1 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
The Lord said to Moses,
2 C uradyada oo dhan quduus iiga dhig; wax alla wixii maxal fura oo ku dhex jira reer binu Israa'iil, dad iyo duunyoba, anigaa iska leh.
Sanctify (consecrate, set apart) to Me all the firstborn; whatever is first to open the womb among the Israelites, both of man and of beast, is Mine.
3 M arkaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, Xusuusta maalintan aad Masar ka soo baxdeen, oo aad ka soo baxdeen gurigii addoonsiga; waayo, Rabbigu gacan xoog badan buu idinkaga soo bixiyey meeshan; waa inaan kibis khamiirsan la cunin.
And Moses said to the people, remember this day in which you came out from Egypt, out of the house of bondage and bondmen, for by strength of hand the Lord brought you out from this place; no leavened bread shall be eaten.
4 I dinku waxaad baxdeen maanta oo ah bisha Aabiib.
This day you go forth in the month Abib.
5 O o markii Rabbigu idin geeyo dalka reer Kancaan iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo, kaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, de markaas waa inaad bishan dhexdeeda dhawrtaan u adeegiddan Ilaah.
And when the Lord brings you into the land of the Canaanites, Hittites, Amorites, Hivites, and Jebusites, which He promised and swore to your fathers to give you, a land flowing with milk and honey, you shall keep this service in this month.
6 T oddoba maalmood waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan, oo maalinta toddobaad waa inay iid Rabbiga u ahaato.
Seven days you shall eat unleavened bread and the seventh day shall be a feast to the Lord.
7 O o kibis aan khamiir lahayn waa in la cunaa toddobada maalmood oo dhan; oo waa inaan lagugu arag kibis khamiirsan, ama waa inaan xataa lagugu arag khamiir, tan iyo xudduudkaaga oo dhan.
Unleavened bread shall be eaten for seven days; no leavened bread shall be seen with you, neither shall there be leaven in all your territory.
8 M aalintaas waa inaad wiilkaaga u sheegtaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waa wixii Rabbigu ii sameeyey aawadood markii aan Masar ka soo baxay.
You shall explain to your son on that day, This is done because of what the Lord did for me when I came out of Egypt.
9 O o waxay kuu noqon doontaa calaamo gacantaada saaran, iyo xusuus indhahaaga u dhaxaysa, in Rabbiga sharcigiisu afkaaga ku jiro; waayo, Rabbigu gacan xoog leh buu kaaga soo bixiyey dalkii Masar.
It shall be as a sign to you upon your hand and as a memorial between your eyes, that the law of the Lord may be in your mouth; for with a strong hand the Lord has brought you out of Egypt.
10 S idaas daraaddeed waa inaad amarkan haysaa xilligiisa, oo aad dhawrtaa sannad ilaa sannad.
You shall therefore keep this ordinance at this time from year to year.
11 O o markii Rabbigu ku geeyo dalka reer Kancaan siduu ugu dhaartay adiga iyo awowayaashaaba, oo uu ku siiyo,
And when the Lord brings you into the land of the Canaanites, as He promised and swore to you and your fathers, and shall give it to you,
12 d e markaas waa inaad Rabbiga gooni ugu soocdaa kulli intii maxal furta oo dhan iyo intii xoolaha curad ah, mid kasta oo lab ah Rabbigu waa iska lahaan doonaa.
You shall set apart to the Lord all that first opens the womb. All the firstlings of your livestock that are males shall be the Lord’s.
13 O o curad kasta oo dameer ah waa inaad ku madax furtaa wan yar; oo haddii aadan doonaynin inaad madax furto, de markaas waa inaad luqunta ka jebisaa, oo dadkaaga curadyadiisa oo dhan waa inaad wax ku madax furtaa.
Every firstborn of a donkey you shall redeem by a lamb, or if you will not redeem it, then you shall break its neck; and every firstborn among your sons shall you redeem.
14 O o dabadeedto markii wiilkaagu wax ku weyddiiyo oo kugu yidhaahdo, Waxanu waa maxay? waa inaad ku tidhaahdaa isaga, Gacan xoog badan baa Rabbigu nagaga soo bixiyey Masar oo ahaa gurigii addoonsiga;
And when, in time to come, your son asks you, What does this mean? You shall say to him, By strength of hand the Lord brought us out from Egypt, from the house of bondage and bondmen.
15 o o markii Fircoon dooni waayay inuu na sii daayo, waxaa dhacday inuu Rabbigu wada laayay curadyadii Masar oo dhan oo ahaa curadyadii dadka iyo curadyadii duunyadaba; oo sidaas daraaddeed baan Rabbiga allabari ugu bixiyaa wax alla wixii maxal fura oo dhan, ee ah inta lab, laakiinse dadkayga curadyadiisa oo dhan wax baan ku madax furtaa.
For when Pharaoh stubbornly refused to let us go, the Lord slew all the firstborn in the land of Egypt, both the firstborn of man and of livestock. Therefore I sacrifice to the Lord all the males that first open the womb; but all the firstborn of my sons I redeem.
16 O o waxay kuu noqon doontaa calaamo gacantaada saaran, iyo wax ka laalaada indhahaaga dhexdooda; waayo, Rabbigu gacan xoog badan buu Masar nagaga soo bixiyey. Ka Gudubkii Badda
And it shall be as a reminder upon your hand or as frontlets between your eyes, for by a strong hand the Lord brought us out of Egypt.
17 O o markii Fircoon dadkii sii daayay, Ilaah kuma uu kaxayn jidka dalka reer Falastiin in kastoo uu kaasu dhowaa, waayo, Ilaah wuxuu yidhi, Waaba intaasoo dadku markay dagaal arkaan ay qoomameeyaan, oo ay Masar dib ugu noqdaan.
When Pharaoh let the people go, God led them not by way of the land of the Philistines, although that was nearer; for God said, Lest the people change their purpose when they see war and return to Egypt.
18 L aakiinse Ilaah wuxuu dadkii u hor kacay waddada la wareegta cidlada ku ag taal Badda Cas; reer binu Israa'iilna waxay Masar ka bexeen iyagoo hubkoodii sita.
But God led the people around by way of the wilderness toward the Red Sea. And the Israelites went up marshaled out of the land of Egypt.
19 M arkaasaa Muuse wuxuu qaaday lafihii Yuusuf; waayo, Yuusuf aad buu ugu dhaartay reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaa; ee lafahayga waa inaad halkan ka qaaddaan.
And Moses took the bones of Joseph with him, for had strictly sworn the Israelites, saying, Surely God will be with you, and you must carry my bones away from here with you.
20 O o waxay sodcaalkoodii ka bilaabeen Sukod, oo waxay degeen Eetaam, oo ku taal cidlada qarkeeda.
They journeyed from Succoth and encamped at Etham on the edge of the wilderness.
21 R abbiguna inuu iyaga jidka tuso aawadeed ayuu maalintii hortooda socon jiray isagoo ku jira tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, inuu iyaga u iftiimiyo si ay u socdaan hadh iyo habeenba.
The Lord went before them by day in a pillar of cloud to lead them along the way and by night in a pillar of fire to give them light, that they might travel by day and by night.
22 T iirkii daruurta ahaa oo maalinta, iyo tiirkii dabka ahaa oo habeenka kama tegin dadka hortiisa.
The pillar of cloud by day and the pillar of fire by night did not depart from before the people.