1 O o Sulaymaan ina Daa'uud boqortooyadiisuu ku xoogaystay, oo Rabbigii Ilaahiisa ahaa waa la jiray oo aad iyo aad buuna u weyneeyey.
Соломон, Давидовият син, се укрепи в царството си; и Господ, неговият Бог, беше с него и твърде много го възвеличи.
2 O o Sulaymaan baa la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan oo ahaa kuwii kun kun u talin jiray, iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo xaakinnadii, iyo amiir kasta oo dalka reer binu Israa'iil joogay kuwaasoo ahaa madaxdii reeraha.
Тогава Соломон говорѝ на целия Израел, на хилядниците и стотниците, на съдиите и на всички първенци от целия Израел, началниците на бащините домове;
3 M arkaasaa Sulaymaan iyo shirkii isaga la jiray oo dhammu waxay tageen meeshii sare oo Gibecoon ku tiil, waayo, halkaas waxaa tiil teendhadii shirka oo Rabbiga, taasoo Muuse oo ahaa Rabbiga addoonkiisii uu cidlada ku sameeyey.
и така, Соломон и цялото общество с него отидоха на високото място, което е в Гаваон; защото там беше Божият шатър за срещане, който Господният слуга Моисей беше направил в пустинята.
4 L aakiinse sanduuqii axdiga Ilaah Daa'uud baa ka soo qaaday Qiryad Yecaariim oo wuxuu keenay meeshii Daa'uud u diyaariyey, waayo, isagu Yeruusaalem ayuu teendho uga dhisay.
А Давид беше пренесъл Божия ковчег от Кириат-иарим на мястото, което му беше приготвил; защото Давид беше поставил за него шатър в Йерусалим.
5 O o weliba meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo uu Besaleel ina Uurii oo ahaa reer Xuur sameeyey halkaasay tiil taambuugga Rabbiga hortiisa. Oo halkaasay Sulaymaan iyo shirkiiba Rabbiga ka doonayeen.
При това медният жертвеник, който Везелеил, син на Урия, Оровия син, беше направил, беше там, пред Господнята скиния; и Соломон и обществото се обърнаха ревностно към него.
6 M arkaasaa Sulaymaan kor ugu baxay meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo Rabbiga hor tiil, taasoo teendhadii shirka hor qotontay, oo wuxuu ku dul bixiyey kun qurbaan oo la gubo.
Соломон отиде там, при медния жертвеник пред Господа, който жертвеник беше пред шатъра за срещане, и принесе на него хиляда всеизгаряния.
7 O o habeenkaas ayaa Ilaah Sulaymaan u muuqday oo ku yidhi, I bari waxaad doonaysid aan ku siiyee.
В същата нощ Бог се яви на Соломон и му каза: Искай какво да ти дам.
8 M arkaasaa Sulaymaan Ilaah ku yidhi, Aabbahay Daa'uud si weyn baad ugu naxariisatay, anigana boqor baad igaga dhigtay meeshiisii.
А Соломон отговори на Бога: Ти си показал голяма милост към баща ми Давид, като си ме поставил цар вместо него.
9 H addaba Rabbiyow Ilaahow, ballankaagii aad aabbahay Daa'uud u ballanqaadday ha dhismo, waayo, waxaad boqor iiga dhigtay dad tiradiisu tahay sida ciidda dhulka.
Сега, Господи Боже, нека се утвърди обещанието, което Ти даде на баща ми Давид; защото Ти ме направи цар над народ, многочислен като праха на земята.
10 H addaba waxaad i siisaa xigmad iyo aqoon si aan dadkan hortooda ugu baxo oo ugu soo galo, waayo, dadkaagan tirada badan bal yaa xukumi kara?
И така, дай ми мъдрост и разум, за да постъпвам правилно пред този народ; защото кой може да съди този Твой голям народ?
11 M arkaasaa Ilaah wuxuu Sulaymaan ku yidhi, Waxyaalaha qalbigaaga ku jiray aawadood oo ah adigoo aan i weyddiisan maal, iyo hodan, amase sharaf, amase kuwa adiga ku neceb noloshooda, ama aadan i weyddiisan cimri dheer, laakiinse aad i weyddiisatay xigmad iyo aqoon aad ku xukuntid dadkayga aan boqorka kaaga dhigay,
Бог каза на Соломон: Понеже си имал това в сърцето си и не поиска богатство, имоти и слава, нито живота на онези, които те мразят, нито поиска дълъг живот, а поиска за себе си мъдрост и разум, за да съдиш народа Ми, над който те направих цар,
12 a yaa xigmad iyo aqoonba lagu siiyey, oo anna waxaan ku siinayaa maal, iyo hodan, iyo sharaf ayan lahaan jirin boqorradii kaa horreeyey oo dhammu, oo ayan kuwa kaa dambeeya oo dhammuna taasoo kale lahaan doonin.
дават ти се мъдрост и разум; при това ще ти дам богатство, имоти и слава, каквито не са имали царете, които са били преди тебе, нито ще имат някои след тебе.
13 M arkaasaa Sulaymaan ka soo noqday meeshii sare oo Gibecoon ku tiil iyo teendhadii shirka, oo yimid Yeruusaalem, reer binu Israa'iil buuna boqor u noqday.
Тогава Соломон се върна в Йерусалим от високото място, което е в Гаваон, от пред шатъра за срещане; и царуваше над Израел.
14 S ulaymaanna wuxuu urursaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah, oo wuxuu lahaa kun iyo afar boqol oo gaadhifaras, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen.
Соломон събра колесници и конници и имаше хиляда и четиристотин колесници и дванадесет хиляди конници, които настани по градовете за колесниците и при царя в Йерусалим.
15 O o boqorku wuxuu lacag iyo dahabba Yeruusaalem kaga dhigay sida dhagaxyo oo kale. Oo geedo kedar ahna wuxuu u soo badiyey oo ka dhigay sida geedaha darayga ah oo dhulka hoose ka baxa oo kale.
И царят направи среброто и златото да бъдат изобилни в Йерусалим като камъни, а кедрите направи по множество като полските черници.
16 O o Sulaymaan farduhuu haystayna waxaa laga keenay dalka Masar, oo boqorka baayacmushtariyaashiisii ayaa raxan raxan u soo kaxeeyey iyagoo raxanba iib gaar ah siiyey.
За Соломон докарваха коне от Египет; кервани от царски търговци ги купуваха по стада с определена цена.
17 O o gaadhifaras wuxuu Masar kaga soo bixi jiray lix boqol oo sheqel oo lacag ah, farasna boqol iyo konton sheqel; oo saasoo kalay ugu wada keeni jireen boqorradii reer Xeed oo dhan iyo boqorradii reer Suuriyaba.
А извеждаха и докарваха от Египет всяка колесница за шестстотин сребърни сикъла и всеки кон - за сто и петдесет; също така за всички хетейски царе и за сирийските царе конете им се доставяха чрез тези търговци.