1 O o sannaddii labaad oo boqornimadii Nebukadnesar ayaa Nebukadnesar riyooyin ku riyooday, markaasuu argaggaxay oo ay hurdadiisii ka baabba'day.
In the second year of the reign of Nebuchadnezzar, Nebuchadnezzar had dreams by which his spirit was troubled and agitated and his sleep went from him.
2 M arkaasaa boqorkii wuxuu ku amray in loo yeedho saaxiriintii, iyo xiddigiyayaashii iyo falalowyadii, iyo kuwii reer Kaldayiin ahaa, inay boqorka u sheegaan riyooyinkiisii. Markaasay soo galeen oo boqorkii hortiisa istaageen.
Then the king commanded to call the magicians, the enchanters or soothsayers, the sorcerers, and the Chaldeans, to tell the king his dreams. So they came and stood before the king.
3 M arkaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Riyaan ku riyooday, waxaanan la argaggaxsanahay inaan ogaado waxa riyada micneheedu yahay.
And the king said to them, I had a dream and my spirit is troubled to know the dream.
4 M arkaasaa kuwii reer Kaldayiin ahaa boqorkii kula hadleen afkii reer Suuriya, waxayna ku yidhaahdeen, Boqorow, weligaaba noolow. Bal riyadaada noo sheeg annagoo addoommadaada ah oo annana waxaannu kuu caddayn doonnaa fasirkeeda.
Then said the Chaldeans to the king in Aramaic, O king, live forever! Tell your servants the dream, and we will show the interpretation.
5 B oqorkii waa u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi kuwii reer Kaldayiin ahaa, Wixii waa iga tegey, oo haddaydnan ii caddayn riyadii iyo fasirkeediiba, waa laydin googooyn doonaa, guryahiinnana waxaa laga dhigi doonaa meel digo lagu tuulo.
The king answered the Chaldeans, The thing is gone from me! And the decree goes forth from me and I say it with all emphasis: if you do not make known to me the dream with its interpretation, you shall be cut in pieces and your houses shall be made a dunghill!
6 L aakiinse haddaad ii caddaysaan riyadii iyo fasirkeediiba, waxaan idin siin doonaa hadiyad iyo abaalgud iyo ciso weyn; haddaba sidaas daraaddeed ii caddeeya riyadii iyo fasirkeediiba.
But if you show the dream and its interpretation, you shall receive from me gifts and rewards and great honor. So show me the dream and the interpretation of it.
7 I yana mar labaad bay u jawaabeen oo waxay yidhaahdeen, Boqorow, annagoo ah addoommadaada, riyadii noo sheeg, oo annana waxaannu caddayn doonnaa fasirkeedii.
They answered again, Let the king tell his servants the dream, and we will show the interpretation of it.
8 B oqorkiina waa jawaabay oo wuxuu yidhi, Xaqiiqa waan garanayaa inaad wakhti dheer qaadanaysaan, maxaa yeelay, waad og tihiin in wixii iga tegey.
The king answered, I know with certainty that you are trying to gain time, because you see the thing is gone from me and because you see that my word is sure:
9 L aakiinse haddaydnan riyadii ii caddayn, de markaas sharci keliya ayaad leedihiin, waayo, waxaad soo diyaarsateen hadal been ah oo kharriban inaad igula hadashaan ilaa uu wakhtigu beddelmo. Haddaba riyadii ii sheega, dabadeedna waan ogaan doonaa inaad fasirkeediina ii caddayn kartaan.
If you will not make known to me the dream, there is but one sentence for you; for you have prepared lying and corrupt words to speak before me until the time is changed. Therefore tell me the dream, and I will know that you can tell me the interpretation of it.
10 K uwii reer Kaldayiin ahaana boqorkii bay u jawaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Dhulka ma joogo nin caddayn karaa xaalkaaga, boqorow; waayo, lama arag boqor, ama sayid, ama taliye waxan oo kale weyddiiyey saaxir ama xiddigiye, ama mid ka mid ah reer Kaldayiin toona.
The Chaldeans answered before the king and said, There is not a man on earth who can show the king this matter, for no king, lord, or ruler has asked such a thing of any magician or enchanter or Chaldean.
11 W axaad weyddiisay, boqorow, waa wax aan badanaa la weyddiin dadka, qof kale oo boqorka u caddayn karaana ma jiro ilaahyada mooyaane, kuwaasoo aan hoygoodu binu-aadmiga la jirin.
A rare and weighty thing indeed the king requires! None except the gods can reveal it to the king, and their dwelling is not with flesh.
12 S ababtaas daraaddeed ayaa boqorkii cadhooday oo aad buu u dhirfay, oo wuxuu amray in la baabbi'iyo raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa oo dhan.
For this cause the king was angry and very furious and commanded that all the wise men of Babylon be destroyed.
13 A markiina waa baxay, nimankii xigmadda lahaana waxaa la doonayay in la wada laayo, markaasay dooneen Daanyeel iyo saaxiibbadiis in la laayo.
So the decree went forth that the wise men were to be killed, and sought Daniel and his companions to be slain.
14 D aanyeelna jawaab buu talo iyo miyir ugu celiyey Aryoog oo ahaa sirkaalkii waardiyaha boqorka, oo u soo baxay inuu laayo raggii xigmadda lahaa oo Baabuloon oo dhan.
Then Daniel returned an answer which was full of prudence and wisdom to Arioch the captain or executioner of the king’s guard, who had gone forth to slay the wise men of Babylon.
15 W uxuu Aryoog oo ahaa sirkaalkii boqorka ugu jawaabay, Boqorku muxuu amarka ugu degdegay? Markaasaa Aryoog xaalkii ogeysiiyey Daanyeel.
He said to Arioch, the king’s captain, Why is the decree so urgent and hasty from the king? Then Arioch explained the matter to Daniel.
16 M arkaasaa Daanyeel u galay, oo boqorkii weyddiistay inuu u qabto wakhti uu boqorka ugu caddeeyo riyada fasirkeedii.
And Daniel went in and desired of the king that he would set a date and give him time, and he would show the king the interpretation.
17 M arkaasaa Daanyeel gurigiisii tegey, oo xaalkii ogeysiiyey Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah, oo ahaa saaxiibbadiis,
Then Daniel went to his house and made the thing known to Hananiah, Mishael, and Azariah, his companions,
18 i nay Ilaaha samada weyddiistaan naxariis ku saabsan qarsoodigan, oo ayan Daanyeel iyo saaxiibbadiis la baabbi'in raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa intoodii kale.
So that they would desire and request mercy of the God of heaven concerning this secret, that Daniel and his companions should not perish with the rest of the wise men of Babylon.
19 M arkaasaa qarsoodigii Daanyeel tusniin loogu muujiyey goor habeen ah. Daanyeelna Ilaaha samada ayuu u mahadnaqay.
Then the secret was revealed to Daniel in a vision of the night, and Daniel blessed the God of heaven.
20 D aanyeelna waa jawaabay oo wuxuu yidhi, Ammaan waxaa leh magaca Ilaah weligiis iyo weligiis; waayo, isagaa leh xigmad iyo xoogba;
Daniel answered, Blessed be the name of God forever and ever! For wisdom and might are His!
21 o o wakhtiyada iyo xilliyadana isagaa kala bedbeddela; isagaa boqorro dejiya oo boqorro saara. Xigmad buu siiyaa kuwa xigmadda leh, aqoonna wuu siiyaa kuwa wax garta.
He changes the times and the seasons; He removes kings and sets up kings. He gives wisdom to the wise and knowledge to those who have understanding!
22 W uu muujiyaa waxyaalaha fog iyo qarsoodigaba; wuuna yaqaan waxa gudcurka ku jira, nuurkuna isaguu la joogaa.
He reveals the deep and secret things; He knows what is in the darkness, and the light dwells with Him!
23 W aan kugu mahadnaqayaa, oo waan ku ammaanayaa, Ilaaha awowayaashayow, oo i siiyey xigmad iyo xoog, oo haatan i ogeysiiyey wixii aannu kaa doonaynay; waayo, waad na ogeysiisay xaalkii boqorka. Daanyeel Oo Riyadii Fasiray
I thank You and praise You, O God of my fathers, Who has given me wisdom and might and has made known to me now what we desired of You, for You have made known to us the solution to the king’s problem.
24 S idaas daraaddeed Daanyeel wuxuu u galay Aryoog, oo boqorku u doortay inuu baabbi'iyo raggii xigmadda lahaa oo Baabuloon. Bal i gee boqorka hortiisa, oo anna waxaan boqorka u caddayn doonaa fasirkii riyada.
Therefore Daniel went to Arioch, whom the king had appointed to destroy the wise men of Babylon; he went and said thus to him: Do not destroy the wise men of Babylon! Bring me in before the king, and I will show to the king the interpretation.
25 M arkaasaa Aryoog haddiiba Daanyeel boqorka u soo geliyey oo wuxuu ku yidhi, Maxaabiistii reer Yahuudah ayaan ka helay nin ku ogeysiin doona fasirkii riyadaada, boqorow.
Then Arioch brought in Daniel before the king in haste and said thus to him: I have found a man of the captives of Judah who will make known to the king the interpretation.
26 M arkaasaa boqorkii u jawaabay oo ku yidhi Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar, Ma i ogeysiin kartaa riyadii aan arkay iyo fasirkeediiba?
The king said to Daniel, whose name was Belteshazzar, Are you able to make known to me the dream which I have seen and the interpretation of it?
27 D aanyeelna waa jawaabay isagoo boqorkii hor taagan, oo wuxuu yidhi, Qarsoodigii aad weyddiisay, boqorow, kuuma caddayn karaan rag xigmad lahu, ama xiddigiyayaal, ama saaxiriin, ama kuwa wax sii sheega toona;
Daniel answered the king, The secret which the king has demanded neither the wise men, enchanters, magicians, nor astrologers can show the king,
28 l aakiinse samada waxaa jooga Ilaah muujiya waxyaalaha qarsoon, oo isagu wuxuu ku ogeysiiyey, boqor Nebukadnesarow, waxa jiri doona ugu dambaysta.
But there is a God in heaven Who reveals secrets, and He has made known to King Nebuchadnezzar what it is that shall be in the latter days (at the end of days). Your dream and the visions in your head upon your bed are these:
29 R iyadaadii iyo waxyaalihii lagu tusay adoo sariirtaada ku jiifa waa kuwan: Boqorow, sariirtaada ayaad ku dul fikirtay, oo waxaad istidhi, Maxaa dhici doona hadda ka dib? Oo kan waxyaalo qarsoon muujiyaa wuxuu ku ogeysiiyey waxa dhici doona.
As for you, O king, as you were lying upon your bed thoughts came into your mind about what should come to pass hereafter, and He Who reveals secrets was making known to you what shall come to pass.
30 L aakiinse aniga qarsoodigan la iiguma muujin xigmad aan dheerahay dad kale oo nool, laakiinse sababtu waa in lagu ogeysiiyo fasirkii riyadaada, boqorow, iyo inaad ogaatid fikirrada qalbigaaga.
But as for me, this secret is not revealed to me for any wisdom that I have more than anyone else living, but in order that the interpretation may be made known to the king and that you may know the thoughts of your heart and mind.
31 B oqorow, waxaad aragtay ekaan weyn. Ekaantan xoogga weynayd, oo dhalaalkeedu aad u wanaagsanaa, hortaaday istaagtay; soojeedkeeduna wuxuu ahaa mid laga cabsado.
You, O king, saw, and behold, a great image. This image which was mighty and of exceedingly great brightness stood before you, and the appearance of it was frightening and terrible.
32 E kaantaasna madaxeedu wuxuu ahaa dahab wanaagsan, laabteeda iyo gacmaheeduna waxay ahaayeen lacag, caloosheeda iyo bowdooyinkeeduna waxay ahaayeen naxaas.
As for this image, its head was of fine gold, its breast and its arms of silver, its belly and its thighs of bronze,
33 L ugaheeduna waxay ahaayeen bir, cagaheeda qaar wuxuu ahaa bir, qaarna wuxuu ahaa dhoobo.
Its legs of iron, its feet partly of iron and partly of clay.
34 O o waxaad aragtay ilaa uu dhagax aan gacmo lagu gooyn ekaantii kaga dhacay cagihii ahaa birta iyo dhoobada, wayna kala burbureen.
As you looked, a Stone was cut out without human hands, which smote the image on its feet of iron and clay and broke them to pieces.
35 M arkaasaa birtii, iyo dhoobadii, iyo naxaastii, iyo lacagtii, iyo dahabkiiba wada burbureen, oo waxay noqdeen sida buunshaha meelaha wax lagu tumo; dabayl baana la tagtay, si aan meella loogu helin; markaasaa dhagaxii ekaanta ku dhacay wuxuu noqday buur weyn, oo dhulka oo dhan buuxiyey.
Then the iron, the clay, the bronze, the silver, and the gold were broken and crushed together and became like the chaff of the summer threshing floors, and the wind carried them away so that not a trace of them could be found. And the Stone that smote the image became a great mountain or rock and filled the whole earth.
36 R iyadii waa tan, fasirkiina annagaa ku sheegi doonna boqorka hortiisa.
This was the dream, and we will tell the interpretation of it to the king.
37 A digu, Boqorow, waxaad tahay boqorkii boqorrada, oo Ilaaha samadu siiyey boqortooyada, iyo xoogga, iyo itaalka iyo ammaanta.
You, O king, are king of the kings to whom the God of heaven has given the kingdom, the power, the might, and the glory.
38 O o meel kasta oo binu-aadmigu joogo, dugaagga duurka, iyo haadka samadaba gacantuu kuu geliyey, wuxuuna ka dhigay inaad xukunto kulligood; adigu madaxii dahabka ahaa baad tahay.
And wherever the children of men dwell, and the beasts of the field, and the birds of the heavens—He has given them into your hand and has made you to rule over them all. You are the head of gold.
39 O o waxaa adiga dabadaa kici doona boqortooyo kaa xoog yar, iyo boqortooyo kale oo saddexaad oo naxaas ah oo dhulka oo dhan xukumi doonta.
And after you shall arise another kingdom, inferior to you, and still a third kingdom of bronze which shall bear rule over all the earth.
40 O o boqortooyada afraadna waxay u xoog badnaan doontaa sida birta; waayo, birtu way jejebisaa, wayna ka adkaataa wax walba; oo sida birtu u burburiso kuwan oo dhan ayay u jejebin oo ay u burburin doontaa.
And the fourth kingdom shall be strong as iron, since iron breaks to pieces and subdues all things; and like iron which crushes, it shall break and crush all these.
41 O o sidaad u aragtay cagaha iyo faraha lugeed oo qaar yahay dhoobadii dheryasameeyaha, qaarna yahay birta, ayay u noqon doontaa boqortooyo kala qaybsan, laakiinse waxaa ku jiri doona xooggii birta, sidaad u aragtay birta ku qasan dhoobada dheryaha laga sameeyo.
And as you saw the feet and toes, partly of clay and partly of iron, it shall be a divided kingdom; but there shall be in it some of the firmness and strength of iron, just as you saw the iron mixed with miry clay.
42 O o sidii faraha cagaha qaarkood bir u ahaa, qaarna dhoobo u ahaa, ayaa boqortooyada qaarkeedna u xoog badnaan doonaa, qaarkeedna u jabi doonaa.
And as the toes of the feet were partly of iron and partly of clay, so the kingdom shall be partly strong and partly brittle and broken.
43 O o sidaad u aragtay dhoobada dheryaha laga sameeyo iyo birta isku qasan, ayay isugu qasi doonaan farcanka dadka; laakiinse isma ay qabsan doonaan, sida aanay birtu ugu qasmi karin dhoobada.
And as you saw the iron mixed with miry and earthen clay, so they shall mingle themselves in the seed of men; but they will not hold together, even as iron does not mingle itself with clay.
44 O o wakhtiga boqorradaas ayaa Ilaaha samadu dhisi doonaa boqortooyo aan weligeed la baabbi'inayn, ama dowladnimadeedu aanay dad kale uga wareegayn, laakiinse way jejebin doontaa oo baabbi'in doontaa boqortooyooyinkaas oo dhan, markaasay weligeed taagnaan doontaa.
And in the days of these kings shall the God of heaven set up a kingdom which shall never be destroyed, nor shall its sovereignty be left to another people; but it shall break and crush and consume all these kingdoms and it shall stand forever.
45 W aayo, waxaad aragtay dhagax buurta laga soo gooyay oo aan gacmo lagu gooyn, oo kala jejebiyey birtii, iyo naxaastii, iyo dhoobadii, iyo lacagtii, iyo dahabkii; Ilaaha weynu wuxuu, boqorow, ku ogeysiiyey waxa dhici doona hadda dabadeed, riyaduna waa dhab, fasirkeeduna waa wax la hubo.
Just as you saw that the Stone was cut out of the mountain without hands and that it broke in pieces the iron, the bronze, the clay, the silver, and the gold, the great God has made known to the king what shall come to pass hereafter. The dream is certain and the interpretation of it is sure.
46 M arkaasaa boqorkii ahaa Nebukadnesar wejigiisa u dhacay, oo u sujuuday Daanyeel, oo wuxuu amray inay u bixiyaan qurbaan iyo foox udgoon.
Then King Nebuchadnezzar fell on his face and paid homage to Daniel and ordered that an offering and incense should be offered up to him.
47 B oqorkiina waa u jawaabay Daanyeel oo wuxuu ku yidhi, Sida runta ah Ilaahaagu waa Ilaaha ilaahyada iyo Sayidka boqorrada, iyo mid muujiya waxyaalo qarsoon, maxaa yeelay, waxaad awoodday inaad daaha ka qaaddid qarsoodigan.
The king answered Daniel, Of a truth your God is the God of gods and the Lord of kings and a Revealer of secret mysteries, seeing that you could reveal this secret mystery!
48 M arkaasaa boqorkii Daanyeel derejeeyey, oo wuxuu siiyey hadiyado badan oo waaweyn, wuuna u dhiibay taladii gobolkii Baabuloon oo dhan, oo wuxuu ka dhigay taliyaha madaxda u ah ragga xigmadda leh oo Baabuloon oo dhan.
Then the king made Daniel great and gave him many great gifts, and he made him to rule over the whole province of Babylon and to be chief governor over all the wise men of Babylon.
49 D aanyeelna boqorkuu weyddiistay inuu ka dhigo Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo inay axwaalkii gobolkii Baabuloon u taliyaan, Daanyeelse wuxuu joogay iridda boqorka.
And Daniel requested of the king and he appointed Shadrach, Meshach, and Abednego over the affairs of the province of Babylon. But Daniel remained in the gate of the king.