1 H addaba cadaawayaashii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin markay maqleen inay kuwii maxaabiistii ahaan jiray macbud u dhisayeen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,
¶ Now when the enemies of Judah and Benjamin heard that the sons of the captivity built the temple unto the LORD God of Israel,
2 a yay u soo dhowaadeen Serubaabel, iyo madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ku yidhaahdeen, Annana aan idinla dhisno, waayo, Ilaahiinna waan u doonnaa sidiinnoo kale, oo isaga allabari baan u bixin jirnay tan iyo waagii uu Eesar Xaddoon oo boqorkii Ashuur ahaa halkan na keenay.
then they came to Zerubbabel and to the heads of the fathers and said unto them, Let us build with you, for we seek your God, as ye do; and we do sacrifice unto him since the days of Esarhaddon, king of Assur, who brought us up here.
3 L aakiinse Serubaabel iyo Yeeshuuca, iyo madaxdii qabiilooyinka reer Israa'iil intoodii kaleba waxay ku yidhaahdeen, Idinka waxba idinkama gelin inaad Ilaahayaga guri noola dhistaan, laakiinse annagaa dhammaantayo guri u dhisayna Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu Boqor Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris nagu amray.
But Zerubbabel and Jeshua and the rest of the heads of the fathers of Israel, said unto them, Ye have nothing to do with us to build a house unto our God; but we alone will build unto the LORD God of Israel as King Cyrus, the king of Persia, commanded us.
4 M arkaasaa dadkii dalka degganaa waxay daaliyeen gacmihii dadkii reer Yahuudah, oo waxdhisiddiina way ka cabsiiyeen,
Then the people of the land weakened the hands of the people of Judah and troubled them in building
5 o o waxay u soo kiraysteen taliyayaal si ay qasdigoodii uga xumeeyaan, Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris wakhtigiisii oo dhan, iyo tan iyo xataa dowladnimadii Daariyus oo ahaa boqorkii Faaris. Horistaagiddii Dambe Ee Xilliyadii Ahashwerus Iyo Artaxshasta
and hired counsellors against them, to frustrate their counsel, all the days of Cyrus, king of Persia, even until the reign of Darius, king of Persia.
6 O o waagii Ahashwerus boqortooyada qabsaday markii dowladnimadiisu bilaabatay ayay ashtako ka soo qoreen dadkii degganaa Yahuudah iyo Yeruusaalem.
¶ And in the reign of Ahasuerus, in the beginning of his reign, they wrote accusations against the inhabitants of Judah and Jerusalem.
7 O o wakhtigii Artaxshasta ayaa Bishlaam, Mitredaad, Taabeel, iyo saaxiibbadiisii kale arji u soo qoray Artaxshasta oo ahaa boqorkii Faaris, oo warqadda farteedu waxay ahayd tan Suuriya, waxaana lagu micneeyey afka Suuriya.
And in the days of Artaxerxes wrote Bishlam, Mithredath, Tabeel, and the rest of their companions, unto Artaxerxes, king of Persia; and the writing of the letter was written in the Syrian tongue and interpreted in the Syrian tongue.
8 T aliyihii Rexuum ahaa iyo karraanigii Shimshay ahaa ayaa sidan warqad Yeruusaalem ka gees ah ugu soo qoray Boqor Artaxshasta.
Rehum, the chancellor, and Shimshai, the scribe, wrote a letter against Jerusalem to Artaxerxes, the king, in this sort:
9 M arkaasaa waxaa qoray taliyihii Rexuum ahaa iyo karraanigii Shimshay ahaa, iyo saaxiibbadoodii kale oo ahaa reer Diinaayee, iyo reer Afarsatkaayee, iyo reer Tarfelaayee, iyo reer Afaarsaayee, iyo reer Arkewaayee, iyo reer Baabuloon, iyo reer Shuushankaayee, iyo reer Dehaayee, iyo reer Ceelaam,
Then wrote Rehum, the chancellor, and Shimshai, the scribe, and the rest of their companions, the Dinaites, the Apharsathchites, the Tarpelites, the Apharsites, the Archevites, the Babylonians, the Susanchites, the Dehavites, and the Elamites,
10 i yo quruumaha intoodii kale oo boqorkii weynaa oo gobta ahaa Aasnafar u soo gudbiyey oo dejiyey magaalada Samaariya iyo dalka intiisa kaloo webiga ka shishaysa iyo wixii la mid ah.
and the rest of the nations whom the great and noble Asnappar (Sennacherib) brought over and set in the cities of Samaria and the rest that are on the other side of the river, and of Cheenet.
11 K anu waa naqilkii warqaddii ay Boqor Artaxshasta u direen: Dadka webiga ka shisheeya, oo addoommadaada ahu waxay leeyihiin,
This is the copy of the letter that they sent: Unto Artaxerxes, the king: Thy servants, the men of the other side of the river, and of Cheenet.
12 B oqorow, bal ogow, in Yuhuuddii kaa soo kacday ay Yeruusaalem noogu yimaadeen, oo ay dhisayaan magaaladii caasiga ahayd oo xumayd, oo derbiyadii way dhammeeyeen, aasaaskiina way hagaajiyeen.
Be it known unto the king that the Jews who came up from thee to us are come unto Jerusalem, building the rebellious and the bad city, and have founded the walls thereof and joined the foundations.
13 H addaba boqorow bal ogow, in haddii magaaladan la dhiso, oo derbiyadeeda la dhammeeyo, ayan iyagu markaas bixin doonin gabbaro, canshuur, amase baad, ugudambaystana boqorraday wax yeeli doontaa.
Be it known now unto the king, that, if this city is rebuilt, and the walls founded, they will not pay toll, tribute, and custom, and so the revenue of the kings shall be reduced.
14 H addaba annagu waxaannu cunnaa cusbada hoygaaga, boqorow, oo naguma habboona inaannu aragno adigoo lagu ciso jebiyey, oo sidaas daraaddeed ayaan kuugu soo cid dirnay oo kuu ogeysiinnay, boqorow,
Now because we are salted with the salt of the palace, and it is not just unto us to see the king’s dishonour; therefore, we have sent to make this known unto the king,
15 s i loo baadho buugaggii taariikhda oo awowayaashaa, oo sidaasaad buugagga taariikhda uga heli doontaa oo u ogaan doontaa in magaaladanu tahay magaalo caasi ah, oo ay u waxyeello badan tahay boqorrada iyo gobolladaba, iyo in iyada waagii hore fallaagada laga kiciyey, oo sababtaas aawadeed baa magaaladan loo dumiyey.
that search may be made in the book of the records of our fathers; so shalt thou find in the book of the records and know that this city is a rebellious city and hurtful unto kings and provinces and that from old time they form rebellions in the midst of her, for which cause this city was destroyed.
16 B oqorow, waxaannu ku ogeysiinaynaa in haddii magaaladan la dhiso, oo derbiyadeeda la dhammeeyo, aadan sababtaas aawadeed waxba qayb ku yeelan doonin inta webiga ka shishaysa.
We notify the king that if this city is built again, and its walls founded, the portion on the other side of the river shall no longer be yours.
17 M arkaasaa boqorkii wuxuu warqad jawaab ah u soo diray taliyihii Rexuum ahaa, iyo karraanigii Shimshay ahaa, iyo intii kaloo saaxiibbadooda ahayd oo Samaariya degganaa, iyo dadkii kaloo webiga shishadiisa degganaa, oo wuxuu yidhi, Nabad iyo wax la mid ahu korkiinna ha ahaadeen.
¶ The king sent this answer unto Rehum, the chancellor, and to Shimshai, the scribe, and to the rest of their companions that dwell in Samaria and to the rest of those of the other side of the river and to Cheenet.
18 W arqaddii aad noo soo dirteen bayaan ayaa hortayda loogu akhriyey.
The letter which you sent unto us has been plainly read before me.
19 O o anna amar baan bixiyey, oo buugaggii baa la baadhay, oo waxaa la helay in magaaladanu waagii hore boqorro ku kici jirtay, iyo in dhexdeeda lagu caasiyoobi jiray oo lagu fallaagoobi jiray.
And I commanded, and search has been made, and it is found that this city of old time has made insurrection against kings and that rebellion and sedition have been made in her
20 O o weliba Yeruusaalem waxaa xukumi jiray boqorro xoog badan, oo waxay u talin jireen inta webiga ka shishaysa oo dhan, oo gabbaro, iyo canshuur, iyo baadba waa la siin jiray.
and that there have been mighty kings in Jerusalem, who have ruled over all that is beyond the river, and that toll, tribute, and custom, was paid unto them.
21 H addaba idinku waxaad amar ku bixisaan in nimankaasu shuqulka joojiyaan iyo inaan magaaladaas la dhisin ilaa aan amar bixiyo.
Give ye now commandment to cause these men to cease and that this city not be built until another commandment shall be given from me.
22 O o idinku iska jira inaydnaan xaalkaas daynin, waayo, bal maxaa khasaare ugu sii kordhaya in waxyeello boqorrada gaadho?
Take heed now that ye not fail to do this; why should damage grow to the hurt of the kings?
23 O o markii Boqor Artaxshasta warqaddiisii naqilkeedii lagu hor akhriyey Rexuum iyo karraanigii Shimshay ahaa, iyo saaxiibbadood, haddiiba waxay degdeg ugu tageen Yuhuuddii Yeruusaalem joogtay, oo waxay ku joojiyeen qasab iyo xoog.
Now when the copy of King Artaxerxes’ letter was read before Rehum, and Shimshai, the scribe, and their companions, they went up in haste to Jerusalem unto the Jews and made them to cease by force and power.
24 O o markaasuu joogsaday shuqulkii guriga Ilaah Yeruusaalem ku yaal; oo wuxuu joogsaday ilaa sannaddii labaad oo dowladnimadii Daariyus oo boqorkii Faaris ahaa.
Then the work of the house of God which was at Jerusalem ceased. So it ceased unto the second year of the reign of Darius, king of Persia.