1 M arkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan, oo uu hortiinna ka eryo quruumo badan oo ah reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, kuwaasoo ah toddoba quruumood oo idinka weyn oo idinka xoog badan,
“ When the Lord your God brings you into the land where you are entering to possess it, and clears away many nations before you, the Hittites and the Girgashites and the Amorites and the Canaanites and the Perizzites and the Hivites and the Jebusites, seven nations greater and stronger than you,
2 o o markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacanta idiin soo geliyo, oo aad iyaga laysaan, markaas waa inaad iyaga dhammaantood wada baabbi'isaan. Waa inaydaan axdi la dhigan, oo aydaan u naxariisan innaba.
and when the Lord your God delivers them before you and you defeat them, then you shall utterly destroy them. You shall make no covenant with them and show no favor to them.
3 O o idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina, wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina.
Furthermore, you shall not intermarry with them; you shall not give your daughters to their sons, nor shall you take their daughters for your sons.
4 W aayo, isagu wuxuu wiilkiinna ka leexin doonaa aniga lasocodkayga inay iyagu u adeegaan ilaahyo kale, sidaas daraaddeed Rabbiga cadhadiisu aad bay idiinku kululaan doontaa, markaasuu haddiiba idin baabbi'in doonaa.
For they will turn your sons away from following Me to serve other gods; then the anger of the Lord will be kindled against you and He will quickly destroy you.
5 L aakiinse iyaga waa inaad sidan kula macaamilootaan, meelahooda allabariga waa inaad dumisaan, oo aad tiirarkoodana burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gooysaan, oo aad sanamyadooda xardhanna gubtaan.
But thus you shall do to them: you shall tear down their altars, and smash their sacred pillars, and hew down their Asherim, and burn their graven images with fire.
6 W aayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti isaga uga ah dadyowga dhulka jooga oo dhan.
For you are a holy people to the Lord your God; the Lord your God has chosen you to be a people for His own possession out of all the peoples who are on the face of the earth.
7 B adnaan aad dadadka kale ka badan tihiin Rabbigu idiinma jeclaan oo idiinma dooran saas aawadeed, waayo, idinku dadyowga oo dhan waad ugu wada yaraydeen,
“ The Lord did not set His love on you nor choose you because you were more in number than any of the peoples, for you were the fewest of all peoples,
8 l aakiinse Rabbigu wuu idin jecel yahay, oo wuxuu doonayaa inuu oofiyo dhaartii uu awowayaashiin ugu dhaartay, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu idinku soo bixiyey gacan xoog badan, oo wuxuu idinka soo furtay gurigii addoonsiga iyo boqorkii Masar oo Fircoon ahaa gacantiisii.
but because the Lord loved you and kept the oath which He swore to your forefathers, the Lord brought you out by a mighty hand and redeemed you from the house of slavery, from the hand of Pharaoh king of Egypt.
9 H addaba bal ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu Ilaah yahay, oo isagu yahay Ilaaha aaminka ah oo axdiga dhawra, oo tan iyo kun qarni u naxariista kuwa isaga jecel oo amarkiisa xajiya.
Know therefore that the Lord your God, He is God, the faithful God, who keeps His covenant and His lovingkindness to a thousandth generation with those who love Him and keep His commandments;
10 O o kuwa isaga necebna si uu u baabbi'iyo ayuu abaalgudkooda toos u mariyaa; ka raajin maayo kii isaga neceb ee abaalgudkiisa haddiiba toos buu u marinayaa.
but repays those who hate Him to their faces, to destroy them; He will not delay with him who hates Him, He will repay him to his face.
11 H addaba waa inaad dhawrtaan amarka iyo qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idinku amrayo inaad yeeshaan.
Therefore, you shall keep the commandment and the statutes and the judgments which I am commanding you today, to do them. Promises of God
12 X ukummadaas haddaad maqashaan oo aad xajisaan oo aad samaysaan ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin xajin doonaa axdigii iyo naxariistii uu awowayaashiin ugu dhaartay,
“ Then it shall come about, because you listen to these judgments and keep and do them, that the Lord your God will keep with you His covenant and His lovingkindness which He swore to your forefathers.
13 w uuna idin jeclaan doonaa oo idin barakayn doonaa oo idin tarmin doonaa, oo weliba wuxuu kaloo barakayn doonaa midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna oo ah hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna iyo saliiddiinna iyo taranka lo'diinna iyo ubadka idihiinna, dhammaan wuxuuna ku barakayn doonaa dalkii uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo.
He will love you and bless you and multiply you; He will also bless the fruit of your womb and the fruit of your ground, your grain and your new wine and your oil, the increase of your herd and the young of your flock, in the land which He swore to your forefathers to give you.
14 O o dadyowga oo dhan waad ka barako badnaan doontaan, oo idinka iyo xoolihiinna toona lab iyo dhaddigba laguma arki doono madhalays.
You shall be blessed above all peoples; there will be no male or female barren among you or among your cattle.
15 O o Rabbigu wuxuu idinka qaadi doonaa cudur kasta, oo isagu idinku ridi maayo cudurradii Masar oo xunxumaa oo aad tiqiin midnaba, laakiinse kulligood wuxuu ku wada ridi doonaa kuwa idin neceb oo dhan.
The Lord will remove from you all sickness; and He will not put on you any of the harmful diseases of Egypt which you have known, but He will lay them on all who hate you.
16 O o waa inaad wada baabbi'isaan dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu gacanta idiin soo gelin doono, oo waa inaydaan iyaga u nixin, oo ilaahyadoodana waa inaydaan u adeegin, maxaa yeelay, taasu dabin bay idiin noqonaysaa.
You shall consume all the peoples whom the Lord your God will deliver to you; your eye shall not pity them, nor shall you serve their gods, for that would be a snare to you.
17 O o haddaad qalbiga iska tidhaahdaan, Quruumahanu way naga badan yihiin haddaba bal sidee baannu iyaga u hanti tiri karnaa?
“If you should say in your heart, ‘These nations are greater than I; how can I dispossess them?’
18 w aa inaydaan ka cabsan, oo waa inaad aad u xusuusataan wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu ku sameeyey Fircoon iyo dalkii Masar oo dhan.
you shall not be afraid of them; you shall well remember what the Lord your God did to Pharaoh and to all Egypt:
19 X usuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii, iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan.
the great trials which your eyes saw and the signs and the wonders and the mighty hand and the outstretched arm by which the Lord your God brought you out. So shall the Lord your God do to all the peoples of whom you are afraid.
20 O o weliba Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu iyaga dhexdooda u soo diri doonaa xoon ilamaa inta ka hadhay oo dhuumatay ay hortiinna ka wada baabba'aan.
Moreover, the Lord your God will send the hornet against them, until those who are left and hide themselves from you perish.
21 W aa inaydaan iyaga ka baqin, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinnuu joogaa, oo isagu waa Ilaah weyn oo laga cabsado aad iyo aad.
You shall not dread them, for the Lord your God is in your midst, a great and awesome God.
22 O o Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas aayar aayar ayuu hortiinna uga eryi doonaa. Oo waa inaydaan iyaga mar qudha baabbi'in si aan dugaagga duurku idiinku badan.
The Lord your God will clear away these nations before you little by little; you will not be able to put an end to them quickly, for the wild beasts would grow too numerous for you.
23 L aakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu gacantiinnuu soo gelin doonaa, oo jeeray wada baabba'aan wuxuu idiinkaga nixin doonaa naxdin weyn.
But the Lord your God will deliver them before you, and will throw them into great confusion until they are destroyed.
24 O o boqorradooda wuxuu soo gelin doonaa gacantiinna, oo magacooda waa inaad ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo ninnaba ma awoodi doono inuu hortiinna istaago jeeraad iyaga wada baabbi'isaan.
He will deliver their kings into your hand so that you will make their name perish from under heaven; no man will be able to stand before you until you have destroyed them.
25 O o sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.
The graven images of their gods you are to burn with fire; you shall not covet the silver or the gold that is on them, nor take it for yourselves, or you will be snared by it, for it is an abomination to the Lord your God.
26 G urigiinnana waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay, waxaasu waa xaaraan.
You shall not bring an abomination into your house, and like it come under the ban; you shall utterly detest it and you shall utterly abhor it, for it is something banned.