada soohdinta. Cadhadayda ayaan ugu dul shubi doonaa sida biyaha oo kale.
The princes of Judah were like those that move the boundaries; therefore I will pour out my wrath upon them like water.
11 R eer Efrayim waa la dulmay, oo xukun baa lagu burburiyey, waayo, raalli bay ku ahaayeen inay amarka daba socdaan.
Ephraim is oppressed and broken in judgment because he wanted to walk after commandments.
12 H addaba sidaas daraaddeed reer Efrayim waxaan u ahay sida balanbaallista oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan u ahay sida waxa qudhmay oo kale.
Therefore I will be unto Ephraim as a moth and to the house of Judah as rottenness.
13 R eer Efrayim markuu arkay cudurkiisa, oo dadka Yahuudahna ay dhaawacooda arkeen, markaasaa reer Efrayim wuxuu tegey dalka Ashuur, oo wuxuu u cid dirsaday Boqor Yaareeb. Laakiinse isagu ma awoodo inuu ku bogsiiyo, oo dhaawacaaga kaa dawayn maayo.
And Ephraim shall see his sickness and Judah his wound; then Ephraim shall go to the Assyrian and shall send to King Jareb; yet he shall not be able to heal you, nor cure you of your wound.
14 W aayo, waxaan reer Efrayim ku noqon doonaa sidii aar libaax oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan ku noqon doonaa sidii aaran libaax oo kale. Anigu qudhayda ayaa jeexjeexan doona oo bixi doona, waan la tegi doonaa, oo mid iga samatabbixiyaana ma jiri doono.
For I will be unto Ephraim as a lion and as a young lion to the house of Judah; I, even I, will tear and go away; I will take away, and there shall be no one left to escape.
15 A nigu waan tegi doonaa oo waxaan ku noqon doonaa meeshaydii, jeeray iyagu xumaantooda qirtaan oo ay i doondoonaan. Iyagoo cidhiidhi ku dhex jira ayay aad ii doondooni doonaan.
I will go and return to my place until they acknowledge their guilt and seek my face; in their affliction they will seek me early.