Esteer 7 ~ Естир 7

picture

1 H addaba boqorkii iyo Haamaan waxay u yimaadeen inay Boqorad Esteer martiqaadkeedii ka qayb galaan.

И така, царят и Аман дойдоха да пируват с царица Естир.

2 O o haddana maalintii labaad intii la fadhiyey martiqaadkii khamriga ayaa boqorkii Esteer ku yidhi, Boqorad Esteeray, baryadaadu waa maxay? Waa lagu siinayaaye. Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay, waa laguu yeelayaaye.

А на втория ден, като пиеха вино, царят пак каза на Естир: Какво е желанието ти, царице Естир? И ще ти бъде удовлетворено. А какво е прошението ти? И ще бъде изпълнено, даже до половината от царството.

3 M arkaasaa Boqorad Esteer jawaabtay oo waxay tidhi, Boqorow, haddaad raalli iga tahay oo aad ku faraxdid, baryadayda aawadeed naftayda ha la ii bixiyo, oo weyddiisashadayda aawadeedna dadkaygu ha ii badbaado,

Тогава царица Естир отговори: Ако съм придобила твоето благоволение, царю, и ако е угодно на царя, нека ми бъде подарен животът ми при молбата ми и народът ми при молбата ми;

4 w aayo, aniga iyo dadkaygiiba waxaa loo iibiyey in nala baabbi'iyo, oo nala laayo oo aan halaaganno. Laakiinse haddii naloo iibiyey inaan ahaanno rag iyo dumar addoommo ah, waan iska aamusi lahaa, in kastoo cadowgu aanu boqorka khasaaradiisa ka xaq marin karin.

защото сме продадени, аз и народът ми, да бъдем погубени, избити и изтребени. Ако бяхме само продадени като роби и робини, бих премълчала, при все че неприятелят не би могъл да възстанови щетата на царя.

5 M arkaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu Boqorad Esteer ku yidhi, Yuu yahay, xaggee buuse joogaa, kan ku dhaca oo qalbigiisa sidaas kaga fikiray inuu waxaas yeelo?

Тогава цар Асуир каза на царица Естир: Кой е той и къде е онзи, който е дръзнал в сърцето си да направи така?

6 M arkaasaa Esteer waxay tidhi, Cadow iyo col waxaa ah Haamaankan sharka leh. Markaasaa Haamaan boqorkii iyo boqoraddii hortooda ku cabsaday.

Естир отговори: Противникът и неприятелят е този нечестив Аман. Тогава Аман се смути пред царя и царицата.

7 K olkaasaa boqorkii isagoo cadhaysan, ka kacay martiqaadkii khamriga, oo wuxuu u baxay xagga beerta hoyga boqorka; oo Haamaan ayaa u istaagay inuu Boqorad Esteer naftiisa u baryo, waayo, wuxuu arkay in boqorku belaayo la damacsan yahay.

И царят, разгневен, стана от угощението с вино и отиде в градината на палата, а Аман стана, за да измоли живота си от царица Естир, защото видя, че зло беше решено против него от царя.

8 M arkaasaa boqorkii beertii ka soo noqday oo galay meeshii martiqaadka khamriga lagu dhigay, Haamaanna wuxuu ku sii dhacayay sariirtay Esteer fuushanayd. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Xataa ma boqoradduu hortayda ku xoogayaa iyadoo guriga joogta? Oo isla markii eraygaasu boqorka afkiisii ka soo baxay ayaa Haamaan wejigiisii la deday.

В това време царят се върна от градината на палата в мястото на пиршеството; а Аман беше паднал на постелката, на която беше Естир. И царят каза: Още и царицата ли иска да изнасили пред мен у дома? Щом излязоха тези думи от устата на царя, покриха Амановото лице.

9 K olkaasaa Xarboona oo ahaa boqorka midiidinnadiisa midkood oo boqorka hortiisa joogay ayaa yidhi, Weliba bal eeg, waxaa Haamaan gurigiisa ag qotoma qoriga deldelaadda oo dhererkiisu yahay konton dhudhun, oo Haamaan u sameeyey inuu ku deldelo Mordekay oo boqorka wax wanaagsan kaga hadlay. Markaasaa boqorkii yidhi, Halkaas ku deldela.

Тогава Арвон, един от служещите пред царя евнуси, каза: Ето и бесилката - петдесет лакътя висока, която Аман направи за Мардохей, който говори добро за царя - стои в къщата на Аман. Тогава царят нареди: Обесете го на нея.

10 S idaas daraaddeed Haamaan waxaa lagu deldelay meeshii deldelaadda oo uu u diyaarshay inuu Mordekay ku deldelo, oo markaasaa boqorkii cadho baxay.

И така обесиха Аман на бесилката, която беше приготвил за Мардохей. Тогава царската ярост утихна.