Yeremyaah 21 ~ Jeremiah 21

picture

1 K anu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, markii Boqor Sidqiyaah uu isaga u soo diray Fashxuur ina Malkiiyaah, iyo Safanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ahaa, isagoo leh,

¶ The word which came unto Jeremiah from the LORD, when king Zedekiah sent unto him Pashur the son of Melchiah, and Zephaniah the priest, the son of Maaseiah, saying,

2 W aan ku baryayaaye, bal Rabbiga wax noo weyddii, waayo, Nebukadresar oo ah boqorkii Baabuloon ayaa nala diriraya. Waxaa suurtowda in Rabbigu nagula macaamiloodo shuqulladiisa yaabka badan oo dhan, si uu cadowgu nooga noqdo.

Enquire, I pray thee, of the LORD for us; for Nebuchadrezzar king of Babylon makes war against us; peradventure the LORD will deal with us according to all his wondrous works, and he will go up from upon us.

3 M arkaas Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Sidqiyaah ku tidhaahdaan:

And said Jeremiah unto them: Thus shall ye say to Zedekiah

4 R abbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, dib baan u celin doonaa hubka dagaalka ee gacantiinna ku jira ee aad kula diriraysaan boqorka Baabuloon, iyo reer Kaldayiinka derbiyada dibaddooda idinku hareeraynaya, oo iyagaan magaaladan dhexdeeda ku soo ururin doonaa.

Thus hath the LORD God of Israel said: Behold, I turn back the weapons of war that are in your hands with which ye fight against the king of Babylon and against the Chaldeans, which besiege you outside the walls, and I will assemble them into the midst of this city.

5 O o aniga qudhaydu waxaan idinkula diriri doonaa gacan fidsan iyo cudud xoog badan, anoo xanaaqsan oo cadhaysan oo aad u dhirifsan.

And I myself will fight against you with an outstretched hand and with a strong arm, even in anger and in fury and in great wrath.

6 O o wax baan ku dhufan doonaa waxa magaaladan deggan, dad iyo duunyaba, oo waxay ku le'an doonaan belaayo weyn.

And I will smite the inhabitants of this city, both man and beast: they shall die of a great pestilence.

7 O o waxaa Rabbigu leeyahay, Dabadeed Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo addoommadiisa, iyo dadka oo ah intii magaaladan ku hadhay oo belaayada, iyo seefta, iyo abaartaba ka caymatay, waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo isna seef buu ku layn doonaa, oo innaba uma tudhi doono, umana nixi doono, umana naxariisan doono.

And afterward, thus hath the LORD said, I will deliver Zedekiah king of Judah, and his slaves and the people and such as are left in this city from the pestilence, from the sword, and from the famine, into the hand of Nebuchadrezzar king of Babylon, and into the hand of their enemies, and into the hand of those that seek their souls; and he shall smite them with the edge of the sword; he shall not forgive them, neither have pity, nor have mercy.

8 O o dadkanna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan idin hor dhigayaa jidka nolosha iyo jidka geerida.

¶ And unto this people thou shalt say, Thus hath the LORD said: Behold, I set before you the way of life, and the way of death.

9 K ii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii baxa oo reer Kaldayiinka idin hareeraynaya u galaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisu waxay isaga u ahaan doontaa sida booli oo kale.

He that abides in this city shall die by the sword or by the famine or by the pestilence, but he that goes out and falls to the Chaldeans that besiege you, he shall live, and his soul shall be unto him for a spoil.

10 W aayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wejigaygaan magaaladan ugu jeediyey inaan masiibo ku sameeyo ee ma aha wanaag. Waxay gacanta u geli doontaa boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

For I have set my face against this city for evil, and not for good, saith the LORD; it shall be given into the hand of the king of Babylon, and he shall burn it with fire.

11 E rayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla.

And to the house of the king of Judah, say, Hear ye the word of the LORD;

12 R abbigu wuxuu leeyahay, Reer Daa'uudow, aroortii caddaalad sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, si ayan cadhadaydu u soo bixin sidii dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin sharka falimihiinna aawadiis.

O house of David, thus hath the LORD said: Execute judgment early and deliver him that is oppressed out of the hand of the oppressor lest my fury go forth like fire, and burn so that no one can quench it because of the evil of your doings.

13 R abbigu wuxuu leeyahay, Ogaada, col baan idinla ahay, kuwiinna dooxada iyo dhagaxa bannaanka deggan ee yidhaahda, Bal yaa nagu soo dhaadhici kara, amase yaa rugtayada soo geli kara?

Behold, I am against thee, O inhabitant of the valley of the rock of the plain (saith the LORD), which say, Who shall come up against us? or who shall enter into our habitations?

14 R abbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.

I will visit you according to the fruit of your doings, said the LORD: and I will kindle a fire in your forest, and it shall devour all things round about it.