1 Tesaloniika 5 ~ 1 Солунци 5

picture

1 W alaalayaalow, uma baahnidin in laydiin soo qoro wax ku saabsan wakhtiyada iyo xilliyada.

А за годините и времената, братя, няма нужда да ви се пише,

2 W aayo, idinka qudhiinnuba qummaati baad u garanaysaan inay maalinta Rabbigu u imanayso sida tuug habeen u yimaado.

защото вие добре знаете, че Господният ден ще дойде като крадец нощем.

3 M arkay leeyihiin, Waa nabad iyo salaamad, kolkaasaa filashola'aan halaaggu u qaban doonaa sida fooshu naag uur leh u qabato; iyaguna sinaba ugama baxsan doonaan.

Когато казват: Мир и безопасност!, тогава ще ги постигне внезапна погибел като родилните болки на бременна жена, и никак няма да я избегнат.

4 L aakiinse idinku, walaalayaalow, gudcur kuma jirtaan in maalintaasu sida tuug idiin qabato.

Но вие, братя, не сте в тъмнина, за да ви постигне онзи ден като крадец.

5 W aayo, kulligiin waxaad tihiin carruurta nuurka iyo carruurta maalinnimada, innagu ma nihin kuwa habeennimada iyo gudcurka;

Защото вие всички сте синове на светлината, синове на деня; не сме от нощта, нито от тъмнината.

6 s idaas daraaddeed yeynan seexan sida kuwa kale yeelaan, laakiinse aan soo jeedno oo aan feeyignaanno.

И така, да не спим, както другите, а да бъдем будни и трезвени.

7 W aayo, kuwa seexdaa habeenkay seexdaan, kuwa sakhraamaana habeenkay sakhraamaan.

Защото които спят, нощем спят, и които се опиват, нощем се опиват;

8 L aakiin innagoo kuwa maalinta ah aan feeyignaanno, oo gashanno hubka laabta oo rumaysadka iyo jacaylka ah iyo koofiyadda rajada badbaadada ah.

а ние, като сме от деня, нека бъдем трезвени и нека облечем за бронен нагръдник вярата и любовта и да сложим за шлем надеждата за спасение.

9 W aayo, Ilaah inooma uu dooran cadhada, laakiinse wuxuu inoo doortay inaynu ku badbaadno Rabbigeenna Ciise Masiix,

Защото Бог ни е определил не за гняв, а да получим спасение чрез нашия Господ Исус Христос,

10 k an inoo dhintay, inaynu la wada noolaanno isaga, haddaynu nool nahay iyo haddaynu dhimannoba.

Който умря за нас, така че, дали сме живи или сме починали, да живеем заедно с Него.

11 S idaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiirrigeliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale. Waanada Iyo Dhammaadka

Затова, насърчавайте се помежду си и се назидавайте един друг, както и правите. Заключителни наставления и поздрави

12 L aakiinse waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow, inaad maamuustaan kuwa idinku dhex hawshooda, oo xagga Rabbiga idinkaga sarreeya oo idinla taliya;

И ви молим, братя, да признавате тези, които се трудят между вас като ваши настойници в Господа и ваши увещатели,

13 o o aad iyaga aad iyo aad jacayl ugu derejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga.

и да ги почитате твърде много с любов заради делото им. Живейте в мир помежду си.

14 O o waannu idin waaninaynaa, walaalayaalow, Kuwa si aan hagaagsanayn u socda la taliya, oo kuwa qalbi jabay dhiirigeliya, oo kuwa itaalka yar garab siiya, oo dadka oo dhanna u dulqaata.

Молим ви още, братя, увещавайте онези, които постъпват нередно, насърчавайте малодушните, поддържайте слабите, бъдете търпеливи към всички.

15 I ska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.

Внимавайте никой да не връща на никого зло за зло, а винаги търсете доброто един на друг и на всички.

16 H ad iyo goorba farxa.

Винаги се радвайте.

17 J oogsila'aanna tukada.

Непрестанно се молете.

18 W ax walbana mahad ka naqa, waayo, taasu waxay idiin tahay doonista Ilaah xagga Ciise Masiix.

За всичко благодарете, защото това е Божията воля за вас в Христос Исус.

19 R uuxa ha deminina.

Духа не угасвайте.

20 W ax sii sheegiddana ha quudhsanina.

Пророчества не презирайте.

21 W ax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya.

Всичко изпитвайте, дръжте доброто.

22 W ax kasta oo shar u egna ka fogaada.

Въздържайте се от всякакво зло.

23 I laaha nabadda qudhiisu quduus ha idinka wada dhigo, oo ruuxiinna iyo naftiinna iyo jidhkiinna dhammaan ha la wada ilaaliyo, iyagoo ceeb la' markii Rabbigeenna Ciise Masiix yimaado.

А сам Бог на мира да ви освети напълно; и дано се запазят непокътнати духът, душата и тялото ви без порок до пришествието на нашия Господ Исус Христос.

24 K an idiin yeedhaa waa aamin, wuuna samayn doonaa.

Верен е Онзи, Който ви призовава и ще извърши това.

25 W alaalayaalow, noo soo duceeya.

Братя, молете се за нас.

26 W alaalaha oo dhanna dhunkasho quduus ah ku salaama.

Поздравете всички братя със свята целувка.

27 R abbigaan idinku dhaarinayaaye, Warqaddan ha loo akhriyo walaalaha oo dhan.

Заклевам ви в Господа да се прочете това послание на всички (святи) братя.

28 N imcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.

Благодатта на нашия Господ Исус Христос да бъде с вас. Амин.