1 M arkaasaa Muuse tegey oo erayadan kula hadlay reer binu Israa'iil oo dhan.
So Moses went and spoke these words to all Israel.
2 O o wuxuu iyagii ku yidhi, Maanta waxaan jiraa boqol iyo labaatan sannadood, oo mar dambe ma bixi karo, mana soo geli karo, oo Rabbiguna wuxuu igu yidhi, Webigan Urdun ka gudbi maysid.
And he said to them, “I am a hundred and twenty years old today; I am no longer able to come and go, and the Lord has said to me, ‘ You shall not cross this Jordan.’
3 H addaba waxaa idin hor gudbaya Rabbiga Ilaahiinna ah, oo hortiinna buu ka baabbi'in doonaa quruumahaas, oo idinna iyaga waad hantiyi doontaan, oo sidii Rabbigu yidhi, waxaa idin hor kici doona Yashuuca.
It is the Lord your God who will cross ahead of you; He will destroy these nations before you, and you shall dispossess them. Joshua is the one who will cross ahead of you, just as the Lord has spoken.
4 O o Rabbigu wuxuu quruumahaas ku samayn doonaa siduu ugu sameeyey Siixon iyo Coog iyo dalkoodiiba, kuwaas oo ahaa boqorradii reer Amor ee uu baabbi'iyey.
The Lord will do to them just as He did to Sihon and Og, the kings of the Amorites, and to their land, when He destroyed them.
5 O o Rabbigu iyaga gacantiinna buu soo gelin doonaa, oo waa inaad ku samaysaan siduu yahay amarkii aan idinku amray oo dhan.
The Lord will deliver them up before you, and you shall do to them according to all the commandments which I have commanded you.
6 H addaba xoog yeesha oo aad u dhiirranaada, ha baqina, hana ka cabsanina, waayo, waxaa idinla socda Rabbigii Ilaahiinna ahaa. Idinma gabi doono, idinmana dayrin doono.
Be strong and courageous, do not be afraid or tremble at them, for the Lord your God is the one who goes with you. He will not fail you or forsake you.”
7 M arkaasaa Muuse Yashuuca u yeedhay, oo wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, waxaad dadkan ula gudbaysaa dalkii Rabbigu awowayaashood ugu dhaartay inuu iyaga siinayo, oo dalkaas ayaad dhaxalsiin doontaa.
Then Moses called to Joshua and said to him in the sight of all Israel, “ Be strong and courageous, for you shall go with this people into the land which the Lord has sworn to their fathers to give them, and you shall give it to them as an inheritance.
8 W axaa ku hor socda Rabbiga, wuuna kula jiri doonaa, kuma gabi doono, kumana dhayrin doono, haddaba ha baqin, hana qalbi jabin. Akhrintii Sharciga
The Lord is the one who goes ahead of you; He will be with you. He will not fail you or forsake you. Do not fear or be dismayed.”
9 M arkaasaa Muuse sharcigan qoray, oo wuxuu u dhiibay wadaaddadii reer Laawi oo qaadi jiray sanduuqii axdiga Rabbiga, iyo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhan.
So Moses wrote this law and gave it to the priests, the sons of Levi who carried the ark of the covenant of the Lord, and to all the elders of Israel.
10 M arkaasaa Muuse iyagii ku amray oo ku yidhi, Haddaba markii toddoba sannadood dhammaatoba wakhtiga la amray oo sannadda saamaxaadda, oo ah Iidda Waababka,
Then Moses commanded them, saying, “At the end of every seven years, at the time of the year of remission of debts, at the Feast of Booths,
11 m arkii reer binu Israa'iil oo dhammu ay u yimaadaan inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meesha uu dooranayo, waa inaad sharcigan ku akhridaan reer binu Israa'iil oo dhan hortooda iyagoo maqlaya.
when all Israel comes to appear before the Lord your God at the place which He will choose, you shall read this law in front of all Israel in their hearing.
12 O o soo wada shiriya dadka oo dhan, ragga, iyo dumarka, iyo dhallaanka, iyo qariibka irdihiinna ku jiraba, inay maqlaan, oo ay bartaan, oo ay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, iyo inay xajiyaan oo wada yeelaan erayada sharcigan oo dhan,
Assemble the people, the men and the women and children and the alien who is in your town, so that they may hear and learn and fear the Lord your God, and be careful to observe all the words of this law.
13 i yo in carruurtooda aan hore u aqoonu ay maqlaan, oo ay bartaan inay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, in alla intaad deggan tihiin dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan. Caasinimada Reer Binu Israa'iil Oo La Sii Sheegay
Their children, who have not known, will hear and learn to fear the Lord your God, as long as you live on the land which you are about to cross the Jordan to possess.” Israel Will Fall Away
14 M arkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Bal eeg, wakhtigii aad dhiman lahayd waa soo dhow yahay, haddaba Yashuuca u yeedh oo isdhex taaga teendhada shirka, aan isaga amar siiyee. Markaasaa Muuse iyo Yashuuca tageen oo teendhadii shirka isdhex taageen.
Then the Lord said to Moses, “Behold, the time for you to die is near; call Joshua, and present yourselves at the tent of meeting, that I may commission him.” So Moses and Joshua went and presented themselves at the tent of meeting.
15 K olkaasaa Rabbigu teendhada kaga dhex muuqday tiir daruur ah, oo tiirkii daruurta ahaa wuxuu ku kor istaagay iriddii teendhada.
The Lord appeared in the tent in a pillar of cloud, and the pillar of cloud stood at the doorway of the tent.
16 M arkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Bal eeg, waad dhiman doontaa oo awowayaashaa la seexan doontaa, oo dadkanuna way kici doonaan oo sida naagi ninkeeda ka dhillowday ayay u raaci doonaan ilaahyada qalaad ee dalka, kuwaasoo ay dhex joogayaan, oo aniga way iga tegi doonaan oo axdigaygii aan iyaga la dhigtayna way jebin doonaan.
The Lord said to Moses, “Behold, you are about to lie down with your fathers; and this people will arise and play the harlot with the strange gods of the land, into the midst of which they are going, and will forsake Me and break My covenant which I have made with them.
17 O o kolkaasaa cadhadaydu ku kululaan doontaa iyaga, waanan ka tegi doonaa, oo wejigaygana waan ka qarin doonaa, oo iyaga waa la baabbi'in doonaa, oo waxaa ku soo degi doona masiibo iyo dhibaatooyin badan, oo waxay maalintaas odhan doonaan, Ilaaheenna aan ina dhex joogin aawadiis sow masiibadanu inooguma soo degin?
Then My anger will be kindled against them in that day, and I will forsake them and hide My face from them, and they will be consumed, and many evils and troubles will come upon them; so that they will say in that day, ‘ Is it not because our God is not among us that these evils have come upon us?’
18 O o anna hubaal maalintaas wejigayga ayaan ka qarin doonaa sharka badan oo ay sameeyeen aawadiis, maxaa yeelay, iyagu waxay u jeesteen ilaahyo kale.
But I will surely hide My face in that day because of all the evil which they will do, for they will turn to other gods.
19 H addaba gabaygan qorta, adiguna reer binu Israa'iil bar, oo iyaga afkooda geli, in gabaygaasu ii noqdo markhaati reer binu Israa'iil ka gees ah.
“Now therefore, write this song for yourselves, and teach it to the sons of Israel; put it on their lips, so that this song may be a witness for Me against the sons of Israel.
20 W aayo, markaan iyaga geeyo dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, dalkaasoo caano iyo malab la barwaaqaysan, oo ay wax cunaan oo wada dhergaan oo cayilaan, kolkaasay u jeesan doonaan ilaahyo kale, wayna u adeegi doonaan, anna way i quudhsan doonaan, axdigaygana way jebin doonaan.
For when I bring them into the land flowing with milk and honey, which I swore to their fathers, and they have eaten and are satisfied and become prosperous, then they will turn to other gods and serve them, and spurn Me and break My covenant.
21 O o markii masiibo iyo dhibaatooyin badanu ku soo degaan ayaa gabayganu hortooda ku markhaati furayaa, waayo, afka farcankoodu ma illoobi doono, maxaa yeelay, waan ogahay fikirkooda ay ku fikirayaan haddeertan intaanan iyaga geeyn dalkii aan ugu dhaartay ka hor.
Then it shall come about, when many evils and troubles have come upon them, that this song will testify before them as a witness (for it shall not be forgotten from the lips of their descendants); for I know their intent which they are developing today, before I have brought them into the land which I swore.”
22 S idaas daraaddeed Muuse ayaa gabaygan isla maalintaas qoray oo reer binu Israa'iil baray.
So Moses wrote this song the same day, and taught it to the sons of Israel. Joshua Is Commissioned
23 O o Rabbigaa Yashuuca ina Nuun amar siiyey oo ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, reer binu Israa'iil ayaad geeyn doontaa dalkii aan iyaga ugu dhaartay, oo anna waan kula jiri doonaa.
Then He commissioned Joshua the son of Nun, and said, “ Be strong and courageous, for you shall bring the sons of Israel into the land which I swore to them, and I will be with you.”
24 O o markii Muuse dhammaystiray sharcigan erayadiisii oo uu kitaab ku qoray ilaa ay wada dhammaadeen,
It came about, when Moses finished writing the words of this law in a book until they were complete,
25 a yaa Muuse amray reer Laawi oo qaadi jiray sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi iyagii,
that Moses commanded the Levites who carried the ark of the covenant of the Lord, saying,
26 K itaabkan sharciga qaada, oo waxaad ag dhigtaan sanduuqa axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah inuu halkaas ku ahaado markhaati idinka gees ah.
“Take this book of the law and place it beside the ark of the covenant of the Lord your God, that it may remain there as a witness against you.
27 W aayo, caasinimadiinna iyo madax adkaantiinna waan aqaan. Bal eeg, intaan weli noolahay oo aan maantadan idinla joogo caasiyiin baad ku ahaydeen Rabbiga, haddaba intee baad ka sii darnaan doontaan markaan dhinto dabadeed?
For I know your rebellion and your stubbornness; behold, while I am still alive with you today, you have been rebellious against the Lord; how much more, then, after my death?
28 H addaba bal ii soo shiriya odayaasha qabiilooyinkiinna oo dhan iyo saraakiishiinna aan erayadan dhegahooda kula hadlee, oo aan samada iyo dhulkana u yeedha iyaga ha ku marag fureene.
Assemble to me all the elders of your tribes and your officers, that I may speak these words in their hearing and call the heavens and the earth to witness against them.
29 W aayo, waan ogahay in markaan dhinto dabadeed aad iskharribi doontaan, oo aad jidkii aan idinku amrayna gees uga leexan doontaan, oo ugu dambaystana masiibo baa idinku dhici doonta, maxaa yeelay, waxaad samayn doontaan wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, inaad isaga kaga xanaajisaan shuqulka aad gacmihiinna ku samaysaan. Gabaygii Muuse
For I know that after my death you will act corruptly and turn from the way which I have commanded you; and evil will befall you in the latter days, for you will do that which is evil in the sight of the Lord, provoking Him to anger with the work of your hands.”
30 K olkaasaa Muuse shirkii reer binu Israa'iil oo dhan dhegahoodii kula hadlay erayadii gabaygan ilaa ay wada dhammaadeen.
Then Moses spoke in the hearing of all the assembly of Israel the words of this song, until they were complete: