Muujintii 17 ~ Revelation 17

picture

1 M arkaasaa waxaa timid toddobadii malaa'igood oo toddobada fijaan haystay middood, oo way ila hadashay, waxayna igu tidhi, Kaalay halkan, waxaan ku tusi doonaa xukunka dhillada weyn oo biyaha badan ku dul fadhida,

Then one of the seven angels who had the seven bowls came and spoke with me, saying, “Come here, I will show you the judgment of the great harlot who sits on many waters,

2 t aasoo boqorrada dunidu ay ka sinaysteen, oo kuwa dunida degganuna ay khamrigii sinadeeda ku sakhraameen.

with whom the kings of the earth committed acts of immorality, and those who dwell on the earth were made drunk with the wine of her immorality.”

3 M arkaasay waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay cidlada; markaasaan arkay naag fuushan bahal guduudan oo ay ka buuxaan magacyo cay ahu, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees.

And he carried me away in the Spirit into a wilderness; and I saw a woman sitting on a scarlet beast, full of blasphemous names, having seven heads and ten horns.

4 O o naagtuna waxay qabtay dhar midabkiisu yahay casaan iyo guduud, oo waxaa kaloo ay ku sharraxnayd dahab iyo dhagaxyo qaali ah iyo luul, oo waxay gacanta ku haysatay koob dahab ah oo waxyaalihii karaahiyada ahaa ka buuxaan, kuwaas oo ahaa waxyaalihii nijaasta ahaa oo sinadeeda,

The woman was clothed in purple and scarlet, and adorned with gold and precious stones and pearls, having in her hand a gold cup full of abominations and of the unclean things of her immorality,

5 o o waxaa wejiga ugu qornaa magac ah qarsoodi, oo ah Baabuloonta weyn ee hooyada u ah dhillooyinka iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dunida.

and on her forehead a name was written, a mystery, “ BABYLON THE GREAT, THE MOTHER OF HARLOTS AND OF THE ABOMINATIONS OF THE EARTH.”

6 M arkaasaan arkay naagtii oo ku sakhraantay dhiiggii quduusiinta iyo dhiiggii kuwii Ciise u markhaati furay. Oo markaan iyadii arkay ayaan aad ula yaabay.

And I saw the woman drunk with the blood of the saints, and with the blood of the witnesses of Jesus. When I saw her, I wondered greatly.

7 M arkaasaa malaa'igtii waxay igu tidhi, War, maxaad u yaabtay? Waxaan kuu sheegi doonaa qarsoodiga naagta iyo bahalka iyada sida oo leh toddobada madax iyo tobanka gees.

And the angel said to me, “Why do you wonder? I will tell you the mystery of the woman and of the beast that carries her, which has the seven heads and the ten horns.

8 B ahalkii aad aragtay wuu jiray, haddase ma jiro; oo wuxuu dhowaan ka soo bixi doonaa yamayska, oo wuxuu tegi doonaa halaag. Oo kuwa dhulka jooga oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha waagii dunida la aasaasay, markay bahalka arkaan waxay la yaabi doonaan siduu markii hore u jiray, oo uusan haatan u jirin, oo uu hadda ka dib u jiri doono.

“ The beast that you saw was, and is not, and is about to come up out of the abyss and go to destruction. And those who dwell on the earth, whose name has not been written in the book of life from the foundation of the world, will wonder when they see the beast, that he was and is not and will come.

9 W aa kan maanka xigmadda lihi. Toddobada madax waa toddoba buurood oo ay naagtu ku fadhiisato; oo iyagu waxa weeyaan toddoba boqor;

Here is the mind which has wisdom. The seven heads are seven mountains on which the woman sits,

10 s hantood way dhaceen, midna wuu joogaa, midkii kalena weli ma iman; oo markuu yimaado, in yar buu sii jiri doonaa.

and they are seven kings; five have fallen, one is, the other has not yet come; and when he comes, he must remain a little while.

11 O o bahalkii markii hore jiray oo aan haatan jirin, isaga qudhiisuna waa mid siddeedaad oo toddobaduu ka mid yahay; oo wuxuu tegi doonaa halaag.

The beast which was and is not, is himself also an eighth and is one of the seven, and he goes to destruction.

12 O o tobankii gees oo aad aragtay waa toban boqor, oo aan weli helin boqortooyo; laakiinse intii saacad ah waxay amar la heleen bahalka sida boqorro oo kale.

The ten horns which you saw are ten kings who have not yet received a kingdom, but they receive authority as kings with the beast for one hour.

13 K uwanu waa isku maan, oo iyagu xooggooda iyo amarkooda waxay siiyeen bahalka.

These have one purpose, and they give their power and authority to the beast. Victory for the Lamb

14 K uwaasu waxay la diriri doonaan Wanka, oo Wankuna wuu ka adkaan doonaa, maxaa yeelay, isagu waa Sayidka sayidyada iyo Boqorka boqorrada; oo haddana kuwa isaga la jira waa kuwa loo yeedhay, oo la doortay, oo aaminiinta ah.

These will wage war against the Lamb, and the Lamb will overcome them, because He is Lord of lords and King of kings, and those who are with Him are the called and chosen and faithful.”

15 M arkaasay waxay igu tidhi, Biyihii aad aragtay oo ay dhilladu ku dul fadhiday waxa weeyaan dadad iyo maqluuqyo iyo quruumo iyo afaf.

And he said to me, “The waters which you saw where the harlot sits, are peoples and multitudes and nations and tongues.

16 O o tobankii gees oo aad aragtay iyo bahalkii waxay nebcaan doonaan dhillada, oo iyada way bi'in doonaan oo qaawin doonaan, oo hilibkeedana way cuni doonaan, oo kulligeedna waxay ku gubi doonaan dab.

And the ten horns which you saw, and the beast, these will hate the harlot and will make her desolate and naked, and will eat her flesh and will burn her up with fire.

17 W aayo, Ilaah wuxuu qalbigooda geliyey inay yeelaan fikirkiisa, oo ay isku maan ahaadaan, oo ay boqortooyadooda bahalka siiyaan ilamaa erayada Ilaah ay kaamil noqdaan.

For God has put it in their hearts to execute His purpose by having a common purpose, and by giving their kingdom to the beast, until the words of God will be fulfilled.

18 O o naagtii aad aragtayna waxa weeye magaalada weyn oo u talisa boqorrada dhulka.

The woman whom you saw is the great city, which reigns over the kings of the earth.”