Yexesqeel 6 ~ Ezekiel 6

picture

1 O o haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid, isagoo leh,

¶ And the word of the LORD came unto me, saying,

2 W iilka Aadamow, wejigaaga buuraha dalka reer binu Israa'iil u jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg.

Son of man, set thy face toward the mountains of Israel and prophesy against them,

3 O o waxaad tidhaahdaa, Buuraha reer binu Israa'iilow, bal Sayidka Rabbiga ah eraygiisa maqla. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku leeyahay buuraha, iyo kuraha, iyo webiyada, iyo dooxooyinkaba, Bal ogaada, aniga qudhaydu seef baan idinku soo dayn doonaa, oo waxaan wada baabbi'in doonaa meelihiinna sarsare.

and thou shalt say, Ye mountains of Israel, hear the word of the Lord GOD. Thus hath the Lord GOD said to the mountains and to the hills, to the rivers, and to the valleys: Behold, I, even I, bring a sword upon you, and I will destroy your high places.

4 M eelihiinna allabariguna cidla bay wada noqon doonaan, oo sanamyadiinna qorraxdana waa la wada burburin doonaa, oo raggiinna la laayayna sanamyadiinna waan ku soo hor tuuri doonaa.

And your altars shall be desolate, and your images of the sun shall be destroyed, and I will cause your dead to fall before your idols.

5 O o meydadka reer binu Israa'iil waxaan hor dhigi doonaa sanamyadooda, oo lafihiinnana waxaan ku kala firdhin doonaa meelihiinna allabariga hareerahooda.

And I will lay the dead carcasses of the sons of Israel before their idols, and I will scatter your bones round about your altars.

6 O o meel alla meeshaad deggan tihiinba magaalooyinka waa laga dumin doonaa, oo meelaha sarsarena cidla bay wada noqon doonaan, si ay meelihiinna allabarigu u burburaan oo ay cidla u noqdaan, oo ay sanamyadiinnuna jajabaan oo ay u wada dhammaadaan, oo sanamyadiinna qorraxdana loo wada jaro, oo shuqulladiinnana loo wada tirtiro.

In all your provinces the cities shall be laid waste, and the high places shall be desolate that your altars may be laid waste and condemned, and your idols shall be destroyed and shall cease, and your images of the sun shall be cut down, and your works shall be abolished.

7 O o kuwa la laayayna dhexdiinnay ku soo daadan doonaan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

And the slain shall fall in the midst of you, and ye shall know that I am the LORD.

8 L aakiinse qaar baan reebi doonaa, si aad wuxoogaa seefta kaga baxsaday quruumaha dhexdooda u lahaataan, markaad waddammada ku kala dhex firdhi doontaan.

¶ Yet I will leave a remnant that ye may have some that shall escape the sword among the Gentiles when ye shall be scattered through the countries.

9 O o kuwii idinka baxsadaa waxay igu xusuusan doonaan quruumaha dhexdooda halkaasoo loo kaxaysan doono iyagoo maxaabiis ah, waayo, anigu waxaan ku calool xumaaday qalbigoodii dhilloobay oo iga tegey, iyo indhahoodii sanamyadooda dhillanimada la daba galay, oo iyaga qudhoodu waxay isku nici doonaan xumaatooyinkii ay ku dhex sameeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo dhan.

And those that escape of you shall remember me among the Gentiles where they shall be carried captives because I am broken because of your whorish heart, which has departed from me and because of your eyes, which went a whoring after your idols: and they shall loathe themselves for the evils which they have committed in all their abominations.

10 O o waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay iyo inaanan waxtarla'aan u odhan, Belaayadaas ayaan iyaga ku samayn doonaa.

And they shall know that I am the LORD and that I have not said in vain that I would do this evil unto them.

11 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sacabbada isku dhufo oo cagta dhulka ku dhufo, oo Hoogay! u dheh waxyaalihii karaahiyada ahaa oo dhan ee ay reer binu Israa'iil sameeyeen aawadood, waayo, waxay ku baabbi'i doonaan seef, iyo abaar, iyo belaayo.

¶ Thus hath the Lord GOD said: Smite with thine hand and stamp with thy foot and say, Alas for all the abominations of the evils of the house of Israel! for they shall fall by the sword, by the famine, and by the pestilence.

12 K ii meel fog joogaa belaayo buu u dhiman doonaa, oo kii meel dhow joogaana seef buu ku dhiman doonaa, oo kii magaalada la weeraraya weli ku hadhaana abaar buu ku dhiman doonaa, oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammaystiri doonaa.

He that is far off shall die of the pestilence, and he that is near shall fall by the sword, and he that remains and is besieged shall die by the famine: thus will I accomplish my fury in them.

13 O o markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii raggooda la laayay ay ku ag daadsanaadaan sanamyadooda ku hareeraysan meelahooda allabariga, oo kor saaran kur kasta oo dheer, iyo buuraha dhaladooda oo dhan, iyo geed kasta oo cagaar ah hoostiisa, iyo geed kasta oo alloon la yidhaahdo oo weyn, kuwaasoo ah meelaha ay carafta udgoon ugu bixiyeen sanamyadooda oo dhan.

Then shall ye know that I am the LORD when their slain men shall be among their idols round about their altars, upon every high hill, in all the tops of the mountains, and under every green tree, and under every thick oak, the place where they offered sweet savour to all their idols.

14 A nigu gacantayda ayaan iyaga ku fidin doonaa, oo dalkana meel cidla ah ayaan ka dhigi doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa meel ka sii daran cidlada ku taal xagga Dibla meelaha ay deggan yihiin oo dhan, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

So will I stretch out my hand upon them and make the land desolate, even more desolate than the wilderness toward Diblath, in all their habitations; and they shall know that I am the LORD.