Ishacyaah 50 ~ Isaiah 50

picture

1 R abbigu wuxuu leeyahay, Meeday warqaddii furniinka ee hooyadiin, oo aan ku eryay? Waase kuma kan ka mid ah kuwa daynka iga qaba oo aan idinka iibiyey? Bal eega, xumaatooyinkiina aawadood ayaa laydiin iibiyey, oo xadgudubyadiinna aawadood ayaa hooyadiin lagu furay.

Thus says the Lord, “Where is the certificate of divorce By which I have sent your mother away? Or to whom of My creditors did I sell you? Behold, you were sold for your iniquities, And for your transgressions your mother was sent away.

2 H addaba markaan imid, muxuu ninna u jirin? Oo markaan dhawaaqayse maxaa la iigu jawaabi waayay? Miyaa innaba gacantaydu gaaban tahay si ayan wax u furan karin? Amase miyaanan lahayn xoog aan wax ku samatabbixiyo? Bal eega, canaantayda ayaan badda ku engejiyaa, oo webiyaashana cidlo baan ka dhigaa. Kalluunkoodu biyola'aan aawadeed buu la soo uraa, oo oon buu u dhintaa.

“Why was there no man when I came? When I called, why was there none to answer? Is My hand so short that it cannot ransom? Or have I no power to deliver? Behold, I dry up the sea with My rebuke, I make the rivers a wilderness; Their fish stink for lack of water And die of thirst.

3 S amooyinka madow baan huwiyaa, oo dhar joonyad ah ayaan go' uga dhigaa.

“I clothe the heavens with blackness And make sackcloth their covering.”

4 S ayidka Rabbiga ah ayaa afka kuwa wax bartay i siiyey inaan ogaado si aan hadal ugu taageero kan daallan. Subax kastuu i toosiyaa, subax walbana dhegtayduu u toosiyaa inaan wax u maqlo sida kuwa wax bartay.

The Lord God has given Me the tongue of disciples, That I may know how to sustain the weary one with a word. He awakens Me morning by morning, He awakens My ear to listen as a disciple.

5 S ayidka Rabbiga ah ayaa dhegtayda furay, oo aniguna ma aan caasiyoobin, oo dibna ugama aan noqon.

The Lord God has opened My ear; And I was not disobedient Nor did I turn back.

6 K uwii i karbaashay ayaan dhabarkaygii u duway, oo kuwii timaha iga rifayna dhabannadaydaan u duway. Wejigaygiina ceeb iyo candhuuf toona kama aan qarin.

I gave My back to those who strike Me, And My cheeks to those who pluck out the beard; I did not cover My face from humiliation and spitting.

7 W aayo, waxaa i caawin doona Sayidka Rabbiga ah, oo sidaas daraaddeed ma aan sharafjabin, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigaygii uga dhigay sidii dhagaxmadow oo kale, oo waxaan ogahay inaanan ceeboobi doonin.

For the Lord God helps Me, Therefore, I am not disgraced; Therefore, I have set My face like flint, And I know that I will not be ashamed.

8 K a xaq iga dhiga wuu dhow yahay, bal yaa ila diriraya? Aannu isla wada istaagno. Waa kuma kan cadowgayga ahu? Ha ii soo dhowaado.

He who vindicates Me is near; Who will contend with Me? Let us stand up to each other; Who has a case against Me? Let him draw near to Me.

9 B al eega, Sayidka Rabbiga ah ayaa i caawinaya, haddaba waa kuma kan i xukumi doonaa? Bal ogaada, iyagu dhammaantood sida dhar duugoobay bay u gaboobi doonaan, oo kulligood aboor baa cuni doona.

Behold, the Lord God helps Me; Who is he who condemns Me? Behold, they will all wear out like a garment; The moth will eat them.

10 B al yaa idinka mid ah oo Rabbiga ka cabsada, oo codka addoonkiisa addeeca? Kan gudcurka ku dhex socda, oo aan iftiin lahaynu magaca Rabbiga ha aamino, oo Ilaahiisa ha isku halleeyo.

Who is among you that fears the Lord, That obeys the voice of His servant, That walks in darkness and has no light? Let him trust in the name of the Lord and rely on his God.

11 K uwiinna dabka shida, oo ololka isku hareereeya oo dhammow, iftiinka dabkiinna iyo ololka aad shidateen ku socda. Waxaas gacantaydaad ka heli doontaan, oo waxaad ku jiifsan doontaan tiiraanyo.

Behold, all you who kindle a fire, Who encircle yourselves with firebrands, Walk in the light of your fire And among the brands you have set ablaze. This you will have from My hand: You will lie down in torment.