Gabaygii Sulaymaan 6 ~ Song of Solomon 6

picture

1 T aada naagaha u qurxoonay, Xaggee gacaliyahaagii tegey? Aannu kula goobnee, Xaggee buu gacaliyahaagii u leexday? Gacalisada Hadlaysaa

Where has your beloved gone, O you fairest among women? Where is your beloved hiding himself? For we would seek him with you.

2 G acaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.

My beloved has gone down to his garden, to the beds of spices, to feed in the gardens and to gather lilies.

3 A nigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, oo gacaliyahayguna waa kaygii, Oo wuxuu adhigiisa daajiyaa ubaxshooshannada dhexdooda. Gacaliyaha Hadlayaa

I am my beloved’s and my beloved is mine! He feeds among the lilies.

4 T aan jeclahayay, waxaad u qurux badan tahay sida Tirsaah oo kale, Oo waxaad u suurad wacan tahay sida Yeruusaalem oo kale, Waxaana lagaaga cabsadaa sida ciidan calammo sita oo kale.

You are as beautiful as Tirzah, my love, and as comely as Jerusalem, as terrible as a bannered host!

5 I ndhahaaga iga sii jeedi, Waayo, way iga adkaadeen. Timahaagu waa sida riyo Buur Gilecaad ka muuqda.

Turn away your eyes from me, for they have overcome me! Your hair is like a flock of goats trailing down from Mount Gilead.

6 I lkahaaguna waa sida laxo Ka soo baxay meeshii lagu soo maydhay, Oo middood kastaaba mataano dhashay, Oo aan dhexdooda lagu arag mid dhicisay.

Your teeth are like a flock of ewes coming from their washing, of which all are in pairs, and not one of them is missing.

7 O o dhafoorradaada indhashareertaada ku qarsoonuna waa sida xabbad rummaan ah jeexeed.

Your cheeks are like halves of a pomegranate behind your veil.

8 W axaa jira lixdan boqoradood, iyo siddeetan naagood oo addoommo ah, Iyo gabdho aan tiro lahayn.

There are sixty queens and eighty concubines, and virgins without number;

9 L aakiinse qoolleydayda, iyo tayda sanu waa mid qudha. Iyadu waa tan keliya ee hooyadeed, Oo waa tan daahirsan ee tii iyada dhashay. Gabdhuhu iyaday arkeen oo waxay ku sheegeen mid barakaysan, Oo xataa boqoradihii iyo naagihii addoommaha ahaaba way ammaaneen. Saaxiibadaha Hadlayaa

But my dove, my undefiled and perfect one, stands alone; she is the only one of her mother, she is the choice one of her who bore her. The daughters saw her and called her blessed and happy, yes, the queens and the concubines, and they praised her.

10 W aa tuma tan u soo muuqata sida kaaha waaberiga, Oo sida dayaxa u qurxoon, Ee sida qorraxda u daahirsan, Oo haddana looga cabsado sida ciidan calammo sita oo kale? Gacaliyaha Hadlayaa

Who is this that looks forth like the dawn, fair as the moon, clear and pure as the sun, and terrible as a bannered host?

11 W axaan ku dhaadhacay beertii yicibta Inaan soo arko geedaha cagaarka ah ee dooxada, Iyo inaan soo arko bal in canabkii magoolay, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale.

I went down into the nut orchard to look at the green plants of the valley, to see whether the grapevine had budded and the pomegranates were in flower.

12 A nigoo aan garanayn ayaa nafsaddaydu iga dhigtay sida gaadhifardoodkii Cammiinaadiib oo kale. Saaxiibadaha Hadlayaa

Before I was aware, my desire had brought me into the area of the princes of my people.

13 T an reer Shuuleemay, soo noqo, soo noqo, Aan ku daawannee soo noqo, soo noqo. Gacaliyaha Hadlayaa Bal maxaad u daawanaysaan tan reer Shuuleem Sida cayaarta Maxanayim?

Return, return, O Shulammite; return, return, that we may look upon you! What is there for you to see in the Shulammite? As upon a dance before two armies or a dance of Mahanaim.