Samuu'eel Kowaad 30 ~ 1 Samuel 30

picture

1 O o maalintii saddexaad intaanay Daa'uud iyo raggiisii Siiqlag iman ayaa reer Camaaleq soo dhaceen xagga koonfureed, iyo Siiqlag, oo waxay weerareen Siiqlag, wayna gubeen;

Then it happened when David and his men came to Ziklag on the third day, that the Amalekites had made a raid on the Negev and on Ziklag, and had overthrown Ziklag and burned it with fire;

2 o o waxay la tageen dumarkii iyo kuwii magaalada ku jiray oo dhan yar iyo weynba. Waxba kama ay layn, laakiinse way la tageen oo iska baxeen.

and they took captive the women and all who were in it, both small and great, without killing anyone, and carried them off and went their way.

3 O o Daa'uud iyo raggiisiina markay magaaladii yimaadeen, waxay arkeen iyadoo la gubay, oo naagahoodii iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba loola wada tegey maxaabiis ahaan.

When David and his men came to the city, behold, it was burned with fire, and their wives and their sons and their daughters had been taken captive.

4 M arkaasaa Daa'uud iyo dadkii la jirayba codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen, ilaa ay waayeen itaal ay ku sii ooyaan.

Then David and the people who were with him lifted their voices and wept until there was no strength in them to weep.

5 O o Daa'uud labadiisii naagood ee ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel, iyo Abiigayil oo ahayd reer Karmel oo Naabaalna u dhaxdayba, waa lala tegey iyagoo maxaabiis ah.

Now David’s two wives had been taken captive, Ahinoam the Jezreelitess and Abigail the widow of Nabal the Carmelite.

6 O o Daa'uudna aad buu u dhibtooday, waayo, dadku waxay ku wada hadleen inay dhagxiyaan, maxaa yeelay, dadkii wuxuu u wada calool xumaaday nin waluba wiilashiisii iyo gabdhihiisii, laakiinse Daa'uud wuxuu isku sii dhiirriyey Rabbiga Ilaahiisa ah.

Moreover David was greatly distressed because the people spoke of stoning him, for all the people were embittered, each one because of his sons and his daughters. But David strengthened himself in the Lord his God.

7 M arkaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ahaa Aabyaataar ina Axiimeleg ku yidhi, Waan ku baryayaaye eefodka halkan iigu keen. Aabyaataarna eefodkii buu Daa'uud u keenay.

Then David said to Abiathar the priest, the son of Ahimelech, “Please bring me the ephod.” So Abiathar brought the ephod to David.

8 M arkaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo wuxuu yidhi, Miyaan eryadaa colkan, oo miyaan gaadhayaa? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Haah, eryo, waayo, hubaal waad gaadhaysaa, oo intii lala tegey oo dhan waad soo celinaysaa.

David inquired of the Lord, saying, “ Shall I pursue this band? Shall I overtake them?” And He said to him, “Pursue, for you will surely overtake them, and you will surely rescue all.”

9 S idaas daraaddeed Daa'uud wuu tegey, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee la jirtayba, oo waxay yimaadeen durdurkii Besoor, oo intii laga tegeyna halkaasay ku hadheen.

So David went, he and the six hundred men who were with him, and came to the brook Besor, where those left behind remained.

10 L aakiinse Daa'uud wuu eryaday, isagoo afar boqol oo nin wata; waayo, laba boqol ayaa dib u hadhay, kuwaasoo aad u daalay oo dhaafi kari waayay durdurkii Besoor.

But David pursued, he and four hundred men, for two hundred who were too exhausted to cross the brook Besor remained behind.

11 O o mid Masri ah ayay duurka ka heleen, oo waxay u keeneen Daa'uud, oo kibisna way siiyeen, wuuna cunay, oo biyo uu cabbona way siiyeen.

Now they found an Egyptian in the field and brought him to David, and gave him bread and he ate, and they provided him water to drink.

12 O o waxay kaloo siiyeen fud yar oo berde ah, iyo laba rucubood oo sabiib ah; oo markuu cunay ayaa naftii ku soo noqotay, waayo, saddex maalmood iyo saddex habeen kibisna ma uu cunin, biyona ma uu cabbin.

They gave him a piece of fig cake and two clusters of raisins, and he ate; then his spirit revived. For he had not eaten bread or drunk water for three days and three nights.

13 M arkaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, War yaa ku leh? Oo xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Waxaan ahay nin dhallinyar oo Masri ah, oo addoon baan u ahay mid reer Camaaleq ah. Sayidkaygii baa iga tegey, maxaa yeelay, saddex maalmood ka hor ayaan bukooday.

David said to him, “To whom do you belong? And where are you from?” And he said, “I am a young man of Egypt, a servant of an Amalekite; and my master left me behind when I fell sick three days ago.

14 O o waxaannu soo dhacnay reer Kereetiim xaggooda Koonfureed, iyo dalka ay leeyihiin reer Yahuudah, iyo xagga Koonfureed oo reer Kaaleeb; oo Siiqlagna waan gubnay.

We made a raid on the Negev of the Cherethites, and on that which belongs to Judah, and on the Negev of Caleb, and we burned Ziklag with fire.”

15 M arkaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Colkaas ma ii geeynaysaa? Isna wuxuu yidhi, Ilaah iigu dhaaro inaadan i dilayn, sayidkaygiina ii gacangelinayn, oo anna colkaas waan kuu geeynayaa.

Then David said to him, “Will you bring me down to this band?” And he said, “Swear to me by God that you will not kill me or deliver me into the hands of my master, and I will bring you down to this band.”

16 O o markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba.

When he had brought him down, behold, they were spread over all the land, eating and drinking and dancing because of all the great spoil that they had taken from the land of the Philistines and from the land of Judah.

17 O o Daa'uudna wuxuu laynayay iyagii fiidkii ilaa fiidkiisii kale, oo nin iyagii ahuna ma baxsan, afar boqol oo dhallinyaro ah oo intay awr fuuleen ku carartay mooyaane.

David slaughtered them from the twilight until the evening of the next day; and not a man of them escaped, except four hundred young men who rode on camels and fled.

18 O o Daa'uudna wuu soo wada dhiciyey waxay reer Camaaleq la tageen oo dhan; oo labadiisii naagoodna Daa'uud waa soo badbaadiyey.

So David recovered all that the Amalekites had taken, and rescued his two wives.

19 O o waxba kama maqnayn iyagii, wax yar iyo wax weyn toona, ama wiilal iyo gabdho toona, ama booli iyo wixii ay la tageen oo dhan toona; oo Daa'uudna wuu soo wada celiyey kulligood.

But nothing of theirs was missing, whether small or great, sons or daughters, spoil or anything that they had taken for themselves; David brought it all back.

20 M arkaasaa Daa'uud kaxaystay idihii iyo lo'dii oo dhan, oo waxay ku hor kexeeyeen xoolihii kale, oo yidhaahdeen, Intanu waa boolidii Daa'uud.

So David had captured all the sheep and the cattle which the people drove ahead of the other livestock, and they said, “ This is David’s spoil.” The Spoils Are Divided

21 O o Daa'uudna wuxuu u yimid labadii boqol oo nin oo intay daaleen Daa'uud raaci kari weyday, oo ay durdurkii Besoor agtiisa kaga tageen, oo iyana waxay u soo baxeen inay ka hor tagaan Daa'uud iyo dadkii la jiray; oo Daa'uudna markuu dadkii u soo dhowaaday ayuu nabdaadiyey.

When David came to the two hundred men who were too exhausted to follow David, who had also been left at the brook Besor, and they went out to meet David and to meet the people who were with him, then David approached the people and greeted them.

22 M arkaasay raggii sharka lahaa ee waxmatarayaasha ahaa oo Daa'uud raacay oo dhammuba waxay ugu jawaabeen, Maalkii aannu soo dhacsannay iyaga waxba ka siin mayno, maxaa yeelay, nama ay raacin, laakiinse nin kasta waxaannu siinaynaa naagtiisii iyo carruurtiisii, ee ha kaxaysteen oo ha iska tageen.

Then all the wicked and worthless men among those who went with David said, “Because they did not go with us, we will not give them any of the spoil that we have recovered, except to every man his wife and his children, that they may lead them away and depart.”

23 M arkaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Walaalahayow, waa inaydnaan saas ku samayn wixii Rabbigu ina siiyey, kaasoo ah kii ina badbaadiyey, oo weliba inoo soo gacangeliyey colkii ina soo weeraray.

Then David said, “You must not do so, my brothers, with what the Lord has given us, who has kept us and delivered into our hand the band that came against us.

24 H addaba bal yaa waxaa idinka maqlaya? Ka dagaalka u baxaa siduu qayb u helo ayuu ka alaabta ku hadhaana qayb u helayaa; isku si waa inay u qaybsadaan.

And who will listen to you in this matter? For as his share is who goes down to the battle, so shall his share be who stays by the baggage; they shall share alike.”

25 M aalintaas intay ka bilaabanto ilaa maantadan la joogo, wuxuu taas uga dhigay reer binu Israa'iil, qaynuun iyo amar.

So it has been from that day forward, that he made it a statute and an ordinance for Israel to this day.

26 O o Daa'uudna markuu Siiqlag yimid ayuu boolidii qaarkeed odayaashii dalkii Yahuudah u diray, iyo xataa saaxiibbadiis, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, tanu waa hadiyad ka mid ah boolidii aan cadaawayaashii Rabbiga ka soo dhacay,

Now when David came to Ziklag, he sent some of the spoil to the elders of Judah, to his friends, saying, “Behold, a gift for you from the spoil of the enemies of the Lord:

27 o o wuxuu u wada diray kuwii Beytel joogay, iyo kuwii Raamod tii koonfureed joogay, iyo xataa kuwii Yatiir joogay,

to those who were in Bethel, and to those who were in Ramoth of the Negev, and to those who were in Jattir,

28 i yo kuwii Carooceer joogay, iyo kuwii Sifmood joogay, iyo kuwii Eshtemooca joogay,

and to those who were in Aroer, and to those who were in Siphmoth, and to those who were in Eshtemoa,

29 i yo kuwii Raakaal joogay, iyo kuwii magaalooyinka reer Yeraxme'eel joogay, iyo kuwii magaalooyinka reer Qeyn joogay,

and to those who were in Racal, and to those who were in the cities of the Jerahmeelites, and to those who were in the cities of the Kenites,

30 i yo kuwii Xormaah joogay, iyo kuwii Koor Caashaan joogay, iyo kuwii Cataag joogay,

and to those who were in Hormah, and to those who were in Bor-ashan, and to those who were in Athach,

31 i yo kuwii Xebroon joogay, oo xataa wuu u wada diray kuwii joogay meelihii Daa'uud iyo raggiisu ku noqnoqon jireen oo dhan.

and to those who were in Hebron, and to all the places where David himself and his men were accustomed to go.”