Sharciga Kunoqoshadiisa 3 ~ Второзаконие 3

picture

1 M arkaasaynu leexannay oo waxaynu fuulnay jidka Baashaan u baxa, kolkaasaa waxaa inagu soo baxay Coog oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhan inay inagula diriraan Edrecii.

Тогава завихме и отидохме към Васан; и васанският цар Ог излезе против нас, той и целият му народ, на бой в Едраи.

2 M arkaasuu Rabbigu igu yidhi, Isaga ha ka cabsan, waayo, gacantaan kuu geliyey isaga iyo dadkiisa oo dhan iyo dalkiisaba, oo waxaad isaga ku samaysaa wixii aad ku samaysay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa.

А Господ ми каза: Не бой се от него, защото предадох в ръката ти него, целия му народ и земята му; ще му направиш, както направи на аморейския цар Сион, който живееше в Есевон.

3 O o sidaasuu Rabbiga Ilaaheenna ahu Coogna oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhanba gacanteenna u soo geliyey, oo waynu wada laynay ilaa aan isagii midna u hadhin.

И така, Господ, нашият Бог, предаде в ръката ни и васанския цар Ог, и целия му народ; и го поразихме така, че не оставихме никой да оцелее.

4 O o waagaasaynu magaalooyinkiisii oo dhan wada qabsannay, oo magaalo aynaan isaga ka qabsan lama arag, oo waxaynu qabsannay lixdan magaalo oo ahayd gobolkii Argob oo dhan, kaasoo ahaa boqortooyadii Coog ee Baashaan ku tiil.

В онова време превзехме всичките му градове; нямаше град, който да не превзехме от тях: шестдесет града, цялата Арговска област, царството на Ог във Васан.

5 O o intaas oo dhammu waxay ahaayeen magaalooyin ay ku wada deyran yihiin derbiyo dhaadheer iyo irdo iyo qataarro, oo aanay ku jirin magaalooyin faro badan oo aan deyrnayn.

Всички тези градове бяха укрепени с високи стени, с порти и лостове; и освен тях имаше твърде много неукрепени градове.

6 O o dhammaantood waynu wada duminnay, oo waxaynu ku samaynay sidii aynu Siixon oo boqorkii Xeshboon ahaa ku samaynay oo kale, waynu wada baabbi'innay magaalo kasta oo la degganaa, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba.

Тях изтребихме, както направихме на есевонския цар Сион; изтребихме всеки град, с мъжете, жените и децата.

7 L aakiinse waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka.

А всичкия добитък и плячката от градовете разграбихме.

8 O o waagaas ayaynu dalka kala baxnay farihii labadii boqor oo reer Amor oo degganaa Webi Urdun shishadiisa tan iyo dooxada Arnoon iyo ilaa Buur Xermoon.

Така, в онова време отнехме от двамата аморейски царе земята, която е отвъд Йордан, от потока Арнон до планината Ермон

9 ( Reer Siidoon waxay Xermoon ku magacaabaan Siryon, reer Amorna waxay ku magacaabaan Seniir.)

(Ермон сидонците наричат Сирион, а аморейците я наричат Санир);

10 W axaynu wada qaadannay magaalooyinkii bannaanka ku yiil oo dhan, iyo dalkii Gilecaad oo dhan, iyo Baashaan oo dhan, iyo tan iyo Salkaah iyo Edrecii kuwaasoo ahaa magaalooyinkii boqortooyadii Coog oo Baashaan ku yiil oo dhan.

всички градове на планинската страна, целия Галаад и целия Васан до Салха и Едраи, градове от царството на Ог във Васан.

11 ( Waayo, boqorkii Baashaan oo ahaa Coog keligiis ayaa ka hadhay dadkii reer Refaa'iim, oo bal eeg, sariirtiisu waxay ahayd sariir bir ah, oo dhererkeedu wuxuu ahaa sagaal dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa afar dhudhun, markii nin dhudhunkiis lagu qiyaaso. Sariirtaas sow ma oollin Rabbaah oo ku taal dalka reer Cammoon?) Kala Qaybintii Dalka

(Защото само васанският цар Ог беше останал от оцелелите от исполините; ето, леглото му беше желязно; то е още в Рава на амонците. Дължината му беше девет лакътя и широчината му - четири лакътя, според лакътя на мъж.)

12 O o dalkan waagaas ayaan hanti u qaadannay. Oo tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon agtiisa, iyo dalka buuraha leh oo reer Gilecaad badhkiis iyo magaalooyinkiisaba waxaan siiyey reer Ruubeen iyo reer Gaad.

И дадох на Рувимовите синове и Гадовите синове земята, която превзехме в онова време, от Ароир, който е при потока Арнон, и половината от планинските области на Галаад с градовете му;

13 O o waxaan qabiilka reer Manaseh badhkiis siiyey Gilecaad inteeda kale iyo Baashaan oo dhan oo ah boqortooyadii Coog, intaasoo ah gobolka Argob oo dhan iyo xataa Baashaan oo dhan. (Oo intaas waxaa lagu magacaabaa dalkii reer Refaa'iim.

а остатъка от Галаад и целия Васан, царството на Ог, дадох на половината от Манасиевото племе, цялата Арговска област с целия Васан, който се нарича Земя на исполините.

14 R eer Yaa'iir oo ahaa ina Manasehna wuxuu qabsaday gobolka Argob oo dhan iyo tan iyo soohdinta reer Geshuur iyo reer Macakaah, oo Baashaanna wuu isugu magacaabay oo u bixiyey Hawood Yaa'iir, oo ilaa maantadanna waa loo yaqaan.)

Манасиевият потомец Яир взе цялата Арговска област до границите на гесурците и маахатците и нарече Васан по свое име Хаввот-яир, както се нарича и до днес.

15 O o Gilecaadna waxaan siiyey reer Maakiir.

А на Махир дадох Галаад.

16 O o reer Ruubeen iyo reer Gaadna waxaan Gilecaad ka siiyey tan iyo dooxada Arnoon taas oo ah dooxada badhtankeeda oo ah soohdinta, iyo xataa ilaa Webi Yabboq kaasoo ah soohdinta reer Cammoon,

Но на Рувимовите синове и на Гадовите синове дадох от Галаад до потока Арнон, до средата на потока за граница, и до потока Явок, границата на амонците,

17 i yo Caraabaah, iyo Webi Urdun oo soohdinta ah, tan iyo Kinnered iyo xataa ilaa badda Caraabaah oo ah Badda Cusbada oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah xaggeeda bari.

и полето, и Йордан, който им е граница от Хинерот до морето в пустинята Араба, т. е. Соленото море, под склоновете на Фасга на изток.

18 O o waagaas waxaan idinku amray oo idinku idhi, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkan buu idiin siiyey inaad hantidaan. Raggiinna dagaalyahanka ah oo dhammu idinkoo hub wata walaalihiinna reer binu Israa'iil hor mara oo gudba.

В онова време ви заповядах: Господ, вашият Бог, ви даде тази земя за притежание; затова всички вие, храбри мъже, минете въоръжени пред братята си израелтяните.

19 L aakiinse afooyinkiinna iyo yaryarkiinna iyo xoolihiinnu ha iska joogeen magaalooyinkiinna aan idin siiyey, (waayo, waan ogahay inaad xoolo badan leedihiin,)

Само жените ви, децата ви и добитъкът ви (защото зная, че имате много добитък) нека останат в градовете, които ви дадох,

20 i laa uu Rabbigu nasiyo walaalihiin siduu idiin nasiyey oo kale, oo iyana ay hantiyaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu iyaga ka siinayo Webi Urdun shishadiisa, markaas ninkiin waluba ha ku soo noqdo hantidiisa aan siiyey. Muuse Oo Laga Maanacay Inuu Webiga Urdun Ka Gudbo

докато Господ успокои братята ви, както е успокоил и вас, и превземат и те земята, която Господ, вашият Бог, ще им даде отвъд Йордан; тогава да се върнете всеки в наследството, което ви дадох.

21 O o waagaas ayaan Yashuuca amray oo waxaan ku idhi, Indhahaagu way arkeen kulli wixii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku sameeyey labadan boqor. Oo boqortooyooyinka aad u gudbaysid oo dhan Rabbigu saasuu u gelayaa.

В онова време заръчах на Исус: Очите ти видяха всичко, което стори Господ, вашият Бог, на тези двама царе; така ще направи Господ и на всички царства, към които преминаваш.

22 H addaba ha ka cabsanina, waayo, waxaa idiin dagaallamaya Rabbiga Ilaahiinna ah.

Да не се боите от тях; защото Господ, вашият Бог, воюва за вас.

23 M arkaasaan Rabbiga baryay oo waxaan idhi,

В онова време се молих на Господа, като казах:

24 S ayidow, Ilaahow, waxaad bilowday inaad anoo addoonkaaga ah i tusto weynaantaada iyo gacantaada xoogga badan, waayo, waa kee ilaaha ku jiraa samada amase dhulka oo samayn kara shuqulladaada oo kale iyo falimahaaga waaweyn oo kale?

Господи Йехова, Ти си започнал да показваш на слугата Си величието Си и крепката Си ръка; защото кой е този бог, на небето или на земята, който може да работи, както Ти работиш и според Твоите велики дела?

25 H addaba waan ku baryayaaye, aan u gudbo oo aan arko dalka wanaagsan oo ka shisheeya Webi Urdun, kaasoo ah buurtaas wanaagsan iyo Lubnaan.

Нека премина, моля Ти се, и видя добрата земя отвъд Йордан, онази добра планинска страна и Ливан.

26 L aakiinse Rabbigu idinka daraaddiin buu igu cadhooday, imana uu maqlin. Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Intaasu ha kugu filnaato, oo mar dambe xaalkaas ha igala hadlin.

Но Господ, понеже се беше разгневил на мене заради вас, не ме послуша; Той ми каза: Стига ти; да не Ми проговориш вече за това.

27 H addaba u kac Buur Fisgaah dusheeda, oo indhaha ku taag xagga galbeed iyo xagga woqooyi iyo xagga koonfureed iyo xagga bari, maxaa yeelay, adigu ka gudbi maysid Webigan Urdun.

Изкачи се на върха на Фасга и погледни на запад и север, на юг и изток, и гледай земята с очите си; защото няма да преминеш този Йордан.

28 L aakiinse Yashuuca amar, oo dhiirrigeli, oo xoogee, waayo, isagu wuu gudbi doonaa oo dadkan hor kici doonaa, oo wuxuu dhaxalsiin doonaa dalka aad arki doontid.

Заръчай на Исус, насърчи го и го укрепи; защото той ще мине пред този народ и той ще им раздели за наследство земята, която ще видиш.

29 S idaas daraaddeed waxaan degnay dooxada ka soo hor jeedda Beytfecoor.

И така, седяхме в долината срещу Вет-фегор.