Yexesqeel 40 ~ Езекил 40

picture

1 S annaddii shan iyo labaatanaad ee maxaabiisnimadayada, sannadda bilowgeedii, bisha maalinteedii tobnaad, sannaddii afar iyo tobnaad markii magaalada la qabsaday dabadeed, isla maalintaas qudheeda waxaa i dul saarnayd gacantii Rabbiga, oo halkaas buu i keenay.

В двадесет и петата година от плена ни, в началото на годината, на десетия ден от месеца, в четиринадесетата година след превземането на града, в същия ден Господнята ръка беше върху мен и ме заведе там -

2 W axyaalihii Ilaah i tusay wuxuu igu geeyey dalkii reer binu Israa'iil, oo wuxuu i saaray buur aad u dheer, taasoo dhankeeda koonfureed ay wax magaalo dhismeheed u eg ku yiilleen.

чрез Божиите видения ме заведе в Израелевата земя и ме постави върху една много висока планина, на която имаше към юг нещо като здание, подобно на град.

3 O o isagu halkaasuu i geeyey, oo bal eeg, waxaa meeshaas joogay nin naxaas u eg, oo gacanta ku haysta xadhig laga sameeyey geed linen la yidhaahdo, iyo cawsduur wax lagu qiyaaso, oo iridduu soo istaagay.

След като ме заведе там, видях човек, чийто изглед беше като на мед и който държеше в ръката си ленена връв и мярка от тръстика; той стоеше в портата.

4 O o ninkii wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxyaalaha aan ku tusi doono oo dhan indhaha ku fiiri, oo dhegaha ku maqal, oo qalbiga geli, waayo, waxaa halkan laguu keenay inaan waxyaalahan ku tuso. Oo wax alla wixii aad aragtid oo dhanba reer binu Israa'iil u sheeg. Iridda Bari Ee Bannaanka

Човекът ми каза: Сине човешки, погледни с очите си, чуй с ушите си и приложи сърцето си върху всичко, което ще ти покажа; защото ти беше въведен тук с цел да ти покажа това. Всичко, което видиш, го изяви на Израелевия дом.

5 O o bal eeg, daarta dibaddeeda oo dhan waxaa ku wareegsanaa derbi, oo ninka gacantiisana waxaa ku jiray cawsduur wax lagu qiyaaso oo dhererkiisu yahay lix dhudhun, oo dhudhun kastaaba yahay dhudhun iyo taako. Markaasuu daarta ballaadhkeedii qiyaasay oo cawsduur buu ahaa, oo sarajooggeediina wuu qiyaasay oo cawsduur buu ahaa.

Извън дома имаше една стена околовръст, а в ръката на човека - мярка от тръстика, дълга шест лакти, всеки лакът, дълъг лакът и длан; и като измери широчината на зданието, тя беше една тръстика, а височината - една тръстика.

6 O o wuxuu yimid iriddii xagga bari u sii jeedday, oo jaranjarradeeduu fuulay, oo wuxuu qiyaasay iridda marinkeedii, oo ballaadhkiisu wuxuu ahaa cawsduur, oo iridda kale marinkeediina ballaadhkiisu wuxuu ahaa cawsduur.

Тогава дойде при портата, която гледаше към изток, и се изкачи по стъпалата ѝ; и като измери прага на портата, широчината му беше една тръстика, и широчината на другия праг - една тръстика.

7 O o qollad kastaba dhererkeedu wuxuu ahaa cawsduur, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa cawsduur, oo qolladahana waxaa u dhexeeyey shan dhudhun, oo marinka iridda oo balbalada iridda u dhowayd dhankiisa guduhu wuxuu ahaa cawsduur.

И всяка стражарска стая беше една тръстика дълга и една тръстика широка; и разстоянието между стаите беше пет лакти; а прагът на портата, при преддверието на портата към дома, беше една тръстика.

8 H addana wuxuu qiyaasay iriddii balbaladeedii oo daarta u jeedday, waxayna ahayd cawsduur.

Измери също преддверието на портата към дома - една тръстика.

9 O o haddana wuxuu qiyaasay balbaladii iridda, waxayna ahayd siddeed dhudhun, tiirarkeeduna waxay ahaayeen laba dhudhun, oo iridda balbaladeeduna daartay u jeedday.

Тогава, като измери преддверието на портата, то беше осем лакти, а стълбовете им - два лакътя; и преддверието на портата беше откъм дома.

10 O o iridda xagga bari qolladeheedana waxay ahaayeen saddex dhinac ku taal iyo saddex dhinaca kale ku taal, oo saddexdooduba isku qiyaas bay ahaayeen, oo tiirarkuna dhankan isku qiyaas bay ku lahaayeen oo dhanka kalena isku qiyaas bay ku lahaayeen.

Стражарските стаи на източната порта бяха три отсам и три оттам - и трите с една мярка; и стълбовете имаха една мярка отсам и оттам.

11 O o haddana wuxuu qiyaasay kadinkii iridda ballaadhkiisii, wuxuuna ahaa toban dhudhun, oo iridda dhererkeeduna wuxuu ahaa saddex iyo toban dhudhun.

И като измери широчината на входа на портата, тя беше десет лакти, а дължината на портата - тринадесет лакти.

12 O o qolladaha darafkii ka horreeyey dhinaciisuna wuxuu ahaa dhudhun oo darafkii dhinaciisa kalena wuxuu ahaa dhudhun, oo qolladaha dhinacooduna wuxuu ahaa lix dhudhun oo dhinaca kalena wuxuu ahaa lix dhudhun.

А пред стаите имаше един лакът разстояние отсам и един лакът разстояние оттам; стаите бяха шест лакти отсам и шест лакти оттам.

13 O o haddana iridda qollad saqafkeed ilaa qollad kale saqafkeed ayuu qiyaasay, oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun albaab ilaa albaab.

После измери портата от покрива на едната стражарска стая до покрива на другата и широчината беше двадесет и пет лакти, врата срещу врата.

14 O o haddana wuxuu qiyaasay tiirarkii oo ahaa lixdan dhudhun, kuwaas oo gaadhay tiirkii barxaddii iridda ku wareegsanayd.

Измери и стълбовете - шестдесет лакти; и преддверието стигаше до стълбовете околовръст портата.

15 O o kadinka iridda laga soo galo hortiisa iyo ilaa barxadda iridda hoose inta u dhaxaysaa waxay ahayd konton dhudhun.

От лицето на портата, при входа, до лицето на преддверието на вътрешната порта имаше петдесет лакти.

16 O o daaqado cidhiidhi ah baa ku jiray qolladaha iyo tiirarkooda iridda hoose ku wareegsan iyo meelaha dedan, oo sidaas oo kale daaqaduhu xagga gudaha way ka wareegsanaayeen, oo tiir kastana waxaa lagu xardhay geedo timireed. Barxadda Dibadda

А на стражарските стаи имаше затворени прозорци, също и на стълбовете им отвътре на портата околовръст, както и на сводовете; имаше прозорци и отвътре околовръст; а върху всеки стълб имаше палми.

17 M arkaasuu barxaddii dibadda i geeyey, oo bal eeg, waxaa ku yiil qollado iyo dhul sallax ah oo barxadda ku wareegsan loo sameeyey. Soddon qolladood ayaa dhulka sallaxa ah ku tiil.

Тогава ме заведе във външния двор; и, ето, стаи и под, направени около двора; имаше тридесет стаи върху пода.

18 O o dhulka sallaxa ah oo irdaha dhinacooda ku yiil oo irdaha ka soo hor jeeday wuxuu ahaa dhulka sallaxa ah oo hoose.

И подът, който беше от страните на портата, съответстващ на дължината на портите, беше долният под.

19 M arkaasuu qiyaasay ballaadhkii iridda hoose horteeda iyo tan iyo barxadda hoose horteeda dibadda ah, xagga bari iyo xagga woqooyi, oo wuxuu ahaa boqol dhudhun. Iridda Woqooyi

Тогава измери широчината от лицето на долната порта до лицето на вътрешния двор отвън и тя беше сто лакти и откъм изток, и откъм север.

20 O o barxaddii dibadda iriddeedii xagga woqooyi u sii jeeddayna wuxuu qiyaasay dhererkeedii iyo ballaadhkeediiba.

Измери и дължината и широчината на портата на външния двор, която гледаше към север.

21 O o qolladaheeduna waxay ahaayeen saddex dhinac ku taal iyo saddex dhinaca kale ku taal, oo tiirarkooda iyo meelahooda dedan waxay la qiyaas ahaayeen iridda kowaad. Dhererkoodu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkooduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.

Стражарските стаи бяха три отсам и три оттам; а стълбовете и сводовете ѝ бяха според мярката на първата порта; дължината ѝ беше петдесет лакти и широчината ѝ - двадесет и пет лакти.

22 O o daaqadahooda, iyo meelahooda dedan, iyo geedahooda timireedba waxay la qiyaas wada ahaayeen qiyaastii iriddii xagga bari u sii jeedday, oo waxaa loo fuulay jaranjarro toddoba tallaabo ah, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen.

И прозорците ѝ, и сводовете ѝ, и палмите ѝ бяха според мярката на портата, която гледа към изток; и се изкачваха към нея по седем стъпала; и сводовете ѝ бяха пред нея.

23 O o barxadda hoose iriddeeduna waxay ka soo hor jeedday iriddii kale oo xagga woqooyi iyo xagga bari jirtay, oo irid ilaa iridda kale ayuu qiyaasay, waxayna ahayd boqol dhudhun. Iridda Koonfureed

Портата на вътрешния двор беше срещу портата, която беше към север и към изток; и като измери от порта до порта, отмери сто лакти.

24 O o haddana wuxuu i geeyey xaggii koonfureed, oo bal eeg, waxaa ku tiil irid xagga koonfureed u sii jeedda, oo tiirarkeedii iyo meelaheedii dednaa wuxuu u qiyaasay sidii ay qiyaastaasu ahayd oo kale.

И ме заведе към юг и, ето, порта, която гледаше към юг; и като измери стълбовете и сводовете ѝ, те имаха същите мерки.

25 O o iyada iyo meelaheeda dedan oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo waxay u ekaayeen daaqadahaas kale; dhererku wuxuu ahaa konton dhudhun oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.

Имаше прозорци на нея и на сводовете ѝ околовръст, подобни на онези прозорци; дължината им беше петдесет лакти и широчината - двадесет и пет лакти.

26 O o waxay lahayd jaranjarro toddoba tallaabo ah oo loo fuulo, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen, oo waxay lahayd geedo timireed oo mid dhinacan kaga yaal, midna dhinacaas kaga yaal, oo tiirarkeeda ku xardhan.

И се изкачваха към нея по седем стъпала; и сводовете ѝ бяха пред нея; и на стълбовете ѝ имаше палми - една отсам и една оттам.

27 O o barxadda hoosena waxaa ku dhex yiil irid xagga koonfureed u sii jeedday, oo irid ilaa iriddeeda kale ayuu xagga koonfureed u qiyaasay, waxayna ahayd boqol dhudhun. Irdaha Barxaddii Dhexe

Във вътрешния двор имаше порта към юг; и като измери от порта до порта към юг, намери сто лакти.

28 M arkaasuu barxaddii hoose oo iridda koonfureed ku ag tiil i geeyey, oo iriddii koonfureedna sida qiyaastaas oo kaluu u qiyaasay.

Тогава ме заведе във вътрешния двор през южната порта; и като измери южната порта, тя имаше същите мерки;

29 O o qolladaheedii, iyo tiirarkeedii, iyo meelaheedii dednaaba sidaas oo kaluu u qiyaasay, oo iyada, iyo meelaheeda dedan oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo dhererkeedu wuxuu ahaa konton dhudhun oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.

и стражарските ѝ стаи, и стълбовете ѝ, и сводовете ѝ имаха същите мерки; на нея и на сводовете ѝ имаше прозорци околовръст; дължината ѝ беше петдесет лакти, а широчината ѝ - двадесет и пет лакти.

30 O o meelaha dedan oo ku wareegsan dhererkoodu wuxuu ahaa labaatan dhudhun, ballaadhkooduna wuxuu ahaa shan dhudhun.

А сводовете околовръст бяха двадесет и пет лакти дълги и пет лакти широки.

31 O o meelaheeda dedanu waxay u sii jeedeen xagga barxadda dibadda ah, oo tiirarkeedana waxaa ku xardhanaa geedo timireed, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.

Сводовете ѝ бяха към външния двор; имаше палми по стълбовете ѝ и се изкачваха към нея по осем стъпала.

32 O o haddana wuxuu i dhex geeyey barxaddii hoose oo xagga bari u sii jeedday, oo iriddiina wuxuu u qiyaasay sidii qiyaastaas oo kale.

Той ме заведе във вътрешния двор към изток; и като измери портата, тя имаше същите мерки;

33 O o qolladaheedii, iyo tiirarkeedii, iyo meelaheedii dednaaba waxay wada lahaayeen qiyaastaas oo kale, oo iyada iyo meelaheedii dednaa oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo dhererkeedu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.

и стражарските ѝ стаи, стълбовете ѝ и сводовете ѝ имаха същите мерки; и на нея и на сводовете ѝ имаше прозорци околовръст; а тя беше петдесет лакти дълга и двадесет и пет лакти широка.

34 O o meelaheeda dedanuna waxay u sii jeedeen barxadda dibadda xaggeeda, oo tiirarkana waxaa ku xardhanaa geedo timireed oo dhinacan iyo dhinacaasba kaga yaal, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.

Сводовете ѝ бяха към външния двор; по стълбовете ѝ имаше палми отсам и оттам и се изкачваха към нея по осем стъпала.

35 M arkaasuu iriddii woqooyi i geeyey, oo sidaas oo kaluu u qiyaasay

И ме заведе при северната порта; и като я измери, тя имаше същите мерки,

36 q olladaheeda, iyo tiirarkeeda, iyo meelaheeda dedan, oo waxay lahayd daaqado ku wareegsan, oo dhererku wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.

както и стражарските ѝ стаи, стълбовете ѝ и сводовете ѝ; и на нея имаше прозорци околовръст; а тя беше петдесет лакти дълга и двадесет и пет лакти широка.

37 O o tiirarkeedu waxay u sii jeedeen barxadda dibadda xaggeeda, oo geedo timireed ayaa tiirarkiisa dhinacan iyo dhinacaasba kaga xardhanaa, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo. Qolalka Lagu Diyaariyo Qurbaannada La Gubo

Стълбовете ѝ бяха към външния двор; по стълбовете ѝ имаше палми отсам и оттам и се изкачваха към нея по осем стъпала.

38 O o waxaa jirtay qollad albaabkeedu ku ag yiil tiirarka irdaha, oo halkaasaa qurbaanka la gubo lagu maydhay.

Имаше и една стая, чиято врата беше при стълбовете на портата, където миеха всеизгарянето.

39 O o balbalada iridda dhinaceedan waxaa yiil laba miis, oo dhinaceedaasna waxaa yiil laba miis, si korkooda loogu gowraco qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka.

В преддверието на портата имаше две трапези отсам и две трапези оттам, на които да колят всеизгарянето, приноса за грях и приноса за престъпление.

40 O o dhanka dibadda ah ee kadinka iridda woqooyi loo maro waxaa yiil laba miis, oo dhanka kale oo balbalada iridda u dhowna waxaa yiil laba miis oo kale.

И на външната страна, при стъпалата към входа на северната порта, имаше две трапези; и на другата страна, която принадлежеше към преддверието на портата, имаше две трапези.

41 I ridda dhinacan waxaa yiil afar miis, oo dhinacaasna waxaa yiil afar miis oo kale, kuwaasoo ahaa siddeed miis oo allabaryada lagu dul gowracay.

Четири трапези имаше отсам и четири трапези оттам при страните на портата; всичко осем трапези, на които колеха жертвите.

42 O o waxaa jiray afar miis oo dhagax la qoray laga sameeyey oo allabariga la gubo lagu dul diyaariyo, oo dhererkoodu wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, ballaadhkooduna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, sarajooggooduna wuxuu ahaa dhudhun, oo korkoodana waxaa la saari jiray alaabta qurbaanka la gubo iyo allabariga lagu qalo.

И четирите трапези за всеизгарянето бяха от дялан камък, един лакът и половина дълги, един лакът и половина широки и един лакът високи; на тях слагаха сечивата, с които колеха всеизгарянето и жертвата.

43 O o waxaa gudaha ugu xidhnaa qabatooyin ballaadhkoodu taako yahay oo hareerahooda oo dhan kaga wareegsan, oo miisaskii korkoodana waxaa saarnaa hilibkii qurbaanka. Qolalka Wadaaddada

Отвътре имаше полица, една длан широка, прикована околовръст; а на трапезите слагаха месото на приносите.

44 O o iridda hoose dibaddeedana waxaa ku yiil qolladihii kuwa gabya oo barxadda hoose ku yiil, oo mid waxay ku ag tiil iridda woqooyi oo waxay u sii jeedday xagga koonfureed, oo tanna waxay ag tiil iridda bari oo waxay u sii jeedday xagga woqooyi.

А извън вътрешната порта бяха стаите на певците, във вътрешния двор, който беше от страните на северната порта; и лицата им бяха към юг; а една от тях, от страната на източната порта, гледаше към север.

45 O o wuxuu igu yidhi, Qolladdan xagga koonfureed u sii jeedda waxaa iska leh wadaaddada daarta taladeeda haya.

Той ми каза: Тази стая, която гледа към юг, е за свещениците, които се грижат за дома;

46 O o qowladda xagga woqooyi u sii jeeddana waxaa iska leh wadaaddada meesha allabariga taladeeda haya, oo kuwaasu waa reer Saadooq oo reer Laawi ka mid ah, oo Rabbiga ugu soo dhowaada inay isaga u adeegaan.

а стаята, която гледа към север, е за свещениците, които прислужват около жертвеника; те са потомците на Садок, които от Левиевите потомци се приближават към Господа да Му служат.

47 O o haddana wuxuu qiyaasay barxaddii oo dhererkeedu yahay boqol dhudhun, oo ballaadhkeeduna yahay boqol dhudhun, oo afar gees ah, oo meeshii allabariguna daartay ka horraysay. Daarta

И като измери двора, дължината му беше сто лакти и широчината му беше сто лакти; беше квадратен и жертвеникът беше пред дома.

48 M arkaasuu balbaladii daarta i geeyey, oo wuxuu qiyaasay balbalada tiirarkeedii, oo dhinacan wuxuu ahaa shan dhudhun, dhinacaasna wuxuu ahaa shan dhudhun; oo iridda ballaadhkeeduna wuxuu ahaa saddex dhudhun oo dhinacan ah iyo saddex dhudhun oo dhinacaas ah.

Тогава ме заведе в предхрамието на дома; и като измери всеки стълб на предхрамието, те бяха пет лакти отсам и пет лакти оттам; а широчината на портата беше три лакти отсам и три лакти оттам.

49 O o balbalada dhererkeedu wuxuu ahaa labaatan dhudhun, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa kow iyo toban dhudhun, oo jaranjarro baa loogu fuuli jiray, oo tiirarka waxaa ku ag yiil tiirar waaweyn, mid dhinacan kaga yaal, midka kalena dhinacaas kaga yaal.

Дължината на предхрамието беше двадесет лакти и широчината му - единадесет лакти; и се изкачваха към него по десет стъпала; и при стълбовете имаше други стълбове - един отсам и един оттам.