1 I laahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay, Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.
¶ O God, thou hast cast us off, thou hast scattered us; thou hast been displeased; O turn thyself to us again.
2 D hulkii waad gariirisay, oo waad kala dildillaacisay, Haddaba dildillaaciisa bogsii, waayo, wuu ruxmadaa.
Thou hast made the earth to tremble; thou hast broken it; heal its breaches, for it shakes.
3 D adkaagii waxaad tustay waxyaalo adag, Oo waxaad na cabsiisay khamri lala dhacdhaco.
Thou hast showed thy people hard things; thou hast made us to drink the wine of shaking.
4 C alan baad siisay kuwa kaa cabsada, In runta loo soo bandhigo aawadeed. (Selaah)
Thou hast given a banner to those that fear thee that they raise up for the truth. Selah.
5 S i ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan, Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.
That thy beloved may be delivered, save with thy right hand and hear me.
6 I laah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.
¶ God has spoken in his holiness; I will rejoice, I will divide Shechem and mete out the valley of Succoth.
7 G ilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushayda boqornimo.
Gilead is mine, and Manasseh is mine; Ephraim also is the strength of my head; Judah is my lawgiver;
8 M oo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Falastiinay, qayli aawaday.
Moab is my washpot; over Edom I will cast out my shoe; Philistia, triumph thou because of me.
9 B al yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
Who will bring me into the strong city? Who will lead me into Edom?
10 I laahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
Surely thou, O God, who had cast us off; and thou, O God, who did not go out with our armies.
11 C adowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
Give us help from trouble, for vain is the salvation of man.
12 I laah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.
Through God we shall do valiantly, for he it is that shall tread down our enemies.