1 H addaba Fashxuur ina Immeer oo ahaa wadaadkii iyo taliyihii sare ee guriga Rabbiga ayaa maqlay Yeremyaah oo waxyaalahaas sii sheegaya.
When Pashhur the priest, the son of Immer, who was chief officer in the house of the Lord, heard Jeremiah prophesying these things,
2 M arkaasaa Fashxuur garaacay Yeremyaah, oo wuxuu geliyey jeebbooyinkii ku yiil iridda sare oo reer Benyaamiin, oo ku tiil guriga Rabbiga.
Pashhur had Jeremiah the prophet beaten and put him in the stocks that were at the upper Benjamin Gate, which was by the house of the Lord.
3 O o maalintii dambe Fashxuur ayaa Yeremyaah jeebbooyinkii ka soo bixiyey. Markaasaa Yeremyaah isagii ku yidhi, Rabbigu magacaaga uguma yeedhin Fashxuur, laakiinse wuxuu kugu magacaabay Maagoor Misaabiib.
On the next day, when Pashhur released Jeremiah from the stocks, Jeremiah said to him, “Pashhur is not the name the Lord has called you, but rather Magor-missabib.
4 W aayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan cabsi kaaga dhigi doonaa nafsaddaada iyo saaxiibbadaa oo dhanba. Iyana waxay ku dhiman doonaan seefta cadaawayaashooda, oo indhahaaguna taas bay arki doonaan. Oo dadka dalka Yahuudah oo dhanna waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuxuu iyaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysan doonaa ilaa Baabuloon, oo seef buu ku layn doonaa.
For thus says the Lord, ‘Behold, I am going to make you a terror to yourself and to all your friends; and while your eyes look on, they will fall by the sword of their enemies. So I will give over all Judah to the hand of the king of Babylon, and he will carry them away as exiles to Babylon and will slay them with the sword.
5 O o weliba magaaladan maalkeeda oo dhan, iyo waxyaalihii ay ku hawshootay oo dhan, iyo waxyaalaheeda qaaliga ah oo dhan, iyo khasnadaha boqorrada dalka Yahuudah oo dhanba, waxaan u gacangelin doonaa cadaawayaashooda, oo iyana way boobi doonaan, oo intay kaxaystaan ayay Baabuloon wareejin doonaan.
I will also give over all the wealth of this city, all its produce and all its costly things; even all the treasures of the kings of Judah I will give over to the hand of their enemies, and they will plunder them, take them away and bring them to Babylon.
6 F ashxuurow, adiga iyo inta gurigaaga deggan oo dhanba maxaabiis ahaan baa laydiin wada kaxaysan doonaa, oo waxaad tegi doontaa Baabuloon, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo halkaasaa lagugu xabaali doonaa, adiga, iyo saaxiibbadaadii aad wax been ah u sii sheegi jirtay oo dhanba. Calaacalkii Yeremyaah
And you, Pashhur, and all who live in your house will go into captivity; and you will enter Babylon, and there you will die and there you will be buried, you and all your friends to whom you have falsely prophesied.’” Jeremiah’s Complaint
7 R abbiyow, waad i khiyaanaysay, oo waa lay khiyaaneeyey, adigu waad iga xoog badan tahay, oo waad iga adkaatay. Maalin kasta waa laygu qoslaa, oo mid kastaaba waa i yaraystaa.
O Lord, You have deceived me and I was deceived; You have overcome me and prevailed. I have become a laughingstock all day long; Everyone mocks me.
8 W aayo, mar alla markaan hadlaba waan qayliyaa, oo waxaan ku dhawaaqaa, Waa dulmi iyo kharribaad, maxaa yeelay, eraygii Rabbigu wuxuu ii noqday sabab ay maalinta oo dhan igu caayaan oo iigu qoslaan.
For each time I speak, I cry aloud; I proclaim violence and destruction, Because for me the word of the Lord has resulted In reproach and derision all day long.
9 O o haddaan idhaahdo, Isaga ka hadli maayo, oo mar dambe magiciisa wax ku sheegi maayo, waxaa qalbigayga ku jira wax dab ololaya la moodo oo lafahayga ku dheggan, oo waxaan la daalay hadalka.
But if I say, “I will not remember Him Or speak anymore in His name,” Then in my heart it becomes like a burning fire Shut up in my bones; And I am weary of holding it in, And I cannot endure it.
10 W aayo, waxaan maqlay kuwa badan oo i caayaya, iyo cabsi dhan kasta iga wareegsan. Oo waxay yidhaahdaan, Soo ashtakeeya oo annana waannu ashtakaynaynaa. Kuwii ila nabad ahaa oo dhammu waxay sugayaan dhiciddayda, oo waxay yidhaahdaan, Mindhaa isaga waa la khiyaanayn doonaa, oo waannu ka adkaan doonnaa, oo waannu aargudan doonnaa.
For I have heard the whispering of many, “ Terror on every side! Denounce him; yes, let us denounce him!” All my trusted friends, Watching for my fall, say: “Perhaps he will be deceived, so that we may prevail against him And take our revenge on him.”
11 L aakiinse Rabbigu waa ila jiraa isagoo ah sidii mid xoog badan oo cabsi leh, oo sidaas daraaddeed kuwa i silciyaa way turunturoon doonaan, oo igama ay adkaan doonaan. Ma ay liibaanin oo taas daraaddeed aad iyo aad bay ugu ceeboobi doonaan ceeb weligeed ah oo aan marnaba la illoobi doonin.
But the Lord is with me like a dread champion; Therefore my persecutors will stumble and not prevail. They will be utterly ashamed, because they have failed, With an everlasting disgrace that will not be forgotten.
12 L aakiinse Rabbiga ciidammadow, waxaad tahay kan kii xaqa ah imtixaama, oo waxaad fiirisaa kelyaha iyo qalbigaba, haddaba bal i tus aargudashadaada oo iyaga ku kor dhacaysa, waayo, adigaan dacwadaydii ku soo bandhigay.
Yet, O Lord of hosts, You who test the righteous, Who see the mind and the heart; Let me see Your vengeance on them; For to You I have set forth my cause.
13 R abbiga u gabya, oo Rabbiga ammaana, waayo, isagaa naftii miskiinka ka samatabbixiyey gacantii xumaanfalayaasha.
Sing to the Lord, praise the Lord! For He has delivered the soul of the needy one From the hand of evildoers.
14 H a inkaarnaato maalintii aan dhashay, oo maalintii hooyaday i dhashayna yaanay barakoobin.
Cursed be the day when I was born; Let the day not be blessed when my mother bore me!
15 H a inkaarnaado ninkii aabbahay u bishaareeyey, oo isagoo ka farxinaya ku yidhi, Wiil baa kuu dhashay!
Cursed be the man who brought the news To my father, saying, “A baby boy has been born to you!” And made him very happy.
16 O o ninkaasu ha noqdo sidii magaalooyinkii Rabbigu afgembiyey oo uusan u qoomamoon. Oo aroortii oohin ha maqlo, oo hadhkiina qaylo digtooneed ha maqlo,
But let that man be like the cities Which the Lord overthrew without relenting, And let him hear an outcry in the morning And a shout of alarm at noon;
17 m axaa yeelay, isagu iguma dhex dilin uurkii hooyaday, si ay hooyaday igu ahaato qabrigaygii, oo uu uurkeeduna u weynaado weligiisba.
Because he did not kill me before birth, So that my mother would have been my grave, And her womb ever pregnant.
18 B al maxaan uurkii hooyaday uga soo baxay si aan hawl iyo murug u arko, oo uu cimrigaygu ceeb ugu dhammaado?
Why did I ever come forth from the womb To look on trouble and sorrow, So that my days have been spent in shame?