1 W aagaas reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo qabiilkii reer Daan waxay wakhtigaas doonayeen dal dhaxal u ah oo ay degaan; waayo, ilaa maalintaas dhaxal kama ay helin qabiilooyinka reer binu Israa'iil.
In those days there was no king in Israel. And in those days the tribe of the Danites sought for itself an inheritance to dwell in, for until then no inheritance had been acquired by them among the tribes of Israel.
2 M arkaasay reer Daan qabiilkoodii oo dhan ka direen shan nin oo xoog leh, oo waxay ka direen Sorcaah iyo Eshtaa'ool, inay dalka soo basaasaan oo ay soo baadhaan; oo waxay ku yidhaahdeen, Taga oo dalka soo baadha. Markaasay yimaadeen gurigii Miikaah oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo meeshaasay u hoydeen.
So the Danites sent from the whole number of their tribe five brave men from Zorah and Eshtaol to spy out the land and to explore it, and they said to them, Go, explore the land. They came to the hill country of Ephraim, to the house of Micah, and lodged there.
3 O o markay gurigii Miikaah ag joogeen ayay garteen codkii ninkii dhallinyarada ahaa oo reer Laawi. Markaasay halkaas ku leexdeen, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa halkan ku keenay? Oo maxaad ka samaysaa meeshan? Maxaadse ku haysataa halkan?
When they went by the house of Micah, they recognized the voice of the young Levite, and they turned aside there and said to him, Who brought you here? And what do you do in this place? And what have you here?
4 O o isna wuxuu ku yidhi iyagii, Sidan iyo sidaas ayaa Miikaah ii sameeyey, wuuna i kiraystay, oo anna waxaan noqday wadaadkiisii.
And he said to them, Thus and thus Micah deals with me and has hired me, and I am his priest.
5 O o iyana waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, bal Ilaah talo noo weyddii, inaannu ogaanno bal inaannu jidkayaga aan ku soconno ku soo liibaanayno iyo in kale.
And they said to him, Ask counsel, we pray you, of God that we may know whether our journey will be successful.
6 M arkaasuu wadaadkii ku yidhi, Nabad ku taga; waayo, jidka aad ku socotaan wuxuu hor yaallaa Rabbiga.
And the priest said to them, Go in peace. The way in which you go is before (under the eye of) the Lord.
7 M arkaasay shantii nin tageen, oo yimaadeen Layish oo waxay arkeen dadkii halkaa joogay oo ammaan ku deggan siday reer Siidoon u xasilloonaayeen oo ammaan u ahaayeen oo kale; waayo, dalka laguma arag wax amar haysta, oo ka xishoodsiinaya, oo reer Siidoonna way ka fogaayeen, oo ninnaba lama ay macaamiloon jirin.
Then the five men departed and came to Laish and saw the people who were there, how they dwelt securely after the manner of the Sidonians, quiet and feeling safe; and there was no magistrate in the land, who might put them to shame in anything or injure them; and they were far from the Sidonians and had no dealings with anyone.
8 M arkaasay nimankii walaalahood ugu yimaadeen Sorcaah iyo Eshtaa'ool. Kolkaasaa walaalahood waxay ku yidhaahdeen, War bal warrama.
The five men came back to their brethren at Zorah and Eshtaol, and their brethren said to them, What do you say?
9 O o iyana waxay ku yidhaahdeen, War kaca oo ina keena aynu ku duullee, waayo, waannu soo aragnay dalkii, oo aad buu u wanaagsan yahay. Miyaad iska aamusnaanaysaan? War ha ka caajisina inaad tagtaan oo aad dalka gashaan oo dhaxashaan.
They said, Arise, let us go up against them, for we have seen the land, and behold, it is very fertile. And will you do nothing? Do not be slow to go and enter in and possess the land.
10 M arkaad tagtaan waxaad u tegi doontaan dad ammaan ah, oo dalkuna waa ballaadhan yahay; waayo, Ilaah gacantuu idiin geliyey, oo waa meel aan waxba looga baahnayn waxa dhulka laga helo oo dhan.
When you go, you will come to people safe and secure. The land is broad; and God has given it into your hands—a place where there is no want of anything that is in the earth.
11 M arkaas reer Daan waxaa halkaas kaga bixitimay oo Sorcaah iyo Eshtaa'ool ka tegey lix boqol oo nin oo hubkii dagaalka xidhan.
And there went from there of the tribe of the Danites, out of Zorah and Eshtaol, 600 men armed with weapons of war.
12 M arkaasay baxeen oo degeen Qiryad Yecaariim oo ku taal Yahuudah; sidaas daraaddeed meeshaas waxay u bixiyeen Maxaneh Daan, oo ilaa maanta waa la yidhaahdaa; oo waxay ka dambaysaa Qiryad Yecaariim.
And they went up and encamped at Kiriath-jearim in Judah. Therefore they called that place Mahaneh-dan to this day; it is west of Kiriath-jearim.
13 O o halkaasna way ka tageen oo waxay u kaceen dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, markaasay yimaadeen gurigii Miikaah.
And they passed from there to the hill country of Ephraim and came to Micah’s house.
14 K olkaasaa shantii nin oo waddanka Layish soo basaastay waxay ku jawaabeen oo walaalahood ku yidhaahdeen, War ma og tihiin inay guryahan ku jiraan eefod iyo teraafiim, iyo sanam xardhan iyo sanam la shubay? Haddaba sidaas daraaddeed ka fiirsada waxaad samayn lahaydeen.
Then the five men who had gone to spy out the country of Laish said to their brethren, Do you know that there are in these houses an ephod, teraphim, a graven image, and a molten image? Now therefore, consider what you have to do.
15 O o intay halkaas ku soo leexdeen ayay yimaadeen gurigii ninkii dhallinyarada ahaa oo reer Laawi, kaasoo ahaa gurigii Miikaah, wayna nabdaadiyeen.
And they turned in that direction and came to the house of the young Levite, at the home of Micah, and saluted him.
16 M arkaasay lixdii boqol oo nin ee hubka dagaalka xidhnayd ee ahaa reer Daan ag istaageen iridda laga soo galo.
Now the 600 Danites with their weapons of war stood at Micah’s gate.
17 M arkaasay shantii nin oo dalka soo basaastay yimaadeen oo gudaha galeen, oo waxay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay; oo wadaadkiina wuxuu iridda laga soo galo isla taagay lixdii boqol oo nin ee xidhnayd hubka dagaalka.
And the five men who had gone to spy out the land went up and entered the house and took the graven image, the ephod, the teraphim, and the molten image, while the priest stood by the entrance of the gate with the 600 men armed with weapons of war.
18 O o kuwaasu markay galeen gurigii Miikaah, oo ay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay, ayuu wadaadkii ku yidhi, War maxaad samaynaysaan?
And when these went into Micah’s house and took the carved image, the ephod, the teraphim, and the molten image, the priest said to them, What are you doing?
19 O o iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, Iska aamus, oo gacanta afka saar, ee haddaba na soo raac, oo noo noqo aabbe iyo wadaad; bal kee baa kuu roon, inaad nin keliya reerkiis wadaad u ahaatid, iyo inaad wadaad u ahaatid qabiil iyo jilib reer binu Israa'iil ka mid ah?
And they said to him, Be still, put your hand over your mouth, and come with us, and be to us a father and a priest. Is it better for you to be a priest to the house of one man, or that you be a priest to a tribe and family in Israel?
20 M arkaasuu wadaadkii qalbiga ka farxay, oo qaaday eefodkii iyo teraafiimkii, iyo sanamkii xardhanaa, oo wuxuu dhex galay dadka.
And the priest’s heart was glad, and he took the ephod, the teraphim, and the graven image, and went in the midst of the people.
21 M arkaasay noqdeen oo tageen, oo waxay iska horraysiiyeen dhallaankii, iyo xoolihii iyo alaabtii.
So they turned and departed and put the little ones, the cattle, and the baggage in front of them.
22 O o markay ka fogaadeen gurigii Miikaah ayaa raggii joogay guryihii u dhowaa gurigii Miikaah soo wada ururay, oo waxay gaadheen reer Daan.
When they were a good way from the house of Micah, the men who were Micah’s near neighbors were called out and overtook the Danites.
23 O o waxay u dhawaaqeen reer Daan. Iyana intay ku soo jeesteen ayay Miikaah ku yidhaahdeen, War maxaa kaa qaylisiinaya oo aad guutada caynkan ah u soo kaxaysatay?
They shouted to the Danites, who turned and said to Micah, What ails you, that you come with such a company?
24 I sna wuxuu yidhi, Waxaad iga qaadateen ilaahyadaydii aan sameeyey, iyo wadaadkaygii, oo waad tagteen, haddaba maxaan kaloo haystaa? Haddaba sidee baad ii leedihiin, War maxaa kaa qaylisiinaya?
And he said, You take away my gods which I made and the priest, and go away; and what have I left? How can you say to me, What ails you?
25 M arkaasay reer Daan ku yidhaahdeen, War hoy, codkaaga yaan dhexdayada laga maqlin, waaba intaasoo ay ragga cadhaysanu ku dilaan, oo aad weydaa naftaada iyo nafta reerkaagaba.
And the men of Dan said to him, Let not your voice be heard among us, lest angry fellows fall upon you and you lose your life with the lives of your household.
26 M arkaasay reer Daan iska tageen. Oo Miikaahna markuu arkay inay aad uga xoog badan yihiin ayuu iska noqday oo gurigiisii tegey.
And the Danites went their way; and when Micah saw that they were too strong for him, he turned and went back to his house.
27 O o iyana waxay la tageen wixii Miikaah sameeyey, iyo wadaadkiisii, markaasay yimaadeen Layish, iyo dad xasilloon oo ammaan u fadhiya, oo waxay ku laayeen seef; oo magaaladiina dab bay ku gubeen.
And they took the things which Micah had made, and his priest, and came to Laish, to a people quiet and feeling secure, and they smote them with the sword and burned the city.
28 O o badbaadiyena ma ay lahayn, maxaa yeelay, Siidoon way ka fogayd, oo ninnaba lama ay macaamiloon jirin; oo waxay ku tiil dooxada u dhow Beytrexob. Oo iyana intay magaaladii dhiseen ayay degeen.
And there was no deliverer because it was far from Sidon, and they had no business with anyone. It was in the valley which belongs to Beth-rehob. And they rebuilt the city and dwelt in it.
29 O o magaaladii magaceediina waxay u bixiyeen Daan, oo waxay ku sammiyeen magicii awowgood Daan, kii u dhashay Israa'iil; habase yeeshee magaalada magaceedu wuxuu markii hore ahaa Layish.
They named the city Dan, after Dan their forefather who was born to Israel; however, the name of the city was Laish at first.
30 M arkaasay reer Daan qotonsadeen sanamkii xardhanaa; oo Yoonaataan oo ahaa ina Gershoom oo ina Muuse ahaa iyo wiilashiisiiba waxay wadaaddo u ahaayeen qabiilkii reer Daan ilaa wakhtigii dalka la qabsaday.
And the Danites set up the graven image for themselves; and Jonathan son of Gershom, the son of Moses, and his sons were priests to the tribe of Dan until the day of the captivity of the land.
31 O o waxay qotonsadeen sanamkii xardhanaa oo Miikaah sameeyey, oo intii guriga Ilaah Shiiloh ku yiil oo dhan ayuu oolli jiray.
So they set them up Micah’s graven image which he made, as long as the house of God was at Shiloh.