1 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Ha cabsan, hana qalbi jabin. Ragga dagaalyahannada ah oo dhan kaxayso, oo kac oo waxaad tagtaa xagga Aacii, oo bal eeg, adigaan gacanta ku geliyey boqorka Aacii, iyo dadkiisa, iyo magaaladiisa, iyo dalkiisaba;
След това Господ каза на Исус: Не бой се, нито се ужасявай! Вземи със себе си всичките военни мъже, стани и се изкачи в Гай. Аз предадох в ръката ти гайския цар, народа му, града му и земята му;
2 o o Aacii iyo boqorkeedaba waxaad ku samaysaa wixii aad ku samaysay Yerixoo iyo boqorkeedii; alaabteeda iyo xoolaheedase waa inaad dhacdaan oo qaadataan. Oo magaalada xagga dambe ka gaad.
и да сториш на Гай и царя му, както стори на Йерихон и царя му; само че ще вземете за себе си плячката и добитъка. Постави против града засада от задната му страна.
3 S idaas daraaddeed Yashuuca waa kacay, isagii iyo raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammu, si ay Aacii u tagaan, oo Yashuuca wuxuu dooray soddon kun oo nin oo ah rag xoog leh, oo wuxuu diray goor habeennimo ah.
Тогава Исус тръгна с всичките военни мъже, за да отиде в Гай. Той избра тридесет хиляди мъже, силни и храбри, изпрати ги през нощта
4 O o wuxuu ku amray oo ku yidhi, Bal maqla, waxaad gaaddaan magaalada xaggeeda dambe, oo ha ka fogaanina magaalada, laakiinse kulligiin diyaar ahaada;
и им заповяда: Внимавайте, поставете засада против града от задната му страна. Не се отдалечавайте много от града и бъдете готови,
5 o o aniga iyo dadka ila jira oo dhammuba waxaannu u dhowaan doonnaa magaalada, oo markay dibadda noogu soo baxaan sida kolkii ugu horraysay, waannu ka carari doonnaa hortooda.
а аз и всички хора, които с мене, ще се приближим до града. И когато гайците излязат против нас, както преди, тогава ние ще побегнем от тях.
6 M arkaasay na soo eryan doonaan ilaa aannu iyaga magaalada ka fogayno; waayo, waxay is-odhan doonaan, Sidii markii ugu horraysay bay naga cararayaan, oo sidaasaannu uga hor carari doonnaa iyaga.
Те ще тръгнат след нас, докато ги отдалечим от града; защото ще си кажат: Те бягат от нас, както преди; и ние ще побегнем от тях.
7 O o markaas waa inaad gaadmada ka timaadaan, oo aad magaalada qabsataan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta idiin gelin doona iyada.
Тогава вие ще вдигнете засадата и ще превземете града; защото Господ, вашият Бог, ще го предаде в ръката ви.
8 O o markii aad magaalada qabsataan, waa inaad dab qabadsiisaan magaalada, oo waxaad yeeshaan si waafaqsan ereyga Rabbiga; bal eega, sidaasaan idinku amraye.
След като превземете града, запалете го, направете, както Господ ви заповяда; ето, заповядах ви.
9 M arkaasaa Yashuuca iyagii diray; oo waxay tageen meeshii gaadmada, oo waxay joogeen meel u dhaxaysa Beytel iyo Aacii, oo galbeed ka xigta Aacii; laakiinse habeenkaas Yashuuca dadkii buu ku dhex baryay.
И така, Исус ги изпрати; и те се скриха в засада. Установиха се между Ветил и Гай на запад от Гай; а Исус остана през онази нощ с народа.
10 K olkaasaa Yashuuca aroor hore kacay, oo dadkii isu ururiyey, oo isagii iyo waayeelladii reer binu Israa'iil waxay dadkii u hor kaceen xaggii Aacii.
Исус, като стана рано на сутринта и прегледа народа, застана с Израелевите старейшини отпред и тръгнаха към Гай.
11 O o dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhan oo ah kuwii isaga la jiray way wada tageen oo intay soo dhowaadeen ayay magaaladii hor yimaadeen, oo waxay degeen dhinaca woqooyi oo Aacii; oo dooxo baa u dhexaysay isaga iyo Aacii.
И всичките военни мъже, които бяха с него, се приближиха до града и разположиха стан на север от Гай. Между тях и Гай имаше долина.
12 M arkaasuu wuxuu kaxaystay rag shan kun ku dhow, oo wuxuu gaadmo u diray meel u dhexaysa Beytel iyo Aacii, oo magaalada ka xigta xagga galbeed.
Исус взе около пет хиляди мъже и постави засада между Ветил и Гай на запад от града.
13 M arkaasay diyaariyeen dadkii oo dhan, xataa ciidankii magaalada xagga woqooyi ka xigay oo dhan, iyo kuwoodii gaadmada ugu qarsoonaa magaalada xaggeeda galbeed, oo Yashuucana habeenkaas wuxuu dhaxay dooxadii dhexdeeda.
След като строиха народа - цялото войнство, което беше на север от града, както и засадата на запад от града, - Исус отиде през онази нощ в долината.
14 O o markii boqorkii Aacii taas arkay, ayay isaga iyo dadkiisa oo dhammu aroor hore keceen oo dhaqsadeen, oo markaasay dadkii magaaladu dagaal ugu bexeen reer binu Israa'iil wakhtigii la yidhi, oo waxay wada tageen meel ka horraysa Caraabaah, laakiinse ma uu ogayn in rag gaadmo ugu qarsoon yahay magaalada dabadeeda.
А гайският цар, като видя това, побърза, той и неговите хора, мъжете на града, и станаха рано, и в определен час излязоха на полето на бой против Израел. Царят обаче не знаеше, че има засада против него зад града.
15 M arkaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay iska dhigeen sidii iyagoo laga adkaaday, oo waxay ku carareen xaggii jidka cidlada.
А Исус и целият Израел се престориха на разбити пред тях и побегнаха по пътя за пустинята.
16 M arkaasaa dadkii magaalada joogay oo dhan waxaa loogu wada yeedhay inay eryadaan reer binu Israa'iil, oo intay Yashuuca eryanayeen ayaa iyagii laga fogeeyey magaaladii.
И всичките гайци бяха свикани, за да ги гонят. Като гонеха Исус, гайците се отдалечиха от града.
17 O o nin keliyahu kuma hadhin Aacii iyo Beytel toona, oo aan daba gelin reer binu Israa'iil; oo magaaladii oo furan bay ka tageen, oo waxay eryadeen reer binu Israa'iil.
Така в Гай и Ветил не остана никой. Всички излязоха след Израел; те оставиха града отворен и преследваха Израел.
18 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Waranka gacantaada ku jira xagga Aacii ku taag, waayo, adigaan gacanta kuu gelin doonaa Aacii. Markaasaa Yashuuca warankii gacantiisa ku jiray wuxuu ku taagay xaggii magaalada.
Тогава Господ каза на Исус: Простри към Гай копието, което държиш, защото ще предам града в ръката ти. И така, Исус простря към града копието, което държеше в ръката си.
19 M arkaasaa haddiiba raggii gaadmada u qarsoonaa ka soo bexeen meeshoodii ay ku jireen, oo markuu gacanta taagay ayay haddiiba soo ordeen, oo waxay galeen magaaladii, wayna qabsadeen; oo intay dhaqsadeen ayay magaaladii dab qabadsiiyeen.
И щом протегна ръката си, засадата се вдигна бързо от мястото си, нахлуха внезапно в града, превзеха го и побързаха да го запалят.
20 O o dadkii reer Aacii markay dib u eegeen ayay waxay arkeen qiiqii magaalada oo samada kor ugu baxaya, oo mana ay lahayn xoog ay ugu cararaan xaggan ama xaggaa; oo dadkii u cararay xagga cidlada waxay dib ugu soo jeesteen raacdadii daba joogtay.
А когато гайските мъже погледнаха назад, видяха, че от града се издига дим към небето; и нямаха къде да бягат - нито напред, нито назад, понеже народът, който бягаше към пустинята, се обърна назад против преследвачите си.
21 O o markii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu arkeen in raggii gaadmada ahaa ay magaaladii qabsadeen, iyo in magaalada qiiqeedii kor u baxay, ayay dib u soo noqdeen, oo waxay laayeen dadkii reer Aacii.
А Исус и целият Израел, като видяха, че хората от засадата бяха превзели града и че оттам се издига дим, се обърнаха назад и поразиха гайските мъже.
22 O o kuwii kalena waxay iyaga kaga soo bexeen magaaladii, sidaas daraaddeed waxay ku dhex jireen reer binu Israa'iil, iyadoo qaarna dhinacan ka xigo, qaarna dhinacaas ka xigo; oo way wada laayeen, oo midna kama reebin, qofna kama baxsan.
Другите също излязоха от града против гайците; и така, те се намериха между израелтяните, които бяха от двете им страни; и израелтяните поразиха гайците така, че не оставиха никого жив или да избяга.
23 O o boqorkii Aacii isagoo nool bay qabteen, oo waxay u keeneen Yashuuca.
А царя на Гай хванаха жив и го доведоха при Исус.
24 O o markii reer binu Israa'iil dhammeeyeen oo ay dadkii Aacii degganaan jiray ku wada laayeen duurkii, iyo cidladii ay u eryadeen, oo ay seef ku wada le'deen ilaa ay wada baabbe'een, ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku soo noqdeen Aacii xaggeedii, oo waxay ku laayeen seef.
Израел изби всичките жители на Гай в полето и пустинята, докъдето ги гонеха, и те всички паднаха от меча, докато бяха унищожени. Тогава целият Израел се върна в Гай и поразиха града с острието на меча.
25 O o intii maalintaas le'atay rag iyo dumarba waxay ahaayeen laba iyo toban kun, oo intaasuna waxay ahayd dadkii reer Aacii oo dhan.
И всичките загинали в онзи ден, мъже и жени, бяха дванадесет хиляди души, всичките гайци.
26 W aayo, Yashuuca gacantii uu waranka ku taagay dib uma celin ilaa uu wada baabbi'iyey dadkii Aacii degganaa oo dhan.
Защото Исус не прибра ръката си, с която беше прострял копието, докато не унищожи като обречени всичките жители на Гай.
27 O o reer binu Israa'iil waxay keliyahoo dheceen xoolihii iyo alaabtii magaalada, sidii erayga Rabbiga uu Yashuuca ku amray ahaa.
Израел остави за себе си добитъка и плячката на Гай, както Господ заповяда на Исус.
28 S idaasaa Yashuuca u gubay Aacii, oo wuxuu ka dhigay tuulmo cidla weligeed ah ilaa maantadan la joogo.
И така, Исус изгори Гай и го направи завинаги куп развалини, както е до днес.
29 O o boqorkii Aaciina geed buu ka soo deldelay, oo wuxuu sudhnaa ilaa makhribkii, oo qorraxdhicii ayaa Yashuuca amray, markaasay meydkiisii geedkii ka soo dejiyeen, oo waxay ku tuureen iridda magaalada laga soo galo, oo waxay ku tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan. Axdigii Oo Lagu Soo Cusboonaysiiyey Buur Ceebaal
А царя на Гай обеси на дърво и го остави да виси до вечерта. След като слънцето залезе, Исус заповяда да снемат трупа му от дървото и да го хвърлят във входа на градската порта, и натрупаха върху него голяма грамада камъни, която е там и до днес.
30 M arkaasaa Yashuuca wuxuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Buur Ceebaal uga dhisay meel allabari,
Тогава Исус издигна жертвеник на Господа, Израелевия Бог, на хълма Гевал,
31 s idii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa reer binu Israa'iil ugu amray, iyo sida ku qoran kitaabkii sharciga Muuse, oo waxay ahayd meel allabari oo ah dhagaxyo aan la qorin oo aan ninna bir u qaadin; oo waxay Rabbiga ugu kor bixiyeen qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino.
както Господният слуга Моисей беше заповядал на израелтяните според написаното в книгата на Моисеевия закон - жертвеник от цели камъни, по които желязно сечиво не се беше допирало; и принесоха на него всеизгаряния на Господа и пожертваха мирни приноси.
32 O o wuxuu dhagaxyadii ku qoray naqil sharcigii Muuse ah oo uu ku qoray reer binu Israa'iil hortooda.
Там, на камъните, пред израелтяните, Исус написа един препис на Моисеевия закон.
33 O o reer binu Israa'iil oo dhan iyo waayeelladoodii, iyo saraakiishoodii, iyo xaakinnadoodiiba, waxay istaageen sanduuqii dhankiisa shishe iyo dhankiisa soke oo ka horreeya wadaaddada reer Laawi oo siday sanduuqii axdiga Rabbiga, qariibka iyo kii waddanka ku dhashayba, oo badhkood wuxuu is-hor taagay Buur Gerisiim, badhkoodii kalena wuxuu is-hor taagay Buur Ceebaal sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray inay marka hore u duceeyaan reer binu Israa'iil.
И целият Израел със старейшините им, първенците и съдиите им, чужденци и местни застанаха от двете страни на ковчега срещу левитските свещеници, които държаха ковчега на Господния завет, половината от страната на хълма Гаризин и половината от страната на хълма Гевал, както Господният слуга Моисей беше заповядал най-напред, за да благословят Израелевия народ.
34 O o dabadeedna wuxuu akhriyey erayadii sharciga oo dhan, ducadii iyo habaarkiiba, siday ahaayeen wixii ku qornaa kitaabkii sharciga oo dhan.
След това Исус прочете всичките думи на закона, благословенията и проклятията според това, което беше написано в Книгата на закона.
35 O o ma jirin eray Muuse amray oo aan Yashuuca ku hor akhriyin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo dumarkii, iyo dhallaankii, iyo kuwii qariibka ahaa oo iyaga dhex socdayba.
От всичко, което заповяда Моисей, нямаше дума, която Исус да не прочете пред всичките събрани израелтяни с жените, децата и чужденците, които се намираха между тях.