1 H addaba waxaa Eliishaa u qaylisay naag u dhaxday qoonkii nebiyada ahaa midkood, oo waxay ku tidhi, Ninkaygii oo addoonkaaga ahaa waa dhintay, oo adna waad og tahay inuu addoonkaagu Rabbiga ka cabsan jiray. Oo nin deyn nagu lahaa ayaa u yimid inuu labadayda carruurta ah iga qaato oo addoommo ka dhigto.
А една от жените на пророческите ученици извика към Елисей: Слугата ти, мъжът ми, умря. Ти знаеш, че той се боеше от Господа; а заемодавецът дойде да вземе за себе си двамата ми сина за роби.
2 M arkaasaa Eliishaa wuxuu iyadii ku yidhi, Bal ii sheeg, maxaan kuu sameeyaa? Oo maxaad guriga ku haysataa? Iyana waxay tidhi, Anigoo addoontaada ah guriga waxba iima yaalliin dheri saliid ah mooyaane.
Елисей я попита: Какво да направя за тебе? Кажи ми какво имаш вкъщи? А тя отговори: Слугинята ти няма нищо вкъщи освен един съд с дървено масло.
3 O o isna wuxuu ku yidhi, Tag, oo weelal weyddiiso derisyadaada oo dhan, oo ha ahaadeen weelal madhan, wax yarna ha soo weyddiisan.
Елисей каза: Иди, вземи на заем от всичките си съседи много празни съдове.
4 O o waa inaad gurigaaga gashaa oo adiga iyo wiilashaadu albaabka isku soo xidha, oo markaas weelashaas saliidda ku shub, oo intii buuxsanta oo dhan gees u dhig.
После влез, затвори вратата зад себе си и синовете си и наливай от маслото във всички тези съдове; пълните слагай настрана.
5 S idaas daraaddeed isagii way ka tagtay, oo iyadii iyo wiilasheedii albaabkii bay isku soo xidheen, oo iyaguna weelashii bay u keenkeeneen, iyana way ku shubtay.
И така, тя си отиде от него и затвори вратата зад себе си и синовете си; и те донасяха съдовете при нея, а тя наливаше.
6 O o markii weelashii ay wada buuxsameen ayay wiilkeedii ku tidhi, Weliba weel kale ii keen. Markaasuu ku yidhi, Weel dambe ma hadhin. Dabadeedna saliiddii way joogsatay.
След като съдовете се напълниха, жената каза на един от синовете си: Донеси ми още един съд. А той ѝ отговори: Няма друг съд. И маслото престана.
7 M arkaasay soo kacday, oo waxay u soo sheegtay ninkii Ilaah, oo isna wuxuu ku yidhi, Tag oo saliidda iibi, oo deynkaagii ku bixi, oo adiga iyo wiilashaaduna inta hadha ku noolaada. Naagtii Shuuneem Joogtay Oo Wiilkeedii Loo Soo Nooleeyey
Тогава тя дойде и извести на Божия човек. А той ѝ каза: Иди, продай маслото и плати дълга си, и живей с останалото, ти и синовете ти. Елисей възкресява сина на сунамката
8 O o waxaa maalin dhacday in Eliishaa Shuuneem tegey, oo halkaasna waxaa joogtay naag weyn, oo iyana waxay isagii yeelsiisay inuu wax cuno. Oo haddana mar alla markuu soo ag maray ayuu xaggeeda u leexday inuu wax ka cuno.
Един ден Елисей замина в Сунам, където имаше една богата жена; и тя го задържа да яде хляб. И колкото пъти минаваше, се отбиваше там, за да яде хляб.
9 M arkaasay ninkeedii ku tidhi, Bal eeg, waxaan gartay in ninkan oo had iyo goor ina soo ag maraa uu yahay nin Ilaah oo quduus ah.
После жената каза на мъжа си: Ето сега, знам, че този, който постоянно наминава у нас, е свят Божий човек.
10 H addaba waan ku baryayaaye aynu isaga derbiga uga samayno qol yar, oo halkaas u dhigno sariir, iyo miis, iyo kursi, iyo laambad; oo waxay ahaan doontaa markuu inoo yimaadoba inuu halkaas ku leexdo.
Да направим, моля те, една малка стаичка над стената и да сложим в нея за него легло, маса, стол и светилник, за да се отбива там, когато идва при нас.
11 O o waxaa maalin dhacday inuu halkaas yimid oo intuu qolkii ku leexday ayuu halkaas jiifsaday.
И един ден, когато Елисей дойде там, отби се в стаичката и лежеше в нея,
12 O o markaasuu midiidinkiisii Geexasii ku yidhi, U yeedh naagtan reer Shuuneem. Oo markuu u yeedhay ayay hortiisii soo istaagtay.
каза на слугата си Гиезий: Повикай тази сунамка. И той я повика и тя застана пред него.
13 M arkaasuu ku yidhi isagii, Hadda waxaad iyada ku tidhaahdaa, Adigu aad baad noo xannaanaysay, haddaba maxaa laguu sameeyaa? Ma doonaysaa in laguula hadlo boqorka ama sirkaalka ciidanka? Markaasay ku jawaabtay, Anigu waxaan dhex degganahay dadkaygii.
Елисей нареди на Гиезий: Кажи ѝ сега: Ето, ти си положила всички тези грижи за нас; какво да направим за тебе? Желаеш ли да говорим за тебе на царя или на военачалника? А тя отговори: Не, аз живея между своя народ.
14 O o isna wuxuu yidhi, Haddaba maxaa loo sameeyaa iyada? Kolkaasaa Geexasii wuxuu ku jawaabay, Runtii iyadu wiil ma leh, oo ninkeeduna waa oday.
Тогава Елисей попита: И така, какво да направим за нея? А Гиезий отговори: Тя няма син, а мъжът ѝ е стар.
15 M arkaasuu ku yidhi, Bal iyada u yeedh. Oo markuu u yeedhay ayay albaabka soo istaagtay.
Пророкът каза: Повикай я. И когато я повика, тя застана пред вратата.
16 O o isna wuxuu yidhi, Markii wakhtigu soo wareego xilligan oo kale wiil baad laabta ku qabsan doontaa, oo iyana waxay tidhi, Maya sayidkaygiiyow, oo adigu nin yahow Ilaah anoo addoontaada ah been ha ii sheegin.
Елисей ѝ каза: Догодина по това време ще имаш син в обятията си. А тя отговори: Не, господарю мой, Божий човече, не лъжи слугинята си.
17 O o naagtiina way uuraysatay, oo wiil bay dhashay markii wakhtigii soo wareegay, oo waxay noqotay sidii Eliishaa iyada ku yidhi.
Но жената зачена и роди син на другата година по същото време, както ѝ каза Елисей.
18 O o wiilkii markuu koray waxaa maalin dhacay inuu aabbihiis u tegey meeshii kuwa beeraha gooyaa ay joogeen.
И когато детето порасна, излезе един ден при баща си и жътварите.
19 O o wuxuu aabbihiis ku yidhi, Madaxa madaxa! Oo isna wuxuu addoonkiisii ku yidhi, War qaad, oo hooyadiis u gee.
То каза на баща си: Главата ми! Главата ми! А бащата нареди на един от момците: Занеси го при майка му.
20 O o markuu soo qaaday oo hooyadiis u keenay, tan iyo duhurkii ayuu jilbaha hooyadiis ku fadhiyey, dabadeedna wuu dhintay.
Той го взе и го занесе при майка му; детето седя на коленете ѝ до пладне и тогава умря.
21 O o iyana kor bay u baxday, oo waxay isagii ku jiifisay sariirtii ninkii Ilaah, oo intay albaabkii ku xidhay ayay ka baxday.
А тя се качи и го положи на леглото на Божия човек, и като затвори вратата след него, излезе.
22 M arkaasay ninkeedii u dhawaaqday oo ku tidhi, Waan ku baryayaaye iigu cid dir midiidinnadii midkood iyo dameerihii midkood, si aan ninkii Ilaah ugu ordo oo aan haddana u soo noqdo.
Тогава повика мъжа си и каза: Изпрати, моля, един от момците и една от ослиците, за да побързам да отида при Божия човек и да се върна.
23 O o isna wuxuu ku yidhi, Naa maxaad maanta ugu tegaysaa? Maanta bil cusub ma aha, sabtina ma aha. Oo iyana waxay tidhi, War way hagaagi doontaa.
А той отвърна: Защо отиваш при него днес? Не е нито нов месец, нито събота. А тя каза: Бъди спокоен.
24 M arkaasay dameer kooraysatay, oo midiidinkeedii waxay ku tidhi, Igu kaxee oo hore u soco, oo anigoo kugu amra mooyaane ha i raajin.
Тогава оседла ослицата и каза на слугата си: Карай и бързай; не забавяй карането заради мен, освен ако ти заповядам.
25 S aas daraaddeed way tagtay, oo waxay ninkii Ilaah ugu timid Buur Karmel. Oo markii ninkii Ilaah iyadii meel fog ka arkay ayuu midiidinkii Geexasii ku yidhi, Bal eeg waxaa soo socota tii reer Shuuneem.
И така, жената отиде при Божия човек на планината Кармил. А Божият човек, като я видя отдалеч, каза на слугата си Гиезий: Ето там сунамката!
26 H addaba waan ku baryayaaye ku orod oo ka hor tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ma nabad qabtaa? Ninkaagiina ma nabad qabaa? Wiilkaagiina ma nabad qabaa? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Waa nabad.
Сега тичай да я посрещнеш и ѝ кажи: Добре ли си? Добре ли е мъжът ти? Добре ли е детето? А тя отговори: Добре.
27 O o markay ninkii Ilaah buurta ugu timid ayay cagihiisii qabsatay. Oo Geexasii baa u soo dhowaaday inuu ka durkiyo, laakiinse ninkii Ilaah baa yidhi, War iska daa, waayo, nafteedu way welwelsan tahay, oo Rabbiguna taas wuu iga qariyey, iimana sheegin.
А когато дойде при Божия човек на планината, тя се хвана за краката му; а Гиезий се приближи, за да я отблъсне. Но Божият човек каза: Остави я, защото душата ѝ е преогорчена, а Господ е скрил причината от мен и не ми я е явил.
28 M arkaasay tidhi, War ma Rabbigaan wiil ka doonay? Sow kuma aan odhan, War hay khiyaanayn?
Тя попита: Искала ли съм син от господаря си? Не казах ли: Не ме лъжи?
29 O o isna wuxuu Geexasii ku yidhi, War guntiga isku giiji, oo ushayda gacanta ku qabso oo tag, oo haddaad qof la kulantid, ha salaamin, oo haddii qof ku salaamana, ha u jawaabin, oo ushayda waxaad saartaa wiilka wejigiisa.
Тогава Елисей каза на Гиезий: Препаши кръста си, вземи тоягата ми в ръка и иди. Ако срещнеш човек, да не го поздравиш, ако те поздрави някой, да не му отговориш; и положи тоягата ми върху лицето на детето.
30 O o wiilkii hooyadiis waxay tidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Markaasuu kacay oo raacay.
А майката на детето каза: Заклевам се в живота на Господа и в живота на душата ти, че няма да те оставя. И така, той стана и отиде след нея.
31 O o Geexasiina wuu ka sii hor maray, oo ushii saaray wiilka wejigiisii, laakiinse cod iyo wax maqlid toona laguma arag. Sidaas daraaddeed wuu noqday oo intuu ka hor yimid ayuu u warramay, oo ku yidhi, Yarkii ma uu toosin.
А Гиезий мина пред тях и положи тоягата върху лицето на детето; но то нямаше нито глас, нито слух. Затова слугата се върна да посрещне Елисей и му извести: Детето не се събуди.
32 O o Eliishaa markuu gurigii soo galay ayuu arkay in yarku meyd yahay, oo uu sariirtiisii ku jiifo.
И когато Елисей влезе в къщата, детето лежеше умряло, положено на леглото му.
33 S idaas daraaddeed guduhuu galay oo intuu labadoodiiba albaabkii ku xidhay ayuu Rabbiga baryay.
Пророкът влезе, затвори вратата зад тях двамата и се помоли на Господа.
34 M arkaasuu intuu kacay ayuu yarkii ku kor jiifsaday, oo afkuu afka u saaray, indhihiina indhuhuu u saaray, gacmihiina gacmuhuu u saaray; oo korkiisuu isku fidiyey; markaasaa yarka jidhkiisii soo diiray.
Тогава той се качи и легна върху детето, и като сложи устата си върху неговите уста, очите си върху неговите очи и ръцете си върху неговите ръце, се простря върху него; и тялото на детето се стопли.
35 M arkaasuu noqday oo guriga dhexdiisii mar ayuu hore iyo dib ugu socday, oo intuu tegey ayuu haddana yarkii isku fidiyey, markaasaa yarkii toddoba goor hindhisay oo indhaha kala qaaday.
После Елисей се оттегли и ходеше насам-натам из къщата. След това пак се качи и се простря върху него; тогава детето кихна седем пъти и отвори очите си.
36 M arkaasuu Geexasii u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Tii reer Shuuneem u yeedh. Oo isna wuu u soo yeedhay. Oo markay gudaha ugu soo gashay ayuu ku yidhi, Wiilkaaga qaado.
Елисей извика Гиезий и каза: Повикай сунамката. И той я повика. Когато жената влезе при Елисей, той ѝ каза: Вземи сина си.
37 M arkaasay gudaha soo gashay, oo cagihiisii ku dhacday, oo dhulkay ku sujuudday, markaasay wiilkeedii qaadatay oo dibadda u baxday. Dherigii Geerida
И тя падна в краката му и се поклони до земята, вдигна сина си и излезе. Елисей извършва още две чудеса
38 O o Eliishaa haddana wuxuu yimid Gilgaal; oo wakhtigaasna dalku abaar buu ahaa, oo isagana waxaa hortiisa fadhiyey qoonkii nebiyada ahaa; oo isna midiidinkiisii ayuu ku yidhi, Dheriga weyn dabka saar oo qoonka nebiyada ah maraq u kari.
Елисей пак дойде в Галгал, когато имаше глад в земята. Пред него седяха пророческите ученици и го слушаха, а той каза на слугата си: Сложи големия котел и свари вариво за пророческите ученици.
39 O o midba berrinka u baxay inuu khudaar soo guro aawadeed, oo wuxuu helay geed duureed, oo ubbodibadeedyona faraquu ka soo buuxsaday, oo intuu soo noqday ayuu dherigii maraqa ku googooyay, waayo, ma ay garanayn.
Затова един от тях излезе на полето, за да набере зеленище, и като намери диво растение, набра от него диви тиквички и напълни дрехата си. После се върна и ги наряза в котела с варивото, понеже не знаеше, че са отровни.
40 S idaas daraaddeed raggii bay u soo gureen inay cunaan aawadeed. Oo intay maraqii cunayeen ayay qayliyeen, oo yidhaahdeen, War nin yahow Ilaah, dheriga geeri baa ku jirta! Maraqiina way cuni kari waayeen.
После сипаха на хората да ядат, а като ядоха от варивото, извикаха: Божий човече, смърт има в котела! И не можеха да ядат повече от него.
41 L aakiinse isagii wuxuu yidhi, War bal jidhiidh ii keena. Oo kolkay u keeneen ayuu dherigii ku dhex riday, oo wuxuu ku yidhi, War maraqa dadka u shub ha cuneene. Oo dherigiina waxba waxyeello laguma arag. Boqol Qof Oo La Quudiyey
А пророкът нареди: Тогава донесете брашно. И като го хвърли в котела, каза: Сипи на народа да яде. И в котела нямаше нищо отровно.
42 O o nin baa xagga Bacal Shalishaah ka yimid, oo wuxuu ninkii Ilaah kolaygiisii ugu keenay cunto midhihii hore ah, taas oo ah labaatan kibsood oo shaciir ah iyo sabuullo arabikhi oo qoyan. Oo wuxuu ku yidhi, War kuwan dadku ha cuneene sii.
В това време един човек от Ваалсалиса дойде и донесе на Божия човек хляб от първите плодове, двадесет ечемичени хляба и пресни класове жито, небелени. Божият човек каза: Дай на народа да яде.
43 M arkaasaa midiidinkiisii wuxuu ku yidhi, War waa sidee, ma intanaan boqol nin hor dhigaa? Laakiinse isagii wuxuu yidhi, Dadku ha cuneene sii; waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Way cuni doonaan, oo weliba wax bay reebi doonaan.
А слугата му каза: Какво! Да сложа ли това пред стотина човека? А той отговори: Дай на народа да яде, защото така казва Господ: Ще се нахранят и ще остане излишък.
44 S idaas daraaddeed hortoodii buu dhigay, oo iyana way cuneen oo weliba wax bay u reebeen sidii erayga Rabbigu ahaa.
Тогава той сложи пред тях и се нахраниха, и остана излишък според Господнето слово.