1 M arkaasaa Xisqiyaah u cid diray dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah, oo haddana wuxuu warqado u qoray reer Efrayim iyo reer Manaseh, inay dhammaantood wada yimaadaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal, si ay Iiddii Kormaridda ugu sameeyaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
След това Езекия прати хора по целия Израел и Юдея, писа още и писма на Ефрем и Манасия да ги поканят да дойдат в Господния дом в Йерусалим, за да направят Пасха на Господа, Израелевия Бог.
2 W aayo, boqorka, iyo amiirradiisii, iyo shirkii Yeruusaalem joogay oo dhammu waxay ku arrinsadeen inay Iiddii Kormaridda sameeyaan bishii labaad.
Защото царят и първенците му, и цялото общество в Йерусалим бяха се съветвали да направят Пасхата във втория месец.
3 M axaa yeelay, iyagu wakhtigaas ma ay samayn karin, waayo, wadaaddadii tiro hawsha ku filanu isma ay daahirin, oo dadkiina Yeruusaalem kuma ay soo wada ururin.
Понеже не бяха могли да я направят в онова време, защото нямаше достатъчно осветени свещеници и народът не се беше събрал в Йерусалим.
4 O o waxaasuna wuu la qummanaa boqorkii iyo shirkii oo dhanba.
И това нещо се видя право на царя и на цялото общество.
5 S idaas daraaddeed waxay amar ku soo saareen in lagu naadiyo dalka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, inay wada yimaadaan oo ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Iidda Kormaridda Yeruusaalem ugu sameeyaan, waayo, wakhti dheer looma samayn sida qoran.
Затова решиха да прогласят по целия Израел от Вирсавее чак до Дан покана да дойдат, за да направят Пасха на Господа, Израелевия Бог, в Йерусалим; защото отдавна не бяха я празнували според предписанието.
6 S idaas daraaddeed niman wargeeys ah ayaa boqorkii iyo amiirradiisii ka qaadeen warqadihii, waxayna dhex marsiiyeen dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah oo dhan, waxayna ku socdeen si waafaqsan boqorka amarkiisii, iyagoo leh, Reer binu Israa'iilow, mar kale ku soo noqda Rabbiga ah Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil, inuu isagu ku soo jeedsado kuwiinna ka baxsaday gacantii boqorradii Ashuur.
И така, бързоходците отидоха с писмата от царя и първенците му по целия Израел и Юдея според царската заповед и казаха: Деца на Израел, обърнете се към Господа, Бога на Авраам, на Исаак и на Израел, за да се обърне Той към останалите от вас, които се избавихте от ръката на асирийските царе.
7 O o idinku ha noqonina sidii awowayaashiin oo kale, iyo sidii walaalihiin oo kale, kuwaasoo ku xadgudbay Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo uu isna taas aawadeed iyagii ka dhigay wax laga yaabo, sida aad idinkuba u aragtaan.
Не бъдете като бащите и братята ви, които престъпваха против Господа, Бога на бащите си, така че Той ги предаде на опустошение, както виждате.
8 H addaba sidii awowayaashiin ahaan jireen, idinkuna ha noqonina dad madax adag, laakiinse idinku Rabbiga isu dhiiba, oo gala meeshiisa quduuska ah oo uu weligiisba quduus ka dhigay, oo u adeega Rabbiga Ilaahiinna ah, si cadhadiisa kululi ay idiinka noqoto.
Сега не закоравявайте врата си, както сториха бащите ви, а се предайте на Господа и влезте в светилището Му, което е осветил завинаги, и служете на Господа, вашия Бог, за да отвърне от вас яростния Си гняв.
9 W aayo, haddaad Rabbiga u soo noqotaan, walaalihiin iyo carruurtiinniiba waxay naxariis ka heli doonaan kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo iyana mar kalay dalkan ku soo noqon doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa roonaan badan yahay, waana naxariis miidhan, oo wejigiisana idinka sii jeedin maayo haddaad isaga u soo noqotaan.
Защото, ако се обърнете към Господа, то на братята ви и децата ви ще се покаже милост от тези, които са ги пленили, и те ще се върнат в тази земя; защото щедър и милостив е Господ, вашият Бог, и няма да отвърне лицето Си от вас, ако вие се обърнете към Него.
10 S idaas daraaddeed nimankii wargeeyska ahaa magaaloba magaalay u sii dhex mareen dalkii reer Efrayim iyo kii reer Manaseh oo dhan, iyo xataa ilaa kii reer Sebulun, laakiinse iyaga waa lagu qoslay, waana lagu majaajilooday.
Така бързоходците минаха от град в град през Ефремовата и Манасиевата земя чак до Завулон; но те им се присмяха и се подиграха с тях.
11 H abase yeeshee qaar ah reer Aasheer iyo reer Manaseh iyo reer Sebulun ayaa is-hoosaysiiyey oo Yeruusaalem yimid.
Някои обаче от Асир, Манасия и Завулон се смириха и дойдоха в Йерусалим.
12 O o weliba dadka Yahuudahna waxaa la jirtay Rabbiga gacantiisii inay isku qalbi ahaadaan oo ay sameeyaan amarkii boqorka iyo kii amiirradiisa oo ahaa Eraygii Rabbiga.
А и над Юдея беше Божията ръка, за да им даде едно сърце да постъпят по заповедта на царя и на първенците според Господнето слово.
13 H addaba bishii labaad waxaa Yeruusaalem ku soo shiray oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn sameeyey dad badan oo ah shir aad iyo aad u weyn.
И в Йерусалим се събра много народ, за да честват празника на безквасните хлябове във втория месец; беше твърде голямо събрание.
14 M arkaasay kaceen oo waxay fogeeyeen meelihii allabariga oo Yeruusaalem dhex yiil iyo girgirayaashii fooxa lagu shidi jiray oo dhan, oo dhammaantood waxay ku dhex tuureen durdurkii Qidroon.
Те станаха и премахнаха жертвениците, които бяха в Йерусалим, премахнаха и всички кадилни жертвеници и ги хвърлиха в потока Кедрон.
15 M arkaasay neefafkii Iiddii Kormaridda qaleen bishii labaad maalinteedii afar iyo tobnaad, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina way yaxyaxeen, oo intay isdaahiriyeen ayay qurbaanno la gubo keeneen gurigii Rabbiga.
Тогава заклаха пасхалните агнета в четиринадесетия ден от втория месец; и свещениците и левитите засрамени се осветиха и внесоха всеизгаряния в Господния дом.
16 M arkaasay meeshoodii istaageen sidii loogu amray sharcigii Muuse oo ahaa ninkii Ilaah, oo wadaaddadu waxay saydhsaydhi jireen dhiiggii ay ka guddoomeen gacantii reer Laawi.
И застанаха на мястото си според чина си съгласно закона на Божия човек Моисей; и свещениците пръскаха кръвта, като я вземаха от ръката на левитите.
17 O o waxaa jiray kuwo badan oo shirka ka mid ahaa oo aan isdaahirin, sidaas daraaddeed reer Laawi shuqulkoodu wuxuu ahaa inay neefafka Kormaridda u gowracaan mid alla midkii aan nadiif ahayn, si ay iyaga Rabbiga ugu daahiriyaan.
Защото имаше мнозина в събранието, които не бяха се осветили; затова левитите поеха грижата да заколят пасхалните агнета за всеки, който не беше чист, за да се осветят на Господа.
18 M axaa yeelay, dad badan, xataa kuwa badan oo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Isaakaar iyo reer Sebulun ayan isnadiifin oo weliba waxay wax uga cuneen neefafka Kormaridda si ka duwan sidii qornayd. Waayo, Xisqiyaah ayaa iyaga u duceeyey oo yidhi, Rabbiga wanaagsanu ha cafiyo ku alla kii
Понеже голяма част от народа, мнозина от Ефрем, Манасия, Исахар и Завулон, не бяха се очистили, но ядоха Пасхата не според предписанието; защото Езекия се беше помолил за тях, като каза: Благий Господ да бъде милостив към всеки,
19 q albigiisa u diyaariya inuu doondoono Ilaaha ah Rabbiga oo ah Ilaahii awowayaashiis in kastoo uusan isu nadiifin sidii ay ahayd isdaahirintii meesha quduuska ah.
който утвърждава сърцето си да търси Бога, Господа Бога на бащите си, ако и да не е очистен според очистването, изискано за светилището.
20 O o Rabbiguna wuu maqlay Xisqiyaah, dadkiina wuu bogsiiyey.
И Господ послуша Езекия и опрости народа.
21 O o reer binu Israa'iil ee Yeruusaalem joogayna intii toddoba maalmood ah ayay iidayeen Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyagoo aad u faraxsan, oo kuwii reer Laawi iyo wadaaddadiina maalin kasta ayay Rabbiga ammaani jireen, iyagoo Rabbiga ugu gabyaya alaab muusiko oo dhawaaq dheer.
Така израелтяните, които се намираха в Йерусалим, честваха празника на безквасните хлябове седем дни с голямо веселие; и всеки ден левитите и свещениците славословеха Господа, пеещи с музикални инструменти на Господа.
22 O o Xisqiyaahna wuxuu dhiirrigeliyey kuwii reer Laawi oo hawsha Rabbiga aad u yiqiin. Oo toddobadii maalmood ee iiddu socotayba wax bay cunayeen, iyagoo qurbaanno nabaadiino bixinaya, oo Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood u mahadnaqaya.
Езекия говорѝ насърчително на всички левити, които разбираха добре Господнята служба. Така през седемте празнични дни те ядяха, като жертваха мирни жертви и славословеха Господа, Бога на бащите си.
23 O o shirkii oo dhammuna waxay ku tashadeen inay toddoba maalmood oo kale sii iidaan, oo haddana toddoba maalmood oo kale ayay sii iidayeen iyagoo faraxsan.
Тогава цялото общество се посъветва да празнуват още седем дни; и празнуваха още седем дни с веселие.
24 W aayo, Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wuxuu shirkii u siiyey inay qurbaan ka dhigtaan kun dibi iyo toddoba kun oo ido ah, oo amiirradiina waxay shirkii siiyeen kun dibi iyo toban kun oo ido ah, oo wadaaddo tiro badanuna way isdaahiriyeen.
Защото Юдейският цар Езекия подари на обществото за жертви хиляда телета и седем хиляди овце; а първенците подариха на обществото хиляда телета и десет хиляди овце; и много свещеници осветиха себе си.
25 O o shirkii dadkii Yahuudah oo dhan iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, iyo shirkii dalka Israa'iil ka yimid oo dhan, iyo shisheeyayaashii dalka Israa'iil ka yimid oo dalka Yahuudah degganaaba way wada reyreeyeen.
И всички събрани от Юдея се развеселиха със свещениците и левитите, и всички събрани, надошли от Израел, и чужденците, надошли от Израелавата земя, които живееха в Юдея.
26 O o Yeruusaalem waxaa jirtay farxad weyn, waayo, taasoo kale kama ay dhicin Yeruusaalem tan iyo wakhtigii Sulaymaan ina Daa'uud uu boqor dalka Israa'iil ka ahaa.
Така стана голямо веселие в Йерусалим; защото от времето на Израелевия цар Соломон, Давидовия син, не беше ставало такова нещо в Йерусалим.
27 M arkaasaa wadaaddadii reer Laawi ahaa kaceen oo dadkii u duceeyeen, oo codkoodiina waa la maqlay, oo baryootankoodii wuxuu soo gaadhay samada ee ah Rabbiga rugtiisa quduuska ah.
След това левитите и свещениците станаха и благословиха народа; и гласът им беше послушан от Господа и молитвата им възлезе на небето, Неговото свято обиталище.