1 W axyaalahan oo dhan qalbigaygaan kaga fiirsaday si aan u baadho in kuwa xaqa ah iyo kuwa xigmadda leh, iyo shuqulladooduba ay gacanta Ilaah ku jiraan. Binu-aadmigu garan maayo inay jacayl tahay iyo inay nacayb tahay toona. Wax waluba iyagay ka horreeyaan.
¶ Certainly I applied my heart unto all of this that I might declare all of this: that the righteous and the wise and their works are in the hand of God; no man knows either love or hatred by all that passes before them.
2 W ax kastaaba isku si bay dadka oo dhan ugu yimaadaan, oo isku wax baa ku dhaca ka xaqa ah iyo ka sharka ahba, ka wanaagsan iyo ka xunba, ka nadiifta ah iyo ka aan nadiifta ahaynba, ka allabariga bixiya iyo ka aan allabariga bixinba. Sida kan wanaagsanu yahay ayaa dembiluhuna yahay, oo ka dhaartaana waa la mid kan dhaarta ka cabsada.
All things come alike to all: there is one event to the righteous and to the wicked; to the good and to the clean and to the unclean; to him that sacrifices and to him that does not sacrifice: as unto the good so unto the sinner; and unto him that swears as unto him that fears the oath.
3 W ax xun baa ku jira waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, waana in isku wax ay dadka oo dhan ku dhacaan. Oo weliba qalbiga binu-aadmiga shar baa ka buuxa, oo qalbigoodana intay nool yihiin waalli baa ku jirta, oo taas dabadeedna kuwii dhintay ayay u tagaan.
This is an evil among all things that are done under the sun, that there is one event unto all; and also that the heart of the sons of men is full of evil, and madness is in their heart while they live, and after that they go to the dead.
4 K ii kuwa nool oo dhan la jira rajuu leeyahay, waayo, eeygii noolu waa ka wanaagsan yahay libaax dhintay.
¶ For to him that is still among the living there is hope: for a living dog is better than a dead lion.
5 W aayo, kuwa noolu way og yihiin inay dhiman doonaan, laakiinse kuwa dhintay waxba ma oga, oo innaba abaalgud dambe ma heli doonaan, waayo, iyaga waa la illoobay.
For the living know that they shall die, but the dead do not know any thing; neither do they have any more reward, for their memory is placed into oblivion.
6 O o weliba jacaylkoodii iyo nacaybkoodii iyo hinaasiddoodiiba way wada baabbe'een, oo innaba qayb dambe kuma lahaan doonaan waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan.
Even their love and their hatred and their envy is now perished; neither have they any more a portion in the age in any thing that is done under the sun.
7 O rod oo tag, oo kibistaada farxad ku cun, oo khamrigaagana qalbi istareexsan ku cab, waayo, Ilaah shuqulladaadii horuu u aqbalay.
Go, eat thy bread with joy and drink thy wine with a joyful heart that thy works might be acceptable unto God.
8 H ad iyo goorba dharkaagu wax cad ha ahaado, oo madaxaaguna yuusan saliid waayin.
Thy garments shall always be white, and thy head shall never lack ointment.
9 N aagtaada aad jeceshahay farxad kula noolow intaad ku nooshahay cimrigaaga aan waxba tarayn ee Ilaah qorraxda hoosteeda kugu siiyey oo dhan, waayo, taasu waa qaybtaadii aad ku heshay noloshan iyo hawshaadii aad qorraxda hoosteeda ku dhibtootay.
Live joyfully with the wife whom thou dost love all the days which thou art to live in this lake of vanity, which are given unto thee; all the days of thy vanity under the sun: for that is thy portion in this life, and in thy labour in which thou dost work under the sun.
10 W ax alla wixii gacantaadu hesho inay samayso xooggaaga oo dhan ku samee, waayo, She'ool oo aad tegaysid shuqul iyo hindiso iyo aqoon iyo xigmad toona laguma arko.
Whatever thy hand finds to do, do it with all thy might, for there is no work nor device nor knowledge nor wisdom in Sheol, where thou goest.
11 M arkaasaan mar kale fiirsaday, oo waxaan qorraxda hoosteeda ku arkay inaan kuwa dheereeyaa mar kasta tartanka ku badin, ama aan kuwa xoogga badanu mar kasta dagaalka adkaan, ama aan kuwa xigmadda lahu mar kasta kibis helin, ama aan kuwa garaadka ahu mar kasta hodan noqon, ama aan saanacyada mar kasta raalli laga ahayn, laakiinse waxaa kulligood hela wakhti iyo nasiib.
¶ I returned and saw under the sun that the race is not to the swift, nor the battle to the strong, neither yet bread to the wise, nor yet riches to men of prudence, nor yet grace to men of eloquence; but time and chance happens to them all.
12 W aayo, ninna wedkiisa ma yaqaan. Sida kalluun shabag xun lagu qabto, iyo sida shimbirro dabin ku dhaca, saasoo kalaa binu-aadmigana wakhti xun lagu dabaa, markii wedku si kedis ah ugu yimaado. Xigmaddu Way Ka Wanaagsantahay Nacasnimada
For man also does not know his time: as the fishes that are taken in an evil net and as the birds that are caught in the snare, so are the sons of men snared in the evil time, when it falls suddenly upon them.
13 O o xigmad caynkan ah ayaan qorraxda hoosteeda ku arkay, iyana way ila weynayd.
¶ I have also seen this wisdom under the sun, which is important unto me:
14 W axaa jirtay magaalo yar oo ay dad tiro yaru dhexdeeda joogaan, oo waxaa iyadii ku soo duulay boqor weyn. Wuu hareereeyey oo dhufayso waaweyn hareereheeda ka dhistay.
There was a little city and few men within it; and a great king came against it and besieged it and built great bulwarks against it;
15 H addana waxaa laga dhex helay nin miskiin ah oo xigmad leh, oo isna xigmaddiisii ayuu magaaladii ku samatabbixiyey, laakiinse haddana ninkaas miskiinka ah ciduna ma xusuusan.
now there was found in it a poor wise man, and he by his wisdom delivered the city; yet no one remembered that same poor man.
16 M arkaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.
Then I said, Wisdom is better than strength: even though the poor man’s knowledge is despised, and his words are not heard.
17 K uwa xigmadda leh erayadoodii xasilloonaan lagu maqlaa waa ka sii wanaagsan yihiin qaylada kan nacasyada ka dhex taliya.
The words of wise men are heard in quiet more than the cry of him that rules among fools.
18 X igmaddu waa ka fiican tahay hubka dagaalka, laakiinse dembile qudha ayaa wax badan oo wanaagsan baabbi'iya.
Wisdom is better than weapons of war, but one sinner destroys much good.