1 H addaba markii Sanballad iyo Toobiyaah iyo Geshem kii Carabka ahaa, iyo cadaawayaashayadii kale loo sheegay inaan derbigii dhisay iyo inaan innaba daldalool lagu arag (in kastoo wakhtigaas aanan weli qotomin albaabbadii irdaha),
Now when it was reported to Sanballat, Tobiah, to Geshem the Arab and to the rest of our enemies that I had rebuilt the wall, and that no breach remained in it, although at that time I had not set up the doors in the gates,
2 a yay Sanballad iyo Geshem ii soo cid direen oo waxay yidhaahdeen, Kaalay oo aan ku wada kulanno tuulooyinka bannaanka Oonoo ku yaal middood. Laakiinse waxay ku fikireen inay belaayo igu sameeyaan.
then Sanballat and Geshem sent a message to me, saying, “Come, let us meet together at Chephirim in the plain of Ono.” But they were planning to harm me.
3 O o waxaan u diray wargeeyayaal, oo ku idhi, Waxaan samaynayaa shuqul weyn oo sidaas daraaddeed ma iman karo. Bal maxaa shuqulku u joogsanayaa markaan ka tago oo aan idiin imaado?
So I sent messengers to them, saying, “I am doing a great work and I cannot come down. Why should the work stop while I leave it and come down to you?”
4 O o fartiin caynkaas ah ayay afar jeer ii soo direen; oo anna isla sidii baan ugu jawaabay.
They sent messages to me four times in this manner, and I answered them in the same way.
5 O o haddana isla sidaas oo kale Sanballad wuxuu markii shanaad ii soo diray midiidinkiisii oo gacanta ku sida warqad furan.
Then Sanballat sent his servant to me in the same manner a fifth time with an open letter in his hand.
6 O o waxaa ku qornaa, Waxaa quruumaha dhexdooda laga sheegay, Gashmuuna uu leeyahay, in adiga iyo Yuhuudduba aad ku talo jirtaan inaad fallaagowdaan, oo waa taas daraaddeed waxaad derbiga u dhisaysaa, oo sida waafaqsan erayadan la soo sheegay waxaad doonaysaa inaad boqor u ahaatid.
In it was written, “It is reported among the nations, and Gashmu says, that you and the Jews are planning to rebel; therefore you are rebuilding the wall. And you are to be their king, according to these reports.
7 O o weliba waxaad dooratay nebiyo si ay wax kugu saabsan dadka Yeruusaalem ugu wacdiyaan, iyagoo leh, Dalka Yahuudah waxaa jooga boqor. Haddaba erayadan waxaa loo sheegi doonaa boqorka. Haddaba sidaas daraaddeed kaalay, oo aan tashannee.
You have also appointed prophets to proclaim in Jerusalem concerning you, ‘A king is in Judah!’ And now it will be reported to the king according to these reports. So come now, let us take counsel together.”
8 M arkaasaan u cid diray oo ku idhi, Waxaad leedahay oo kale halkan innaba laguma samayn, laakiinse adigaa qalbigaaga ka soo hindisay.
Then I sent a message to him saying, “Such things as you are saying have not been done, but you are inventing them in your own mind.”
9 W aayo, dhammaantood waxay doonayeen inay na cabsiiyaan, oo waxay isyidhaahdeen, Shuqulkay ka daali doonaan, mana dhammayn doonaan. Laakiinse, Ilaahow, xoog ii yeel.
For all of them were trying to frighten us, thinking, “ They will become discouraged with the work and it will not be done.” But now, O God, strengthen my hands.
10 M arkaasaan tegey gurigii Shemacyaah ina Delaayaah oo ahaa ina Meheetabeel oo xidhnaa; oo wuxuu igu yidhi, Guriga Rabbiga oo ah macbudka dhexdiisa aan ku kulanno, oo aan xidhanno albaabbada macbudka, waayo, iyagu waxay u iman doonaan inay ku dilaan. Haah, oo habeennimada ayay u soo iman doonaan inay ku dilaan.
When I entered the house of Shemaiah the son of Delaiah, son of Mehetabel, who was confined at home, he said, “Let us meet together in the house of God, within the temple, and let us close the doors of the temple, for they are coming to kill you, and they are coming to kill you at night.”
11 A niguse waxaan ku idhi, Nin anigoo kale ahu miyuu cararaa? Bal waase kee, kan aniga ila mid ah oo macbudka u geli lahaa inuu naftiisa ku badbaadiyo? Geli maayo.
But I said, “ Should a man like me flee? And could one such as I go into the temple to save his life? I will not go in.”
12 M arkaasaan gartay inaan Ilaah isaga soo dirin, laakiinse hadal iga gees ah ayuu ugu hadlay sidii nebi oo kale, waayo, waxaa soo kiraystay Toobiyaah iyo Sanballad.
Then I perceived that surely God had not sent him, but he uttered his prophecy against me because Tobiah and Sanballat had hired him.
13 O o taas aawadeed baa isaga loo soo kiraystay inaan cabsado oo saas yeelo oo aan dembaabo, iyo inay iyagu sabab u helaan war xun si ay iigu ceebeeyaan.
He was hired for this reason, that I might become frightened and act accordingly and sin, so that they might have an evil report in order that they could reproach me.
14 H addaba Ilaahayow, sida shuqulladoodu yihiin u xusuuso Toobiyaah iyo Sanballad iyo weliba nebiyaddii Noocadyaah iyo nebiyadii kale oo damcay inay i cabsigeliyaan. Dhammaystirkii Derbiga
Remember, O my God, Tobiah and Sanballat according to these works of theirs, and also Noadiah the prophetess and the rest of the prophets who were trying to frighten me. The Wall Is Finished
15 O o sidaasaa derbigii laba iyo konton maalmood loogu dhammeeyey bishii Eluul maalinteedii shan iyo labaatanaad.
So the wall was completed on the twenty-fifth of the month Elul, in fifty-two days.
16 O o markii cadaawayaashayadii oo dhammu ay taas maqleen ayay kulli quruumihii hareerahayaga ku wareegsanaa oo dhammu wada cabsadeen, oo aad bay u ceeboobeen, waayo, waxay garteen in shuqulkan laga sameeyey Ilaahayaga xaggiisa.
When all our enemies heard of it, and all the nations surrounding us saw it, they lost their confidence; for they recognized that this work had been accomplished with the help of our God.
17 O o weliba waagaas kuwii gobta ahaa oo dalka Yahuudah warqado badan bay u direen Toobiyaah, oo iyagana waxaa u yimid warqadihii Toobiyaah.
Also in those days many letters went from the nobles of Judah to Tobiah, and Tobiah’s letters came to them.
18 W aayo, dalka Yahuudah waxaa joogay kuwo badan oo isaga u dhaartay, maxaa yeelay, isaga waxaa soddog u ahaa Shekaanyaah ina Aarax; oo wiilkiisii Yehooxaanaanna wuxuu guursaday Meshullaam ina Berekyaah gabadhiisii.
For many in Judah were bound by oath to him because he was the son-in-law of Shecaniah the son of Arah, and his son Jehohanan had married the daughter of Meshullam the son of Berechiah.
19 O o weliba waxay hortayda kaga hadleen falimihiisii wanaagsanaa, oo hadalkaygana isagay u sheegeen. Toobiyaahna warqaduu iigu soo diray inuu i cabsiiyo.
Moreover, they were speaking about his good deeds in my presence and reported my words to him. Then Tobiah sent letters to frighten me.