Taariikhdii Labaad 22 ~ 2 Chronicles 22

picture

1 M arkaasaa dadkii Yeruusaalem degganaa waxay meeshiisii boqor kaga dhigteen Axasyaah oo ahaa wiilkiisii ugu wada yaraa, maxaa yeelay, guutadii ragga ahayd oo reer Carbeed xerada la timid way wada laayeen kuwii waaweynaa oo dhan. Sidaas daraaddeed waxaa boqor noqday Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

The people of Jerusalem made Ahaziah, his youngest son, king in his stead, for the troop that came with the Arabs to the camp had slain all the older sons. So Ahaziah son of Jehoram king of Judah reigned.

2 A xasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo afartan sannadood, oo Yeruusaalemna sannad ayuu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Catalyaah ina Coomrii.

Forty-two years old was Ahaziah when he began his one-year reign in Jerusalem. His mother was Athaliah, a granddaughter of Omri.

3 O o isaguna wuxuu ku socday jidadkii reerka Axaab maray, waayo, hooyadiis waxay kula talin jirtay inuu shar sameeyo.

He also walked in the ways of the house of Ahab, for his mother was his counselor to do wickedly.

4 O o wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, sidii reerka Axaab yeeli jiray oo kale, waayo, markii aabbihiis dhintay ka dib iyagaa ahaan jiray lataliyayaashiisii ilaa uu baabba'ay.

So he did evil in the sight of the Lord like the house of Ahab, for they were his counselors after his father’s death, to his destruction.

5 O o weliba wuxuu ku socon jiray taladoodii, wuuna raacay Yehooraam ina Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad, oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen.

He followed their counsel and even went with Joram son of Ahab king of Israel to war against Hazael king of Syria at Ramoth-gilead. And the Syrians wounded Joram;

6 M arkaasuu ku noqday Yesreceel in lagu soo daweeyo nabrihii ay Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah tegey inuu soo arko Yehooraam ina Axaab oo joogay Yesreceel, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.

And he returned to be healed in Jezreel of the wounds given him at Ramah when he fought against Hazael king of Syria. Azariah son of Jehoram king of Judah went down to see Joram son of Ahab in Jezreel because he was sick.

7 H addaba Axasyaah baabbi'iisii wuxuu ka yimid xag Ilaah, markuu Yooraam u tegey, maxaa yeelay, markuu yimid ayuu Yehooraam kula kacay Yeehuu ina Nimshii kaasoo Rabbigu u subkay inuu baabbi'iyo reerka Axaab.

But the destruction of Ahaziah was ordained of God in his coming to visit Joram. For when he got there he went out with Joram against Jehu son of Nimshi, whom the Lord had anointed to destroy the house of Ahab.

8 O o kolkii Yeehuu xukunka ku soo dejinayay reerkii Axaab wuxuu helay amiirradii dalka Yahuudah iyo Axasyaah walaalihiis wiilashii ay dhaleen oo Axasyaah u adeegaya, markaasuu iyagii laayay.

And when Jehu was executing judgment upon the house of Ahab, he met the princes of Judah and the sons of Ahaziah’s slain brothers, who attended Ahaziah, and he slew them.

9 K olkaasuu doondoonay Axasyaah (oo Samaariya ku dhex dhuumanayay), waana la soo qabtay oo waxaa loo keenay Yeehuu, waana la dilay, oo isagii waa la aasay, waayo, waxay isyidhaahdeen, Isaga waxaa dhalay Yehooshaafaad oo Rabbiga ku doondooni jiray qalbigiisa oo dhan. Oo Axasyaah reerkiisiina ma uu lahayn xoog uu boqortooyada ku sii haysto. Catalyaah Iyo Yoo'aash

And sought Ahaziah, who was hiding in Samaria; he was captured, brought to Jehu, and slain. They buried him, for they said, After all, he is the grandson of Jehoshaphat, who sought the Lord with all his heart. So the house of Ahaziah had no one left able to rule the kingdom.

10 H addaba Catalyaah oo ahayd Axasyaah hooyadiis markay aragtay in wiilkeedii dhintay ayay kacday oo wada baabbi'isay farcankii reer boqor ee Yahuudah oo dhan.

But when Athaliah mother of Ahaziah saw that her son was dead, she arose and destroyed all the royal family of Judah.

11 L aakiinse Yehooshabecad oo ahayd boqorka gabadhiisii waxay la tagtay Yoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, oo ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo. Haddaba Yehooshabecad oo ahayd Boqor Yehooraam gabadhiis, oo u dhaxday wadaadkii Yehooyaadaac la odhan jiray waxay isagii ka qarisay Catalyaah si ayan isaga u dilin (maxaa yeelay, iyadu waxay ahayd Axasyaah walaashiis).

But Jehosheba, the daughter of the king, took Joash son of Ahaziah and stole him away from among the king’s sons who were to be slain, and she put him and his nurse in a bedchamber. So Jehosheba daughter of King Jehoram, sister of Ahaziah, and wife of Jehoiada the priest, hid from Athaliah, so that she did not slay him.

12 O o intii lix sannadood ah ayuu kula qarsoonaa guriga Ilaah, oo dalkiina waxaa u talisay Catalyaah.

And Joash was with them hidden in the house of God six years, and Athaliah reigned over the land.