1 O o Naadaab iyo Abiihuu oo ahaa wiilashii Haaruun ayaa midkood waluba qaatay idankiisii, oo dab bay ku rideen, fooxna way dul saareen, oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad oo uusan ku amrin.
А Аароновите синове Надав и Авиуд взеха кадилниците си и като сложиха в тях огън и тамян, принесоха чужд огън пред Господа - нещо, което Той им беше забранил.
2 O o dab baa Rabbiga hortiisa ka yimid, oo iyagii baabba'saday, oo Rabbiga hortiisa ayay ku dhinteen.
Затова огън излезе от присъствието на Господа и ги изпепели; и умряха пред Господа.
3 M arkaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna wuu iska aamusay.
Тогава Моисей каза на Аарон: Това е, което каза Господ: Аз ще се изявя като свят в онези, които се приближават към Мен, и ще се прославя пред целия народ. А Аарон мълчеше.
4 M arkaasaa Muuse u yeedhay Miishaa'eel iyo Elsaafaan, oo ahaa wiilashii Cusii'eel kaasoo ahaa Haaruun adeerkiis, oo wuxuu ku yidhi, Soo dhowaada, oo walaalihiin ka soo qaada meesha quduuska ah horteeda oo waxaad geeysaan xerada dibaddeeda.
Моисей повика Мисаил и Елисафан, синовете на Аароновия чичо Озиил, и им каза: Приближете се, вдигнете братята си от светилището и ги изнесете вън от стана.
5 S idaas daraaddeed way u dhowaadeen, oo wayna qaadeen iyagoo jubbadahoodii gashan, waxayna geeyeen xerada dibaddeedii sidii Muuse yidhi.
И така, те се приближиха и ги изнесоха с хитоните им вън от стана, както каза Моисей.
6 M arkaasaa Muuse ku yidhi Haaruun iyo wiilashiisii ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, Timaha madaxiinnu yaanay arbushnaan, dharkiinnana ha dildillaacinina yeydnan dhimane, si aan Rabbigu ugu cadhoon ururka oo dhan, laakiinse walaalihiin ah reer binu Israa'iil oo dhammu ha ka ooyeen gubashadii Rabbigu huriyey.
Тогава Моисей каза на Аарон и на синовете му Елеазар и Итамар: Не откривайте главите си и не раздирайте дрехите си, за да не умрете и да не дойде гняв на цялото общество; а за изгарянето, което подпали Господ, нека плачат братята ви, целият Израелев дом.
7 O o idinku waa inaydaan ka bixin iridda teendhada shirka yeydnan dhimane, waayo, waxaa korkiinna ku taal saliiddii subkidda oo Rabbiga, oo iyana waxay yeeleen si waafaqsan eraygii Muuse.
И да не излезете от входа на шатъра за срещане, за да не умрете; защото мирото за Господнето помазване е на вас. И те направиха, както каза Моисей.
8 M arkaasaa Rabbigu Haaruun la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
След това Господ каза на Аарон:
9 H a cabbina khamri amase wax lagu sakhraamo, adiga iyo wiilashaada kula jira toona, markaad teendhada shirka gashaan yeydnan dhimane, oo taasu weligiin iyo ab ka ab qaynuun bay idiin ahaan doontaa,
Когато влизате в шатъра за срещане, да не пиете вино или сикера - нито ти, нито синовете ти с тебе, за да не умрете; това ще бъде вечен закон във всичките ви поколения
10 o o waa inaad kala dudaan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska ahayn, iyo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah;
както, за да различавате между свято и скверно и между нечисто и чисто,
11 i yo inaad reer binu Israa'iil bartaan kulli qaynuunnadii Rabbigu iyaga kula hadlay oo uu gacanta Muuse ugu soo dhiibay oo dhan.
така и за да учите израелтяните на всички наредби, които Господ им е говорил чрез Моисей.
12 K olkaasaa Muuse la hadlay Haaruun, iyo wiilashiisii hadhay oo ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, oo wuxuu ku yidhi, Qurbaanka hadhuudhka ah oo ka hadhay qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyey qaata oo isagoo aan khamiir lahayn ku cuna meesha allabariga dhinaceeda, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.
После Моисей каза на Аарон и на останалите му синове Елеазар и Итамар: Вземете хлебната жертва, която е останала от Господните жертви, принесени чрез огън, и я яжте безквасна при жертвеника, защото е пресвята жертва,
13 O o waa inaad ku cuntaan meel quduus ah, maxaa yeelay, waa intii adiga iyo wiilashaadaba looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, aniga sidaasaa laygu amray.
и трябва да я ядете на свято място, понеже това е твоето право и правото на синовете ти от Господните жертви, принесени чрез огън; защото така ми беше заповядано.
14 O o sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaado waa inaad meel daahirsan ku cuntaan adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jiraaba, waayo, kuwaasu waa intii adiga iyo wiilashaada looga amray allabaryada qurbaannada nabaadiinada ah oo reer binu Israa'iil ay bixiyaan.
Също и гръдната част на движимия принос и бедрото на този за издигане трябва да ядете на чисто място - ти, синовете ти и дъщерите ти с тебе; защото това е дадено като твое право и право на синовете ти от жертвите на мирните приноси на израелтяните.
15 O o iyagu bowdada sare loo qaado iyo sakaarka la ruxruxo waa inay la keenaan qurbaannada xaydha oo dabka lagu sameeyo, in iyaga Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka la ruxruxo, oo markaasay ahaan doonaan inta weligiin laydiin amray adiga iyo wiilashaadaba, sidii Rabbigu amray.
Бедрото на приноса за издигане и гръдната част на движимия принос да донасят заедно с жертвите, принесени чрез огън на тлъстината, за да ги полюшват за движим принос пред Господа; и ще бъде твое вечно право и право на синовете ти с тебе, както заповяда Господ.
16 O o Muuse aad buu u doondoonay ridii ahayd qurbaanka dembiga, markaasuu ogaaday in la gubay, kolkaasuu ku xanaaqay Elecaasaar iyo Iitaamaar oo ahaa Haaruun wiilashiisii hadhay, oo wuxuu iyagii ku yidhi.
Моисей търсеше грижливо козела на приноса за грях, но той беше вече изгорен; затова той се разгневи на Елеазар и Итамар, останалите Ааронови синове, и каза:
17 W ar maxaad qurbaanka dembiga ugu cuni weydeen meesha quduuska ah gudaheeda, maxaa yeelay, kaasu waa kan ugu wada quduusan, oo isagu wuxuu kaas idiin siiyey inaad qaaddaan xumaantii ururka oo aad iyaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu samaysaan?
Защо не ядохте приноса за грях на святото място, тъй като това е пресвят принос и ви е даден, за да отнемате беззаконието на обществото и да правите умилостивение за тях пред Господа?
18 B al eega, orgiga dhiiggiisii lama soo gelin meesha quduuska ah gudaheeda. Sida xaqiiqada ah waxaa idiin ekayd inaad meesha quduuska ah gudaheeda ku cuntaan, sidaan idinku amray.
Ето, кръвта му не бе внесена вътре в светилището. Трябваше непременно да го изядете в светилището, както заповядах.
19 M arkaasaa Haaruun la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, maantadan ayay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaankoodii dembiga iyo qurbaankoodii la gubayay, oo aniga waxaa igu dhacay wax sidan oo kale ah, oo maanta haddaan cuno qurbaankii dembiga, taasu Rabbiga hortiisa ma ku wanaagsanaan lahayd?
Но Аарон отговори на Моисей: Ето, те принесоха днес жертвата си за грях и всеизгарянето си пред Господа; и като ми се случиха такива работи, ако бях ял днес приноса за грях, щеше ли да се види угодно на Господа?
20 M uusena markuu taas maqlay raalli buu ka noqday.
И Моисей, като чу това, му се видя, че бе удовлетворен.