Yexesqeel 30 ~ Езекил 30

picture

1 O o haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

Пак Господнето слово дойде към мен и каза:

2 W iilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hoogga maalinta u baroorta!

Сине човешки, пророкувай и кажи: Така казва Господ Йехова: Ридайте - олеле за деня!

3 W aayo, maalintii waa soo dhow dahay, maalintii Rabbigu waa soo dhow dahay, waana maalin daruuro madow leh, oo waxay noqon doontaa wakhtigii quruumaha.

Защото е близо денят, дори е близо денят на Господа, облачен ден; ще бъде времето на езичниците.

4 O o seef baa Masar ku dul dhici doonta, oo Itoobiyana waxaa jiri doona xanuun weyn, markii kuwa la laayay ay Masar ku dhex dhacaan, oo markaasaa maalkeeda badan la qaadan doonaa oo aasaaskeedana waa la dumin doonaa.

Меч ще дойде върху Египет и голямо мъчение ще настане в Етиопия, когато убитите паднат в Египет и когато откарат голямото му население и сринат основите му.

5 O o waxaa iyaga seef kula dhiman doona Itoobiya, iyo Fuud, iyo Luud, iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo Kuub, iyo dadka dalka iyaga axdiga la dhigtay.

Етиопци, ливийци, лидийци и всички разноплеменни народи, Хув и жителите на съюзните земи ще паднат заедно с тях от меч.

6 R abbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dalka Masar tiiriyaa way dhici doonaan, oo kibirka xooggiisuna hoos buu u soo dhici doonaa, oo tan iyo Migdol, iyo ilaa Seweeneeh ayay seef ugu le'an doonaan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

Така казва Господ: Ще паднат и онези, които подпират Египет, и гордата му сила ще се сниши; от Мигдол до Сиина ще паднат в него от меч, казва Господ Йехова.

7 O o cidla bay ku ahaan doonaan waddammada cidlada ah dhexdooda, oo magaalooyinkeeduna waxay ku dhex jiri doonaan magaalooyinka baabba'ay.

И те ще запустеят между опустошените земи и градовете му ще бъдат между разорените градове.

8 M arkaan Masar dab ku dhejiyo oo ay caawimayaasheeda oo dhammu wada baabba'aan waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

И ще познаят, че Аз съм Господ, когато изпратя огън срещу Египет и бъдат смазани всички, които му помагат.

9 O o maalintaas waxaa iga ambabbixi doona wargeeysyo doonniyo fuushan inay cabsiiyaan kuwa reer Itoobiya oo aan waxba tuhunsanayn, oo waxaa iyaga ku soo kor degi doona xanuun weyn sidii wakhtigii Masar oo kale, waayo, bal eeg, waxyaalahaasu way imanayaan.

В онзи ден вестители ще излязат от Мене с кораби, за да стреснат безгрижните етиопци; и голямо мъчение ще ги нападне, както в деня на Египет; защото, ето, иде.

10 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa in dadka badan ee Masar ay gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ku dhammaadaan.

Така казва Господ Йехова: При това Аз ще погубя голямото египетско население чрез ръката на вавилонския цар Навуходоносор.

11 I saga iyo dadkiisa la jira oo ah kuwa ugu nac weyn ee quruumaha ayaa loo keeni doonaa inay dalka baabbi'iyaan, oo seefahooda ayay Masar ula bixi doonaan oo waxay dalka ka buuxin doonaan kuwa la laayay.

Той и народът му с него, страшните между народите, ще бъдат доведени, за да разорят земята; и ще изтеглят мечовете си против Египет и ще изпълнят земята с убити.

12 O o webiyaashana waan wada engejin doonaa, oo dalkana gacanta sharrowyada waan ka iibin doonaa, oo dalka iyo kuwa dhex degganba waxaan ku wada baabbi'in doonaa gacanta shisheeyayaasha. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.

Аз ще пресуша реките, ще предам земята в ръцете на зли хора; и ще запустя земята и всичко, което има в нея, чрез ръката на чужденци; Аз, Господ, го изрекох.

13 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba sanamyada waan wada burburin doonaa, oo ekaamahana Nof baan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma uu jiri doono amiir dalka Masar u taliyaa, oo dalka Masarna cabsi baan ku soo dejin doonaa.

Така казва Господ Йехова: Ще погубя и кумирите и ще махна от Мемфис нищожните идоли; няма да има вече княз от Египетската земя и ще всея страх в Египетската земя.

14 O o Fatroos ayaan cidla ka dhigi doonaa, Socanna dab baan qabadsiin doonaa, oo Noona xukummo baan ku soo dejin doonaa.

Аз ще запустя Патрос, ще запаля огън в Танис и ще извърша съд в Но.

15 O o waxaan cadhadayda ku dul shubi doonaa Siin oo ah qalcadda Masar, oo dadka badan oo Noona waan baabbi'in doonaa.

Ще излея яростта Си върху египетската крепост Син и ще изтребя голямото население на Но.

16 O o Masarna dab baan ka dhex shidi doonaa. Siin xanuun weyn bay heli doontaa, Noona waa la wada burburin doonaa, oo Nofna maalinta oo dhan waa la cidhiidhin doonaa.

И ще запаля огън в Египет; Син ще бъде в голямо мъчение, Но ще бъде съкрушен и Мемфис ще има противници сред бял ден.

17 B arbaarrada Aawen iyo Fiibesed seef bay ku le'an doonaan, oo magaalooyinkaasna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa.

Младежите на Илиопол и Пивесет ще паднат от меч; а останалите ще отидат в плен.

18 O o Texafneheesna maalintaa ku madoobaan doonta, markaan harqoodyada Masar halkaas ku jejebin doono, kibirka xooggeeduna wuu ka dhex baabbi'i doonaa, oo iyada daruur baa qarin doonta, oo gabdhaheedana maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa.

В Тафнес денят ще се помрачи, когато строша там хомотите на Египет и гордата му сила ще престане в него; а него облак ще го покрие и дъщерите му ще отидат в плен.

19 S idaasaan Masar xukummo ugu soo dejin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

Така ще извърша съд над Египет; и ще познаят, че Аз съм Господ.

20 O o haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii kowaad, maalinteedii toddobaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

А в единадесетата година, в първия месец, на седмия ден от месеца, Господнето слово дойде към мен и каза:

21 W iilka Aadamow, Fircoon oo ah boqorka Masar gacantiisaan jebiyey, oo bal eeg, lama kabin si ay u bogsato, oo waxba laguma duubin in xoog loo yeelo si ay seef u qaaddo aawadeed.

Сине човешки, строших мишцата на египетския цар фараона; и, ето, тя не е била превързана за церене или за да я обвият в превръзки, за да ѝ се даде сила да държи меч.

22 S idaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan ku ahay Fircoon oo ah boqorka Masar, oo gacmihiisana waan jejebin doonaa, tan xoogga leh iyo tii jabtayba, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa in seeftu gacantiisa ka dhacdo.

Затова така казва Господ Йехова: Ето, Аз съм против египетския цар фараона и ще строша двете му мишци - и здравата, и онази, която вече беше строшена; и ще направя мечът да падне от ръката му.

23 O o Masriyiintana waxaan ku kala eryi doonaa quruumaha dhexdooda, waddammadana waan ku kala dhex firdhin doonaa.

И ще разсея египтяните между народите и ще ги разпръсна по страните.

24 O o xoog baan u yeeli doonaa gacmaha boqorka Baabuloon, oo seeftaydana gacantiisaan u dhiibi doonaa, laakiinse Fircoon gacmihiisaan jejebin doonaa, oo hortiisuu kaga cabaadi doonaa sida nin dhaawac ahu uu u cabaado oo kale.

Но ще укрепя мишците на вавилонския цар и ще сложа меча Си в ръката му; а мишците на фараона ще строша и той ще охка пред него, както охка смъртно ранен човек.

25 L aakiinse gacmaha boqorka Baabuloon kor baan u qaadi doonaa, oo gacmaha Fircoonna hoos bay u dhici doonaan, oo markaan seeftayda gacanta boqorka Baabuloon u dhiibo, oo uu dalka Masar ku dul fidiyo, waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

Обаче мишците на вавилонския цар ще засиля, а фараоновите мишци ще отпаднат; и ще познаят, че Аз съм Господ, когато сложа меча Си в ръката на вавилонския цар и той я простре върху Египетската земя.

26 O o Masriyiinta waxaan ku kala eryi doonaa quruumaha dhexdooda, waddammadana waan ku kala dhex firdhin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

И ще разсея египтяните между народите и ще ги разпръсна по страните; и те ще познаят, че Аз съм Господ.