1 A ddoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa markuu dhintay dabadeed, Rabbigu wuxuu la hadlay Yashuuca ina Nuun, oo Muuse midiidin u ahaa, oo wuxuu ku yidhi,
After the death of Moses the servant of the Lord, the Lord said to Joshua son of Nun, Moses’ minister,
2 A ddoonkaygii Muuse ahaa waa dhintay, haddaba kac, oo webigan Urdun ka tallaaba, adiga iyo dadkan oo dhammuba, oo waxaad u gudubtaan dalka aan siinayo iyaga, kuwaasoo ah reer binu Israa'iil.
Moses My servant is dead. So now arise, go over this Jordan, you and all this people, into the land which I am giving to them, the Israelites.
3 M eel kasta oo aad cagta dhigtaanba waan idin siiyey, sidaan Muuse ugu sheegay.
Every place upon which the sole of your foot shall tread, that have I given to you, as I promised Moses.
4 O o soohdintiinnu waxay noqon doontaa marka laga bilaabo cidlada, iyo Lubnaantan, iyo xataa tan iyo webiga weyn oo ah Webi Yufraad, iyo dalka reer Xeed oo dhan, iyo tan iyo badda weyn ee xagga qorraxdu u dhacdo.
From the wilderness and this Lebanon to the great river Euphrates—all the land of the Hittites —and to the Great Sea on the west shall be your territory.
5 C imrigaaga oo dhan ninna isma kaa hor taagi kari doono. Sidaan Muuse ula jiray ayaan adigana kuula jiri doonaa. Kuma aan gabi doono, kumana aan dayrin doono.
No man shall be able to stand before you all the days of your life. As I was with Moses, so I will be with you; I will not fail you or forsake you.
6 H addaba xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, waayo, dadkan waxaad dhaxalsiisaa dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siiyo.
Be strong (confident) and of good courage, for you shall cause this people to inherit the land which I swore to their fathers to give them.
7 X oog uun yeelo, oo aad u dhiirranow inaad dhawrtid oo aad yeeshid si waafaqsan sharcigii addoonkaygii Muuse kugu amray oo dhan. Si aad ugu liibaantid meel kastoo aad tagtidba, sharcigaas ha uga leexan midigta iyo bidixda toona.
Only you be strong and very courageous, that you may do according to all the law which Moses My servant commanded you. Turn not from it to the right hand or to the left, that you may prosper wherever you go.
8 K itaabkan sharcigu waa inaanu afkaaga ka tegin, laakiinse waa inaad u fiirsataa habeen iyo maalinba, si aad u dhawrtid wax alla waxa ku qoran oo dhan, waayo, markaasaad jidkaaga ku barwaaqoobi doontaa, waanad liibaani doontaa.
This Book of the Law shall not depart out of your mouth, but you shall meditate on it day and night, that you may observe and do according to all that is written in it. For then you shall make your way prosperous, and then you shall deal wisely and have good success.
9 M iyaanan kugu amrin? Xoog yeelo, oo aad u dhiirranow. Ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ahu wuu kula jiraa meel kastoo aad tagtidba.
Have not I commanded you? Be strong, vigorous, and very courageous. Be not afraid, neither be dismayed, for the Lord your God is with you wherever you go.
10 M arkaasaa Yashuuca wuxuu amray saraakiishii dadka, oo ku yidhi,
Then Joshua commanded the officers of the people, saying,
11 B al xerada dhex mara, oo waxaad dadka ku amartaan, oo ku tidhaahdaan, Saadkiinna diyaarsada, waayo, saddex maalmood waa inaad kaga gudubtaan webigan Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu hanti ahaan idiin siinayo.
Pass through the camp and command the people, Prepare your provisions, for within three days you shall pass over this Jordan to go in to take possession of the land which the Lord your God is giving you to possess.
12 O o Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi,
And to the Reubenites, the Gadites, and the half-tribe of Manasseh, Joshua said,
13 B al xusuusta eraygii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray isagoo leh, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idin nasinayaa, oo wuxuu idin siin doonaa dalkan.
Remember what Moses the servant of the Lord commanded you, saying, The Lord your God is giving you rest and will give you this land.
14 D umarkiinna, iyo dhallaankiinna, iyo xoolihiinnuba waxay joogi doonaan dalkii Muuse idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa, laakiinse raggiinna xoogga leh oo hubka sita oo dhammu waa inay walaalahood ka hor gudbaan, oo ay caawiyaan iyaga,
Your wives, your little ones, and your cattle shall dwell in the land which Moses gave you on this side of the Jordan, but all your mighty men of valor shall pass on before your brethren armed, and help them
15 i laa Rabbigu walaalihiin nasiyo, siduu idinkaba idiin nasiyey, oo ay iyana hantiyaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo; oo markaasaad ku soo noqon doontaan dalkii hantidiinna, oo waad hantiyi doontaan dalkii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo ah xagga qorrax ka soo baxa.
Until the Lord gives your brethren rest, as He has given you, and they also possess the land the Lord your God is giving them. Then you shall return to the land of your possession and possess it, the land Moses the Lord’s servant gave you on the sunrise side of the Jordan.
16 M arkaasay Yashuuca ugu jawaabeen, Kulli wixii aad nagu amartay oo dhan waannu yeeli doonnaa, oo meel alla meeshii aad noo dirtoba waannu tegi doonnaa.
They answered Joshua, All you command us we will do, and wherever you send us we will go.
17 O o sidii aannu Muuse wax walba uga dhegaysan jirnay ayaannu adigana kaaga dhegaysan doonnaa. Rabbiga Ilaahaaga ahu uun ha kula jiro siduu Muuse ula jiray oo kale.
As we hearkened to Moses in all things, so will we hearken to you; only may the Lord your God be with you as He was with Moses.
18 O o ku alla kii amarkaaga caasiya oo aan dhegaysan erayadaada iyo wax alla wixii aad ku amartid oo dhanba, kaas waa in la dilaa; laakiinse xoog yeelo oo aad u dhiirranow.
Whoever rebels against your commandment and will not hearken to all you command him shall be put to death. Only be strong, vigorous, and of good courage.