1 M arkaasaa Bocas wuxuu tegey iriddii magaalada, oo halkaasuu fadhiistay; oo bal eeg waxaa ag yimid ninkii Bocas ka hadlay ee ahaa xigaalka uga dhow. Markaasuu wuxuu ku yidhi, War, hebelow, soo leexo, oo bal kaalay, halkan fadhiiso. Kolkaasuu soo leexday oo fadhiistay.
¶ And Boaz went up to the gate and sat down there, and, behold, the redeemer of whom Boaz spoke came by unto whom he said, Ho, such a one! Come here and sit down. And he came and sat down.
2 M arkaasuu wuxuu soo kaxaystay toban nin oo odayaashii magaalada ah, oo wuxuu ku yidhi, Bal halkan fadhiista, oo iyana way fadhiisteen.
Then he took ten men of the elders of the city and said, Sit down here. And they sat down.
3 M arkaasuu wuxuu ku yidhi ninkii xigaalka u dhow ahaa, Nimco oo ka soo noqotay waddankii reer Moo'aab ayaa iibinaysa jagadii dhulka ahayd ee uu lahaa walaalkeen Eliimeleg.
And he said unto the redeemer, Naomi, that is come again out of the field of Moab, sold a parcel of land, which was our brother Elimelech’s,
4 O o waxay ila noqotay inaan ku ogeysiiyo inaad ku iibsato kuwa halkan fadhiya iyo odayaasha dadkayga hortooda. Haddaad doonaysid inaad iibsatid, iibso, laakiinse haddaanad doonaynin inaad iibsatid ii sheeg aan ogaadee, waayo, nin kaaga dhow oo iibsanaya ma jiro, oo anna adigaan kaa dambeeyaa. Isna wuxuu yidhi, Waan iibsanayaa.
and I decided to cause thee to know this and tell thee to take it before the inhabitants and before the elders of my people. If thou wilt redeem it, redeem it, but if thou wilt not redeem it, then tell me that I may know, for there is no one to redeem it besides thee, and I after thee. And he said, I will redeem it.
5 M arkaasaa Bocas wuxuu yidhi, Maalintii aad Nimco gacanteeda beerta ka iibsatid, waa inaad Ruud tii reer Moo'aabna ka iibsataa, taasoo ah naagtii kii dhintay, inaad kii dhintay magiciisii ku soo celisid dhulkii dhaxalkiisa ahaa.
Then Boaz replied, The day that thou dost receive the field of the hand of Naomi, thou must also receive Ruth, the Moabitess, the wife of the dead, to raise up the name of the dead upon his inheritance.
6 M arkaasaa ninkii xigaalka u dhow ahaa wuxuu yidhi, Anigu taas ma iibsan karo, waayo, waaba intaasoo aan dhaxalkayga halleeyaa; haddaba adigu qaado xaqii aan iibsashada u lahaa, maxaa yeelay, anigu ma aan iibsan karo.
And the redeemer said, I cannot redeem it for myself lest I ruin my own inheritance; redeem thou; I cede my right to you, for I shall not be able to redeem it.
7 O o haddaba waagii hore reer binu Israa'iil dhexdooda caadadii ku saabsanayd kala iibsashada iyo kala beddelashada waxay ahayd in nin kabtiisa iska siibo oo uu deriskiisa u dhiibo in wax walba la sii adkeeyo aawadeed. Taasu waxay reer binu Israa'iil u ahayd sida loo markhaati furo.
Now for a long time in Israel there had been this custom concerning redemption or contracts, that for the confirmation of all matters: one plucked off his shoe and gave it to his neighbour, and this was a testimony in Israel.
8 S idaas daraaddeed ninkii xigaalka u dhow ahaa wuxuu Bocas ku yidhi, Adigu soo iibso. Markaasuu kabtiisii iska siibay.
Therefore, the former owner of the right of redemption said unto Boaz, Buy it thyself. So he drew off his shoe.
9 M arkaasaa Bocas wuxuu ku yidhi odayaashii iyo dadkii oo dhanba, Bal idinku maanta markhaatiyaal baad ka tihiin inaan Nimco gacanteeda ka iibsaday kulli wixii Eliimeleg lahaa oo dhan, iyo kulli wixii Kilyoon iyo Maxloon lahaayeen oo dhan.
¶ And Boaz said unto the elders and unto all the people, Ye are witnesses this day that I have bought all that was Elimelech’s and all that was Chilion’s and Mahlon’s, of the hand of Naomi.
10 O o weliba Ruud tii reer Moo'aab oo ahayd naagtii Maxloonna waxaan u iibsaday inay naagtaydii ahaato ee aan kii dhintay magiciisii u soo celiyo dhulkii uu dhaxalka u lahaa, si uusan kii dhintay magiciisii uga go'in walaalihiis dhexdooda iyo iriddii meeshiisa; idinku markhaatiyaal baad ka tihiin.
Moreover, I also take Ruth, the Moabitess, the wife of Mahlon, as my wife, to raise up the name of the dead upon his inheritance that the name of the dead not be cut off from among his brethren and from the gate of his place. Ye shall be witnesses of this today.
11 M arkaasaa dadkii iridda joogay oo dhan iyo odayaashiiba waxay yidhaahdeen, Markhaatiyaal baannu ka nahay. Naagta gurigaaga soo gashay Rabbigu ha ka dhigo sidii Raaxeel iyo Lee'ah, labadaas oo ahaa kuwii dhisay reerkii Israa'iil; oo adna Efraataah ku barwaaqow, Beytlaxamna caan ku ahow.
And all the people that were in the gate and the elders, said, We are witnesses. The LORD make the woman that is come into thy house like Rachel and like Leah, who built the house of Israel; and be thou a man of valour in Ephratah, and be famous in Bethlehem;
12 O o farcanka Rabbigu kaa siin doono naagtan dhallintayar reerkaagu ha ku noqdo sidii reerkii Feres, kaasoo ahaa kii Taamaar u dhashay Yahuudah. Abtirsiinadii Daa'uud
let thy house be like the house of Pharez, whom Tamar bore unto Judah, of the seed which the LORD shall give thee of this young woman.
13 M arkaasuu Bocas kaxaystay Ruud, oo iyana waxay noqotay naagtiisii; kolkaasuu iyadii u tegey, oo Rabbiguna wuxuu iyadii siiyey uur oo waxay dhashay wiil.
¶ So Boaz took Ruth, and she was his wife, and when he went in unto her, the LORD gave her conception, and she bore a son.
14 M arkaasaa dumarkii waxay Nimco ku yidhaahdeen, Mahad waxaa leh Rabbiga aan maanta xigaalla'aan ku dhigin, oo magiciisuna reer binu Israa'iil caan ha ku dhex ahaado.
And the women said unto Naomi, Blessed be the LORD, who has not left thee this day without a redeemer, whose name shall be famous in Israel.
15 O o isna wuxuu kuu noqon doonaa naf-sooceliye iyo ku markaad gabowdo ku quudiya. Waayo, waxaa isaga kuu dhashay gabadhii aad soddohda u ahayd ee ku jeclayd, ee kaaga sii wanaagsan toddoba wiil.
And he shall be unto thee a restorer of thy soul and a sustainer in thy old age, for thy daughter-in-law, whom thou doth love, who is better to thee than seven sons, has given birth.
16 M arkaasaa Nimco wiilkii qaadday oo laabta ku jiifisay, oo waxay u noqotay tu xannaanaysa.
And Naomi took the child and laid it in her bosom and was his nurse.
17 M arkaasaa dumarkii deriska u ahaa magac u bixiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Wiil baa u dhashay Nimco, oo magiciisiina waxay u bixiyeen Coobeed; oo isagu waa Yesay aabbihiis, kii Daa'uud dhalay.
And the women, her neighbours, named him, saying, There is a son born to Naomi, and they called his name Obed. This is the father of Jesse, the father of David.
18 H addaba kuwanu waa abtirsiinyadii Feres. Feres wuxuu dhalay Xesroon;
Now these are the generations of Pharez: Pharez begat Hezron,
19 X esroonna wuxuu dhalay Raam, Raamna wuxuu dhalay Cammiinaadaab;
and Hezron begat Ram, and Ram begat Amminadab,
20 C ammiinaadaabna wuxuu dhalay Naxshoon, Naxshoonna wuxuu dhalay Salmoon;
and Amminadab begat Nahshon, and Nahshon begat Salmon,
21 S almoonna wuxuu dhalay Bocas, Bocasna wuxuu dhalay Coobeed;
and Salmon begat Boaz, and Boaz begat Obed,
22 C oobeedna wuxuu dhalay Yesay, Yesayna wuxuu dhalay Daa'uud.
and Obed begat Jesse, and Jesse begat David.