1 O o markaas dabadeedna Daa'uud wuxuu Nob ugu yimid wadaadkii Axiimeleg ahaa, oo Axiimelegna Daa'uud buu ka hor yimid isagoo gariiraya, oo wuxuu isagii ku yidhi, War maxaa keligaa kaa dhigay oo ninna kuula socon waayay?
Then David went to Nob, to Ahimelech the priest; and Ahimelech was afraid at meeting David, and said to him, Why are you alone and no man with you?
2 O o Daa'uudna wuxuu wadaadkii Axiimeleg ku yidhi, Boqorkii baa i amray oo muraad ii soo diray, wuxuuna igu yidhi, Ninna yuusan waxba ka ogaan muraadka aan kuu diray, iyo waxa aan kugu amray toona, oo raggii dhallinyarada ahaana meel baan kula ballamay.
David said to Ahimelech the priest, The king has charged me with a matter and has told me, Let no man know anything of the mission on which I send you and with what I have charged you. I have appointed the young men to a certain place.
3 H addaba bal maxaa gacantaada ku jira? Bal i sii shan xabbadood oo kibis ah amase wax alla waxa yaal.
Now what do you have on hand? Give me five loaves of bread, or whatever you may have.
4 M arkaasaa wadaadkii wuxuu Daa'uud ugu jawaabay, Kibis la wada cuno gacantayda kuma jirto, laakiinse waxaa taal kibis quduus ah haddii ragga dhallinyarada ahu naago ayan taaban.
And the priest answered David, There is no common bread on hand, but there is hallowed bread—if the young men have kept themselves at least from women.
5 K olkaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ugu jawaabay, Sida runta ah intii saddex maalmood ah naago waa nalaga dhawray, oo markii aan soo baxay ragga dhallinyarada ah weelalkoodu quduus bay ahaayeen, laakiinse in kastoo uu sodcaalku mid caadi ah yahay, bal maanta intee bay weelalkoodu quduus sii yihiin?
And David told the priest, Truly women have been kept from us in these three days since I came out, and the food bags and utensils of the young men are clean, and although the bread will be used in a secular way, it will be set apart in the clean bags.
6 S idaas daraaddeed wadaadkii wuxuu Daa'uud siiyey kibis quduus ah, waayo, halkaas kibis ma oollin, kibistii tusniinta mooyaane, taas oo Rabbiga hortiisa laga soo qaaday si kibis kulul loo dhigo maalinta tii hore laga soo qaado.
So the priest gave him holy bread, for there was no bread there but the showbread which was taken from before the Lord to put hot bread in its place the day when it was taken away.
7 O o maalintaas waxaa halkaas joogay nin ka mid ah Saa'uul addoommadiisii, oo kaasna Rabbiga hortiisaa lagu hayay, magiciisuna wuxuu ahaa Do'eeg kii reer Edom, oo wuxuuna ahaa kii madaxda u ahaa xoolojirrada Saa'uul.
Now a certain man of Saul’s servants was there that day, detained before the Lord; his name was Doeg the Edomite, the chief of Saul’s herdsmen.
8 M arkaasaa Daa'uud wuxuu Axiimeleg ku yidhi, Waxba miyaanad haynin waran amase seef? Waayo, sooma aan qaadan seeftaydii iyo hubkaygii toona, maxaa yeelay, waxaa i soo deddejiyey muraadkii boqorku ii soo diray.
David said to Ahimelech, Do you have at hand a sword or spear? The king’s business required haste, and I brought neither my sword nor my weapons with me.
9 O o wadaadkiina wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaa halkan eefodka dabadiisa taal iyadoo maro ku duudduuban seeftii Goli'adkii reer Falastiin, oo aad dooxii Eelaah ku dishay, oo haddaad doonaysid inaad taas qaadatid, iska qaado, maxaa yeelay, taas mooyaane mid kale halkan ma taal. Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Taasoo kaleba ma jirto; ee bal i soo sii. Daa'uud Oo Gad Yimid
The priest said, The sword of Goliath the Philistine, whom you slew in the Valley of Elah, see, it is here wrapped in a cloth behind the ephod; if you will take that, do so, for there is no other here. And David said, There is none like that; give it to me.
10 M arkaasaa Daa'uud kacay, oo maalintaas wuxuu u cararay cabsi uu Saa'uul ka qabay aawadeed, oo wuxuu u tegey Aakiish oo boqorkii Gad ahaa.
David arose and fled that day from Saul and went to Achish king of Gath.
11 K olkaasaa addoommadii Aakiish waxay isagii ku yidhaahdeen, War sow kanu ma aha Daa'uud boqorkii dalka? Oo sow midkoodba midka kale gabay uguma celin iyagoo cayaaraya oo leh, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun?
The servants of Achish said to him, Is not this David, the king of the land? Did they not sing one to another of him in their dances: Saul has slain his thousands, and David his ten thousands?
12 O o Daa'uudna erayadaas qalbiguu ku haystay, oo aad buuna uga cabsanayay Aakiish oo ahaa boqorkii Gad.
David took these words to heart and was much afraid of Achish king of Gath.
13 O o markaasuu dabicaddiisii hortooda ku beddelay, oo wuxuu iska dhigay mid waalan markuu gacmahooda soo galay, oo wuxuu xagxagtay albaabbadii iridda, oo gadhkana dhareer buu iskaga daadiyey.
And he changed his behavior before them, and pretended to be insane in their hands, and scribbled on the gate doors, and drooled on his beard.
14 M arkaasaa Aakiish wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War waad aragtaan inuu ninku waalan yahay, haddaba bal maxaad iigu keenteen?
Then said Achish to his servants, You see the man is mad. Why then have you brought him to me?
15 W ar ma waxaan u baahanahay niman waalan, oo ma taas aawadeed baad ninkan u keenteen inuu hortayda isku waalo? War ma ninkan oo kalaa gurigayga soo gala?
Have I need of madmen, that you bring this fellow to play the madman in my presence? Shall this fellow come into my house?