Boqorradii Labaad 21 ~ 4 Царе 21

picture

1 O o Manaseh markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo toban sannadood; oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ka ahaa shan iyo konton sannadood, oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Xefsiibaah.

Манасия беше на възраст дванадесет години, когато се възцари, и царува̀ петдесет и пет години в Йерусалим; името на майка му беше Ефсива.

2 O o isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, sidii karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

Той вършѝ зло пред Господа според мерзостите на народите, които Господ прогони пред израелтяните.

3 W aayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacalna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey siduu yeelay Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan.

Издигна отново високите места, които баща му Езекия беше съборил, издигна жертвеници на Ваал и направи ашера, както Израелевият цар Ахаав беше направил, и се кланяше на цялото небесно множество и им служеше.

4 O o wuxuu meelo allabari ka dhex dhisay gurigii Rabbiga, kaasoo Rabbigu ka hadlay oo yidhi, Magacayga waxaan dhigayaa Yeruusaalem dhexdeeda.

Издигна също жертвеници в Господния дом, за който Господ беше казал: В Йерусалим ще настаня името Си.

5 O o wuxuu ciidanka samada oo dhan meelo allabari uga dhisay labadii barxadood oo gurigii Rabbiga.

Издигна жертвеници и на цялото небесно множество вътре в двата двора на Господния дом.

6 O o wiilkiisiina dab buu dhex mariyey, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, wuuna la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey.

Преведе и сина си през огън, използваше предсказания и гадания и си служеше със запитвачи на зли духове и врачове; той извърши голямо зло пред Господа и Го разгневи.

7 O o sanamkii xardhanaa ee geedihii Asheeraah ee uu sameeyey ayuu dhex qotomiyey gurigii Rabbigu ka hadlay oo Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaanba ku yidhi, Gurigan iyo Yeruusaalem dhexdeeda oo aan ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaan magacayga weligiisba ku dayn doonaa.

А ваяния идол на ашерата, който направи, постави в дома, за който Господ каза на Давид и на сина му Соломон: В този дом и в Йерусалим, който избрах от всички Израелеви племена, ще настаня името Си до века;

8 O o cagaha reer binu Israa'iilna mar dambe ka dhigi maayo kuwo ka wareega dalkii aan awowayaashood siiyey, hadday dhawraan uun wixii aan ku amray oo dhan, iyo sharcigii addoonkaygii Muuse ku amray oo dhan.

и няма вече да направя краката на Израел да блуждаят вън от земята, която дадох на бащите им, само ако внимават да вършат всичко, което им заповядах, напълно според закона, който слугата Ми Моисей им даде.

9 L aakiinse way dhegaysan waayeen, oo Manaseh ayaa iyagii ku sasabay inay sameeyaan shar ka sii badan kii ay sameeyeen quruumihii Rabbigu ku hor baabbi'iyey reer binu Israa'iil.

Но не послушаха; а Манасия ги подмами да вършат по-лошо от народите, които Господ погуби пред израелтяните.

10 M arkaasaa Rabbigu ka dhex hadlay nebiyadii addoommadiisa ahaa, oo yidhi,

Тогава Господ говорѝ чрез слугите Си, пророците:

11 M anaseh oo ah boqorka dalka Yahuudah ayaa sameeyey karaahiyadan, wuuna sameeyey shar ka sii badan kii reer Amorkii isaga ka horreeyey ay sameeyeen, oo dadka Yahuudahna wuxuu ku dembaajiyey sanamyadiisii,

Понеже Юдейският цар Манасия направи тези мерзости и извърши повече зло от всичко, което извършиха аморейците, които бяха преди него, и чрез идолите си подведе Юдея да съгреши,

12 o o sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, belaayo weyn baan ku soo ridi doonaa Yeruusaalem iyo dalka Yahuudahba, si ku alla kii maqlaaba uu u argaggaxo.

затова така казва Господ, Израелевият Бог: Ето, Аз нанасям такова зло на Йерусалим и Юдея, че на всеки, който чуе за него, ще му писнат и двете уши.

13 O o Yeruusaalem korkeeda waxaan ku soo fidin doonaa xadhiggii Samaariya iyo xadhiggii miisaanka lahaa ee gurigii Axaab; oo Yeruusaalem waxaan u tirtiri doonaa siduu nin saxan u tirtiro oo kale, isagoo tirtira oo gembiya.

И ще простра върху Йерусалим същата връв за мерене, която прострях върху Самария, и същия отвес, който прострях върху Ахавовия дом; и ще избърша Йерусалим, както някой избърсва блюдо - и като го избърше, обръща го наопаки.

14 O o waan xoorayaa kuwa dhaxalkayga ka hadha, oo waxaan u gacangelinayaa cadaawayaashooda, oo iyana waxay cadaawayaashooda oo dhan u noqon doonaan dhac iyo wax la boobo;

Ще отхвърля останалите от наследството Си и ще ги предам в ръката на неприятелите им; и те ще бъдат разграбени и пленявани от всичките си неприятели,

15 m axaa yeelay, wax shar ah ayay hortayda ku samayn jireen oo way iga xanaajin jireen tan iyo maalintii awowayaashood ay Masar ka soo baxeen ilaa maantadan.

защото вършеха зло пред Мен и Ме разгневяваха от деня, когато бащите им излязоха от Египет, до днес.

16 O o weliba Manaseh wuxuu daadiyey dhiig badan oo aan xaq qabin ilaa uu ka buuxiyey Yeruusaalem dhinac ilaa dhinac, wuxuu kaloo sameeyey dembigiisii uu dadka Yahuudah dembaajiyey, markuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa sharka ku ahaa.

При това освен греха, с който направи Юдея да съгреши, като вършѝ зло пред Господа, Манасия проля и твърде много невинна кръв, докато напълни Йерусалим от единия до другия край.

17 H addaba Manaseh falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo dembigiisii uu dembaabay oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

А останалите дела на Манасия и всичко, което извърши, и грехът, който направи, са записани в Книгата на летописите на Юдейските царе.

18 K olkaasaa Manaseh dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay beertii gurigiisa, taasoo ahayd beertii Cuusaah, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aamoon. Aamoon, Boqorkii Yahuudah

И Манасия заспа с бащите си и беше погребан в градината на своята къща, в градината на Оза; и вместо него се възцари синът му Амон. Царуване на Амон

19 O o Aamoon markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, oo laba sannadoodna Yeruusaalem buu boqor ka ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Meshullemed ina Xaaruus oo reer Yotbaah ahaa.

Амон беше на възраст двадесет и две години, когато се възцари, и царува̀ две години в Йерусалим; името на майка му беше Месулемета, дъщеря на Арус от Йотева.

20 O o isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, sidii aabbihiis Manaseh u yeelay oo kale.

Той вършѝ зло пред Господа, както направи баща му Манасия.

21 O o wuxuu ku socday jidkii aabbihiis ku socday oo dhan, oo wuxuu u adeegay sanamyadii aabbihiis u adeegay oo dhan, wuuna caabuday.

Ходѝ напълно по пътя, по който ходѝ баща му, и служѝ на идолите, на които служеше баща му, и им се поклони.

22 R abbiga ah Ilaahii awowayaashiisna wuu ka tegey oo kuma uu socon jidkii Rabbiga.

Изостави Господа, Бога на бащите си, и не ходѝ по Господния път.

23 M arkaasaa Aamoon addoommadiisii sirqooleen, oo waxay boqorkii ku dhex dileen gurigiisii.

А слугите на Амон организираха заговор против него и убиха царя в собствената му къща.

24 L aakiinse dadkii dalka degganaa ayaa wada laayeen kuwii Boqor Aamoon sirqooleen oo dhan, markaasaa dadkii dalku waxay meeshiisii boqor ka dhigeen wiilkiisii Yoosiyaah.

Обаче народът от страната изби всички, които организираха заговора против цар Амон; и народът издигна сина му Йосия за цар вместо него.

25 H addaba Aamoon falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

А останалите дела, които извърши Амон, са записани в Книгата на летописите на Юдейските царе.

26 O o isagii waxaa lagu aasay qabrigiisii ku dhex yiil beertii Cuusaah, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Yoosiyaah.

И го погребаха в гроба му в градината на Оза; и вместо него се възцари синът му Йосия.