1 T he Lord said to Moses,
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 “ Say to the people of Israel, ‘These are the special suppers of the Lord, which you will keep for holy meetings. These are My special suppers.
Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo aad naadin doontaan inay ahaadaan shirar quduus ah. Xataa kuwanu waa iidahayga la amray. Maalinta Sabtida
3 W ork may be done for six days. But the seventh day is the Day of Rest, a holy meeting when you do no work at all. It is the Day of Rest to the Lord in all your homes. The Supper of Bread without Yeast
Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho weyn leh oo ah shir quduus ah. Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, waayo, waa sabti ay tahay in Rabbiga looga dhawro meel kastoo aad deggan tihiinba. Kormaridda Iyo Kibista Aan Khamiirka Lahayn
4 ‘ These are the special suppers of the Lord, the holy meetings you will keep at the right times.
Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ah shirar quduus ah, oo ay tahay inaad naadisaan wakhtigooda la amray.
5 O n the fourteenth day of the first month in the evening begins the Lord’s religious gathering to remember how His people left Egypt.
Bisha kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay, waa Rabbiga iiddiisii Kormaridda.
6 O n the fifteenth day of the same month is the Lord’s special supper of bread without yeast. For seven days you will eat bread made without yeast.
Oo isla bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn oo Rabbiga loo qabto, oo intii toddoba maalmood ah waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan.
7 O n the first day you will have a holy meeting. You will not do any hard work.
Oo maalinta kowaad waa inaad shir quduus ah yeelataan. Waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.
8 B ut you will give a gift by fire to the Lord for seven days. On the seventh day is a holy meeting. You will not do any hard work.’” The Supper of First Fruits
Laakiinse intii toddoba maalmood ah waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta toddobaad waa shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban. Mirihii Ugu Horreeyey
9 T hen the Lord said to Moses,
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi.
10 “ Say to the people of Israel, ‘When you come into the land I am going to give you and gather its grain, bring some of the first fruits of your grain to the religious leader.
Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Dalka aan idin siinaya markaad gashaan oo aad midhaha goosataan, markaas waxaad wadaadka u keentaan xidhmo ah beergooyska midhihiisa ugu horreeya.
11 H e will wave the grain before the Lord for you to be received. The religious leader will wave it on the day after the Day of Rest.
Oo isna xidhmada waa inuu ku ruxruxaa Rabbiga hortiisa si laydiin aqbalo, oo maalinta sabtida ka dambaysa wadaadku waa inuu ruxruxaa.
12 O n the day when you wave the grain, you will give a perfect, one year old male lamb as a burnt gift to the Lord.
Oo maalinta aad xidhmada ruxruxdaan, wan yar oo aan iin lahayn oo gu jira waa inaad Rabbiga ugu bixisaan qurbaan la gubo aawadiis.
13 T he grain gift with it will be one-fifth part of a basket of fine flour mixed with oil. It is a gift by fire to the Lord for a pleasing smell. And the drink gift with it will be a jar of wine.
Oo qurbaankiisa hadhuudhka ahuna waa inuu ahaadaa eefaah toban meelood loo dhigay labadiis meelood oo bur wanaagsan ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo qurbaankiisa cabniinka ahuna waa inuu ahaadaa khamri, kaasoo ah hiin afar meelood loo dhigay meesheed.
14 D o not eat bread or dry grain or new grain until this same day, when you have brought the gift to your God. It is to be a Law forever for all your people in all your homes. The Supper of Weeks
Oo waa inaydaan cunin kibis, ama hadhuudh duban, ama sabuullo cusub ilaa isla maalintaas, jeeraad keentaan qurbaankii Ilaahiinna. Kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba. Iidda Todobaadyada
15 ‘ Number seven full weeks from the day after the Day of Rest, from the day when you give the grain for the wave gift. There will be seven whole Days of Rest.
Oo maalintii aad keenteen xidhmada qurbaanka la ruxruxo, oo ah maalinta ka dambaysa sabtida, waxaad ka tirsataan toddoba toddobaad oo kaamil ah.
16 N umber fifty days to the day after the seventh Day of Rest. Then give a new grain gift to the Lord.
Oo waxaad tirsataan konton maalmood ilaa maalinta ka dambaysa sabtida toddobaad, oo dabadeedna waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan hadhuudh cusub ah.
17 B ring from your homes two loaves of bread for a wave gift, made of one-fifth part of a basket of fine flour. They will be made with yeast, as first-fruits to the Lord.
Oo waa inaad rugihiinna ka keentaan laba kibsood oo ah qurbaan la ruxruxo, oo ah eefaah toban meelood loo dhigay labadiis meelood, oo waa inay bur ahaadaan, oo waa in khamiir lagu dubaa oo Rabbiga loogu keenaa qurbaan midhaha ugu horreeya.
18 W ith the bread give seven one year old male lambs that are perfect, and one young bull, and two rams. They will be a burnt gift to the Lord, with their grain gift and their drink gift. It is a gift by fire with a pleasing smell to the Lord.
Oo waxaad kibista la keentaan toddoba wan oo yaryar oo aan iin lahayn oo wada gu jira, iyo dibi yar, iyo laba wan oo waaweyn, oo waa inay Rabbiga u ahaadaan qurbaan la gubo, oo waxaad iyaga la keentaan qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaannadooda cabniinka ahba, kuwaasoo wada ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon.
19 T hen give one male goat for a sin gift and two male lambs one year old for a peace gift.
Oo waa inaad bixisaan orgi qurbaan dembi ah iyo laba wan oo yaryar oo gu jira oo ah allabari qurbaanno nabaadiino ah.
20 T he religious leader will wave them with the bread of the first-fruits as a wave gift before the Lord, with the two lambs. They will be holy to the Lord for the religious leader.
Oo wadaadku waa inuu Rabbiga hortiisa qurbaan la ruxruxo iyaga ugula ruxruxaa kibista midhaha ugu horreeya oo raacda labada wan oo yaryar, oo iyagu quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan wadaadka aawadiis.
21 O n this same day call together a holy meeting. Do no hard work. It is a Law forever in all your homes for all your people.
Oo isla maalintaas waa inaad naadisaan inuu shir quduus ah idiin jiri doono, oo waa inaydaan dharaartaas shuqul adag qaban, waayo, kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.
22 ‘ When you gather the food of your land, do not pick all the way to the corners of your field. And do not gather the food that falls. Leave it for those in need and the stranger. I am the Lord your God.’” The Supper of Horns
Oo markaad beeraha dhulkiinna goosataan waa inaydaan dhammaan wada goosan midhaha ku yaal beertiinna geesaheeda, oo weliba waa inaydaan wada urursan xaaxaabka beergoosadkiinna; waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Iidda Buunanka
23 T he Lord said to Moses,
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
24 “ Say to the people of Israel, ‘On the first day of the seventh month, you will have a Day of Rest. It will be a day of remembering, made known by the blowing of horns, a holy meeting.
Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bisha toddobaad maalinteeda kowaad waxay idiin ahaan doontaa nasasho weyn oo ah buunafuufid xusuus ah, iyo shir quduus ah.
25 D o not do any hard work. But give a gift by fire to the Lord.’” A Day to Be Made Free from Sin
Oo innaba waa inaydaan shuqul adag qaban, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo. Maalintii Kafaaraggudka
26 T hen the Lord said to Moses,
Markaasa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
27 “ The tenth day of this seventh month is the day to be made free from sin. It will be a holy meeting for you. You will be without pride and give a gift by fire to the Lord.
Habase yeeshee bishan toddobaad maalinteeda tobnaad waa maalinta kafaaraggudka. Oo waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan; oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo.
28 “ Do no work on this day. For it is a day to be made free from sin, to be made free from your sin before the Lord your God.
Oo isla maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban cayn kasta ha ahaadee, waayo, taasu waa maalintii kafaaraggudka in kafaaraggud laydiinku sameeyo Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.
29 I f there is any person who will not be free from his pride on this day, he will be kept away from his people.
Oo qof kasta ha ahaadee kii aan maalintaas la dhibin, dadkiisa waa in laga gooyaa.
30 W hoever does any work on this day, I will destroy from among his people.
Oo qof kasta ha ahaadee kii maalintaas wax shuqul ah qabtaa cayn kastoo uu yahayba, qofkaas ayaan ka dhex baabbi'in doonaa dadkiisa.
31 D o no work at all. It is a Law forever for all your people in all your homes.
Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, oo kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.
32 I t will be a Day of Rest for you. And you must be without pride. You will keep your Day of Rest from evening until evening on the ninth day of the month.” Supper of Tents
Oo dharaartaasu waxay idiin ahaan doontaa sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Oo bisha maalinteeda sagaalaad waa inaad dhawrtaan sabtidiinna tan iyo fiid ilaa ka fiid. Iiddii Waababka
33 T he Lord said to Moses,
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
34 “ Say to the people of Israel, ‘On the fifteenth day of this seventh month is the special supper of tents to the Lord. It will last seven days.
La hadal dadka reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bishan toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa Iiddii Waababka oo waa in toddoba maalmood Rabbiga loo iidaa.
35 A holy meeting will be on the first day. Do no hard work of any kind.
Maalinta kowaad waa inay shir quduus ah ahaataa, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.
36 G ive a gift by fire to the Lord for seven days. On the eighth day have a holy meeting and give a gift by fire to the Lord. It is a special gathering. Do no hard work.
Oo intii toddoba maalmood ah waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta siddeedaadna waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban, waayo, dharaartaasu waa shir quduus ah.
37 ‘ These are the special suppers, the holy meetings you will keep at the right times. They will be for giving to the Lord gifts by fire, burnt gifts and grain gifts, gifts of animals and drink gifts, each on its own day.
Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo.
38 T hese are to be added to the Days of Rest of the Lord, and your gifts, both those that are promised and your free-will gifts that you give to the Lord.
Oo kuwaasu waa ka gooni sabtiyadii Rabbiga iyo hadiyadihiinna oo waa ka gooni nidarradiinna oo dhan, oo waa ka gooni qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah oo dhan ee aad Rabbiga siisaan.
39 ‘ On the fifteenth day of the seventh month, when you have gathered the food of your land, you will have the special supper of the Lord for seven days. The first day and the eighth day will be Days of Rest.
Habase yeeshee bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad, markaad midhaha dhulka soo urursataan, waa inaad intii toddoba maalmood ah Rabbiga iiddiisa dhawrtaan. Maalinta kowaad waa inay ahaataa nasasho weyn, oo maalinta siddeedaadna waa inay ahaataa nasasho weyn.
40 O n the first day, you will take the leaves of beautiful trees, branches of trees with big leaves and of trees beside the river. And be full of joy before the Lord your God for seven days.
Oo maalinta kowaad waxaad soo qaadataan midhaha dhirta wanaagsan, iyo laamo cawbaar ah, iyo dhir waaweyn laamaheed, iyo safsaafka durdurka, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku rayraysaan intii toddoba maalmood ah.
41 Y ou will keep it as a special supper to the Lord seven days in the year. It will be a Law forever for all your people. You will have it in the seventh month.
Oo sannaddiiba toddoba maalmood waa inaad Rabbiga iid u qabataan, oo kaasu waa qaynuun weligiisba idiin jira tan iyo ab ka ab; oo iiddaas waa inaad bisha toddobaad dhawrtaan.
42 Y ou will live in tents for seven days. All who were born in Israel will live in tents.
Intii toddoba maalmood ah waa inaad waabab ku hoyataan, oo kulli reer binu Israa'iilka waddaniga ah oo dhammu waa inay waabab ku hoydaan,
43 S o all your people to come may know that I had the people of Israel live in tents when I brought them out of the land of Egypt. I am the Lord your God.’”
si farcankiinna dambe u ogaado inaan reer binu Israa'iil waabab ku hoyiyey markaan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
44 S o Moses made known to the people of Israel the special suppers of the Lord.
Oo Muusena wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay iidihii Rabbiga oo la amray.