1 O o dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan haddii laga dhex helo mid la dilay oo berrinka dhex yaal, oo la aqoon waayo kii isaga dilay,
“If a slain person is found lying in the open country in the land which the Lord your God gives you to possess, and it is not known who has struck him,
2 m arkaas waa inay wadaaddadiinna iyo xaakinnadiinnu soo baxaan, oo waa inay qiyaasaan ilaa magaalooyinka kan la dilay hareerahiisa ku wareegsan,
then your elders and your judges shall go out and measure the distance to the cities which are around the slain one.
3 o o magaaladii ugu dhow ninka la dilay waa in odayaasha magaaladaasu ay lo'da ka soo wataan qaalin aan lagu shaqaysan oo aan harqood wax ku jiidin,
It shall be that the city which is nearest to the slain man, that is, the elders of that city, shall take a heifer of the herd, which has not been worked and which has not pulled in a yoke;
4 o o odayaasha magaaladaasu waa inay qaalinta u wadaan dooxo biyaheedu ordayaan oo aan la jeexin, waxna lagu beerin, oo halkaas dooxada dhexdeeda ah qaalinta qoorta ha kaga jebiyeen.
and the elders of that city shall bring the heifer down to a valley with running water, which has not been plowed or sown, and shall break the heifer’s neck there in the valley.
5 O o markaas wadaaddada ah ilma Laawi waa inay soo dhowaadaan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaguu u doortay inay isaga u adeegaan iyo inay ku duceeyaan magaca Rabbiga, oo muran kasta iyo dhaawac kastaba siday iyagu yidhaahdaan ha laga yeelo.
Then the priests, the sons of Levi, shall come near, for the Lord your God has chosen them to serve Him and to bless in the name of the Lord; and every dispute and every assault shall be settled by them.
6 O o magaalada ninka la dilay magaalo ahaan ugu dhow odayaasheeda oo dhammu waa inay ku kor faraxashaan qaalintii qoorta lagaga jebiyey dooxada dhexdeeda,
All the elders of that city which is nearest to the slain man shall wash their hands over the heifer whose neck was broken in the valley;
7 o o iyagu markaas ha jawaabeen oo ha yidhaahdeen, Dhiiggan gacmahayagu ma daadin, indhahayaguna ma arag.
and they shall answer and say, ‘Our hands did not shed this blood, nor did our eyes see it.
8 H addaba Rabbiyow, cafi dadkaaga reer binu Israa'iil oo aad soo furatay, oo hana u oggolaan in dhiig aan xaq qabinu uu saarnaado dadkaaga reer binu Israa'iil. Oo markaas iyaga waa loo kafaaro gudi doonaa dhiiggaas.
Forgive Your people Israel whom You have redeemed, O Lord, and do not place the guilt of innocent blood in the midst of Your people Israel.’ And the bloodguiltiness shall be forgiven them.
9 O o sidaas waa inaad dhexdiinna uga saartaan dhiigga aan xaqa qabin markaad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga hortiisa. Guursigii Dumarka Maxaabiista Ah
So you shall remove the guilt of innocent blood from your midst, when you do what is right in the eyes of the Lord. Domestic Relations
10 O o markaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacmihiinna soo geliyo, oo aad maxaabiis ahaan iyaga u kaxaysataan,
“When you go out to battle against your enemies, and the Lord your God delivers them into your hands and you take them away captive,
11 o o haddii midkiin maxaabiista dhexdooda ku arko qof dumar ah oo qurux badan, oo uu iyada jeclaado oo uu doonayo inuu naagaysto,
and see among the captives a beautiful woman, and have a desire for her and would take her as a wife for yourself,
12 m arkaas waa inuu gurigiisii geeystaa, oo iyadu waa inay timaha iska xiirtaa oo ciddiyahana iska jartaa,
then you shall bring her home to your house, and she shall shave her head and trim her nails.
13 o o dharkii maxaabiista waa inay iska furtaa, oo gurigiisa ha joogto, oo bil dhan ha u baroorato aabbaheed iyo hooyadeed, oo taas dabadeed waa inuu u tagaa oo ninkeedii ahaadaa, oo iyana naagtiisii ha ahaato.
She shall also remove the clothes of her captivity and shall remain in your house, and mourn her father and mother a full month; and after that you may go in to her and be her husband and she shall be your wife.
14 O o markaas hadduusan iyada u bogin, waa inuu iska sii daayaa, meeshay doonayso ha tagtee, laakiinse iyada waa inuusan marnaba lacag ku iibin, oo waa inuusan iyada sidii addoon ula macaamiloon, maxaa yeelay, ceeb buu ku hoosaysiiyey. Xaquuqdii Curadka
It shall be, if you are not pleased with her, then you shall let her go wherever she wishes; but you shall certainly not sell her for money, you shall not mistreat her, because you have humbled her.
15 H addii nin laba naagood qabo, oo uu mid jecel yahay, tan kalena neceb yahay, oo tan uu jecel yahay iyo tan uu neceb yahay labaduba ay isaga carruur u dhaleen, oo haddii wiilkiisa curadka ah tan uu neceb yahay ay dhashay,
“If a man has two wives, the one loved and the other unloved, and both the loved and the unloved have borne him sons, if the firstborn son belongs to the unloved,
16 m aalinta uu isagu wiilashiisa dhaxalsiiyo xoolihiisa waa inuusan naagtii uu jeclaa wiilkeeda ka dhigin curadka ka horreeyey tii uu nebcaa wiilkeedii ee curadka ahaa,
then it shall be in the day he wills what he has to his sons, he cannot make the son of the loved the firstborn before the son of the unloved, who is the firstborn.
17 l aakiinse naagtii uu nebcaa wiilkeedu inuu curadkiisii yahay waa inuu ku caddeeyaa qaybta labanlaabka ah ee uu ka siiyo waxa uu haysto oo dhan, maxaa yeelay, isagu waa bilowgii xooggiisa, oo xaqa curadnimada isagaa leh. Wiilka Caasiga Ah
But he shall acknowledge the firstborn, the son of the unloved, by giving him a double portion of all that he has, for he is the beginning of his strength; to him belongs the right of the firstborn.
18 H addii nin leeyahay wiil madax adag oo caasi ah oo aan addeecin hadalka aabbihiis ama hadalka hooyadiis, oo in kastoo ay edbiyaan aan iyaga dhegaysan innaba,
“If any man has a stubborn and rebellious son who will not obey his father or his mother, and when they chastise him, he will not even listen to them,
19 m arkaas aabbihiis iyo hooyadiis waa inay isaga soo qabtaan, oo intay odayaasha magaaladiisa u soo bixiyaan ay iridda magaalada keenaan,
then his father and mother shall seize him, and bring him out to the elders of his city at the gateway of his hometown.
20 o o iyagu odayaasha magaaladiisa ha ku yidhaahdeen, Wiilkayaganu waa madax adag yahay, oo waa caasi, oo isagu dooni maayo inuu hadalkayaga addeeco. Isagu waa rabshaalow oo waa khamriyacab.
They shall say to the elders of his city, ‘This son of ours is stubborn and rebellious, he will not obey us, he is a glutton and a drunkard.’
21 O o markaas nimanka magaaladiisa oo dhammu waa inay isaga dhagxiyaan si uu u dhinto. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan, oo reer binu Israa'iil oo dhammu taas way maqli doonaan, markaasay cabsan doonaan. Qaynuunno Kala Duwan
Then all the men of his city shall stone him to death; so you shall remove the evil from your midst, and all Israel will hear of it and fear.
22 O o haddii nin galo dembi dhimasho istaahila, oo isaga la dilo oo aad geed ka soo deldeshaan,
“If a man has committed a sin worthy of death and he is put to death, and you hang him on a tree,
23 j idhkiisa meydka ahu waa inaan habeenka oo dhan geedka lagu dayn, laakiinse hubaal waa inaad isla maalintaas aastaan si aydaan ku nijaasayn dalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu dhaxal idiin siiyey, maxaa yeelay, mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu ka inkaaran yahay xagga Ilaah.
his corpse shall not hang all night on the tree, but you shall surely bury him on the same day (for he who is hanged is accursed of God), so that you do not defile your land which the Lord your God gives you as an inheritance.