1 O o haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
¶ The word of the LORD came again unto me, saying,
2 W iilka Aadamow, haddana Turos aawadeed baroor kor ugu qayli,
Now, thou son of man, raise up lamentations upon Tyre.
3 o o waxaad Turos ku tidhaahdaa, Taada badda kadinkeeda ku taal, oo ah meesha ay gasiirado badan dadkoodu ka baayacmushtaraanay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Turosay, waxaad istidhi, Anigu waxaan leeyahay qurux kaamil ah.
And say unto Tyre, O thou that dwelleth at the ports of the sea, who art a merchant of the people for many isles, Thus hath the Lord GOD said; O Tyre, thou hast said, I am of perfect beauty.
4 S oohdimahaagu waxay ku yaallaan badda dhexdeeda, oo kuwii ku dhisayna quruxdaadii way kaamileen.
In the heart of the seas are thy border; thy builders have completed thy beauty.
5 A lwaaxda doonniyahaaga oo dhan waxay ka sameeyeen dhirta berooshka ah ee Seniir, oo Lubnaan waxay ka soo goosteen geedo kedar ah si ay daqal kaaga dhigaan.
They have made all thy ship boards of fir trees of Senir; they have taken cedars from Lebanon to make masts for thee.
6 W axay seebab kaaga sameeyeen geedihii alloonka ee Baashaan, oo kursiyadaadiina waxay ka sameeyeen alwaax gasiiradaha Kitiim laga keenay oo foolmaroodi lagu sharxay.
Of the oaks of Bashan they have made thine oars; the company of the Ashurites have made thy benches of ivory, brought out of the isles of Chittim.
7 O o waxaa shiraaq kuu ahaa maro wanaagsan oo daabac leh oo Masar laga keenay, si ay taasu calaamad kuugu ahaato, oo waxaa kugu dednaa buluug iyo guduud gasiiradaha Eliishaah laga keenay.
Of fine linen with broidered work from Egypt was thy curtain, that it might serve to be thy sail; of blue and purple from the isles of Elishah was thy pavilion.
8 T urosay, kuwii sixiimadahaagii seebiyey waxay ahaayeen dadka Siidoon iyo Arwaad deggan, oo kuwii xigmadda lahaa ee ku dhex joogayna waxay ahaayeen doonniyawadayaashaadii.
The inhabitants of Zidon and Arvad were thy rowers; thy wise men, O Tyre, were in thee; they were thy pilots.
9 O dayaashii Gebal iyo kuweedii xigmadda lahaa ee ku dhex joogay ayaa kuwa dillaacyada awda kuu ahaayeen, oo badda doonniyaheedii oo dhan iyo baxriyadoodii oo dhammuba way ku dhex joogeen si ay kuula baayacmushtaraan.
The elders of Gebal and the wise men thereof were in thee to repair thy breaches: all the galleys of the sea with their rowers were in thee to negotiate thy business dealings.
10 R eer Faaris, iyo reer Luud, iyo reer Fuud ayaa ciidankaagii ku jiray, oo waxay kuu ahaayeen dagaalyahankaagii, oo dhexdaaday gaashaanka iyo koofiyadda dagaalka sudheen, oo waxay soo bandhigeen quruxdaadii.
Those of Persia and of Lud and of Africa were in thine army, thy men of war: they hung the shield and helmet in thee; they extolled thy beauty.
11 O o derbiyadaadii kugu wareegsanaana waxaa dul joogay raggii reer Arwad iyo ciidankaagii, oo munaaradahaagiina waxaa ku jiray raggii reer Gammaadiim. Iyana gaashaammadooday derbiyadaadii kugu wareegsanaa sudheen, oo quruxdaadiina kaamil bay ka dhigeen.
The sons of Arvad with thine army were upon thy walls round about, and the Gammadims were in thy towers: they hung their shields upon thy walls round about; they completed thy beauty.
12 T arshiish waxay ahayd tii kula baayacmushtari jirtay hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd aawadeed, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jirtay lacag, iyo bir, iyo qasacad, iyo alxan.
Tarshish was thy market by reason of the multitude of all thy riches in silver, iron, tin, and lead; they traded in thy fairs.
13 O o reer Yaawaan, iyo reer Tubal, iyo reer Meshegna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen dad noolnool iyo weelal naxaas ah.
Greece, Tubal, and Meshech, thy merchants, with the soul of men and with vessels of brass; they traded in thy fairs.
14 O o kuwii reer Togarmaahna waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen fardo iyo fardo la fuulo iyo baqlo.
Those of the house of Togarmah traded in thy fairs with horses and horsemen and mules.
15 D adkii reer Dedaanna way kula baayacmushtari jireen, oo gasiirado badan ayaa kuu ahaan jiray meelahaad ku baayacmushtartid, oo waxay kuu keeni jireen foolmaroodi iyo qori haabniim ah.
The sons of Dedan were thy merchants; many isles took merchandise from thy hand: they brought thee for a present horns of ivory and peacocks.
16 S uuriyana way kula baayacmushtari jirtay, maxaa yeelay, sanco faro badan baad samayn jirtay, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen dhagaxyo sumurud la yidhaahdo, iyo guduud, iyo daabac, iyo dhar wanaagsan, iyo shacaab iyo dhagax agate la yidhaahdo.
Syria was thy merchant by reason of the multitude of the wares of thy making: they traded in thy fairs with rubies and purple and broidered work and fine linen and coral and pearls.
17 D alka Yahuudah iyo dalka Israa'iilna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen sarreenkii Minniid, iyo fannag macaan, iyo malab, iyo saliid, iyo beeyo.
Judah, and the land of Israel; they were thy merchants: they traded in thy market with wheat, Minnith and Pannag and honey and oil and balm.
18 D imishaqna way kula baayacmushtari jirtay sancadaadii faraha badnayd aawadeed, iyo hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd oo dhan, oo waxay ka dhaafsan jirtay khamrigii Xelboon iyo dhogor cad.
Damascus was thy merchant in the multitude of the wares of thy making, for the abundance of all riches, with wine of Helbon and white wool.
19 W edaan iyo Yaawaan waxay alaabtaada kaga baayacmushtareen dun, oo alaabtaadana waxaa ka mid ahaa bir dhalaalaysa iyo kasiya iyo kalamus.
Dan also and Greece and Mozel traded in thy fairs bright iron, cassia, and calamus.
20 D edaan waxay kaga baayacmushtari jirtay dharka qaaliga ah ee fardaha lagu saldhaysto.
Dedan was thy merchant in precious cloth for chariots.
21 C arabiya iyo amiirradii reer Qedaar oo dhammu waxay kuu soo iib geeysan jireen baraar, iyo wanan iyo orgi: oo waxaasay kaaga baayacmushtari jireen.
Arabia and all the princes of Kedar, merchants of thy strength in lambs and rams and he goats: in these they were thy merchants.
22 O o reer Shebaa iyo reer Racmaahna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen xawaashka ugu fiican, iyo dhagxan kasta oo qaali ah, iyo dahab.
The merchants of Sheba and Raamah; they were thy merchants: they traded in thy fairs with the chief of all spices and with all precious stones and gold.
23 O o waxaa kaloo kula baayacmushtari jiray Xaaraan, iyo Kanneeh, iyo Ceeden, iyo baayacmushtariyaashii Shebaa, iyo Ashuur, iyo Kilmad oo dhan.
Haran and Canneh and Eden, the merchants of Sheba, Asshur, and Chilmad were in thy market.
24 K uwaasu waxay ahaan jireen baayacmushtariyaasha kaa iibin jiray alaab door ah oo cayn kasta ah oo ahaa dhar buluug ah, iyo daabac, iyo sanaaduuq uu dhar qaali ahu ka buuxo oo ay xadhko ku xidhxidhan yihiin oo alwaax kedar ah laga sameeyey.
These, thy merchants, negotiated with thee in all sorts of things: in blue robes and broidered work and in chests of rich apparel, bound with cords and made of cedar, among thy merchandise.
25 D oonniyaha Tarshiish ayaa shixnaddaada qaadi jiray, oo adigu waad buuxsantay, oo badda dhexdeeda ayaad aad ugu sharaf badnayd.
The ships of Tarshish, thy squadrons, went forth on thy behalf: and thou wast full, and wast multiplied greatly in the midst of the seas.
26 K uwii seebab kuugu kaxaynayay waxay ku geeyeen meel biyo badan, oo dabayshii bari ayaa badda dhexdeeda kugu jebisay.
¶ In many waters they overcame thy rowers; the east wind has broken thee in the midst of the seas.
27 M aalkaaga, iyo alaabtaada, iyo baayacmushtarkaaga, iyo baxriyadaada, iyo doonniyawadayaashaada, iyo kuwa dillaacyada awda, iyo kuwa baayacmushtarkaaga ka shaqaysta, iyo raggaaga dagaalyahanka ah oo ku dhex jooga oo dhan, iyo guutada ku dhex joogta oo dhammuba waxay maalinta baabbi'iddaada ku wada daadan doonaan badaha dhexdooda.
Thy riches, and thy markets, thy business, thy rowers, and thy pilots, those that repair thy breaches, and the agents of thy business, and all thy men of war, that are in thee, with all thy company which is in the midst of thee, shall fall into the midst of the seas in the day of thy ruin.
28 K uwa agagaarkaaga jooga oo dhammu waxay la wada gariiri doonaan qaylada dhawaaqa doonniyawadayaashaada.
The suburbs shall shake at the sound of the cry of thy pilots.
29 O o kuwa seebabka ku shaqeeya oo dhan, iyo baxriyada, iyo doonniyawadayaasha badda oo dhammuba doonniyahooda way ka soo degi doonaan, oo berrigay soo istaagi doonaan.
And all that handle the oar, the rowers, and all the pilots of the sea, shall come down from their ships; they shall stand upon the land
30 O o waxaa la maqli doonaa iyagoo kuu barooranaya, oo si qadhaadh ayay u ooyi doonaan, oo madaxooday boodh ku dul shubi doonaan, oo dambaskay ku galgalan doonaan.
and shall cause their voice to be heard upon thee and shall cry bitterly and shall cast up dust upon their heads; they shall wallow themselves in the ashes.
31 O o adiga daraaddaa ayay isu xiiri doonaan, oo joonyado bay guntan doonaan, oo waxay kuugu ooyi doonaan qalbi murugaysan iyo baroor qadhaadh.
And they shall pull out their hair for thee and gird themselves with sackcloth, and they shall weep for thee with bitterness of soul and bitter wailings.
32 O o intay ooyayaan ayay baroor kuu qaadi doonaan, oo waxay ku barooran doonaan iyagoo leh, Turosta badda dhexdeeda ku baabba'day, bal magaaladee baa la mid ah?
And in their wailing they shall take up a lamentation for thee and lament over thee, saying, Who is like Tyre, like the destroyed in the midst of the sea?
33 M arkay alaabtaadu badda ka soo baxday dad faro badan baad dhergin jirtay, oo boqorradii dunidana hodan baad maalkaagii badnaa iyo baayacmushtarkaagii kaga dhigtay.
When thy wares went forth out of the seas, thou didst fill many peoples; thou didst enrich the kings of the earth with the multitude of thy riches and of thy contracts.
34 W akhtigii badaha lagugu jebiyey biyaha moolka dheer dhexdooda ayaa baayacmushtarkaagii iyo guutadaadii oo dhammuba kugu wada dhex baabbi'iyeen.
In the time when thou shalt be broken by the seas in the depths of the waters thy commerce and all thy company in the midst of thee shall fall.
35 D adka gasiiradaha deggan oo dhammu way kula yaabsan yihiin, oo boqorradooduna aad iyo aad bay u cabsan yihiin, oo wejigooduna aad buu u argaggaxsan yahay.
All the inhabitants of the isles shall be astonished at thee, and their kings shall be sore afraid; they shall be troubled in their countenance.
36 O o baayacmushtariyaasha dadka ku dhex jiraa way kugu foodhyaan, oo cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.
The merchants among the peoples shall hiss at thee; thou shalt be a terror and never shalt be any more.