Yexesqeel 3 ~ Езекил 3

picture

1 O o wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaad heshid cun. Qorniinkan duudduuban cun, oo tag, oo waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil.

Той ми каза: Сине човешки, изяж това, което намираш; изяж този свитък и иди, говори на Израелевия дом.

2 S idaas daraaddeed afkaan kala qaaday oo isna qorniinkii duudduubnaa wuu i cunsiiyey.

И така, отворих устата си; и той ме накара да ям свитъка.

3 O o wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, calooshaada geli oo ka buuxi qorniinkan duudduuban oo aan ku siiyo. Markaasaan cunay, oo wuxuu afkayga ugu dhadhan macaanaa sidii malab oo kale.

После ми каза: Сине човешки, нека коремът ти смила този свитък, който ти давам, и нека червата ти се наситят от него. Тогава го изядох и той беше в устата ми сладък като мед.

4 M arkaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil u tag, oo erayadayda kula hadal.

Каза ми още: Сине човешки, иди, отправи се към Израелевия дом и им говори с Моите думи.

5 W aayo, laguuma dirin dad hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, laakiinse waxaa laguu diray reer binu Israa'iil.

Защото не си изпратен при народ с непознат език и труден говор, а при Израелевия дом -

6 L aguumana dirin dadyow badan oo hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, oo adaan erayadooda garan karin. Hubaal haddaan iyaga kuu diri lahaa, way maqli lahaayeen.

не при много племена с непознат език и труден говор, чиито думи не разбираш. Навярно ако те пращах при такива, те щяха да те послушат.

7 L aakiinse reer binu Israa'iil dooni maayaan inay ku maqlaan, maxaa yeelay, dooni maayaan inay aniga i maqlaan, waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan.

Но Израелевият дом няма да те послуша, защото не искат да послушат и Мене; понеже целият Израелев дом е с кораво чело и жестоко сърце.

8 B al eeg, wejigaaga waan ka sii adkeeyey wejigooda, oo foolkaagana waan ka sii adkeeyey foolkooda.

Ето, направих лицето ти твърдо против техните лица и челото ти - твърдо против техните чела.

9 O o foolkaaga waxaan ka dhigay sidii dheemman dhagax ka sii adag oo kale. Ha ka cabsan iyaga, oo aragtidoodana ha ka baqin in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.

Като диамант, по-твърд от кремък, направих челото ти; да не се боиш от тях, нито да се ужасиш от погледа им, макар да са бунтовен дом.

10 O o weliba wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, erayadayda aan kugula hadli doono oo dhan qalbigaaga ku qaado oo dhegahaaga ku maqal.

Каза ми още: Сине човешки, приеми в сърцето си и послушай с ушите си всички думи, които ще ти говоря;

11 H addaba waxaad u tagtaa kuwa maxaabiista ah, oo dadkaaga ah, oo intaad la hadashid waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba.

и иди, отправи се към пленниците, към сънародниците си, и като им говориш, кажи: Така говори Господ Йехова - или послушали, или непослушали.

12 M arkaasaa ruuxu kor ii qaaday, oo waxaan gadaashayda ka maqlay cod guuxaya oo leh, Rabbiga ammaantiisu meesheeda barakay ku leedahay,

Тогава Духът ме повдигна; и чух зад себе си глас на голямо спускане, който казваше: Благословена Господнята слава от мястото Му!

13 w axayna ahayd sanqadhii baalashii xayawaankii markay istaabtaabanayeen, iyo sanqadhii giraangirihii iyaga dhinac socday, oo sanqadh yaacideed ahayd.

И чух фученето на крилата на живите същества, които крила се допираха едно до друго, и тропането на колелата край тях - шум на голямо спускане.

14 S idaasuu ruuxii kor iigu qaaday oo meel fog ii waday, oo anna waxaan ku tegey dhirif qadhaadh iyo naftaydoo kulul, oo gacantii Rabbigaa igu kor xoog badnayd.

И така, Духът ме издигна и ме отнесе; и аз отидох с огорчение, в разпалването на духа си; но Господнята ръка беше мощна върху мене.

15 M arkaasaan Teel Aabiib maxaabiistii Webi Kebaar ag degganaa, iyo ilaa meeshii ay fadhiyeen ugu tegey, oo halkaasaan iyagii toddoba maalmood dhex joogay anigoo naxdin la fadhiya. Israa'iil Oo Loo Digay

Тогава дойдох в Телавив при пленниците, които живееха при реката Ховар, и се настаних там, където те бяха настанени; и там останах смаян между тях седем дни. Йезекиил - страж на Израелевия дом

16 O o markay toddoba maalmood dhammaadeen waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga isagoo leh,

А след седем дни Господнето слово дойде към мен и каза:

17 W iilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, haddaba bal erayga afkayga ka soo baxaya maqal, oo digniin xaggayga ka timid iyaga gaadhsii.

Сине човешки, поставих те страж за Израелевия дом; и така, слушай словото от устата Ми и ги предупреди от Моя страна.

18 M arkaan sharrowga ku idhaahdo, Hubaal waad dhiman doontaa, haddaadan isaga u digin, oo aadan sharrowga la hadlin si aad jidkiisa sharka ah uga digto inaad naftiisa badbaadiso aawadeed, ninkaas sharrowga ahu xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.

Когато кажа на беззаконника: Непременно ще умреш; а ти не го предупредиш и не говориш, за да предпазиш беззаконника от беззаконния му път, за да спасиш живота му, онзи беззаконник ще умре в беззаконието си; но от твоята ръка ще изискам кръвта му.

19 L aakiinse haddaad sharrowga u digto, oo uusan isagu sharnimadiisa amase jidkiisa sharka ah ka soo noqon, markaas xumaantiisuu ku dhiman doonaa, adiguse naftaadii waad samatabbixisay.

Обаче ако предупредиш беззаконника, а той не се отвърне от беззаконието си и от беззаконния си път, той ще умре в беззаконието си; а ти си избавил душата си.

20 O o haddana haddii nin xaq ahu uu xaqnimadiisii ka noqdo oo uu xumaan sameeyo, intaan dhagax turunturo hor dhigo, isagu wuu dhiman doonaa. Uma aadan digin, oo saas darteed dembigiisuu ku dhiman doonaa, oo falimihiisii xaqa ahaa ee uu samayn jirayna lama soo xusuusan doono, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.

Пак - ако праведникът се отвърне от правдата си и извърши беззаконие, като Аз поставя препънка пред него, той ще умре; понеже ти не си го предупредил, той ще умре в греха си и правдата, която е вършил, няма да се помни; но от твоята ръка ще изискам кръвта му.

21 H abase ahaatee haddaad ninka xaqa ah u digtid, si uusan ka xaqa ahu u dembaabin oo uusan dembi u samayn, markaas hubaal wuu noolaan doonaa, maxaa yeelay, wuu digniin qaatay, adiguna naftaadii waad samatabbixisay.

Но ако предупредиш праведника, за да не съгреши, и праведникът не съгреши, той непременно ще живее, защото се е свестил, и ти си избавил душата си.

22 O o gacantii Rabbiguna halkaasay igu kor saarnayd, oo wuxuu igu yidhi, Kac oo bannaanka u bax halkaasaan kugula hadli doonaaye.

И ръката на Господа беше там върху мене; Той ми каза: Стани, излез на полето и там ще ти говоря.

23 M arkaasaan kacay oo bannaankii u baxay, oo bal eeg, waxaa halkaas jirtay ammaantii Rabbiga, taasoo u eg ammaantii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay, oo aniguna wejigaan u dhacay.

Тогава станах и излязох на полето; и, ето, Господнята слава стоеше там - като славата, която видях при реката Ховар; и паднах на лицето си.

24 M arkaasaa ruuxii i soo galay, oo cagaha igu taagay, wuuna ila hadlay isagoo leh, Tag oo gurigaaga isku xidh.

Тогава Духът влезе в мене, изправи ме на краката ми и ми говори: Иди, затвори се в къщата си.

25 L aakiinse Wiilka Aadamow, bal ogow, xadhkaa lagugu xidhi doonaa oo adna waad ku xidhnaan doontaa, oo dadka dhexdiisana uma aad bixi doontid.

На тебе, сине човешки, ето, ще сложат на тебе връзки и ще те вържат с тях, така че няма да излезеш между народа.

26 O o carrabkaaga dhabxanaggaagaan ku dhejin doonaa, si aad carrablaawe u noqotid, oo aanad iyaga mid canaanta ugu noqon, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.

И ще направя езикът ти да залепне за небцето ти и ще бъдеш ням, и няма да бъдеш за тях изобличител; защото са бунтовен дом.

27 L aakiinse markaan kula hadlo, afkaagaan furi doonaa oo waxaad ku odhan doontaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu leeyahay. Kii wax maqlaa, ha maqlo, oo kii diidaana ha diido, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.

Но когато ти говоря, ще отворя устата ти; и ти им кажи: Така казва Господ Йехова: Който слуша, нека слуша; и който не слуша, нека не слуша; защото са бунтовен дом.