Taariikhdii Labaad 13 ~ 2 Chronicles 13

picture

1 H addaba sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Boqor Yaaraabcaam ayaa Abiiyaah boqor ka noqday dalka Yahuudah.

In the eighteenth year of King Jeroboam, Abijah began to reign over Judah.

2 O o saddex sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Miikaayaah ina Uurii'eel oo reer Gibecaah ah. Oo Abiiyaah iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexayn jiray.

He reigned three years in Jerusalem. His mother was Micaiah daughter of Uriel of Gibeah. And there was war between Abijah and Jeroboam of Israel.

3 O o Abiiyaah dagaal buu u baxay isagoo wata ciidan dagaalyahan ah oo xoog badan, oo waxayna ahaayeen afar boqol oo kun oo ah rag la xushay; oo Yaaraabcaamna wuxuu dagaal isaga ka gees ah u diyaariyey siddeed boqol oo kun oo nin oo ah rag la xushay oo dhammaantoodna rag xoog badan ah.

And Abijah prepared for battle with an army of valiant men of war, 400, 000 chosen men. Jeroboam set the battle in array against him with 800, 000 chosen men, mighty men of valor.

4 M arkaasaa Abiiyaah wuxuu kor fuulay Buur Semaarayim oo ku taal dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo wuxuu yidhi, Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil dhammaantiin i maqla.

And Abijah stood on Mount Zemaraim, in the hill country of Ephraim, and said, Hear me, O Jeroboam and all Israel!

5 W ar, miyeydnaan ogayn in Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu Daa'uud weligiis siiyey boqortooyada reer binu Israa'iil u talisa oo wuxuu isaga iyo wiilashiisana ku siiyey axdi cusbo leh?

Ought you not to know that the Lord, the God of Israel, gave the kingship over Israel to David forever, even to him and to his sons by a covenant of salt?

6 L aakiin Yaaraabcaam ina Nebaad oo ahaa addoonkii Sulaymaan ina Daa'uud ayaa kacay oo ka fallaagoobay sayidkiisii.

Yet Jeroboam son of Nebat, a servant of Solomon son of David, rose up and rebelled against his lord.

7 O o waxaa isagii u soo shiray rag xunxun oo waxmatarayaal ah, wayna xoogaysteen iyagoo ka gees ah Rexabcaam oo ahaa ina Sulaymaan, oo taasuna waxay ahayd intii Rexabcaam uu dhallintayaraa oo uu qalbigiisu nuglaa, oo uusan iyaga hor joogsan karin.

And there gathered to him worthless men, base fellows, who strengthened themselves against Rehoboam son of Solomon when Rehoboam was young, irresolute, and inexperienced and did not withstand them with firmness and strength.

8 O o hadda idinku waxaad ku fikiraysaan inaad boqortooyada Rabbiga ka hor joogsataan gacanta ilma Daa'uud, oo weliba idinku waxaad tihiin dad faro badan, oo waxaadna wadataan weylihii dahabka ahaa oo Yaaraabcaam idiinku sameeyey Ilaah ahaan.

And now you think to withstand the kingdom of the Lord which is in the hands of the sons of David, because you are a great multitude and you have with you the golden calves which Jeroboam made for you for gods.

9 O o weliba idinku sow ma aydaan eryin wadaaddadii Rabbiga oo ilma Haaruun ahaa iyo kuwii reer Laawiba? Oo wadaaddo sow uma aydaan samaysan sidii ay ahaan jirtay caadadii dadyowga dalalka kale deggan? Oo sidaas daraaddeed ku alla kii u yimaadaa inuu quduus iska dhigo isagoo wata dibi yar iyo toddoba wan, kaasu wuxuu wadaad u noqon karaa waxyaalo aan ilaahyo ahayn.

Have you not driven out the priests of the Lord, the sons of Aaron, and the Levites, and made priests for yourselves like the peoples of other lands? So whoever comes to consecrate himself with a young bull and seven rams may be a priest of idols that are not gods.

10 L aakiinse Rabbigu waa Ilaahayaga, oo kama aannu tegin, oo waxaannu haysannaa wadaaddo Rabbiga u adeega, kuwaasoo ah ilma Haaruun, iyo kuwii reer Laawi oo shuqulkoodii ku jira.

But as for us, the Lord is our God, and we have not forsaken Him. We have priests ministering to the Lord who are sons of Aaron, and Levites for their service.

11 O o iyagu subax kasta iyo fiid kasta waxay Rabbiga u gubaan qurbaan la gubo iyo foox udgoon, oo kibistii tusniintana waxay ku hagaajiyaan miiska daahirka ah korkiisa, oo laambadda dahabka ah iyo laambadaheedii waxay shidaan fiid kasta, waayo, annagu waan xajinnaa amarkii Rabbiga Ilaahaya ah, laakiinse idinku waad ka tagteen.

They offer to the Lord every morning and every evening burnt sacrifices and incense of sweet spices; they set in order the showbread on the table of pure gold and attend to the golden lampstand, that its lamps may be lighted every evening. For we keep the charge of the Lord our God, but you have forsaken Him.

12 O o bal eega waxaa nala jira Ilaah isagoo madax noo ah, iyo wadaaddadiisii oo wata turumbooyinkii lagu dhawaajiya, oo waxay idinku afuufi doonaan dhawaaq, haddaba dadka Israa'iilow, ha la diririna Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin, waayo, liibaani maysaan.

Behold, God Himself is with us at our head, and His priests with their battle trumpets to sound an alarm against you. O Israelites, fight not against the Lord, the God of your fathers, for you cannot prosper.

13 L aakiinse Yaaraabcaam wuxuu iyaga gadaal ka dhigay ciidan gaadmo ah, haddaba iyagu waxay hor joogeen dadkii Yahuudah oo ciidankii gaadmada ahaana wuxuu joogay gadaashooda.

But Jeroboam caused an ambushment to come around them from behind, so his troops were before Judah and the ambush behind.

14 O o dadkii Yahuudah markay gadaashooda eegeen waxay arkeen in hore iyo gadaalba laga soo weeraray, markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo wadaaddadiina waxay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii.

When Judah looked, behold, the battle was before and behind; and they cried to the Lord, and the priests blew the trumpets.

15 M arkaasay dadkii Yahuudah qayliyeen oo markay dadkii Yahuudah qayliyeen ayaa Rabbigu wax ku dhuftay Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil oo dhan Abiiyaah iyo dadkii Yahuudah hortooda.

Then the men of Judah gave a shout; and as they shouted, God smote Jeroboam and all Israel before Abijah and Judah.

16 M arkaasaa dadkii Israa'iil ka carareen dadkii Yahuudah hortooda, oo Rabbiguna wuxuu ku riday gacantoodii.

And the Israelites fled before Judah, and God delivered them into their hands.

17 O o Abiiyaah iyo dadkiisiina aad bay u laayeen, oo waxaa dadkii Israa'iil ka le'day shan boqol oo kun oo ah rag la xushay.

And Abijah and his people slew them with a great slaughter, so there fell of Israel 500, 000 chosen men.

18 H addaba dadkii Israa'iil sidaasaa wakhtigaas loo jebiyey oo waxaa ka adkaaday dadkii Yahuudah, maxaa yeelay, iyagu waxay isku halleeyeen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.

Thus the Israelites were brought low at that time, and the people of Judah prevailed because they relied upon the Lord, the God of their fathers.

19 O o Abiiyaah baa eryaday Yaaraabcaam oo wuxuu ka qabsaday magaalooyin badan kuwaasoo ahaa Beytel iyo tuulooyinkeedii, iyo Yeshaanaah iyo tuulooyinkeedii, iyo Cefroon iyo tuulooyinkeedii.

And Abijah pursued Jeroboam and took some cities from him, Bethel, Jeshanah, and Ephraim (Ephron), with their towns.

20 O o Yaaraabcaamna xoog dambe ma uu helin wakhtigii Abiiyaah noolaa, oo Rabbiga ayaa wax ku riday, wuuna dhintay.

Jeroboam did not recover strength again in the days of Abijah. And the Lord smote him and he died.

21 L aakiinse Abiiyaah wuu sii xoogaystay, oo wuxuu guursaday afar iyo toban naagood, oo wuxuuna dhalay laba iyo labaatan wiil iyo lix iyo toban gabdhood.

But Abijah became mighty. He married fourteen wives and had twenty-two sons and sixteen daughters.

22 H addaba Abiiyaah falimihiisii kale, iyo socodkiisii, iyo hadalladiisiiba waxay ku qoran yihiin kitaabkii Nebi Iddo.

And the rest of the acts of Abijah, his ways and his sayings, are written in the story of the prophet Iddo.