Yeremyaah 19 ~ Jeremiah 19

picture

1 R abbigu wuxuu igu yidhi, Tag, oo dheryasameeye jalxaddiis soo iibso, oo intaad qaar ka mid ah odayaasha dadka iyo odayaasha wadaaddada soo kaxaysid,

¶ Thus hath the LORD said, Go and buy a potter’s earthen bottle, and take of the elders of the people and of the elders of the priests;

2 w axaad tagtaa dooxada ina Xinnom oo u dhow meesha laga soo galo iridda Xarsiid, oo halkaas erayada aan kuu sheegi doono ka naadi,

and go forth unto the valley of the son of Hinnom, which is by the entry by the east gate, and proclaim there the words that I shall tell thee.

3 a doo leh, Boqorrada dalka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem degganow, bal maqla erayga Rabbiga. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, meeshan masiibaan ku soo dejin doonaa, oo ku alla kii maqlaaba wuu ka nixi doonaa.

Therefore thou shalt say, Hear ye the word of the LORD, O kings of Judah, and inhabitants of Jerusalem. Thus saith the LORD of the hosts, God of Israel: Behold, I bring evil upon this place, such that whoever hears of it, his ears shall tingle.

4 I yagu way iga tageen, oo intay meeshan nijaaseeyeen, ayay foox ugu shideen ilaahyo kale oo iyaga, iyo awowayaashood, iyo boqorrada dalka Yahuudahba ayan aqoon, oo waxay meeshan ka buuxiyeen dhiigga kuwa aan xaqa qabin.

Because they have forsaken me and have estranged this place; and have burned incense in it unto other gods, whom neither they nor their fathers have known, nor the kings of Judah and have filled this place with the blood of innocents;

5 O o waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal inay wiilashooda dab ku gubaan oo ay Bacal qurbaanno la gubo ugu bixiyaan, taasoo aanan ku amrin, oo aanan ku hadlin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin.

and have built high places unto Baal, to burn their sons with fire for burnt offerings unto this same Baal, which I did not command, nor speak, neither did it come into my mind.

6 S idaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan meeshan mar dambe loogu yeedhi doonin Tofed, amase dooxadii ina Xinnom, laakiinse waxaa lagu magacaabi doonaa Dooxadii Gowracidda.

Therefore, behold, the days come, said the LORD, that this place shall no longer be called Tophet, nor The valley of the son of Hinnom, but The valley of the slaughter.

7 O o waxaan meeshan ka tirtiri doonaa talada dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay cadaawayaashooda hortooda ku la'daan oo ay ku dhintaan gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo bakhtigoodana waxaan cunto ahaan u siin doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.

And I will make void the counsel of Judah and Jerusalem in this place, and I will cause them to fall by the sword before their enemies and by the hands of those that seek their souls and I will give their carcasses to be food for the fowls of the heaven and for the beasts of the earth.

8 O o magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood.

And I will make this city desolate and a hissing; every one that passes thereby shall be astonished and hiss because of all its plagues.

9 O o waxaan ka dhigi doonaa inay cunaan hilibka wiilashooda iyo hilibka gabdhahoodaba, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka saaxiibkiis markii dagaal lagu hareereeyo oo ay ku cidhiidhsanaadaan cidhiidhiga cadaawayaashooda iyo kuwa naftooda doondoonaya ay ku cidhiidhin doonaan.

And I will cause them to eat the flesh of their sons and the flesh of their daughters, and each one shall eat the flesh of his friend in the siege and straitness, with which their enemies and those that seek their souls shall straiten them.

10 O o markaas jalxadda waxaad ku jebisaa raggii kula socda hortooda.

¶ Then thou shalt break the bottle in the sight of the men that go with thee,

11 O o waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkan iyo magaaladanba waxaan u jejebin doonaa sida weelka dheryasameeyaha loo jebiyo oo kale, kaasoo aan mar kale la kabi karayn, oo waxaa meydadkooda lagu wada xabaali doonaa Tofed, ilamaa ay waayaan meel ay ku kala xabaalaan.

and shalt say unto them, Thus hath the LORD of the hosts said: Even so will I break this people and this city as one breaks a potter’s vessel that cannot be restored again; and they shall bury them in Tophet, for there shall be no other place to bury.

12 R abbigu wuxuu leeyahay, Sidaasaan meeshan ku samayn doonaa, iyada iyo dadka dhex degganba, oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa sida Tofed oo kale,

Thus will I do unto this place, saith the LORD, and to its inhabitants and even make this city as Tophet:

13 o o guryaha Yeruusaalem iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah ee nijaasaysan waxay u ahaan doonaan sida meesha Tofed oo kale, xataa guryahaas oo ah kuwii saqafkooda oo dhan foox loogu shidi jiray ciidammada samada oo dhan, oo qurbaanno cabniin ah loogu bixin jiray ilaahyo kale.

And the houses of Jerusalem and the houses of the kings of Judah, shall be as the place of Tophet, defiled, because of all the houses upon whose roofs they have burned incense unto all the host of the heaven and have poured out drink offerings unto other gods.

14 M arkaas Yeremyaah wuxuu ka yimid Tofed oo ah meeshii Rabbigu u diray inuu wax ku sii sheego, oo intuu barxaddii guriga Rabbiga soo istaagay ayuu dadkii oo dhan ku yidhi,

Then Jeremiah returned from Tophet, where the LORD had sent him to prophesy; and he stood in the court of the LORD’s house and said to all the people,

15 R abbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.

Thus hath the LORD of the hosts, God of Israel said: Behold, I bring upon this city and upon all her towns all the evil that I have spoken against her because they have hardened their necks that they might not hear my words.