1 M arkaasay reer binu Israa'iil oo dhammu soo wada baxeen, oo shirkiina wuxuu u soo ururay sidii nin qudha, oo waxay ka soo shireen tan iyo Daan iyo xataa Bi'ir Shebac, iyo weliba dalka reer Gilecaad, oo waxay Rabbiga ugu soo shireen Misfaah.
Тогава всички израелтяни излязоха. Цялото общество от Дан до Вирсавее заедно с Галаадската земя се събра като един човек пред Господа в Масфа.
2 M arkaasaa dadka madaxdiisii oo dhan ee ka socda qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaa isa soo dhex taagay dadka Ilaah shirkiisii, kuwaasoo ahaa afar boqol oo kun oo nin oo lug ah oo wada seefqaad ah.
И хора от всички краища, всичките Израелеви племена, четиристотин хиляди мъже пехотинци, които носеха меч, се присъединиха към събранието на Божия народ.
3 ( Markaasaa reer Benyaamiin waxay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah tageen.) Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War bal noo sheeg siday xumaantanu u dhacday.
И Вениаминовите синове чуха, че израелтяните отишли в Масфа. Израелтяните казаха: Разкажете ни как стана това зло.
4 M arkaasuu kii reer Laawi oo ahaa ninkii qabay naagtii la dilay jawaabay oo yidhi, Waxaan imid magaalada Gibecaah oo reer Benyaamiin ay leeyihiin, oo waxaannu doonaynay inaannu ku hoyanno aniga iyo naagtaydii addoonta ahayd.
Левитът, мъжът на убитата жена, им отговори: Отбих се в Гавая Вениаминова заедно с наложницата ми, за да пренощуваме.
5 M arkaasay raggii reer Gibecaah igu kaceen, oo habeennimo ayay gurigii igu hareereeyeen, oo waxay damceen inay i dilaan, naagtaydii addoonta ahaydna way kufsadeen, wayna dhimatay.
А гавайските мъже ме нападнаха и през нощта обиколиха къщата, в която бях. Мен искаха да убият, а наложницата ми изнасилваха и тя умря.
6 O o anna intaan naagtaydii addoonta ahayd qaaday ayaan cadcad u kala googooyay, oo waxaan u diray dalkii ay reer binu Israa'iil dhaxalka u heleen oo dhan; waayo, waxay reer binu Israa'iil ku dhex sameeyeen wasakhnimo iyo xumaan.
Затова взех тялото на наложницата си, разсякох го и го изпратих по всички предели на Израелевото наследство; защото те извършиха разврат и безумие в Израел.
7 H adda kulligiin reer binu Israa'iilow, bal ka tashada oo ka arrinsada.
Гледайте, вие, израелтяните, всички вие, съветвайте се тук помежду си и дайте мнението си.
8 M arkaasaa dadkii oo dhammu isku mar isla kacay sidii nin qudha, oo waxay yidhaahdeen, Annaga midkayana tegi maayo teendhadiisii, oo midkayana ku leexan maayo gurigiisii.
Тогава целият народ в пълно единомислие каза: Никой от нас няма да отиде в шатъра си, нито някой от нас ще се върне в къщата си,
9 L aakiinse waxa aannu Gibecaah ku samaynaynaa waa kan; saami baannu ku weeraraynaa.
а ето какво ще направим на Гавая - ще отидем против нея по жребий;
10 Q abiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan boqolkiiba toban nin baannu kala baxaynaa, kunkiina waxaannu kala baxaynaa boqol nin, tobankii kunna waxaannu kala baxaynaa kun nin, inay dadka sahay u keenaan si markii ay tagaan Gibecaahda reer Benyaamiin ay wax ugu sameeyaan xumaantii ay ku dhex sameeyeen reer binu Israa'iil aawadeed.
и ще вземем по десет мъже на сто от всички Израелеви племена и по сто на хиляда, и по хиляда на десет хиляди, които да донесат храна на народа. Като стигнат в Гавая Вениаминова, да сторят с тях според всичкото безумие, което те извършиха в Израел.
11 O o sidaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu isugu soo urursadeen magaaladii, iyagoo u midoobay sidii nin qudha.
И така, против града се събраха всички Израелеви мъже, обединени като един човек.
12 M arkaasay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil rag u direen qabiilkii reer Benyaamiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, War xumaantan dhexdiinna ka dhacday waa maxay?
Тогава Израелевите племена пратиха мъже по цялото Вениаминово племе да казват: Какво е това нечестие, което е било извършено при вас?
13 H addaba sidaas daraaddeed nimanka xunxun ee Gibecaah jooga noo soo bixiya, aannu dilnee, oo aannu reer binu Israa'iil sharka ka dhex fogaynee. Laakiinse reer Benyaamiin ma ay doonaynin inay dhegaystaan codkii reer binu Israa'iil oo walaalahood ahaa.
Сега предайте хората, онези развратници, които са в Гавая, за да ги избием и да премахнем това зло от Израел. Но Вениамин отказа да послуша гласа на братята си, израелтяните.
14 O o reer Benyaamiinna waxay iska soo urursadeen magaalooyinkii, oo waxay ku soo shireen Gibecaah, inay ku duulaan reer binu Israa'iil.
Вениаминовите синове се събраха от градовете си в Гавая, за да излязат на бой против израелтяните.
15 O o maalintaas waa la tiriyey reer Benyaamiinkii magaalooyinka ka baxay, oo waxay noqdeen lix iyo labaatan kun oo seefqaad ah, iyo weliba kuwii Gibecaah degganaa oo tiradoodii ahayd toddoba boqol oo nin oo la soo xulay.
И в онзи ден Вениаминовите синове, които бяха излезли от градовете, като се преброиха, бяха двадесет и шест хиляди мъже, които носеха меч, без жителите на Гавая, които отделно бяха седемстотин отбрани мъже.
16 O o dadkaas oo dhanna waxaa ka mid ahaa toddoba boqol oo nin oo la soo xulay oo wada gurran, oo mid waluba ka dhaadhacay wadhafka tuuristiisa oo xataa uusan la waayayn tin.
Между целия този народ имаше седемстотин отбрани мъже леваци, които всички можеха с прашка да хвърлят камъни с точност до косъм и всеки път да улучват.
17 O o raggii reer binu Israa'iil oo reer Benyaamiin aanay ku jirinna tiradoodii waxay ahayd afar boqol oo kun oo nin oo wada seefqaad ah; oo kulligoodna waxay ahaayeen rag dagaalgal ah.
А без Вениамин Израелевите мъже, като се преброиха, бяха четиристотин хиляди мъже, които носеха меч. Всички те бяха военни мъже.
18 M arkaasay reer binu Israa'iil kaceen, oo waxay tageen Beytel, oo Ilaah bay talo weyddiisteen. Oo waxay yidhaahdeen, Yaa reer Benyaamiin marka hore noogu duulaya? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha u horreeyeen.
Тогава израелтяните тръгнаха, излязоха при Ветил и се допитаха до Бога: Кой от нас пръв да излезе на бой против Вениаминовите синове? А Господ каза: Юда да излезе пръв.
19 S ubaxdii dambe ayay reer binu Israa'iil kaceen, oo ag degeen Gibecaah.
И така, на сутринта израелтяните станаха и разположиха стан против Гавая.
20 O o raggii reer binu Israa'iil waxay u soo baxeen inay reer Benyaamiin ku duulaan; oo reer binu Israa'iilna Gibecaah bay isugu diyaariyeen inay reer Benyaamiin la dagaallamaan.
Израелевите мъже излязоха на бой против Вениамин и се опълчиха против тях в Гавая.
21 M arkaasay reer Benyaamiin ka soo baxeen Gibecaah, oo baabbi'iyeen reer binu Israa'iil, oo maalintaas waxay ka laayeen laba iyo labaatan kun oo nin.
А Вениаминовите синове излязоха от Гавая и в онзи ден повалиха на земята двадесет и две хиляди мъже от Израел.
22 M arkaasay raggii reer binu Israa'iil isdhiirrigeliyeen, oo mar kalay dagaal isugu soo diyaariyeen meeshii ay maalintii hore isku soo diyaariyeen.
Но народът, Израелевите мъже, се съвзеха и отново се опълчиха на бой, на мястото, където бяха се били първия ден.
23 ( Markaasay reer binu Israa'iil tageen oo ilaa fiidkii ku hor ooyeen Rabbiga, oo Rabbigay weyddiisteen iyagoo leh, Miyaannu haddana u dhowaannaa inaannu walaalahayo reer Benyaamiin la dirirno? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga oo la dirira.)
Защото израелтяните бяха застанали и бяха плакали пред Господа до вечерта, и се бяха допитали до Господа: Да влезем ли пак в бой против потомците на брат ни Вениамин? И Господ беше казал: Влезте в бой против тях.
24 O o haddana maalintii labaad ayaa reer binu Israa'iil u soo dhowaadeen reer Benyaamiin.
И така, на втория ден израелтяните се приближиха до Вениаминовите синове.
25 K olkaasay reer Benyaamiin maalintii labaad kaga soo baxeen Gibecaah, oo haddana waxay baabbi'iyeen reer binu Israa'iil, oo waxay ka laayeen siddeed iyo toban kun oo nin oo wada seefqaad ah.
А на втория ден Вениамин излезе от Гавая против тях и повали на земята още осемнадесет хиляди мъже от израелтяните; всички те носеха меч.
26 M arkaasay reer binu Israa'iil oo dhan iyo dadkii oo dhammu wada tageen oo waxay yimaadeen Beytel, oo intay Rabbiga hor fadhiisteen ayay ooyeen, oo maalintaasna ilaa fiidkii way soomanaayeen; oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.
Тогава всички израелтяни и целият народ отидоха във Ветил и плакаха, и седнаха там пред Господа, постиха в онзи ден до вечерта; и принесоха всеизгаряния и мирни жертви пред Господа.
27 M arkaasay reer binu Israa'iil haddana Rabbiga wax weyddiisteen, (waayo, wakhtigaas waxaa halkaas oolli jiray sanduuqii axdiga Ilaah,
После израелтяните се допитаха до Господа (защото през онези дни ковчегът на Божия завет беше там
28 o o wakhtigaas waxaa is-hor taagi jiray Fiinexaas ina Elecaasaar oo ina Haaruun ahaa), oo waxay yidhaahdeen, Miyaannu mar kale haddana ku duulnaa walaalahayo reer Benyaamiin, mise waannu ka joogsannaa? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga, waayo, berri baan gacanta idiin soo gelin doonaa.
и Финеес, син на Елеазар, Аароновия син, служеше пред него през онези дни) и запитаха: Да влезем ли пак в бой против потомците на брат ни Вениамин или да престанем? И Господ отговори: Възлезте, защото утре ще ги предам в ръката ви.
29 M arkaasay reer binu Israa'iil Gibecaah hareeraheeda dhigeen rag gaadmo ah.
Тогава Израел постави засада около Гавая.
30 O o haddana maalintii saddexaad reer binu Israa'iil waxay ku soo kaceen reer Benyaamiin, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Gibecaah sidii mararkii hore.
И на третия ден израелтяните излязоха против Вениаминовите синове и се опълчиха против Гавая, както предишните дни.
31 O o reer Benyaamiinna waxay ku soo baxeen dadkii, oo magaaladiina waa laga fogeeyey, oo waxay bilaabeen inay dadkii laayaan oo dilaan sidii mararkii hore, oo waxay ku laayeen waddooyinkii waaweynaa kuwaasoo middood Beytel loo maro, tan kalena Gibecaah loo maro, iyo duurka, oo waxay dileen in ku dhow soddon nin oo reer binu Israa'iil ah.
А Вениаминовите синове излязоха против народа, отдалечиха се от града и започнаха, както в предишните дни да поразяват хората по пътищата (от които единият отива към Ветил, а другият към Гавая), и убиха в полето около тридесет мъже от Израел.
32 M arkaasay reer Benyaamiin isku yidhaahdeen, Sidii mararkii hore ayay hortayada ugu le'deen. Laakiinse reer binu Israa'iil waxay yidhaahdeen, War aynu cararno, oo iyaga magaalada ka fogayno oo geeyno xagga waddooyinka waaweyn.
Затова Вениаминовите синове си помислиха: Те падат пред нас, както преди това. А израелтяните си казаха: Да побегнем и да ги отвлечем от града към пътищата.
33 M arkaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu ka kaceen meeshoodii, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Bacal Taamaar; oo raggii gaadmada ahaa oo reer binu Israa'iilna waxay ka soo yaaceen meeshoodii, taasoo ahayd duurka Gibecaah.
Тогава всички Израелеви мъже станаха от мястото си и се опълчиха във Ваал-тамар, и засадата на Израел изскочи от прикритието си, от Гавайската ливада.
34 O o waxaa Gibecaah hor yimid toban kun oo nin oo laga soo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, oo dagaalkiina aad iyo aad buu u sii kululaaday; laakiinse ma ay ogayn in belaayo ku soo dhow dahay.
И връхлетяха против Гавая десет хиляди отбрани мъже от целия Израел и битката ставаше ожесточена; но Вениаминовите синове не подозираха, че бедата ги застигаше.
35 M arkaasuu Rabbigu reer Benyaamiin ku laayay reer binu Israa'iil hortooda; oo maalintaas reer binu Israa'iil waxay reer Benyaamiin ka baabbi'iyeen shan iyo labaatan kun iyo boqol nin oo wada seefqaad ah.
Защото Господ порази Вениамин пред Израел; в онзи ден израелтяните погубиха от Вениаминовите синове двадесет и пет хиляди и сто мъже; те всичките носеха меч.
36 S idaas daraaddeed reer Benyaamiin waxay arkeen in la jebiyey, waayo, reer binu Israa'iil waxay meel u banneeyeen reer Benyaamiin, maxaa yeelay, waxay isku halleeyeen raggii qarsoonaa ee ay Gibecaah gaadmada u geliyeen.
И Вениаминовите синове видяха, че бяха поразени. Защото Израелевите мъже отстъпиха пред Вениаминовите синове, като разчитаха на засадата, която бяха поставили против Гавая.
37 M arkaasay raggii gaadmada ahaa soo dhaqsadeen oo haddiiba ku soo yaaceen Gibecaah, oo kuwii gaadmada ahaana intay soo baxeen ayay magaaladii oo dhan ku laayeen seef.
Тогава засадата връхлетя върху Гавая, след като бяха изчакали, и поразиха целия град с острието на меча.
38 H addaba reer binu Israa'iil iyo raggii gaadmada ahaa waxaa calaamad u ahaa inay qiiq weyn ka kiciyaan magaalada.
А Израелевите мъже бяха определили знак с воините, които бяха в засадата - да се издигне от града голям стълб дим.
39 M arkaasay raggii reer binu Israa'iil dagaalkii ka jeesteen, oo reer Benyaamiinna waxay bilaabeen inay laayaan oo dilaan, oo waxay raggii reer binu Israa'iil ka dileen in ku dhow soddon qof; waayo, waxay isyidhaahdeen, Hubaal sidii dagaalkii horay ku le'deen hortayada.
И когато израелтяните отстъпваха в битката, Вениамин започна да поразява и изби от тях около тридесет мъже, защото си казваха: Наистина те падат пред нас, както при първата битка.
40 L aakiinse markii daruurtii ka kacday magaaladii iyadoo tiir qiiq ah ayaa reer Benyaamiin dib u fiiriyeen, oo waxay arkeen magaaladii oo dhammaanteed qiiq samada uga baxay.
Но когато облакът почна да се издига от града под формата на димен стълб, Вениаминовите синове погледнаха назад и видяха, че от целия град се издигаше дим към небето.
41 M arkaasay raggii reer binu Israa'iil soo jeesteen, oo raggii reer Benyaamiinna way yaabeen; waayo, waxay arkeen in belaayo ku dhacday iyaga.
Тогава Израелевите мъже се върнаха; и Вениаминовите мъже се смутиха, защото разбраха, че бедата ги постигна.
42 S idaas daraaddeed waxay dhabarka u jeediyeen raggii reer binu Israa'iil, oo waxay u carareen xagga cidlada; laakiinse dagaalkii si adag baa loola sii raacay, oo kuwii magaalooyinka ka soo baxay ayaa labadhexaadkii ku laayay.
Затова се обърнаха да бягат пред Израелевите мъже към пътя за пустинята, но битката ги притисна. Израелтяните погубваха пред градовете онези, които излизаха от тях.
43 O o intay hareereeyeen ayay reer Benyaamiin sii eryadeen, oo waxay ku gaadheen meeshii ay ku nasteen taasoo ka horraysa oo xagga qorrax ka soo baxa ka xigta Gibecaah.
Те обградиха Вениаминовите синове, гониха ги и ги тъпкаха без съпротива до Гавая на изток.
44 O o waxaa reer Benyaamiin haddana ka le'day siddeed iyo toban kun oo nin, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.
От Вениамин паднаха осемнадесет хиляди мъже - всичките храбри мъже.
45 O o intay jeesteen ayay u carareen xagga cidlada iyo ilaa dhagaxii weynaa oo Rimmon; oo waxaa jidadka waaweyn lagu sii laayay shan kun oo nin; oo waxaa loo sii raacdaystay xagga Gidcom, oo laga laayay laba kun oo nin.
И така, те се обърнаха и побегнаха към пустинята в канарата Римон. А израелтяните застигнаха изоставащи от тях по пътищата - пет хиляди мъже, после ги гониха до Гидом и там убиха още две хиляди мъже.
46 S idaas daraaddeed maalintaas wixii reer Benyaamiin ka le'day kulligood waxay ahaayeen shan iyo labaatan kun oo nin oo seefqaad ah, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.
Така всички, които паднаха в онзи ден от Вениамин, бяха двадесет и пет хиляди мъже, които носеха меч - всичките храбри мъже.
47 L aakiinse lix boqol oo nin ayaa jeesatay oo waxay u carareen xagga cidlada iyo ilaa dhagaxii weynaa oo Rimmon oo waxay dhagaxii weynaa oo Rimmon joogeen afar bilood.
А шестстотин мъже побегнаха към пустинята, в канарата Римон; и седяха в канарата Римон четири месеца.
48 O o raggii reer binu Israa'iil haddana way ku soo noqdeen reer Benyaamiin, oo waxay ku laayeen seef magaaladii oo dhan, iyo xoolihii, iyo wixii ay heleen oo dhanba; oo weliba magaalooyinkii ay heleen oo dhanna dab bay qabadsiiyeen.
А Израелевите мъже се нахвърлиха върху Вениаминовите синове и ги поразиха с острието на меча - както жителите на градовете, така и добитъка, и всичко, което се намираше там; и опожариха всички градове, които намираха.