1 M iyaanan xor ahayn? Miyaanan rasuul ahayn? Miyaanan arkin Rabbigeenna Ciise? Miyeydnaan ahayn shuqulkayga xagga Rabbiga?
Am I not free? Am I not an apostle? Have I not seen Jesus our Lord? Are you not my work in the Lord?
2 X ataa haddaanan kuwa kale rasuul u ahayn, idinka waa idiin ahay, waayo, waxaad tihiin shaabadda rasuulnimadayda xagga Rabbiga.
If to others I am not an apostle, at least I am to you; for you are the seal of my apostleship in the Lord.
3 D aafacaaddayda aan kuwa i imtixaama iskaga daafaco waa tan.
My defense to those who examine me is this:
4 M iyaannan annagu jid u lahayn inaannu wax cunno oo wax cabno?
Do we not have a right to eat and drink?
5 M iyaannan jid u lahayn inaannu haweenay walaal ah kaxaysanno sida rasuullada kale iyo walaalaha Rabbiga iyo Keeyfas ay sameeyaan?
Do we not have a right to take along a believing wife, even as the rest of the apostles and the brothers of the Lord and Cephas?
6 M ise aniga iyo Barnabas oo keliyaan jid u lahayn inaannan shaqayn?
Or do only Barnabas and I not have a right to refrain from working?
7 A skarigee baa qarashkiisa weligiis iska bixiya? Yaa beer canab ah beera oo aan midhaheeda cunin? Ama yaa adhi daajiya oo aan caanaha adhiga dhamin?
Who at any time serves as a soldier at his own expense? Who plants a vineyard and does not eat the fruit of it? Or who tends a flock and does not use the milk of the flock?
8 W axyaalahaas ma sida dad baan u leeyahay? Oo sharcigu miyuusan waxyaalahaas oo kale lahayn?
I am not speaking these things according to human judgment, am I? Or does not the Law also say these things?
9 W aayo, waxaa ku qoran sharciga Muuse, Waa inaadan dibiga af xidhin markuu sarreenka burburinayo. Ma Ilaah baa dibiyada oo keliya dhawra,
For it is written in the Law of Moses, “ You shall not muzzle the ox while he is threshing.” God is not concerned about oxen, is He?
10 m ise innagoo dhan buu inoola jeeda? Hubaal, aawadeen baa loo qoray, waayo, kan beerta qodaa waa inuu rajo ku qodo, kan tumaana waa inuu tumo isagoo rajaynaya inuu wax qayb u helo.
Or is He speaking altogether for our sake? Yes, for our sake it was written, because the plowman ought to plow in hope, and the thresher to thresh in hope of sharing the crops.
11 H addaannu idinku beernay waxyaalaha ruuxa, ma wax weyn baa haddaannu waxyaalaha jidhka idinka urursaano?
If we sowed spiritual things in you, is it too much if we reap material things from you?
12 Q aar kale hadday waxaas jid idiinku leeyihiin, miyaannan annagu si ka badan idiinku lahayn? Hase ahaatee, waxan noo jidka ah kuma aannu isticmaalin, laakiin wax walba waannu u dulqaadannaa inaannan sina u joojin injiilka Masiix.
If others share the right over you, do we not more? Nevertheless, we did not use this right, but we endure all things so that we will cause no hindrance to the gospel of Christ.
13 M iyeydnaan ogayn kuwa waxyaalaha quduuska ah ka shaqeeyaa inay macbudka wax ka cunaan, kuwa meesha allabariga ka adeegaana inay meesha allabariga qayb ku leeyihiin?
Do you not know that those who perform sacred services eat the food of the temple, and those who attend regularly to the altar have their share from the altar?
14 S idaas oo kale Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka injiilka ku wacdiyaa ay injiilka ku noolaadaan.
So also the Lord directed those who proclaim the gospel to get their living from the gospel.
15 L aakiin waxyaalahaas midkoodna kuma aan isticmaalin. Haddana waxyaalahan u qori maayo in sidaas la ii yeelo, waayo, waxaa ii roon inaan dhinto intii nin uun faankayga ka dhigi lahaa wax aan wax ka jirin.
But I have used none of these things. And I am not writing these things so that it will be done so in my case; for it would be better for me to die than have any man make my boast an empty one.
16 W aayo, haddaan dadka injiilka ku wacdiyo, wax aan ku faano ma aha, waayo, wax baa i qasbaya, maxaa yeelay, waa ii hoog haddaanan dadka injiilka ku wacdiyin.
For if I preach the gospel, I have nothing to boast of, for I am under compulsion; for woe is me if I do not preach the gospel.
17 W aayo, haddaan waxaas ku sameeyo doonistayda aawadeed, abaalgud baan helayaa, laakiin haddaanan doonistayda ku samayn, weli wakiilnimo baa laygu aaminay.
For if I do this voluntarily, I have a reward; but if against my will, I have a stewardship entrusted to me.
18 H addaba abaalgudkaygu waa maxay? Waa in markaan injiilka dadka ku wacdiyo aan injiilka ka dhigo iibla'aan, si aanan ugu wada isticmaalin waxa ii jidka ah xagga injiilka. Aad Buu Ugu Dadaalay Inuu Dad U Jiido Masiix
What then is my reward? That, when I preach the gospel, I may offer the gospel without charge, so as not to make full use of my right in the gospel.
19 W aayo, in kastoo aan xor ka ahaa dad oo dhan, dhammaan ayaan addoon isaga dhigay, si aan qaar kaloo badan u soo kordhiyo.
For though I am free from all men, I have made myself a slave to all, so that I may win more.
20 Y uhuudda waxaan u noqday sida Yuhuudi oo kale, si aan Yuhuud kale u soo kordhiyo. Kuwa sharciga ka hooseeyana, sida mid sharciga ka hooseeya ayaan u noqday, aniga oo aan sharciga ka hoosayn, si aan kuwa sharciga ka hooseeya u soo kordhiyo.
To the Jews I became as a Jew, so that I might win Jews; to those who are under the Law, as under the Law though not being myself under the Law, so that I might win those who are under the Law;
21 X agga kuwa aan sharciga lahayn, sida mid aan sharci lahayn ayaan u noqday anigoo aan ahayn mid sharci la' xagga Ilaah, laakiin sharci leh xagga Masiix, si aan u soo kordhiyo kuwa aan sharciga lahayn.
to those who are without law, as without law, though not being without the law of God but under the law of Christ, so that I might win those who are without law.
22 X agga kuwa itaalka daran waxaan u noqday mid itaaldaran, si aan kuwa itaalka daran u soo kordhiyo. Dadka oo dhan ayaan wax kasta u noqday inaan si kastaba qaar ku badbaadiyo.
To the weak I became weak, that I might win the weak; I have become all things to all men, so that I may by all means save some.
23 W ax kasta waxaan u sameeyaa injiilka aawadiis, si aan u noqdo mid injiilka la qaybsada iyaga. Dadaalka Loo Baahan Yahay Si Loo Lib Helo
I do all things for the sake of the gospel, so that I may become a fellow partaker of it.
24 M iyaanad ogayn in kuwa tartan ku ordaa ay wada ordaan, laakiin mid uun baa dheefta hela? Sidaas u orda inaad heshaan.
Do you not know that those who run in a race all run, but only one receives the prize? Run in such a way that you may win.
25 K ii cayaarta aad ugu dadaalaa, wax walba ayuu iska dhawraa. Kuwaasu haddaba waxay sidaas u yeelaan inay taaj dhammaanaya helaan, innaguse waxaynu helaynaa mid aan dhammaanaynin.
Everyone who competes in the games exercises self-control in all things. They then do it to receive a perishable wreath, but we an imperishable.
26 H addaba anigu uma ordo qasdila'aan, uma feedhtamo sida mid dabaysha ku dhufanaya.
Therefore I run in such a way, as not without aim; I box in such a way, as not beating the air;
27 L aakiin jidhkaygaan dhibaa oo addoon ka dhigaa si markaan qaar kale injiilka ku wacdiyo aan qudhayda lay diidin.
but I discipline my body and make it my slave, so that, after I have preached to others, I myself will not be disqualified.