Samuu'eel Labaad 1 ~ 2 Царе 1

picture

1 D himashadii Saa'uul dabadeed, markii Daa'uud ka soo noqday layntii reer Camaaleq oo uu Daa'uud laba maalmood Siiqlag sii joogay

След смъртта на Саул, когато Давид се върна от поражението на амаличаните и беше престоял в Сиклаг два дни,

2 a yaa xataa maalintii saddexaad nin ka yimid xeradii Saa'uul isagoo maryo jeexjeexan, madaxana ciidu kaga taal, oo markuu Daa'uud u yimid ayuu dhulka ku dhacay oo sujuuday.

на третия ден дойде един човек от стана, от Саул, с раздрани дрехи и пръст на главата си. Като влезе при Давид, падна на земята и се поклони.

3 M arkaasaa Daa'uud ku yidhi, Xaggee baad ka timid? Markaasuu isna wuxuu yidhi, Waxaan ka soo baxsaday xeradii reer binu Israa'iil.

Давид му каза: Откъде идваш? А той му отговори: От Израелевия стан се отървах.

4 D aa'uudna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, sidee baa wax u dhaceen? Bal ii sheeg. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Dadkii dagaalkii way ka carareen, oo dadkii badidiisiina way le'deen; oo Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba waa dhinteen.

Давид го попита: Какво стана? Кажи ми. А той отвърна: Народът побегна от сражението и мнозина от народа паднаха мъртви. Умряха също и Саул и синът му Йонатан.

5 M arkaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa, oo u soo warramay, War sidee baad u ogaatay in Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba ay dhinteen?

Тогава Давид каза на момъка, който му съобщаваше това: Откъде знаеш, че Саул и синът му Йонатан са умрели?

6 M arkaasaa ninkii dhallinyarada ahaa oo u soo warramay, wuxuu ku yidhi, Markaan si lamafilaan ah Buur Gilboca u soo gaadhay, waxaan arkay Saa'uul oo ku tiirsan warankiisii, gaadhifardoodkii iyo fardooleydiina aad bay u eryanayeen.

Момъкът, който му разказа това, каза: Случайно се намирах на хълма Гелвуе и видях, че Саул се беше подпрял на копието си, а колесниците и конниците го застигаха.

7 O o markuu gadaashiisa dhugtay ayuu i arkay, oo ii yeedhay. Oo anna waxaan ugu jawaabay, Waa i kan.

И като погледна зад себе си, той ме видя и ме повика. Аз отговорих: Ето ме.

8 M arkaasuu igu yidhi, Yaad tahay? Oo anna waxaan ugu jawaabay, Nin reer Camaaleq ah baan ahay.

А той ми каза: Кой си ти? Отговорих му, че съм амаличанин.

9 O o isna wuxuu igu yidhi, Waan ku baryayaaye, bal i soo ag joogso, oo i dil, waayo, wareer baa i haya; waayo, weli naftii waa igu jirtaa.

Тогава ми каза: Застани, моля те, над мен и ме убий, защото ме обзе помрачение; понеже целият ми живот е още в мен.

10 S aas aawadeed waan ag joogsaday oo waan dilay, maxaa yeelay, waan hubay markuu dhacay dabadeed inuusan noolaanayn; oo markaasaan ka soo qaaday taajkii madaxa u saarnaa, iyo dugaagaddii gacanta ugu jirtay, waanan kuu keenay, sayidkaygiiyow.

И така, застанах над него и го убих, понеже бях уверен, че не можеше да живее, тъй като беше вече паднал. И взех короната, която беше на главата му, и гривната, която беше на ръката му, и ги донесох тук, при господаря си.

11 M arkaasaa Daa'uud dharkiisii jeexjeexay; oo raggii isaga la jiray oo dhammuna saasoo kalay wada yeeleen,

Тогава Давид хвана дрехите си и ги раздра. Същото направиха и всички мъже, които бяха с него.

12 w ayna u baroorteen, oo u ooyeen, oo u soomeen ilaa fiidkii Saa'uul, iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii Rabbiga, iyo reer binu Israa'iil aawadood; maxaa yeelay, seef bay ku le'deen.

Жалиха, плакаха и постиха до вечерта за Саул и сина му Йонатан, за Господния народ и за Израелевия дом затова, че бяха паднали от меч.

13 K olkaasaa Daa'uud ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo u soo warramay, Xaggee baad ka timid? Isna wuxuu ugu jawaabay, Waxaan ahay nin qalaad wiilkiis oo reer Camaaleq ah.

А Давид каза на момъка, който му съобщаваше това: Откъде си ти? И той отговори: Аз съм син на един чужденец, амаличанин.

14 D aa'uudna wuxuu ku yidhi isagii, Sidee baad uga cabsan weyday inaad gacantaada u qaaddo Rabbiga kiisa subkan?

Тогава Давид му каза: Ти как не се убоя да вдигнеш ръка и да убиеш Господния помазаник?

15 D abadeedna Daa'uud wuxuu u yeedhay raggii dhallinyarada ahaa midkood, oo ku yidhi, U dhowow oo dil. Markaasuu dilay, isna wuu dhintay.

И Давид повика един от момците и му заповяда: Пристъпи, нападни го. И той го порази и вестоносецът умря.

16 D aa'uudna wuxuu ku yidhi, Dhiiggaagu madaxaaga ha saarnaado; waayo, afkaagaa kugu marag furay, oo waxaad tidhi, Rabbiga kiisa subkan ayaan dilay. Daa'uud Oo U Baroortay Saa'uul Iyo Yoonaataan

Давид му каза: Кръвта ти да бъде върху главата ти; защото думите ти свидетелстваха против тебе, като каза: Аз убих Господния помазаник. Оплаквателна песен на Давид за Саул и Йонатан

17 M arkaasaa Daa'uud baroortan ugu baroortay Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan,

След това Давид оплака Саул и сина му Йонатан с думите

18 o o wuxuu ku amray inay carruurta dalka Yahuudah baraan gabayga qaansada; oo bal eeg, kaasu wuxuu ku qoran yahay kitaabka Yaashaar.

(и заръча евреите да научат тази Песен на лъка; тя е написана в Книгата на Праведния):

19 R eer binu Israa'iilow, Ammaantiinnii waxaa lagu dilay meelihiinna sarsare! Bal eega kuwa xoogga leh siday u dhaceen!

Славата ти, о, Израелю, е пронизана на опасните места на полето ти! Как паднаха силните.

20 H addaba taas Gad ha ku sheegina, Oo jidadka Ashqeloonna ha ku caddaynina; Waaba intaasoo ay naagaha reer Falastiin ku farxaane, Waaba intaasoo ay buuryoqabyada naagahoodu ku guulaystaane.

Не възвестявайте това в Гет, не го прогласявайте по улиците на Аскалон, за да не се зарадват филистимските дъщери, за да не се развеселят дъщерите на необрязаните.

21 B uuraha Gilbocow, Dharab iyo roob midna yaan laydinku arkin, beerihii qurbaanyadu ka bixi jireenna yaanay jirin, Waayo, kuwii xoogga lahaa gaashaankoodii ayaa halkaas lagu tuuray, Xataa gaashaankii Saa'uul oo ahaa sida mid aan saliid lagu subkin.

Хълми гелвуйски, да няма роса, нито дъжд на вас, нито ниви, доставяйки първи плодове за жертви; защото там беше захвърлен щитът на силните, щитът на Саул, като да не е бил той помазан с миро.

22 K uwii la laayay dhiiggoodii, iyo kuwii xoogga lahaa xaydhoodii, Yoonaataan qaansadiisii dib ugama ay soo noqon, Oo Saa'uul seeftiisiina madhnaan kuma ay soo noqon.

От кръвта на убитите, от мазнината на силните лъкът Йонатанов не се връщаше назад и мечът Саулов не се връщаше празен.

23 I ntay noolaayeen Saa'uul iyo Yoonaataan waxay ahaayeen kuwo la jecel yahay, oo macaan, Markay dhinteenna, lama kala geeyn, Gorgorrada way ka dheereeyeen, Libaaxyadana way ka xoog badnaayeen.

Саул и Йонатан се обичаха и се разбираха през живота си и в смъртта си не се разделиха; по-леки бяха от орлите, по-силни от лъвовете.

24 G abdhaha reer binu Israa'iilow, Saa'uul u ooya, Kii dhar cas si raaxa leh idiin huwiyey, Oo dharkiinnana dahab ku sharraxay.

Израелеви дъщери, плачете за Саул, който ви обличаше в червено с украшения, който слагаше златни украшения по дрехите ви.

25 K uwii xoogga badnaa siday dagaalka ugu dhex dhaceen! Yoonaataan waxaa lagu dilay meelihiinna sarsare.

Как паднаха силните сред боя! Йонатан, поразен на опасните места на полето ти.

26 A nigu daraaddaa baan u dhibtooday, walaalkay Yoonaataanow; Adigu aad baad iigu macaanayd, Oo jacaylkaad ii qabtay wuxuu ahaa mid yaab leh, Oo xataa caashaqa naagaha dhaafaya.

Прескръбен съм за теб, Йонатане, брате мой! Много скъп ми беше ти; твоята любов към мене беше чудесна, превъзхождаше любовта на жените.

27 B al eeg kuwii xoogga badnaa siday u dhaceen, Hubkii dagaalkuna siduu u hallaabay!

Как паднаха силните и погинаха бойните оръжия!