Laawiyiintii 5 ~ Leviticus 5

picture

1 H addii qof ku dembaabo cod dhaar ah oo uu maqlay, ee uu isagu marag ka yahay, hadduu arkay iyo hadduu gartayba, hadduusan sheegin waa inuu dembigiisa qaataa.

¶ And when a person commits sin, because they were called to testify under oath, and he was a witness that has seen or known of it, if he does not declare it, then he shall bear his iniquity.

2 A ma haddii qof taabto wax nijaas ah, hadduu yahay bahal nijaas ah baqtigiis, ama neef xoolo ah oo nijaas ah baqtigiis, ama waxyaalo gurguurta oo nijaas ah baqtigood, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, oo uu saas ku nijaasoobo, markaas isagu wuxuu ahaan doonaa mid eed leh.

Likewise the person who touches any unclean thing, whether it is a carcase of an unclean beast or a carcase of unclean animal or the carcase of an unclean serpent, even if it is hidden from him, he shall be unclean and guilty.

3 A ma hadduu taabto qof nijaastiis, nijaasta uu ku nijaasoobay wax kastoo ay tahayba, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, markuu ogaado wuxuu ahaan doonaa mid eed leh.

Or if he touches the uncleanness of man, whatever uncleanness it is that a man shall be defiled with, and it is hid from him, if afterward he should know of it, then he shall be guilty.

4 A ma haddii mid uu bushimihiisa degdeg ugaga dhaarto inuu samaynayo xumaan ama samaan, wax kasta ha ahaadeene wixii qof degdeg ugu dhaarto, hadday waxaasu isaga ka qarsoon yihiin, markuu waxaas ogaado wuxuu ahaan doonaa mid waxyaalahan midkood eed ku leh.

Also the person who swears, pronouncing with his lips to do evil, or to do good, whatever it is that a man shall pronounce with an oath, and it is hid from him, when he knows of it, then he shall be guilty in one of these.

5 O o markuu ahaado mid waxyaalahan midkood eed ku leh waa inuu qirtaa wixii uu ku dembaabay,

And it shall be, when he shall be guilty in one of these things, that he shall confess that he has sinned;

6 o o markaas waa inuu dembigii uu dembaabay aawadiis Rabbiga ugu keenaa qurbaankii xadgudubkiisa, oo waa inuu adhiga ka soo qabto neef dhaddig ah, oo ah nayl ama waxar oo qurbaan dembi ah, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud uga sameeyaa dembigiisii.

and he shall bring for his guilt unto the LORD for his sin, which he has committed, a female from the flock, a lamb, or a kid of the goats, for his sin; and the priest shall reconcile him from his sin.

7 O o haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn inuu neef baraar ah keeno, markaas dembigii uu dembaabay aawadiis waa inuu qurbaankii xadgudubkiisa Rabbiga ugu keenaa laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, oo mid qurbaan dembi ha ka dhigo, midda kalena qurbaan la gubo.

¶ And if he is not able to bring a lamb, then he shall bring for the guilt of his sin two turtledoves or two young pigeons unto the LORD, one for his sin and the other for a burnt offering.

8 I yaga waa inuu wadaadka u keenaa, oo isna marka hore ha bixiyo tan qurbaanka dembiga ah, oo madaxa ha ka maroojiyo, laakiinse waa inuusan kala dillaacin.

And he shall bring them unto the priest, who shall offer that which is for the sin first and wring off its head from its neck but shall not divide it asunder;

9 O o qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis waa inuu ku rusheeyaa meesha allabariga dhinaceeda, oo dhiigga intiisa kalena ha lagaga miiro salka meesha allabariga, waayo, taasu waa qurbaan dembi.

and he shall sprinkle of the blood of the sin upon the side of the altar; and the rest of the blood shall be wrung out at the bottom of the altar; it is sin.

10 O o tan labaadna waa inuu qurbaan la gubo ugu bixiyo si qaynuunka waafaqsan, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.

And he shall offer the second for a burnt offering, according to the ordinance; and thus shall the priest reconcile him for his sin in which he has sinned, and he shall have forgiveness.

11 L aakiinse haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn laba qoolley amase laba xamaam oo yaryar, markaas wixii uu ku dembaabay aawadood qurbaankiisa ha u keeno eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis oo bur ah, kaasoo qurbaan dembi ah, oo waa inuusan saliid ku shubin, waana inuusan waxba foox saarin, waayo, waa qurbaan dembi.

But if he is not able to bring two turtledoves or two young pigeons, then he that sinned shall bring for his offering the tenth part of an ephah of fine flour for his sin; he shall put no oil upon it, neither shall he put any frankincense thereon, for it is sin.

12 O o waa inuu wadaadka u keenaa, oo wadaadkuna waa inuu cantoobo muggeed uga qaataa xusuus, oo meesha allabariga ha ku dul gubo, sidii qurbaannada Rabbiga dabka loogu sameeyo, waayo, waa qurbaan dembi.

Then shall he bring it to the priest, and the priest shall take his handful of it, even a memorial thereof, and incense it on the altar upon the other offerings on fire unto the LORD; it is sin.

13 O o wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeya dembigiisii uu ku dembaabay wax kasta oo waxyaalahan ka mid ah, oo isna waa la cafiyi doonaa, oo inta kalena waxaa iska leh wadaadka, sidii qurbaankii hadhuudhka. Qurbaanka Xadgudubka

Thus shall the priest reconcile him from his sin in which he has sinned in one of these things, and he shall have forgiveness; and that which remains shall be the priest’s, as with a present.

14 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

¶ And the LORD spoke further unto Moses, saying,

15 H addii qof xadgudbo oo uu si kama' ah ugu dembaabo Rabbiga waxyaalihiisa quduuska ah, markaas waa inuu Rabbiga u keenaa qurbaankii xadgudubkiisii aawadiis, kaasoo ah wan aan iin lahayn oo idaha laga soo bixiyey, oo aad ku qiimaysay lacag intuu sheqel yahay, iyadoo lagu miisaamay sheqelka meesha quduuska ah, oo kaas qurbaan xadgudub ha u bixiyo.

When any person commits a trespass and sins through ignorance, in the holy things of the LORD, then he shall bring for the expiation of his guilt unto the LORD a ram without blemish out of the flocks, in thy estimation of two shekels of silver, after the shekel of the sanctuary, for his guilt;

16 O o alaabtii quduuska ahayd oo uu ku dembaabay waa inuu magdhabaa, oo weliba iyadoo shan meelood loo dhigay meesheed waa inuu ku daraa, oo waa inuu wadaadka u dhiibaa, oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wankii ahaa qurbaanka xadgudubka oo isna waa la cafiyi doonaa.

And he shall pay for the sin that he has done in the holy thing and shall add the fifth part thereto and give it unto the priest; and the priest shall reconcile him with the ram of the expiation of his guilt, and he shall have forgiveness.

17 O o haddii qof dembaabo oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, in kastoo uusan ogayn, weli eed buu leeyahay, oo waa inuu dembigiisa qaataa.

Finally, if a person commits a sin by doing any of these things which are forbidden to be done by the commandments of the LORD, without doing it knowingly, he is guilty and shall bear his iniquity.

18 O o isagu waa inuu idaha ka soo bixiyaa wan aan iin lahayn oo aad adigu qiimaysay, oo waa inuu wadaadka ugu dhiibaa qurbaan xadgudub, oo wadaadkuna waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wixii uu kama' ugu qaldamay isagoo aan ogayn, oo isna waa la cafiyi doonaa.

And he shall bring a ram without blemish out of the flock, in thy estimation, for the expiation of his guilt, unto the priest; and the priest shall reconcile him from his error which he committed in ignorance, and he shall have forgiveness.

19 W aa qurbaan xadgudub, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah isagu Rabbiga hortiisa eed buu ku leeyahay.

It is for his guilt; he is certainly guilty against the LORD.