Yexesqeel 45 ~ Ezekiel 45

picture

1 O o weliba markaad dhulka saami dhaxal ahaan ugu qaybsataan, waa inaad Rabbiga qurbaan ka siisaan, kaasoo ah dalka qaybtiisa quduuska ah. Meeshaas dhererkeedu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkeeduna waa inuu ahaadaa toban kun oo cawsduur. Oo meeshaas hareeraheeda ku wareegsan oo dhammu waa inay quduus wada ahaadaan.

“And when you divide by lot the land for inheritance, you shall offer an allotment to the Lord, a holy portion of the land; the length shall be the length of 25, 000 cubits, and the width shall be 20, 000. It shall be holy within all its boundary round about.

2 O o waa in taas meesha quduuska ah looga yeelaa jago dhererkeedu yahay shan boqol, oo ballaadhkeeduna yahay shan boqol, oo afar gees ah, oo waa in konton dhudhun agagaarkeeda laga dhigaa.

Out of this there shall be for the holy place a square round about five hundred by five hundred cubits, and fifty cubits for its open space round about.

3 O o intaasna waa inaad ka qiyaastaa meel dhererkeedu yahay shan iyo labaatan kun, ballaadhkeeduna yahay toban kun, oo waxaa dhexdeeda ku oolli doona meesha quduuska ah taas oo ah meesha ugu wada quduusan.

From this area you shall measure a length of 25, 000 cubits and a width of 10, 000 cubits; and in it shall be the sanctuary, the most holy place.

4 W aa dalka qaybtiisa quduuska ah, oo waxaa iska leh wadaaddada ah kuwa meesha quduuska ah ka adeega oo u soo dhowaado inay Rabbiga u adeegaan. Oo waxay ahaan doontaa meel ay guryo ka dhistaan, iyo meel quduus ah oo ay daarta quduuska ahu ku dhex taal.

It shall be the holy portion of the land; it shall be for the priests, the ministers of the sanctuary, who come near to minister to the Lord, and it shall be a place for their houses and a holy place for the sanctuary.

5 O o meesha dhererkeedu yahay shan iyo labaatan kun oo ballaadhkeeduna yahay toban kun waa inay hanti ahaan u ahaataa reer Laawi oo daarta ka adeega, taas iyo labaatan qolladood.

An area 25, 000 cubits in length and 10, 000 in width shall be for the Levites, the ministers of the house, and for their possession cities to dwell in.

6 O o hantida magaalada waa inaad doorataan, taasoo ah meel ballaadhkeedu yahay shan kun oo cawsduur, oo dhererkeeduna yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ay ag taal qaybta quduuska ah, oo taasna waxaa iska lahaan doona reer binu Israa'iil oo dhan.

“You shall give the city possession of an area 5, 000 cubits wide and 25, 000 cubits long, alongside the allotment of the holy portion; it shall be for the whole house of Israel. Portion for the Prince

7 O o meesha qurbaanka quduuska ah iyo meesha ay hantida magaaladu ku dhex taal dhinacoodan iyo dhinacoodaasba waxaa iska lahaan doona amiirka, meesha qurbaanka quduuska ah horteeda iyo meesha ay hantida magaaladu ku taal horteeda, dhinaca galbeed xaggiisa galbeed iyo dhinaca bari xaggiisa bariba, oo dhererkoodu waa inuu la mid noqdaa qaybaha middood soohdinteeda galbeed iyo soohdinteeda bari inta ka dhex leh.

“The prince shall have land on either side of the holy allotment and the property of the city, adjacent to the holy allotment and the property of the city, on the west side toward the west and on the east side toward the east, and in length comparable to one of the portions, from the west border to the east border.

8 O o taasu waxay amiirka u ahaan doontaa hantida uu reer binu Israa'iil ku dhex leeyahay, oo amiirradayduna waa inayan mar dambe dadkayga dulmin, laakiinse dalka waa inay reer binu Israa'iil u siiyaan siday qabiilooyinkoodu kala yihiin.

This shall be his land for a possession in Israel; so My princes shall no longer oppress My people, but they shall give the rest of the land to the house of Israel according to their tribes.”

9 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Amiirrada reer binu Israa'iilow, intaasu ha idinku filnaato. Dulmiga iyo dhicidda joojiya, oo garsoorid iyo caddaalad sameeya, oo baaddiinnana dadkayga ka fogeeya, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

‘Thus says the Lord God, “ Enough, you princes of Israel; put away violence and destruction, and practice justice and righteousness. Stop your expropriations from My people,” declares the Lord God.

10 W aa inaad kafado xaq ah iyo eefaah xaq ah iyo bad xaq ah lahaataan.

“You shall have just balances, a just ephah and a just bath.

11 O o eefaahda iyo badku waa inay isku qiyaas ahaadaan, eefaahdu waa inay qaaddaa xomeer toban meelood loo dhigay meeshiis, oo badkuna waa inuu qaadaa xomeer toban meelood loo dhigay meeshiis, oo qiyaastuna waa inay ahaataa sida xomeerka.

The ephah and the bath shall be the same quantity, so that the bath will contain a tenth of a homer and the ephah a tenth of a homer; their standard shall be according to the homer.

12 O o sheqelkuna waa inuu ahaadaa labaatan geeraah, oo maanehiinnuna waa inuu ahaadaa labaatan sheqel, shan iyo labaatan sheqel iyo shan iyo toban sheqel. Qurbaannada Iyo Maalmaha Quduuska Ah

The shekel shall be twenty gerahs; twenty shekels, twenty-five shekels, and fifteen shekels shall be your maneh.

13 O o qurbaanka aad bixinaysaanna waa kan: xomeer kasta oo sarreen ahba waa inaad ka bixisaan eefaah lix meelood loo dhigay meesheed, oo haddana xomeer kasta oo shaciir ahba waa inaad ka bixisaan eefaah lix meelood loo dhigay meesheed.

“This is the offering that you shall offer: a sixth of an ephah from a homer of wheat; a sixth of an ephah from a homer of barley;

14 O o amarka saliidduna waa kan: kor kastaba waa inaad ka bixisaan bad toban meelood loo dhigay meeshiis. Korkuna waa toban bad, sida xomeer oo kale.

and the prescribed portion of oil ( namely, the bath of oil), a tenth of a bath from each kor ( which is ten baths or a homer, for ten baths are a homer);

15 O o labadii tiro oo ido ahba waa inaad ka bixisaan wan laga soo kaxeeyey daaqa barwaaqaysan oo reer binu Israa'iil, oo waa inaad u bixisaan qurbaan hadhuudh ah, iyo qurbaan la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino, si aad iyaga ugu kafaaragguddaan aawadeed, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

and one sheep from each flock of two hundred from the watering places of Israel—for a grain offering, for a burnt offering and for peace offerings, to make atonement for them,” declares the Lord God.

16 O o dadka dalka deggan oo dhammu waa inay qurbaankaas amiirka reer binu Israa'iil siiyaan.

“ All the people of the land shall give to this offering for the prince in Israel.

17 O o amiirka qaybtiisu waxay ahaan doontaa inuu qurbaannada la gubo, iyo qurbaannada hadhuudhka, iyo qurbaannada cabniinka bixiyo ayaamaha iidaha iyo wakhtiga ay biluhu dhashaan, iyo maalmaha sabtiyada, iyo iidaha reer binu Israa'iil oo dhan. Isagu waa inuu qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka la gubo, iyo qurbaannada nabaadiinada, diyaariyaa, si reer binu Israa'iil loogu kafaaraggudo.

It shall be the prince’s part to provide the burnt offerings, the grain offerings and the drink offerings, at the feasts, on the new moons and on the sabbaths, at all the appointed feasts of the house of Israel; he shall provide the sin offering, the grain offering, the burnt offering and the peace offerings, to make atonement for the house of Israel.”

18 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bishii kowaad maalinteedii kowaad waa inaad dibi yar oo aan iin lahayn soo wadataa, oo waa inaad meesha quduuska ah nadiifisaa.

‘Thus says the Lord God, “In the first month, on the first of the month, you shall take a young bull without blemish and cleanse the sanctuary.

19 O o wadaadku waa inuu qaar ka soo qaadaa dhiigga qurbaanka dembiga, oo waa inuu mariyaa daarta tiirarkeeda, iyo meesha allabariga saldhiggeeda afartiisa gees, iyo tiirarka iridda barxadda gudaha.

The priest shall take some of the blood from the sin offering and put it on the door posts of the house, on the four corners of the ledge of the altar and on the posts of the gate of the inner court.

20 O o waa inaad bisha maalinteeda toddobaad saas oo kale u samaysaa mid kasta oo qalad ama aqoonla'aan ku dembaaba. Oo waa inaad sidaas daarta ugu kafaaragguddaan.

Thus you shall do on the seventh day of the month for everyone who goes astray or is naive; so you shall make atonement for the house.

21 O o bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaad waa inaad Iiddii Kormaridda iiddaan, taasoo ah iid toddoba maalmood ah, waana in la cunaa kibis aan khamiir lahayn.

“In the first month, on the fourteenth day of the month, you shall have the Passover, a feast of seven days; unleavened bread shall be eaten.

22 O o maalintaas amiirku waa inuu nafsaddiisa iyo dadka dalka oo dhanba dibi qurbaan dembi ah u diyaariyaa.

On that day the prince shall provide for himself and all the people of the land a bull for a sin offering.

23 O o toddobada maalmood oo iiddana waa inuu Rabbiga u diyaariyaa qurbaan la gubo, kaasoo ah toddoba dibi iyo toddoba wan oo aan iin lahayn oo uu toddobada maalmoodba maalin kasta diyaariya, oo maalin kastana waa inuu orgi qurbaan dembi u bixiyaa.

During the seven days of the feast he shall provide as a burnt offering to the Lord seven bulls and seven rams without blemish on every day of the seven days, and a male goat daily for a sin offering.

24 O o waa inuu qurbaan hadhuudh oo ah eefaah dibiba iyo eefaah wanba diyaariyaa, oo eefah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.

He shall provide as a grain offering an ephah with a bull, an ephah with a ram and a hin of oil with an ephah.

25 O o bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaadna waa inuu sidaas oo kale sameeyaa iidda toddobada maalmood ah; waa inuu sameeyaa siduu qurbaanka dembigu yahay, iyo siduu qurbaanka la gubo yahay, iyo siduu qurbaanka hadhuudhku yahay, iyo siday saliiddu tahayba.

In the seventh month, on the fifteenth day of the month, at the feast, he shall provide like this, seven days for the sin offering, the burnt offering, the grain offering and the oil.”