1 O o yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray Ceelii hortiisa. Oo wakhtigaasna erayga Rabbigu wax aan marar badan la helin buu ahaa, oo muuqasho bayaan ahna lama muujin.
Now the boy Samuel was ministering to the Lord before Eli. And word from the Lord was rare in those days, visions were infrequent.
2 O o wakhtigaas markii Ceelii jiifsaday meeshiisii, (haddaba indhihiisii way arag darnaayeen oo waxba ma uu arki karin)
It happened at that time as Eli was lying down in his place (now his eyesight had begun to grow dim and he could not see well ),
3 o o laambaddii Ilaahna aan weli la demin, oo Samuu'eelna jiifsaday macbudkii Rabbiga, kaasoo ah meeshii sanduuqa Ilaah yiil,
and the lamp of God had not yet gone out, and Samuel was lying down in the temple of the Lord where the ark of God was,
4 a yaa Rabbigu Samuu'eel u yeedhay, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan.
that the Lord called Samuel; and he said, “ Here I am.”
5 M arkaasuu Ceelii ku orday, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Kolkaasuu yidhi, Anigu kuuma aan yeedhin, ee iska jiifso. Markaasuu tegey oo jiifsaday.
Then he ran to Eli and said, “Here I am, for you called me.” But he said, “I did not call, lie down again.” So he went and lay down.
6 M arkaasaa Rabbigu haddana u yeedhay oo yidhi, Samuu'eelow. Kolkaasaa Samuu'eel kacay oo Ceelii u tegey, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Wiilkaygiiyow, kuuma aan yeedhin ee iska jiifso.
The Lord called yet again, “Samuel!” So Samuel arose and went to Eli and said, “Here I am, for you called me.” But he answered, “I did not call, my son, lie down again.”
7 H addaba Samuu'eel weli ma uu aqoon Rabbiga, oo welina erayga Rabbiga looma muujin isaga.
Now Samuel did not yet know the Lord, nor had the word of the Lord yet been revealed to him.
8 O o haddana Rabbigu wuxuu Samuu'eel u yeedhay mar saddexaad. Oo isna wuu kacay oo u tegey Ceelii, wuxuuna ku yidhi, Waa i kan; waayo, waad ii yeedhay. Oo Ceeliina markaasuu gartay in Rabbigu u yeedhay yarka.
So the Lord called Samuel again for the third time. And he arose and went to Eli and said, “Here I am, for you called me.” Then Eli discerned that the Lord was calling the boy.
9 S idaas daraaddeed Ceelii wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Tag oo iska jiifso, oo waxay ahaan doontaa, hadduu kuu yeedho inaad ku tidhaahdid, Rabbiyow ila hadal, waayo anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye. Sidaas aawadeed Samuu'eel waa tegey oo meeshiisuu jiifsaday.
And Eli said to Samuel, “Go lie down, and it shall be if He calls you, that you shall say, ‘Speak, Lord, for Your servant is listening.’” So Samuel went and lay down in his place.
10 M arkaasaa Rabbigu u yimid, oo ag istaagay, oo sidii mararkii kale ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Samuu'eelow, Samuu'eelow. Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Ila hadal, waayo, anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye.
Then the Lord came and stood and called as at other times, “Samuel! Samuel!” And Samuel said, “Speak, for Your servant is listening.”
11 M arkaasaa Rabbigu Samuu'eel ku yidhi, Bal eeg, waxaan reer binu Israa'iil ku dhex samaynayaa wax ku alla kii maqlaaba uu ka nixi doono.
The Lord said to Samuel, “Behold, I am about to do a thing in Israel at which both ears of everyone who hears it will tingle.
12 O o maalintaas waxaan Ceelii ku samayn doonaa kulli wixii aan reerkiisa kaga hadlay oo dhan, ilaa bilowgii iyo xataa dhammaadka.
In that day I will carry out against Eli all that I have spoken concerning his house, from beginning to end.
13 W aayo, waxaan isaga u sheegay inaan reerkiisa weligiis u xukumayo dembigii uu ogaa, maxaa yeelay, wiilashiisii inkaar bay isku rideen, oo isna kama uu joojin iyagii.
For I have told him that I am about to judge his house forever for the iniquity which he knew, because his sons brought a curse on themselves and he did not rebuke them.
14 S idaas daraaddeed waxaan reerka Ceelii ugu dhaartay inaan reerka Ceelii weligiis dembigiisa lagu nadiifin doonin allabari amase qurbaan.
Therefore I have sworn to the house of Eli that the iniquity of Eli’s house shall not be atoned for by sacrifice or offering forever.”
15 M arkaasaa Samuu'eel iska jiifsaday ilaa subaxdii, oo dabadeedna wuxuu furay gurigii Rabbiga albaabbadiisii. Oo Samuu'eelna waa ka cabsaday inuu Ceelii muujintii u sheego.
So Samuel lay down until morning. Then he opened the doors of the house of the Lord. But Samuel was afraid to tell the vision to Eli.
16 M arkaasaa Ceelii Samuu'eel u yeedhay, oo ku yidhi, Wiilkaygii Samuu'eelow, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan.
Then Eli called Samuel and said, “Samuel, my son.” And he said, “Here I am.”
17 M arkaasuu ku yidhi, Waxa Rabbigu kuu sheegay waa maxay? Waan ku baryayaaye, ha iga qarin. Ilaah ha kugu sameeyo waxaas iyo wax ka sii daranba, haddii aad iga qarisid innaba wixii uu kuu sheegay oo dhan.
He said, “What is the word that He spoke to you? Please do not hide it from me. May God do so to you, and more also, if you hide anything from me of all the words that He spoke to you.”
18 O o Samuu'eelna wuu u sheegay wax kasta, oo waxba kama uu qarin innaba. Markaasuu yidhi, Isagu waa Rabbiga, ee ha sameeyo wixii la wanaagsan isaga.
So Samuel told him everything and hid nothing from him. And he said, “ It is the Lord; let Him do what seems good to Him.”
19 O o Samuu'eelna wuu koray, Rabbiguna waa la jiray isaga, oo uma oggolaan in erayadiisii midna dhulka ku dhaco.
Thus Samuel grew and the Lord was with him and let none of his words fail.
20 O o reer binu Israa'iil oo dhammuna tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac way wada ogaayeen in Samuu'eel loo adkeeyey inuu ahaado Rabbiga nebigiis.
All Israel from Dan even to Beersheba knew that Samuel was confirmed as a prophet of the Lord.
21 O o Rabbigu haddana mar kale ayuu ka muuqday Shiiloh, waayo, Rabbiga ayaa eraygiisii isugu muujiyey Samuu'eel oo Shiiloh jooga.
And the Lord appeared again at Shiloh, because the Lord revealed Himself to Samuel at Shiloh by the word of the Lord.