1 M arkaasaa Daa'uud wuxuu la arrinsaday saraakiishii kun kun u taliyey iyo kuwii boqol boqol u taliyey iyo xataa hoggaamiye kasta.
Then David consulted with the captains of the thousands and the hundreds, even with every leader.
2 M arkaasaa Daa'uud wuxuu shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Hadday idinla wanaagsan tahay iyo hadday tahay tan Rabbiga Ilaaheenna ah aynu meel kasta ugu cid dirno walaalaheenna ku hadhay dalka Israa'iil oo dhan, kuwaasoo ah kuwa wadaaddada iyo reer Laawi ay la dhex joogaan magaalooyinkooda agagaarka leh, si ay iyaguna inoogu soo ururaan.
David said to all the assembly of Israel, “If it seems good to you, and if it is from the Lord our God, let us send everywhere to our kinsmen who remain in all the land of Israel, also to the priests and Levites who are with them in their cities with pasture lands, that they may meet with us;
3 O o weliba aynu sanduuqii Ilaaheenna mar kale soo ceshanno, waayo, isagii waynu iska daynay wakhtigii Saa'uul noolaa.
and let us bring back the ark of our God to us, for we did not seek it in the days of Saul.”
4 M arkaasaa shirkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Haah, oo sidaasaynu yeelaynaa, maxaa yeelay, taasu dadkii oo dhan ayay la qummanayd.
Then all the assembly said that they would do so, for the thing was right in the eyes of all the people.
5 M arkaasuu Daa'uud soo wada shiriyey reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ka soo ururiyey tan iyo Shiixoor oo ah durdurka Masar iyo xataa tan iyo meesha Xamaad laga galo in sanduuqii Ilaah Qiryad Yecaariim laga soo qaado.
So David assembled all Israel together, from the Shihor of Egypt even to the entrance of Hamath, to bring the ark of God from Kiriath-jearim.
6 M arkaasaa Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay tageen Bacalaah, oo ah Qiryad Yecaariim, oo ay reer Yahuudah iska leeyihiin, inay halkaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah oo ah meesha Rabbiga Keruubiimta kala dhex fadhiya magiciisa lagu baryo.
David and all Israel went up to Baalah, that is, to Kiriath-jearim, which belongs to Judah, to bring up from there the ark of God, the Lord who is enthroned above the cherubim, where His name is called.
7 O o sanduuqii Ilaah gaadhi cusub bay saareen, markay ka soo bixiyeen gurigii Abiinaadaab, oo gaadhigiina waxaa waday Cuusaa iyo Axiyoo.
They carried the ark of God on a new cart from the house of Abinadab, and Uzza and Ahio drove the cart.
8 O o Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Ilaah hortiis ku cayaareen xooggooda oo dhan, oo gabayo, iyo kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo suxuun laysku garaaco, iyo turumbooyin ayay ku cayaareen.
David and all Israel were celebrating before God with all their might, even with songs and with lyres, harps, tambourines, cymbals and with trumpets.
9 O o markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Kiidon ayaa Cuusaa gacanta fidiyey si uu u qabto sanduuqii, waayo, dibidii sidday ayaa turunturootay.
When they came to the threshing floor of Chidon, Uzza put out his hand to hold the ark, because the oxen nearly upset it.
10 M arkaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday Cuusaa, wuuna dilay, maxaa yeelay, isagu wuxuu gacanta ku fidiyey sanduuqa, oo halkaasuu ku dhintay Ilaah hortiisa.
The anger of the Lord burned against Uzza, so He struck him down because he put out his hand to the ark; and he died there before God.
11 O o Daa'uudna taas buu ka xumaaday, maxaa yeelay, Rabbigu degdeg buu u qabtay Cuusaa, oo meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Feres Cuusaa, oo ilaa maantadanna waa la yidhaahdaa.
Then David became angry because of the Lord’s outburst against Uzza; and he called that place Perez-uzza to this day.
12 O o Daa'uudna maalintaas wuu ka baqay Ilaah, oo wuxuu isyidhi, Sanduuqa Ilaah bal sidee baan magaaladayda u geeysanayaa?
David was afraid of God that day, saying, “How can I bring the ark of God home to me?”
13 S idaas daraaddeed Daa'uud sanduuqii ma geeyn magaaladiisii, laakiinse gees buu ugu leexshay gurigii Cobeed Edoom kii reer Gad.
So David did not take the ark with him to the city of David, but took it aside to the house of Obed-edom the Gittite.
14 O o saddex bilood ayaa sanduuqii Ilaah gurigii Cobeed Edoom xaaskiisa la yiil, oo Rabbiguna wuu barakeeyey Cobeed Edoom reerkiisii iyo wixii uu haystay oo dhan.
Thus the ark of God remained with the family of Obed-edom in his house three months; and the Lord blessed the family of Obed-edom with all that he had.