Xaakinnada 3 ~ Judges 3

picture

1 H addaba kuwanu waa quruumihii Rabbigu u daayay inuu reer binu Israa'iil ku tijaabiyo, oo waxay ahaayeen in alla intii aan ogayn dagaalladii reer Kancaan oo dhan;

Now these are the nations which the Lord left, to test Israel by them ( that is, all who had not experienced any of the wars of Canaan;

2 i nay reer binu Israa'iil ogaadaan oo uu iyaga baro dagaal ayan waxba ka aqoon jirin.

only in order that the generations of the sons of Israel might be taught war, those who had not experienced it formerly).

3 O o kuwaasu waxay ahaayeen shantii amiir oo reer Falastiin, iyo reer Kancaan oo dhan, iyo reer Siidoon, iyo reer Xiwi, oo degganaa Buur Lubnaan, iyo tan iyo Buur Bacal Xermoon, iyo tan iyo meesha laga galo Xamaad.

These nations are: the five lords of the Philistines and all the Canaanites and the Sidonians and the Hivites who lived in Mount Lebanon, from Mount Baal-hermon as far as Lebo-hamath.

4 O o kuwaas waxaa loo daayay in reer binu Israa'iil lagu tijaabiyo, in la ogaado bal inay dhegaysanayaan amarradii Rabbiga oo uu ku amray awowayaashood oo uu Muuse soo faray iyo in kale.

They were for testing Israel, to find out if they would obey the commandments of the Lord, which He had commanded their fathers through Moses.

5 O o reer binu Israa'iil waxay dhex degeen reer Kancaan, kuwaas oo ahaa reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

The sons of Israel lived among the Canaanites, the Hittites, the Amorites, the Perizzites, the Hivites, and the Jebusites;

6 O o gabdhahoodiina way ka guursadeen, oo kuwoodiina wiilashoodii bay u guuriyeen, oo waxay u adeegeen ilaahyadoodii. Cotnii'eel

and they took their daughters for themselves as wives, and gave their own daughters to their sons, and served their gods.

7 O o reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way illoobeen, wayna u adeegeen Bacaliimkii iyo geedihii Asheeraah.

The sons of Israel did what was evil in the sight of the Lord, and forgot the Lord their God and served the Baals and the Asheroth.

8 S idaas daraaddeed cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim; oo reer binu Israa'iil waxay Kuushan Rishcaatayim u adeegayeen siddeed sannadood.

Then the anger of the Lord was kindled against Israel, so that He sold them into the hands of Cushan-rishathaim king of Mesopotamia; and the sons of Israel served Cushan-rishathaim eight years. The First Judge Delivers Israel

9 O o markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil u kiciyey badbaadiye, kaasoo badbaadiyey, oo wuxuu ahaa Cotnii'eel ina Qenas oo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa.

When the sons of Israel cried to the Lord, the Lord raised up a deliverer for the sons of Israel to deliver them, Othniel the son of Kenaz, Caleb’s younger brother.

10 O o kaas waxaa ku soo degay Ruuxa Rabbiga, oo wuxuu xukumi jiray reer binu Israa'iil. Dagaal buuna u baxay, oo Rabbiguna wuxuu gacantiisii u geliyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim, oo isna wuu ka gacan sarreeyey Kuushan Rishcaatayim.

The Spirit of the Lord came upon him, and he judged Israel. When he went out to war, the Lord gave Cushan-rishathaim king of Mesopotamia into his hand, so that he prevailed over Cushan-rishathaim.

11 M arkaasaa dalkii xasilloonaa afartan sannadood. Oo Cotnii'eel ina Qenas wuu dhintay. Eehuud

Then the land had rest forty years. And Othniel the son of Kenaz died.

12 O o reer binu Israa'iil mar kalay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun; markaasaa Rabbigu wuxuu xoog u yeelay oo reer binu Israa'iil ku diray boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Cegloon, maxaa yeelay, waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun.

Now the sons of Israel again did evil in the sight of the Lord. So the Lord strengthened Eglon the king of Moab against Israel, because they had done evil in the sight of the Lord.

13 O o isna wuxuu soo urursaday reer Cammoon iyo reer Camaaleq; kolkaasuu intuu tegey laayay reer binu Israa'iil, oo waxay qabsadeen magaaladii lahayd geedo timireedka.

And he gathered to himself the sons of Ammon and Amalek; and he went and defeated Israel, and they possessed the city of the palm trees.

14 O o reer binu Israa'iil waxay boqorkii reer Moo'aab oo Cegloon ahaa u adeegayeen siddeed iyo toban sannadood.

The sons of Israel served Eglon the king of Moab eighteen years. Ehud Delivers from Moab

15 L aakiinse markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu u kiciyey badbaadiye, kaasoo ahaa Eehuud ina Geeraa, oo reer Benyaamiin, oo ahaa nin gurran. Isaga ayay reer binu Israa'iil hadiyad ugu soo dhiibeen Cegloon kii ahaa boqorkii reer Moo'aab.

But when the sons of Israel cried to the Lord, the Lord raised up a deliverer for them, Ehud the son of Gera, the Benjamite, a left-handed man. And the sons of Israel sent tribute by him to Eglon the king of Moab.

16 O o Eehuudna wuxuu samaystay seef laba af leh, oo dhererkeedu yahay dhudhun, oo wuxuu ku xidhay meel dharkiisa ka hoosaysa oo ah bowdadiisa midig.

Ehud made himself a sword which had two edges, a cubit in length, and he bound it on his right thigh under his cloak.

17 O o wuxuu hadiyaddii u dhiibay boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Cegloon; Cegloonna wuxuu ahaa nin aad u buuran.

He presented the tribute to Eglon king of Moab. Now Eglon was a very fat man.

18 O o markuu dhammeeyey bixintii hadiyadda ayuu diray dadkii hadiyadda siday.

It came about when he had finished presenting the tribute, that he sent away the people who had carried the tribute.

19 L aakiinse Eehuud wuxuu ka soo noqday dhagaxyadii qorqornaa Gilgaal agteeda, oo wuxuu yidhi, Boqorow, anigu waxaan kuu wadaa farriin qarsoon. Markaasuu yidhi, Iska aamus. Oo dadkii hareerihiisa taagnaa oo dhammuna dibadday uga baxeen isagii.

But he himself turned back from the idols which were at Gilgal, and said, “I have a secret message for you, O king.” And he said, “Keep silence.” And all who attended him left him.

20 M arkaasaa Eehuud u yimid isagii; oo isna wuxuu keligiis fadhiyey qowladdii uu ku laydhsan jiray, markaasaa Eehuud wuxuu ku yidhi, Waxaan farriin kaaga wadaa Ilaah. Markaasuu ka soo kacay kursigiisii.

Ehud came to him while he was sitting alone in his cool roof chamber. And Ehud said, “I have a message from God for you.” And he arose from his seat.

21 O o Eehuudna wuxuu soo bixiyey gacantiisii bidix, oo wuxuu seeftii kala soo baxay dhinaca bowdadiisii midig, markaasuu Cegloon caloosha kaga muday,

Ehud stretched out his left hand, took the sword from his right thigh and thrust it into his belly.

22 o o xataa daabkiina waa galay afkii dabadiis, oo seefta afkeediina waxaa qariyey xaydhii, waayo, seeftii kama uu soo bixin calooshiisii; oo uus baa ka yimid.

The handle also went in after the blade, and the fat closed over the blade, for he did not draw the sword out of his belly; and the refuse came out.

23 M arkaasaa Eehuud wuxuu u baxay xagga qolqolka, oo uu soo xidhay qowladda albaabbadeedii, wuuna qufulay.

Then Ehud went out into the vestibule and shut the doors of the roof chamber behind him, and locked them.

24 H addaba markuu tegey waxaa yimid addoommadii Cegloon, markaasay intay wax fiiriyeen arkeen albaabbadii qowladda oo qufulan; kolkaasay waxay isyidhaahdeen, Hubaal wuu isku deday qowladdiisa uu ku laydhsado.

When he had gone out, his servants came and looked, and behold, the doors of the roof chamber were locked; and they said, “ He is only relieving himself in the cool room.”

25 O o way sugeen ilaa ay isla yaabeen; oo bal eeg isna albaabbadii qowladda ma uu furin, sidaas daraaddeed furahay qaadeen oo albaabbaday fureen, oo markaasay arkeen sayidkoodii oo dhulka ku dhacay oo meyd ah.

They waited until they became anxious; but behold, he did not open the doors of the roof chamber. Therefore they took the key and opened them, and behold, their master had fallen to the floor dead.

26 E ehuudna waa baxsaday intay sugayeen, oo wuxuu dhaafay dhagaxyadii qorqornaa, oo wuxuu u fakaday xagga Seciiraah.

Now Ehud escaped while they were delaying, and he passed by the idols and escaped to Seirah.

27 O o markuu yimid dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim ayuu afuufay buun, oo reer binu Israa'iilna isagay kala dhaadhaceen dalkii buuraha lahaa, oo isna wuu hor socday.

It came about when he had arrived, that he blew the trumpet in the hill country of Ephraim; and the sons of Israel went down with him from the hill country, and he was in front of them.

28 O o wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waayo, Rabbigu gacantiinnuu soo geliyey reer Moo'aab oo cadaawayaashiinnii ah. Oo iyana isagay ka daba dhaadhaceen, oo waxay reer Moo'aab ka qabsadeen meeshii webiga Urdun laga gudbi jiray, oo ninna uma ay oggolaan inuu ka gudbo.

He said to them, “Pursue them, for the Lord has given your enemies the Moabites into your hands.” So they went down after him and seized the fords of the Jordan opposite Moab, and did not allow anyone to cross.

29 O o markaasay reer Moo'aab ka laayeen rag toban kun ku dhow, kuwaas oo ahaa kuwo xoog wada leh, oo xataa nin keliyuhu kama baxsan.

They struck down at that time about ten thousand Moabites, all robust and valiant men; and no one escaped.

30 S idaasay reer Moo'aab ku hoos galeen reer binu Israa'iil; dalkiina wuu xasilloonaa siddeetan sannadood. Shamgar

So Moab was subdued that day under the hand of Israel. And the land was undisturbed for eighty years. Shamgar Delivers from Philistines

31 O o isagii ka dibna waxaa kacay Shamgar ina Canaad, kaasoo reer Falastiin lix boqol oo nin kaga laayay usha dibida lagu shuqeeyo, oo isaguna reer Israa'iil wuu badbaadiyey.

After him came Shamgar the son of Anath, who struck down six hundred Philistines with an oxgoad; and he also saved Israel.